SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Meles: Ma Ogtihiin Magaalada Muqdisheynu Joognaa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sida aynu ognahay waxaa Xamar joogijiray Meles Zenawi. Waxaan filayaa inuu aad u jecelyahay hees ay Hibo Maxamed iyo Waaberi isu celcelin jireen. Hibo waxay qaadday: 

  • ma ogtihiin magaalada Muqdisheynu joognaa
  • sida maanta ay tahay
  • marka aan miliilico
  • muusoodayeey
  • muraaqaa i qabatoo
  • muusoodayeey

Nimankii Waaberi baa u jiibiniya iyagoo leh: 

  • maxaad la yaabtay maanta?
  • maxaad la yaabtay maanta?

Waxay tiri: 

  • jidka Hodan ka muuqdee
  • Maka loogu magacdaray
  • mid kalee ka beyree
  • milateriga dhinac mara
  • kala-beyrka meeshaa
  • beerta muuqa dheeree
  • bisha Meey shaqaalaha
  • magaciisa lagu dhigay
  • ma miliilicdeen weli hooy
  • mana jiriracooteen?

Waxay fannaaniintu ku jiibiyeen: 

  • haa mabda’ mabda’ mabda’ towraddeenna
  • micnihiisa weeyaan!

Meelihii Hibo Maxamed iyo Waaberi akhrinayeen oo dhan waxaa ka soo jeeda oo deggen maxeysatada Tigreega. Marka haddii qof qosol hayo waa Zenawi iyo masaakiinta u adeega een macno badan lahayn. 

Qoraalkan waxaa igu khasbay markaan subixii Khamiista (05/07/07) ka akhriyey bog laga leeyahay Puntland cinwaan ah: ciidamada Itoobiya ma cadow baa? Maaddaama in ka badan 500 oo sano uu tartan ka dhaxeeyey muslimiinta Soomaalida iyo kiristaanka Itoobiya ayaan is iri waa qof ka sheekeynaya taariikh foge bal isha mari. Sida fannaaniintu Hibo u lahaayeen maxaad la yaabtay maanta Bal aan ninkaasna weydiinno wuxuu uga maqsuuday Itoobiya oo ku kallifay inuu yiraahdo cadow nooma aha:

  1. iyadoo xagaayo badan ay Xamar ka da’ayso buu ku soo baxay askar Itoobiyaan ah oo waardiye ka ah sar dheer oo ku taal isgoys ka mid ah kuwa Xamar. Wuxuu yiri askartii baa ii yeertay, isna inta shaatiga kor u qaaday buu tusay inuusan wax qarxa wadan dabadeedna Tigreegii inta ii mahad cesheen bey dhaheen ka soo jirso roobka. Sidoo kale haweeney uur leh bey roobka ka jirsiiyeen
  1. askartii oo isaga iyo haweeneydaas siiyey buskud
  1. nin gaari dameer buuxa wata bey askartii ka caawiyeen in dameerku koro meel dalcad ah

Ilaah baan idin ku dhaarshee, ma aragteen qoraal noocaas ah? Waxaan orankaraa waa sheekadii iigu yaab badneyd ee isoo marta. Bal ka warrama caqliga ninka leh guryihii shacabka Soomaaliyeed dhisteen ama kuwii lagu dhisay canshuurta laga qaado gaari-dameerkii uu ka sheekeeneyey baa Xabashi ku ammaanaya iney dhaheen kaalay oo roobka ka jirso! Waa nin gurigiisii iyo reer kiisa looga adeegayo! Maxaa ka calool-xumo badan adoo baqdin Xabashiyeed darteed la feyta shaatigaaga oo calooshaada iyo xudduntaada muujinaya? Buskud la siiyey darteed buu go’aan ku gaaray in ciidanka Xabashidu aysan cadow ahayn!  

Waxaa igala caqli badnaa nin reer miyi ahaa oo sanado badan ag fariistay sheekh diinta iyo xaddiisyada ku xeeldheeraa oo la oran jiray Sufyaan Binu Cuyeynaha (RC). Markii ninkii reer miyiga ahaa uu ku noqonayey dhulkiisii ayaa sheekhii weydiiyey bal xaddiisyadii ugu cajiib badnaa intuu sheekha xerta u ahaa? Ninkii reer miyiga ahaa baa yiri waxaa iila cajiib badnaa seddex xaddiis: 

  1. haddii raashinka la soo dhigo, salaaddana la aqiimo ku bilaaba cuntada
  2. Nabigu (SCW) inuu macmacaanka jeclaa
  3. in cuntada labo qof loogu talogalay ay seddex qof ku filantahay

Ogoow, cunto-jacayl kaligeed dhib ma leh haddaadan meel daran u marin laakiin waxaanan taariikhda arag cid sida qofkaas cadow u ammaanaya. Marka maqaalka uma soo qorin qosol qosol ee waxaan rabaa inaan idin tuso halka dadkeennii la marsiiyey ilaa taariikhdii iyo dagaalladii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya uu rabo inuu nagu iloowsiiyo roob laga jirsiiyey ama buskud la siiyey! War wuxu miyuusan arag inta ay masaajid kabaha la galeen oo ay rag ku tukanayey kala baxeen? Inta haweeney uur leh, carruur iyo odayaal ay dileen? Inta ay dumar kufsadeen? Waxaan aamminsanahay ineysan waxba ka jirin sheeka xariirta uu sheegayo laakiin wuxuu na tusay sida uu diyaar ugu yahay inuu na jecleysiiyo Tigreega. Kaaga darane, waxaan filayaa inuu ku jiro qolayaha sheegta suxufiyiin! Waxaa igala yaab badan kuwa boggoodda internetka ku soo qoraya waxaas oo kale. Marka qofkii damariir iyo dadnimo ku hartoow, ka kac meesha oo u istaag inaad dalkaaga iyo dadkaaga xoreyso. 

Marka waa masiibo, iyadoo Tigree ay Muqdisho iyo Soomaaliya oo dhan heysato, in nini yiraahdo: Xabashi baa buskud i siisay sidaas darteedna waa dad u yimid iney na badbaadshaan. Cadowna nooma aha. Marka waa inaan dadkaas maangaabka ah afka qabanno haddii kale berri bey wax ka sii daran ku hadlayaan. Isla markaas uu Xabashida ammaanayo, wuxuu caayey shacabka la jihaadaya Xabashida, isagoo leh: waa argagixiso. Marka bal qoraalkaas ka furta ninkaxa hoose. Haddey tirtiraanna waxaan idiin ku keydiinayaa meel si qofkii rabaa uu u akhriyo waxa qofkaasi qoray. [EEG HALKAN.... ]

Afeef: Aragtida qoraaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

1-da Luuliyo Qaddarinaye; Iyadu wax ma noo Qaban Kartaa: Waxaan dhashay iyadoo la weyneeyo Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com