Aqoonyahanada soogalootiga ah oo ka qaxaya
Sweden
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Sanad walba in ka
badan soddon kun oo qof ayaa ka guura wadankan iswiidhan. Saddex meelood oo hal
meel dadkaas waa dad horey usoo galay iswiidhan waxna ku bartay. Waa dad leh
aqoon aad u sareysa ee xagga injineernimada, dhakhtarnimada ama dhaqaalaha.
Waxaa iyana aad u guura aqoonyahanada soogalootiga ah ee sameeya cilmibaarista
kala duwan. Aqoonyahadaan ajaaniibta ahi waxaa ay badankood u qaxaan wadamada
Mareykanka iyo ingiriiska. Halkaas oo qiimeyn aad u sareysa la siiyo aqoonta
sare ee ay dadkaasi wataan. Waxaa kaloo inta badan lagu qaataa mushahar aad uga
sareeya kan ay ka heli karaan Sweden.
Arinkan waxaa aad iyo aad wax uga qoray
mid ka mid ah jooraalada waaweyn ee Iswiidhan kasoo baxa. Joornaalku
waxaa uu wareysi la yeeshay dad ajaaniib ah oo leh aqoon sare, kuwaas oo
iswiidhan ku shaqo la` ama haya shaqo aan u dhigmin aqoontooda.
Simret Beraki oo ah gabar asalkeedii u
dhalatay wadanka Eriiteraya ayaa ka mid ah aqoonyahnada joornaalku wax
ka qoray. Gabadhani waxaa ay hadda diyaarineysaa shahaadada PHDH-ga ee
cilmiga Nerfaha maskaxda. Waxaana waxbarashadeeda phdh-da uga haray
wakhti ka yar sanad. Gabadhaasi iyadoo ka hadleysa xaaladeeda waxaa ay
tiri: ” waxaan qorsheynayaa inaan kolkii aan tacliinteyda dhamaysto u
guuro wadanka mareykanka. Xagaa mareykanka fursadeyda shaqo iyo tan sii
wadida cilmi baaristuba waa ka fiican tahay halkaan Iswiidhan. Gabadha
oo hadalkeeda sii wadata waxaa ay tiri – Waxaan ka mid ahay bulshadaan
Iswiidhan, waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ku noolaado balse taasi
iima muuqato waayo ma aan helaayo shaqo u dhiganta aqoonteyda.
Waxaa kale ee uu joornaalku wareystay
gabar asalkeedii reer iiraan ah oo la yiraa Ghazal Zaboli. Gabadhani
waxaa ay baratay cimiga kimistariga. Kolkii ay qalin jebisey ee ay suuqa
shaqada soo gashayna waxaa ku adkaatay iney shaqo hesho. Waxbarasho
dheer ka dib inantaasi waa shaqo La`dahay maanta.
Aqoonyahanka tirada badan ee u qaxay
wadanka Ingiriiska waxaa ka mid ah Esra Karakaya oo haatan ka shaqeysa
mid ka mid ah bangiyada maalgelinta ee ugu waaweyn wadanka Ingiriiska.
Gabadhani waxaa ay asalkeedii ka timid gobolka ay kurdigu degaan ee
wadanka Turkiga. Waxaana ay timid Iswiidhan iyada oo saddex jir ah.
Gabadhani waxaa ay cilmiga dhaqaalaha ka baratay Jaamacada caanka ah ee
dhaqaalaha ee ku taal magaalada Istockholm. Mar arinkan wax laga
weydiiyey waxaa ay tiri:
“Khasab ayey igu noqotay inaan
Iswiidhan oo aan wax ku bartay, waalidkeyna joogo ka tago. Maxaa yeelay
waa igu adkaatay inaan shaqo ka helo. Waxaana u maleynayaa iney tahay
sidii aan uga guurey, ma aan garanaayo wakhtiga aan soo laaban doono.
Haddii aad aqoon fiican leedahay waa sahlan tahay in London shaqo laga
helo.
Shaqo bixiyayaashu waxaa keliya oo ay
eegayaan aqoontaada balse halka aad asalkaagii kasoo jeedo qiimo weyn ma
laha, ayey tiri gabadhaasi. Iswiidhan wey adag tahay inaad guul fiican
ka gaarto, ma aha wadan ku siinaaya fursad aad ku soo bandhigto waxii
aad taqaan.ayey kusoo xirtay hadalkeeda.
Lena Nekby oo cilmi baare ka ah qaybta
dhaqaalaha ee jaamacada Istockholm waxaa ay iyana cadeysay in
aqoonyahanada asalkoodu ajnebiga yahay ay aad iyo aad sweden uga tagaan
taas oo ay sabab u tahay iyagoo aan ka heleynin halkaan shaqadii ay
filayeen kolkii ay muddo wax soo baranayeen. Waxaa kale oo ay
gabadhan cilmi baaraha ahi sheegtay in ay suuqa shaqada ka jirto kala
saaritaan dadka la kala saaro iyadoo la eegaayo halka ay aslkoodii ka
soo jeedaan.
Taas oo keenta in aan la shaqaaleyn
aqoonyahanada aan Iswiidhishka ahayn.
Sida ay sheegtay wasaarada tacliinta
waxaa arday walba ku baxa sanadkiiba boqol kun (( 100 000 ) oo karoonka
Iswiidhan ah. Taas oo u dhiganta ilaa 11 kun oo dollarka mareykanka ah.
Sidaas darteed waxaa ay dhaqaale yahanada Iswiidhan isku raaceen in qaxa
aqoonyahanku uu khasare badan ku yahay wadanka. Maxaa yeelay qofkii wax
ku bartay iswiidhan ee guuraa waxaa uu aqoontiisii la aadey oo uu uga
faaìideeyey wadan kale. Intaas waxaa sii dheer cashuurta uu ku bixiyo
wadankaas cusub ee uu u guurey. Aqoonyahanka ajnebiga ah ee kolkii ay
iswiidhan wax ku bartaan qaxaaya waxa ka hadlay wasiirka cusub ee
dowlada garabka midig ee hadda xakunta Iswiidhan. Wasiirka shaqada oo la
yiraa Sven Otto Littorin waxaa uu sheegay in arintaan guddi soo baara
loo xilsaari doono, ayna khasab tahay in wax laga bedelo sharciyada
suuqa shaqada si aan uga faaìideysano aqoonyahanka ajaaniibta ah
ee dalka ka tegaaya.
Gebagabo
Baaritaano badan oo uu sameeyey ururka
ay ku midoobeen wadamada wershedaha leh ee la yiraa OECD waxaa lagu
cadeeyey in aaney Iswiidhan ka faaìideysan aqoonyahanada asalkoodu
ajnebiga yahay.
Waxaa marar badan sweden loo soo
jeediyey dhaliil ku wajahan arikan. Dowladihii Iswiidhan soo maray oo
dhan waxaa ay isku dayeen iney wax ka qabtaan arintaan balse kuma aaney
guuleysan. Sababtuna waxaa weeyaan sharciyada suuqa shaqada iswiidhan oo
ah kuwa aad u qalafsan. Wadankan iswiidhan ayaa ah mid ay
sideedaba dadka soo galootiga ahi ku cusub yihiin, sidaas darteed shaqo
bixiyayaashu shaki weyn ayey ka qabaan aqoonta dadka ajaaniibta ah.
Dad badan oo reer iswiidhan ahi waxaa
ay filanayaan in qofka ajnebiga ahi uu aqoon yar yahay isla markaasna
ayba haboon tahay inuu ka shaqeeyo shaqooyinka culus ee dadka wadanka u
dhashay aaney dooneynin.
Hadii aad eegto tagsi wadayaasha
caasimada Istockholm waxaad arkeysaa qaar haysta shahaadada PHDH-da,
masterka, ama tan bajulaarka. Kolkii la weydiiyo sababta ay ugu
shaqeysan waayeen cilmigoodana waxaa ay ku jawaabaan in aaney shaqo ka
heleynin iswiidhan maadaama magacoodu ka duwan yahay kan dadka
iswiidhishka ah. Aqoonyahanadaan tagsiilayaasha ah waxaa la gudboon laba
midkood. Iney u qaxaan wadan kale ama iney tagsigooda ku
xamaashaan. Kolkii dhaqaalaha laga hadlaayo qofka oo aan ku shaqeyn
cilmigii uu bartay waa khasaaro weyn oo ah habsami u isticmaalka
aqoonta.
Dhaqtar waxaa uu faaìido weyn
bulshada u keeni karaa kolkii uu dhaqtarnimo ku shaqeeyo.
Dhinaca aqoonyahanada soomaalida waa
saameysaa arinka guuritaanku, oo waxaad arkeysaa kuwo badan oo kolkii ay
jaamacada bilaabayaanba ay u degan tahay shaxda geedigu. Kolkii uu
aqoonyahanku isku helo shahaado jaamacadeed iyo baasaboor iswiidhish
ahna waxaa uu ku dhaqaaqaa shaxdii geediga ee uu horey u dejiyey.
Meelaha ay aqoonyahanka soomaalidu wajahaana waxaa ugu badan wadanka
ingiriiska iyo wadamada khaliijka qaarkood. Waxaa iyana xusid muddan
iney jiraan aqoonyahano badan oo soomaali ah oo guntiga dhiisha iskaga
dhigay una adkeystay rafaad iyo bahdil badan ugu dameyna guul ka keenay
suuqa shaqada iswiidhan, kuwaas oo maanta gaarey ilaa heer madaxtinimo.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee dunida manta aqoontu waa awood aad u weyn
, suuqa shaqaduna waa balaaran yahay, waa ilaa Ameerika, yurub, aasiya,
Austraaliya iyo afrika. Sidaas darteed waxaan ku dhiiri gelinayaa
in dhalinyarada iyo dadka kale ee soomaalida ahiba ay waxbarashada xooga
saaraan. Dhibaatada manta dalkeenii ku habsateyna, ogaada waxaa ay salka
ku haysaa jaahilnimo iyo aqoon yaraan.
Mahadsanidin
Waxaa diyaariyey: C/risaq Maxamed
xuseen, Eskilstuna, Sweden
Email:
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


|