Wararka Puntland::
Jul 2, 2007
-
Garowe: Cade
Muuse oo si cad oo bareer ah u rartay biro scrab ah oo yaalay xerada
Booliska Garowe mar uu halkaasi u tagay in uu booliska u khudbadeeyo.
-
Garowe:
Ciidamada Daraawiishta DGPL oo ka gadooday in ay aadaan muqdisho
-
Garowe: Qiima
dhimistii uu Cade Muuse ku dhawaaqay oo noqotay hal bacaad lagu lisay
Garowe: Cade Muuse oo
si cad oo bareer ah u rartay biro scrab ah oo yaalay xerada Booliska Garowe mar
uu halkaasi u tagay in uu booliska u khudbadeeyo.
Madaxwaynaha DGPl Gen: Cade Muuse ayaa sabditii [June 30, 2007] booqasho ku
tagay xerada Booliska Garowe halkaasi oo uu khudbad ka jeedinlahaa madaxwaynuhu
hase ahaatee isku badashay khudbadii uu rabay in uu madaxwaynuhu jeediyo dhako
kale.
Madaxwaynaha ayaa isugu yeeray dhamaan Ciidanka Booliska qaybtiisa Garowe si ay
xaadir ugu noqdaan xerada isla markaana uu madaxwaynuhu rabay in uu Ciidanka
kala hadlo dhanka amaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa iyo waliba bixinta
mushahaarooyinka mudada dheer ka maqan ciidamada.
Ugu horaynaba madaxwaynuhu markii uu soo galay xeradii ayuu markiiba hadalo loo
arkay gaf ah u jeediyay Ciidamdii halkaasi diyaarka ku ahaa waxana uu yiri
idinka ma mudnayn in aan idiin imaado, dhibka dhacaya idinka ayaa ka mas'uul ah,
waxna kama qabadaan,Hadii danbiile halkaas maro ma qaban kartaan, tuug ma
raadinkartaan, iyo hadlo kale.
Hase ahaatee dood dheer iyo falaaaqayn kadib ayuu madaxwaynuhu farta ku fiiqay
Biro isugu jira kuwo duugoowbay oo ay baaba'een baabuurtii kuwaasi oo ay lahayd
ama ay ka tagtay Dawladii hore ee Somalia ilaa shalayna yaalay xerada oo aan
cidina hunguriyayn ahaana kuwo meel banaan iska yaalay oo xerada dhexdeeda ah,
Markii uu madaxwaynuhu Ciidankii waydiiyay waxa ay yihiin birahakani ayaa loogu
jawaabay in ay yihiin Biro ay lahayd dawladii hore waxana uu yiri waaba hanti
meel iska taalee hala qaado oo meesha halaga nadiifiyo.
Hadalba kama danbayn isla daqiiqadii ayaa waxaa soo galay xeradii baabuur wiish
ah iyo kuwo kale oo ah iska rogooyin kuwaasi oo dhamaan daabulay birihii
kharaabka ahaa ee meesha yaalay.
Si kastaba xaalufinta degaanka ee ay ku kacayso Dawlada uu madaxwada ka yahay
Cade Muuse ayaa hadana waxay u soo dhigatay rarida biraha kharaabka ah horary
ayay muran wayni uga taagnaa dhagaxan la raro, sidoo kale waxaa jira muranka la
xiriira xoolaha, iyo xaalufka lagu hayo Biyaha Badda oo ah mid taagan oo aan
dhamaad laahayn.
Garowe: Qiima dhimistii uu Cade Muuse ku
dhawaaqay oo noqotay hal bacaad lagu lisay
Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa xili Go'an u qabtay in uu ahaan doono
qiimaha sarifka Dollarka deegaanada puntland hal sicir, kaasi oo ay waxba ka soo
naasacadaan waayeen hore ayuuna cade muuse qabtay wakhti kama danbaysa oo ay ku
jaan gooyna doonaan sarifka lacagta qalaad kaasi oo qiimihiisa ay dawladu ku
sheegtay 16 sh.so. ah
Si kastaba waxba kama naasa cadaan hadalkii Cade Muuse waxaana loo qaatay
ruwaayad uu madaxwaynuhu ku hamiyayo ama uu alifay taasi oo ku dhamaatay guul
daro maadaama Go'aankiisii madaxwayne nimo uu noqtay mid ay waxba ka socon
waayeen.
