SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Tabtee Tigreegu la Damacsanyahay Soomaaliya (Sabra iyo Shatila) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Arrinta Meles Zenawi wato waxay lagu matelikaraa tii Sharon markuu ahaa wasiirka gaashaandhigga ee Yuhuudda ku fulay Lubnaan iyo jabhaddii Xoreynta Falastiin. Bishii Juun 1982 bey Yuhuuddu weerareen Lubnaan. Inkastoo madaxda Yuhuuddu sheegeen iney labo maalmood iyo wax la mid ah uga baxayaan Lubnaan marka ay “argagixisida” wax ka qabtaan laakiin bilo badan bey ciidanka Israa’iil ku jireen waddankaas. Sidii Yuhuuddu u rabtay iney u dhameeyaan PLO iyo awooddooda siyaasadeed ayuu Meles Zenawi rabaa inuu koobiyeeyo oo uu dhaho waxaan ugaarsanayaa “argagixisada” maxkamadaha. Yuhuuddu waxay kaloo rabtay iney cashar siiyo waddanka Siiriya sida Zenawi hadda u rabo inuu casharro siiyo Eritereeya iyo Jibuuti. Waxaa kaloo Yuhuudda qorshaha ugu jiray iney Lubnaan ka dhisaan dowlad uu madax ka yahay kiristaanka Lubnaan u dhashay oo heshiis la saxiixata. Sidaasoo kale, sida qof kasta ogyahay wuxuu Zenawi rabaa inuu helo dowlad uu ka keenay qaar ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed oo uu rabo inuu ka dhigto sidii Yuhuuddu ka yeeshay kiristaankii Lubnaan ee xasuuqay Falastiiniyiintii ku jirtay xeryaha qaxootiga sida Sabta iyo Shatila. Hadda wuxuu rabaa inuu inta qabiilada qaarkood loogu yeero ciidanka dowladda uu Xamar iyo Soomaaliya oo dhan madaxa isu gesho. 

Faraqa u dhaxeeya labadaas isbarbardhig waa iyadoo Zenawi ay fikraddaas la qabaan reer Galbeedka khaasatan maamulada ka jira Mareykanka iyo Ingiriiska. Iyo Zenawi oon xisaabta ku darsan in qofka Xamar joogaa uusan la mid ahayn qaxooti Falastiin u dhashay oo Lubnaan joogay. 

Sidii ay Yuhuuddu ugu dabaaldegeysay sanadkoodii cusbaa markii ciidankoodu galayey Beyruut ayaa markii Zenawi Soomaaliya galayey waxaa loo dabbaaldegayey ciidda Kirismaska ee masiixiyiinta. Isla sanadka cusubna, Soomaaliya waxay ahayd meel la wadaheysto. Itoobiya waxay uga tagtay qofka Soomaaliga ah ee dareenka leh farriin qaaliya! Waa iyadoon tirsan taariikhdii uu Talyaanigu waddankeeda heystay halka dad Soomaali ah ay meelo badan oo adduunka ka mid ah ay bannaanbax ku soo dhaweeyeen qabsashada Tigreega ee Soomaaliya! Sida Yuhuuddu markii Taangiyayeedu burburiyeen Beyruut u dhaheen waxaan heysanaa saaxiibbo noo qabanaya shaqada iyagoo ka wada dagaaloogayaal Kiristaan ahaa ayaad hadda mooddaa inuu Zenawi leeyahay maaddaama aan meesha ka saaray Midwogii Maxkamadaha waxaa shacabka xasuuqaya oo hubka ka aruurinaya ciidamada daraawiishta ee Puntland iyo maxeysato degen Waqooyiga Xamar. Qolyaha Kiristaanka ee Lubnaan u dhashay oo xasuuqay rayidka waxaa la oranjiray “phalangists”. Amnon Kapeliouk baa qoray warbixin sidaan loo turjumay isagoo ka hadlaya hadal dhexmaray jannanadii Yuhuudda iyo wasiirkooda difaaca markaas ee Sharon: 

“Then, Major General Drori called Ariel Sharon to announce: "Our friends are marching on the camps. We have coordinated their entry." "Congratulations!" replied Ariel Sharon, "The operation of our friends is approved." 

Janankaas Drori ayaa wacay Ariel Sharon oo ahaa wasiirka difaaca isagoo leh: saaxiibbadeen baa u dhaqaaqaya xagga xerada qaxootiga (iyagaa cagta marinaya dadka ku jira). Annaguna waxaan iskugu xirnay xargihii iyo sidii ay u gelilahaayeen. Jawaabtii Sharon waxay noqotay: Hambalyo, isagoo ku daray, howlgalka saaxiibbadeen waa la ogolaaday! Hadda Zenawi waa u fasaxay in maxeysatada ka timid Puntland iyo xoogaa ka socda Waqooyiga Xamar ay dhahaan waxaan nahay booliiska qaranka oo iyagu dadka guryaha ugu dhaca, qofkey rabaana siday doonaan ka yeela. 

Qoraagaasi wuxuu sheegay in hadallada kiristaankaas ay ka dhihijireen jannanada Yuhuudda hortooda ay ka mid ahaayeen: waxaan goyneynaa hunguriga, wuxuu dhiiggu gaaridoonaa jilbaha. Haddeer waxaad maqleysaa kuwa Soomaaliya oo jannanada Tigreega hortooda ka leh: dadkaasi waa xayawaan oo ma fahmayaan waxaan dil ahayn marka waa inaan madaxa ka garaacno si ay dowladda u aqbalaan! 

Rubuc qarni kaddib waxaa u fiican Soomaalida calooshooda-u-shaqeystayaasha ah (gaaloraacyada) iney fekeraan oo dagaaloogayaashii Lubnaan oo loogu sheekeeyey waxaad dhisidoontaan dowlad annaga nala saaxiiba ineysan ilaa haddeer aysan waxba heyn. Waad ogeydeen in hortooda lagu leynayey shacabkooda iyagoo sheegta iney leeyihiin ciidan qaran sidoo kalana hortooda lagu burburiyey waddankoodii oo dhan ilaa uu gaaray in raysalwasaarahoodu ku hor ooyo madaxda Carabta sidii ay wax u tari karaan. Haddaan Ilaahay XISBULLAAHI usoo dirinna maanta qof reer Lubnaan ah hadal uma furnaadeen. Sidaas oo kale ayaa Zenawi rabaa inaan dowlad ka dhalan Soomaaliya oo u qorsheeyo intii Tigreegu hub-uruurin bilaabilahaayeen oo shacabka Soomaaliyeed is arki lahaayeen inuu howshaas iska xijiyo kuwa sheegta booliiska dowladda ku-meel-gaarka ah ama wiilasha laga keenay Puntland iney shaqadaas u qabtaan kaddibna uu dib u soo nooleeyo qabyaaladdii laga reystay oo markaas ay Soomaalidu madaxa iskaga garaacaan. Hadda waxaa la sheegayaa ciidamo 700 ah oo laga keenay Puntland oo soo gaaray ama soo gaaraya Xamar si ay dadka hubka uga aruuriyaan. 

Haddey u suurtogasho wuxuu Zenawi rabaa in taangiyada Tigreegu ay iska fiirsadaan waxa koofiyad-dhuubtu (daraawiish ama booliis waxaad rabto ugu yeer) ku falayaan shacabka sidii Yuhuudduba ay u fiirsaneysay wixii kiristaanka Lubnaan ay ka geysteen xeryihii qaxootiga sida Shatila. 

Haddii mustaqbalka Soomaaliya sidaas loo odorosayo maxaa talo ah? Waxaa arrinta sii caddeynaya waxa Bush ka yeelay Ciraaq. Bush oo Meles Zenawi kula shirko ah dagaalka Soomaaliya ayaa isna raacay wixii Shatila ka dhacay. Hadhow haddii Zenawi dhaho: Soomaali baa is leyneysa ee maxaa aniga iga galay? Waa wixii horay Yuhuuddu ay ka tiri dadka Carabta: “Gentiles kill other Gentiles and they accuse the Jews”. Hadda Bush wuxuu leeyahay Sunni iyo Shiicaa is leynaya maxaa aniga iga galay. Marka aniga taladeydu waa inta Islaamnimadeenna iyo waddaniyaddeena adeegsanno yeynaan dheg jalaq u siin waxay ay maleegayaan cadowga Soomaaliyeed sidoo kalana haloo istaago sidii waddanka looga xoreynlahaa Tigreega, cadow kasta oo qalaad iyo gaalo-raacyada. Akhriya sida muslimiintii iyo gaaladuba ay iskaga xoreynjireen markii dhulkooda la qabsaday. Islaamka wax baan ka naqaanne ma aragnay sida Faransiiska iyo Itoobiya iska xoreeyeen Jarmalkii iyo Talyaanigii? Ilaa Itoobiya gaartay ineysan taariikda ku darsan intay gumeysi ku hoosjirtay! Maxaan u rabnaa iney waddankeenna gumeystaan ama dowlad dabo-dhilif ah noogu sameeyaan? Marka xoreyntu dalku ma ahan wax ciyaar iyo khiyaali lagu gaaro. Waa howl u baahan isku xirnaan, howlkarnimo, geesinimo, deeqsinimo iyo kala-dambeyn iyo intaas ka hor Alle-ka-cabsi. Muslimnimada aan nahay ayaa waxyaalo badan noo sahleysa. Marka mar horaba Zenawi wuxuu calaamadsaday dad u dhaqma sida kiristaankii Lubnaan. Marka arrinta Lubnaan dib haloo eego sidoo kale arrinta Ciraaq iyo tan Afganistaan ma dheera. Hadduu Meles Zenawi dhinto waxaa taariikhdu sheegeysaa waa ninkii ugu horreeyey ee Itoobiya u dhashay oo qabsada Soomaaliya oo dhan. Halka haddii madaxweynaheenna iyo Geeddi ay caawa madaxa laabaan la dhahayo waa nimankii u sahlay in Itoobiya Soomaali qabsato. Sawirkaan oo aanan garaneyn cidda xaquuqdiisa leh ayaan ka soo qaatay bogga Wardheernews. Haddii haweyneyda la sido aan ka dhigno Meles Zenawi, labada nin ee sida waa madaxweynaha iyo Geeddi. Zenawi oo sidaas loo wado ayaa fiirsandoona sida ay shacabka Soomaaliyeed isu leyndoonaan. 

Sida la wadaogyahay waa in maxkamadahu xagga mabda’a raayeen. Shacbiyaddoodii waa sii badatay maxaa yeelay waxay Xamar ka qabteen baa Bush, Zenawi iyo Mbagathi keeni la’yihiin. Marka xagga ciidanka waxay isku habeynkaraan maalmo haddii shacabka Soomaaliyeed ka boqtaan khiyaamada cadowga Soomaaliyeed. Marka maxkamaduhu kheyrkey nala rabeen waan diidney bal aan aragno dagaalka sokeeye ee Bush Zenawi iyo caloosh-u-shaqeystayaashu noo soo wadaan. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH