SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Qowlkii Azhari oo Qabyaalad Qooshan Noqday 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Iyadoo Tigree iyo kuwii soo gashay ay Xamar joogaan baa “ la-taliyaha” Madaxweynuha, Azhari wuxuu rabaa inuu yiraahdo Sheekh Shariif ma soo galikaro Xamar waana dambiile! Ardeyduu sheegayo, ma cadowga Soomaaliyeed iyo kuwii soo raacaa laayey mise Soomaalidii dhulkooda difaaceysay? “Ka warran haddii saxaabadii ku dhimatay Uxud loo qabsado nabi Muxamed” (SCW)? 

Maxaa Soomaalida qofkii jago sheegtaaba usoo dhoweystaa qofuu adeer u yahay? Markaad maqasho la-taliye madaxweyne waxaa markiiba maskaxdaada ka helaysaa cidduu yahay oo ay madaxweynaha isku qabiil yihiin! Teeda kale, miyaan la-taliyahu fahmikarin xajmiga arrintaas? Soow mar horaba wasiirkii arrimaha guduhu ma oran: haddii Sheekh Shariif uu dadkiisa dhinac ka soo raaco waa u furantahay. Inkastoon war siyaasi la isku halleynkarin haddana hadalka Xuseen Caydiid waxaa ka muuqda wax-isku-soo-dhoweyn. 

Waa kuma Sheekh Shariif? Waxaa saas yiri la-taliyaha madaxweynaha? Laakiin aan Azhari su’aalnee waa kuwama Tigree iyo Tigree-raacyo? Sheekh Shariif waxaan wanaag ahayh ummadda Soomaaliyeed kuma taqaan. Waa isagii macallin ka ahaa Xamar. Waa isagii wax ka aasaasay kacdoonkii shacabka ee Ashahaado-la-dir iyo isbaaro-la-dirirka ahaa. Marka haddiiba Azhari xaggiisa ay ceeb ka tahay in dhulkaaga loo dhinto oo cadow laga difaaco haddee Sheekh Shariif Xamar iyo Soomaaliya waa tagayaa. Xamar ma ahan Puntland oo kale oo hal qof iska hor boodo. Haddaanse Itoobiya oo dhulkaaga soo weerartay lagu jihaadin, muxuu Azhari jihaad u yaqaan? 

Waxaa korneylka dan ugu jirilahayd inuusan qof noocaas oo kale ah uusan sheegan inuu la-taliye u yahay. Waxaan filayaa wuxuu Azhari ka xunyahay hadallo la isla dhexmarayo oo sheegaya in Maraykanka, Yurub iyo Carabuhu daneynayaan in Sheekh Shariif iyo taageerayaashiisu ku soo biiraan siyaasadda Soomaaliya si loo xaqiijiyo dib-u-heshiisiintii la rabay. Shaki waxaan lahayn in Sheekh Shariif ka taageero badanyahay kuwa hadda Soomaaliya horbooda oo dhan. Meel kasta oo sheekhu tago waxaa loogu soo dhoweynayaa si diirran. 

Soomaalidaa tiraahda ninna wuxuu dhashay daalacan; ninna dadan. Waxaadba is leedahay qabiillada qaarkood looma ogola in qofkood wax noqdo ama hadlo halka qaarkood ay mid cirka ka soo dhacay ay caleemo saartaan. Taas waxaa u daliil ah Sheekh Shariif iyo dhinaca kale Tigree-raacyada. 

Inkastoonan ku faraxsaneyn wax dowlado shisheeye wataan haddana waxaan la inkirikarin taageerada Sheekha looga hayo gudo iyo dibad. Haddii berrito loo dareero doorasho dhextaal Sheekh Shariif, C/hi Yuusuf iyo Geeddi waxaan shaki iiga jirin in Sheekhu uu si aqlabiyad ah ugu soo baxayo. Ma kula tahay in dowladaha waaweyn sida Mareykanka ay arrintaas ka qarsoontahay? Marka la yaab ma leh haddey Maraykanku fursaddaas arkaan oo maaddaama hadda Soomaali sii nacday ay bal is leeyihiin bal wax ugu bedela.  

Sidii horay loo sheegay ma jirto wax dowlad Soomaaliyeed la yiraahdo. Marka haddii cid maxkamad la soo taagayo waxaa Soomaali iiga markhaati kaceysaa in la soo saaro C/hi iyo Geeddi saa iyagaa cadowgeennii koowaad soo gashay Soomaaliya.

Marka qabyaalad ka sokoow waxaan filayaa in la-taliyuhu uu rabo inuu burburiyo heshiisyada qabyada ah ee madaxweynuhu la gaaray odayaasha degen Muqdisho. Ileyn arrinta Azhari ee sheekh Shariif ku aaddan ma aha arrin sahlan oo hadduusan raalligelin ka bixin waxay keeneysaa iney soo celiso qabiillooyinkii loo kala baxsanaa. Hadda mar horaba waxaan heynaa Xuseen Caydiid Vs Azhari oo ku aadan Sheekha. Marka maxaa xigi? Waxaan aamminsanahay, ninka Azhari ku xigidoona ee wax ka sheegidoona Sheekh Shariif waa Geeddi oo u baqaya jagadiisa. Marka ninkii maxkamad la soo taagayo waxay u taal shacabka Soomaaliyeed ee uma taal Tigree.

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH