SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Ashahaada la dirirka iyo shacabka Soomaaliyeed maxaa kala haysta

C/laahi Max'ed Faarax

Email: alhiiraani@hotmail.com

Faafin SomaliTalk: July 12, 2007


Eray bixintaan ayaa ah mid   ku cusub sanadahaan danbe dalka Soomaaliya,hadaba su’aasha la is waydiin karo ayaa waxay tahay maxay yihiin Ashahaada la dirku?

Waa Urur ka kooban calooshooda u shaqeystayaal aan diin aaminsaneyn,isla markaasna quudkoodu yahay in ay  ugaarsadaan culumada islaamka iyo cid kasta oo ay ku tuhmaan diin ama ay ka muuqato astaan diimeed.

Waa koox damiir laawayaal ah oo ay ka idlaatay  dareenka bini aadamino,waxayna ka kooban yihiin dadka loogu neceb yahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Ururkaan ashahaada la dirirku waxa  uu soo shaac baxay markii uu dhacay qaraxyadii maraykanka,taas oo dowlada maraykanku ay ka sameysay daafaha caalamka  ururo ama dowlado kala shaqeeya la dagaalanka diinta islaamka meel kastana ku ugaarsada  culumada iyo ducaada caanka ku ah fidinta islaamka.

Soomaaliya markii ugu horeysay ururkaan ashahaada la dirirka waxa uu ka bilowday gobolada  Puntland iyo Somaliland oo iyagu si habsami leh u fuliyey  barnaamijkaan la dagaalanka islaamka.

Maamul goboleedka puntland  si cad ayuu uga qayb qaatay iyada oo ay fulineysay hay’adaha sirdoonka ee maamulkaas.

Hay’ada loo yaqaan PIS (puntland intellegence service) ayaa waxa ay ka fulisay goboloda Puntalnd  in ay ugaarsato culumada iyada   oo taageero balaaran ka heleysa  dowlada maraykanka,

Hay’adaan ayaa ilaa hada waxa ay wadaa ugaarsiga dadka islaamka ah.


C/risaaq Afgaduud, Maxamed Cali Gaagaab, C/rashiid Cali Dhuubane

Ragga ugu caansan ayaa waxa ka mid ah hogaamiyaha kooxda imbagaati iyo calooshooda u shaqeysataayal kale oo ay ka mid yihiin, Saciid dayaana , C/risaaq Af gaduud , Maxed  Cali Yuusuf  Gaagaab, C/rashiid Dhuubane, Maxamed Aadan Bidaar iyo Faarax Aadan Siyaad(Faarax Goobo).

Ragan ayaa sababay in ay galaaftaan culumo aad u fara badan kuwo kalena ay gacanta u galiyaan cidamada itoobiya

ilaa hadana waxan la ogeyn meel ay ku danbeeyeen boqolaal muwaadiniin soomaaliyeed oo laga qabtay deegaamada bandiiradley markii ay ciidamada cadowga itoobiya ay weerar gardaro ah ku soo qaadeen gudaha Soomalaiya.

Dadkaan ayaa lagu daabulay diyaradaha dagalaka itoobiya iyaga oo ka helayey gacan buuxda  raga aan kor kusoo xusnay,waxayna ahayd bilo ka hor markii habeenimo loo gacan galiyey nin lagu magacaabo C/xamiid Max’uud Ismaaciil oo diyaarad eylakobtor ah looga qaaday gegida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Falkaan oo dhaliyey buuq badan ayaa waxaa si toos ah u qirtay in uu ka danbeeyey Godoomiyaha gobolka Mudud C/rashiid Dhuubane,waxana iyana jirta in maamulka Somaliland uusan ka yareysan kan puntland iyaga oo ka siman labada maamul la dagaalan diinta islaamka iyaga oo uga raadsanaya waashinton iyo Addis Ababa  raali ahaansho

Waxa ay wada ogsoonyihin umada soomaliaya oo dhan xariga gardarada ee ka fog bini aadinimada ee loo gaystay Sh Max’ed Ismaaciil oo ilaa hada lagu jir dilo xabsiyada  Somaliland iyada  oo lagu eedeeyey shiikha in uu wax ka sheegay itoobiya iyo maraykanka oo kaliya.

Ashaahada la dirka ayaa waxa uu u soo talaabay dhanka Muqdisho iyada oo  looga dhawaaqay urur la magac baxay la dagaalanka argagaxisada,ururkaan ayaa waxaa lagu mideeyey dagaal oogayaashii muqdisho ee kala daadsanaa waxa ay ku bixisay dowlada maraykanku dhaqaale fara badan si ay ula dagaalamaan islaamka.

Tan ayaa waxay horseeday in ay kacaan shacabkii ku noolaa magaalada  isla markaasna laga saaro Muqdisho

Ugu danbeyntii waxaa guluf coladeed oo xoog badan ku soo qaaday ciidamada macatab ku dirirka ee itobiya oo kaashanaya  dowlada maraykanka.

Laga soo bilaabo waqtigaas  waxaa ka socda Magaalada Muqdisho si  is daba joog ah  xasuuq iyo tir tirid ay wadaan kooxda imbagaati iyo ciidamada itoobiya iyada oo ay bartilmaameedsanayaan goobaha muqadaska ah sida masaajida iyo dugsiyada qur’aanka,isla markaasna xabsiyada u taxaabaya cid kasta oo lagu tuhmo  diinta islaamka,kuwaasoo loo dhaadhiciyo xabsiyada qarsoon ee ku yaal gudaha Itoobiya,kaasoo uu furtay Mareykanka oo u dhardhigtay inuu la dagaalamo Diinta Islaamka.

Barya  ka hor ayey ahayd markii  in ka badan 100 qof lagala baxay masjidka Abuu Hureyra ,waxaana ka horeysay in dad badan lagala baxay xaruntii culumada tabliiqa ee Ah hidaaya,maantana oo ugu danbeysay waxaa laga kaxaystay in ka badan 80 qof masjidkii Bangaariyo ee  buula xuubeey.


Isha sawirka Beerdhiga

Waxaa kaloo iyana aan ka bad baadin gabdhaha muslimadka ah ee iyagu u hogaansamay in ay korkooda ku daboolaan xijaabka sidii allaah uu amray waxa maalin kasta lagu dilaa laguna jirdilaa xijaabka

Tan ayaa ah mid ay waajib ku tahay cid kasta oo muslima in ay ka dhiidhiyaan,ayna ka hortagaan looguna diyaar garoobo dagaal dheer oo lagu difaacayo diinta iyo culumada islaamka.

C/laahi Max'ed Faarax
Email: alhiiraani@hotmail.com
 

Gari labo Qof kama wada Qosliso

Soomaali oo noqotay looma  ooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com