Qiimaha sarifka Lacagta qalaad oo sii siqaya marba marka ka danbaysa ayaysan
hadana jirin cid wax ka qabatay ilaa iyo xiligan dad badan oo dan yar ah ayaan
awoodin in ay helaan waxyaabaha noloshooda muhiimka u ah maadaama aysan kaafin
karin noloshooda.
Qiimaha sarifka ayaa isu taagay laba milyan oo xiran waxaana hawada galay ama
kor u kacay qiimihii lakala siisan jiray raashinka mana jirto ilaa iyo hada cid
isku dayday in ay arimahaasi wax ka qabtaan dadbadan oo ku dhaqan deegaanda
Puntland ayaa cabsi wayn ka muujinaya sicir bararkan iyaga oo sheegay in hadii
ay sii socoto kor u kaca raashinak iyo dollarku ay puntland ahaan doonto meel
laga kala hayaamo oo looga safro deegaano kale sida Somaliland oo uusan sarifka
Dollarku ka kicin deegaanadaasi oo ay dawlada halkaasi ak jirtaa ay si wayn u
xakamaysay qiima Go'ana ay u samaysa.
Si kastaba Madaxwayne Cade Muuse ayaa ku fashilmay siyaasadii qiimaha sarifka
dollarka waxaana loo aanaynayaa sare u akcaya ku yimdi in ay dawladu mas'uul ka
tahay maadaama ay dawladu keentay dalka makiinadaha sameeya Lacagaha Falsada ah
kuwasi oo si xawli ah u soo gala suuqyada puntland keenana sixir barar dhaqaale
iyo mid bur burin ah xaga dalka.
Samaynta lacagaha been abuurka ah ayaa ah kuwo ku badan Puntland waxaana lagu
sameeyaan meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Bosaso, Galkacyo,
Qardho, Camro, iyo Garowe.
Xaalka qoysas badan oo reer puntland ah ayay ku adkaan doontaa hadii uu sidan ku
sii kaco qiimaha lakala siisto sarifka dollarka iyada oo aysan jirin xakamayn ka
imaan kartaa dawlada uu madaxda ka yahay Cade Muuse oo u muuqda mid un u
gaarsanaya dollarka oo kalaiya islamarkasina aysan u muuqan masuuliyad darada uu
ku dhaqmayo iyo sida uu Madaxawynuhu u baabi'inayo dalkisa hadii ay dhacdo
barakac wayn oo ku yimaada dadwayaha ayuu Cade Muuse ka gali doonaa dalkiisa
baal mugdi ah isaga oo hada isku haysta hal il tii kalena ay sii dhacayso waxana
uu ahaan doonaa madaxwaynihi ugu horeeyay oo dadkiisa bara kiciya una hayaamiya
dallal kale.
Garowe: Ciidamada Daraawiishta DGPL oo ka
gadooday in ay aadaan muqdisho.
Ciidanka Daraawiishda DGPl oo ah ciidnaka ugu awooda badan ayaa si wayn uga
horyimid heshiiskii ay wada gaareen Madaxda ka socota DFKGS iyo kuwa DGPL kaasi
oo ahaa in ay dawlada Somalia qaadan doonto ilaa 4000 kun oo ciidamo reer
puntladn ah kuwasi oo la gayndoono magalaooyinka Muqsisho iyo Baydhabo.
qaar ka mid ah Ciidamada Daraawiishda kuwooda ugu madaxsan oo nala soo xiriiray
kana gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa sheegay in ay tahay waxba kama
jiraan qoraalada Falsada ah ee ay kala saxiixanayaan waana sida loo sameeyo
lacagaha Falsada ah oo kale ayaa tana qalin falsa ah logu duugay.
Mid ka mid ah Madaxdaasi ayaa qiray in Ciidan ku sugan magalooyinkiisii ooo aan
mudo 8bilood ah wax mushahaar ah qaadan uusan ku haboonayn in hadana la
yirtaahdo meel kale ha loo bakhooliyo.
Si kastaba Ciidamada Daraawiishta DGPL ayay ka muuqataa xanaaq iyo caro ku aadan
in loo duuliyo Muqdisho iyo meelo kale kuwaasi oo ay gabi ahaanab ay si wayn uga
soo horjeedaan.
lama garanayo sababta keentay in uu dhaco heshiis ciidamo loogu geeynayo
Muqdisho iyada oo ay muqdisho ku sugan yihiin ciidamo African ah oo oo Nabad
ilaaliyayaal ah iyo kuwo kale oo Ethiopian ah kuwaasi oo cawinaya ama gacan
siinaya kuwa dawalda Somalia.
Faafin: SomaliTalk.com | Garoowe | July 2, 2007


|