SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Haddii Go’aankii  Bakhaarka Galayda Lagu Gaaray uu ahaa: Xabashi Hasoo Gasho Waddanka, Muxuu Noqonayaa Kan Garaashka Gaadiidka Kasoo Bixikara 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Fadhigii bakhaarkii gallayda ee Baydhabo waxaa looga gollahaa in Xabashi waddanka soo gasho. Dadka maangaabka ah waxaa loogu sheekeeyey: waxaa la heshiisiinayaa labadii garab ee baarlammaanku u kala jabnaa. Haddaad dib u fiirisid bishii Febraayo iyo bilihii ku xigay ee sanadkii 2006-da waxaad arkeysay dad badan oo u hambalyeynayey isku-keenidda labadii garab ee baarlammaan-ku-sheeggu u kala jabnaayeen. Dadkii khiyaamadaas wax ka geystay qaarkood maanta waa mucaarad waddaniyiin ah. Kuwo ka mid ah baa magaalada London waxay rabaan iney ku shiriyaan dadka ka damqanaya geyiga iyo dadka Soomaaliyeed! Haddaad rabto dheh, qof kasta oo qabiilkaaga ah waa waddani ama markaad weydid waxaad rabtay. Sidoo kale maalmahaan waxaan arkeynaa hambalyooyin kale oo ku wajahan shirka lagu qabanayo garaashka gaadiidka. Heshiis ama dib-u-heshiisiin waxay martay waddadii Soomaalidu marisay Soomaaliyeey toosoo. Weligaa ma islahayd: Tigree oo dalka heysta baa Soomaaliyeey toosoo lagu horqaadayaa? Indho adkinaa! 

Rumeyso ama ha rumeysan, cuntada iyo gaadiidku micno ayey dadka Soomaaliyeed iyo waliba sidaan filayo caalamkoo dhan ugu fadhiyaan. Cuntada waxaa Soomaalidu u soo qaadataa markii cadow gam kaa dhigo oo ku baa’bi’iyo. Aan idin xasuusiyo sheekadii ninkii isagoo gaajeysan ay soddohdii siisay caano garoor ah. Kaddib markuu caanihii dhammeystay ayaa loo dhibgeliyey inuu cabbo waxaa ku dheggan dhiisha. Si uu garoorka ku dhegay dhiisha uga fujiyo ayuu uga sheekeeyey dagaal isagoo leh: soddoh, inta nala gilgilay oo nala gun dhabay baa afka nala ku gaacsaday. Isagoo dhiisha ruxaya oo dhulka salka ugu garaacaya si caanuhu uga soo go’aan dhiisha buu afka ku shubtay. Nin gabyaa ah baa isna lahaa: 

  • canyayuub ma diidiyo berduhu inaad cantuugtaaye
  • curgug iyo biseylkaba haddaad calalisoo ruugto
  • casar iyo dharaar kaad rabtaad labo canleysaaye

Caanaha waxaa loo soo qaataa markii lagaa awood iyo tiro bato laakiin aadan adigu khalad kale sameyn. Inta badan bardaha waxaa loo soo qaataa qofka cawaanka ah sida Soomaalida ee isagu shililka is dhiga. Imisa suugaan Soomaaliyeed baa lagu cabbiray cuntada iyo caanaha? Ha iloobina: cadkaanoow ku cunay ama ku ciideeyey. Marka bakhaarka galleyda wuxuu u taagnaa cunto iyo in Soomaalida sidii cuntadii loo cuno. Dabcan wey dhacday. 

Garaashka gaadiidka maxaa ka soo bixi kara? Runtii belo sheeg ha ii arkina laakiin innagoon dhalan baa Soomaalida iyo adduunkuba tusaalooyinkaas baxsheen. Rukuub ama gaadiid waxaa loo soo qaataa gumeysi. Marka waxaan filayaa in shirka gaaddiidka uu kasoo baxayo sidii Soomaali loo gumeysan lahaa loona gumeyn lahaa. Suugaanta sheegeysa in rakuubka loo isticmaalo gumeysi ma yartahay? Gabeygii Sayidku mee? 

  • marka xiga dabkuu idin ka dhigin dumar sidiisiiye
  • marka xiga dushuu idin ka raran sida dameeraade

Waxaynu oran jirnay:

  • dameer aan ku taagnahay anaan murankii dooneyne

Hubka intiisii baynayd Xabashidu waa ka aruursatay Xamar. Hadda waxayba ku jiraan bililiqo iyo markey mariso Bakaaraha in dalka iyo dadku galo gumeysi dhab ah. Dhaqaalo haddii la waayo oo baahidu badato waxaa soo badanaya caadoqaatayaasha. Dad markii hore qab u dhashay ayaa loo dhib galinayaa iney noqdaan ruufyaanno iyo iney dadka soo jaajuusaan. 

Hadda, dadkii Soomaaliyeed waxaa cadowga u gardaduubay Ashahaado-la-dirir iyo kuwii bad iyo berriba sumeeyey. Marka  Zenawi inta ducada kiristaanka akhristo isagoo nabi Ciise (CS) u mahadinaya ayuu dadka Soomaaliyeed rakuub ka dhiganayaa. 

Marka aan maqlo dad is weydiinaya waxa shirkaas ka soo baxaya waxaan soo xasuustaa su’aal la weydiiyey nabaddoonkii Yuhuudda ee khiyaanada sameeyey dagaalkii Khandaq. Markii meel la isagu keenay raggii gaashaanqaadka Yuhuudda ahaa ee la dili lahaa ayaa iyadoo nimankii Yuhuudda dhowr dhowr loola baxayo oo loo wado meeshii lagu soo dili lahaa ayaa mid ka mid ah dadkii ku dhowaa nabaddoonka wuxuu nabaddoonkii weydiiyey: maxaad u maleyneysaa in Muxamed (SCW) nagu falayo? Nabaddoonkii wuxuu yiri: war miyeydaan meel kasta ood joogtaan caqli yeelaneyn? Miyaadan u jeedin in ninkii la idin ka wadaaba uusan dib u soo noqoneyn? Asxaabta nabiguna (SCW) aysan ka daaleyn in hadba intey idiin soo galaan iney rag idin kala baxaan! Nabaddoonkii wuxuu yiri: dhegtaa dhiigga la isu darayaa ee qof kastoow saas ula soco. Marka waxey ila tahay ineysan Soomaali caqli yeelaneyn haddeyba kheyr uga fadhido Meles Zenawi, Ashahaado-la-diri iyo bad iyo berri-sumeeyayaal. 

Mar haddaan aragnay go’aamadii ka soo baxay goobtii galleyda (Bakhaarkii wasaaradda beeraha ee Baydhabo) sidoo kalana la qiyaasi karo waxa kasoo bixi kara garaashka gaaddiidka waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in ay dhicikarto in shirka dambe ee la leeyahay waxaa loo qabanayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed marka laga faroxasho kan gaadiidka lagu qabanyo ee dadka lagu gumeynayo in lagu qabandoono kawaanka xoolaha. Marka sida cuntada (Bakhaarkii ADC) iyo rukuubkuba (garaashka gaadiidka) micno u leeyihiin ayaa kawaankuna micno u leeyahay. Marka qofkaan ka baqeyn qalabka kawaanka yaaloow tag meeshaas. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Meles: Ma Ogtihiin Magaalada Muqdisheynu Joognaa... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com