SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Xooluhu (Xildhibaannada) ma la Xisaabtami Karaan Dhaqtar Xoolaad 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed ha ahaato. 

Alloow yaa naga aamusiya xildhibaan-ku-sheegga! War miyaan dadka Soomaaliyeed xishoon? Shalay dalka iyagaa Tigree soo gashay, welina Tigreegii waa joogaa. Meeday xukuumadda Geeddi xukumo? Sheekada xil-ma-dhibaannadu wadaan waxaa fahmikara carruurta yaryar. Marka labo arrimood baa ugu wacan baan filayaa qeylada:

  1. xoogaagii oo la waayey
  2. iyo cid xoolaha soo didineysa oo Geeddi ku direysa

Waxaan filayaa in xildhibaannadu waayeen xoogaagii ama dano kale ooy filayeen marka waxa isku maaweelinayaan heesihii hooyooyinku ciyaalka ku seexin jireen markii la waayo wax dabka loo saaro. Waxaan xasuustaa iyadoo naloo qaado: 

  • ma aabbaa kaa socdaalay socdaaloo socod ku raagay
  • ma reerkii baa hayaamay hayaamo hadal ka weyday
  • ma naaskii galfoofay golfoofoo godol ka weyday

Ogaantay, Geeddi waa looga sarreeyaa Xamar oo Janan Tigree iyo Korneylkaa kaga lahaa. Sidoo kalana meesha Meles  Zenawi baa Soomaaliya oo dhan u sarreeya. Marka sida carruurta loogu heesayey, ma aha Geeddi ninka la rabo iney xildhibaannadu la xisaabtamaan. Waa sidii horay loo soo qoray oo kale: “nin la leeyahay muxuu leeyahay”. 

Xoolo badan baa isku dayey iney dhaqtarka hardiyaan ama haraatiyaan laakiin haddee haraati ari awal beysan Geeddi wax ka qaaddeen, wax ishkin ahina meesha ma joogaan. Hadday joogeenna waa iskaga huleeleen. Marka intaas oo jeer bey damceen iney Geeddi meesha ka ceyrsadaan laakiin u suurtoobiweyday. Marka hadday xildhibaannadu cid la xisaabtami karaan maxay jananka iyo korneylka u fiirin waayeen? 

Dhaqtarku inuu xoolaha ka caqli badan yahay waxaa kuu caddeynaya mar kasta oo xaalladu ku wareerto ma aaddo Warsheekh ama Caliyaalo ama Xamar oo uu ka soo jeedo ee wuxuu aadaa Addis Ababa halka xooluhu aadaan meeshii ay biyaha ka cabbi jireen ama daaqi jireen. Marka ma Geeddi baa xoolaa mise kuwo kale? 

Tan kale waxaan filayaa cid is lahayd Geeddi usha waa ka qaadan kartaan iney markey arkeen in arrintu sidaas ahayn laakiin uu isagu Xamar isku duwday isagoo adeegsanaya rag Ashahaado-la-dirirka ah iyo kuwa kale ayaa la is yiri: war ushii nin khalad ah baan u dhiibannay. Marka maaddaama toos loo soo aadiwaayey waxaa la is yiri bal dhanka xoolaha halaga soo maro. Waxaa la is leeyahay xooluhu markey didaan waxay sameeyaan qeylo sidoo kalana  waxay kiciyaan boor, marka waxaa la isleeyahay boorkaas iyo qeyladaas ha gaarto shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka. 

Xoolaha xildhibaannada sheeganaya ma aha kuwii bannaanka soo daaqijiray ee waa kuwo rabbaayad ah oo caws loo dhigay meel (galay ku heysta bakhaar galley). Marka xoolaha iska xiran waa ka khibrad yar yihiin kuwo duurka loo diro oo la kulma daaq iyo dugaag labadaba. Haddii xoolo bannaan daaqayaa uu weer ama dawaco soo weerarto waxaa dhici karta in ay dhinacyo kala duwan u kala cararaan oo mid ama labo wax ka gaaraan inta qofkii raacayey soo gaarayo. Laakiin haddii kuwo meel ku xiran uu usoo galo dugaag waxaa yar fursad uu qofkii lahaa kusoo gaaro. Marka xoolaha Baydhabo ku xareysan waxaa horay u dilooday Xabashi oo Xamar iyo Baydhababa joogta marka cabaadka ka baxaya micno ma leh. 

Marka waxaan ku talinlahaa idaacadaha meelaha ka furan ineysan eegin dantooda oo ah iney shacabka u helaan wax iska ciyaya si loo dhegeysto laakiin waa ku khaldanyihiin in kuwa ku xareysan Baydhabo ay shacabka uga dhigaan xildhibaanno. Marka hadda Geeddi bey joogtaa laakiin waxaa dhicikarta in la arko iyagoo Tigreega ku leh: kaalaya naga qabta macallimiinta Qur’aanka u dhigaya carruurta ama iimaamyada masaajiyadda waan ka seexanweynay subaxiiye. Micnuhu waa: waxaa na dhibaya aadaanka salaadda subax.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Haddii Go’aankii Bakhaarka Galayda Lagu Gaaray uu ahaa: Xabashi Hasoo Gasho Waddanka, Muxuu Noqonayaa Kan Garaashka Gaadiidka Kasoo Bixikara Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com