Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa la
sheegay in haweenka Muqdisho oo qaarkood ka
caansanyihiin dagaaloogayaasha, qaarkoodna
uba dhaxaan isla dagaaloogayaasha ay shir ku
yeesheen Xamar. Mid haweenkii ka mid ah oo
aad looga yaqaan Muqdisho lehna neynaas caan
ah baa tiri:
Ilaahoow inkaar ku rid nimanka haaweyda
ah ee reer tolkeen. Waa nimankii
madaxtooyada Soomaaliya ka saaray Maxamed
Siyaad. Waa nimankii laayey Soomaalidii
dariskooda ahayd. Waa nimankii kala raacay
Cali Mahdi iyo Caydiid. Waa qoladii ukala
dhuuntay Itoobiya si ay iyagu isu laayaan.
Waa qoladii afarta bilood isku garaacayey
Xamar. Waa qoladii diiday madaxtinimada
C/Qaasim. Waa nimankii inta sirdoon reer
Galbeed ah iyo Xabashi adeegsadeen damcay
iney gataan culumadooda. Waa nimankii markii
maxkamaduhu islaaxiyeen dhulkey degaan oo
laga waayey xitaa hal isbaaro u yeertay
Itoobiya iyo korneyl C/hi.
Haweeney kale baa soo jeedisay in
haweeney kasta ooy qabaan nimankaas Xamar u
badan ay iska fasaqdo kaddib markii ay
ceebeeyeen hankii muslimiinta, Soomaalinimo
iyo kii qabiilkooda.
Mid kale waxay tiri: waa inaan joojinnaa
ganacsiga aan ku jirno maaddaama ay haaweyda
na horboodeysa ay hoosta noo soo gasheen
gaalo iyo gaalo-raac. Waxay tiri waxaa iigu
qosol badnaa markii Cabdi Qeybdiid Gaalkacyo
tagay wuxuu reer tolkiis ku beerdulucsaday
inuu hubkiisa la wareegay nin “laangaab” ah
oo Raxanweyna isagoo ka waday Abuu Mansuur!
Waxay haweentu tiri: soow hadda hogaamiye
kooxeedkeennii hubkooda kuma wareejin Naaji?
Mise gaalo-raacyadii calooshooda u
shaqeytayaasha ah ee Puntland laga keenay?
Mid kalaa tiri: markii wadaadadu dhaheen
hubka dhiiba waxay ka xigsadeen dagaal
laakiin hadda markey C/hi arkeen waxay hubka
u wareejiyeen si nabad ah. Bal mey hubkayaga
noo daayaan oo haddaysan qaadikarin annaga
noo dhiibaan! Soow hadday hubka dhigaan
annaga (haweenka) oo kale ma noqonayaan?
Mid kalaa hadalkii ka daftay oo tiri: naa
waa Ilaahay mahadii oo awalba hubka uma
heysan iney qeyrkood wax kula qabsadaane
waxay u heysteen iney reer tolkood isbaaro u
dhigtaane noo daa oo iyagoo gacmo bannaan
ilmaha hanala hayeene!
Halkaas markey arrintu marayso ayaa waxaa
hadalkii dib ugu soo noqday haweentii
shirguddoomineysay iyadoo sheegeysa in
maanta laga bilaabo ay dumarka Muqdisho ku
dhawaaqeen muqaawamo iyo iney ka
dhinacdagaalamaan shacabka xaq-u-dirirka ah
oo ay wadaadadu hormuudka u yihiin. Waxayna
ka codsatay in mid walba ay iibiso
dahabkeeda iyo agabka guriga u yaal si
gaalada iyo gaaloraacyada looga saaro
Xamar.
Mid kale waxay tiri: dagaaloogayaasheennu
waxay noqdeen jaranjaro uu korneylku ku
gaaro kursigaas. Wuxuuna ku wajahayaa
hanjabaado iyo quursi.
Mid kalaa tiri: markii Zenawi uu rabay
inuu Xamar soo weeraro wuxuu kala qaaday
ciidamadii Somaliland iyo Puntland laakiin
hadda markuu gaaray dantiisa wataas la
leeyahay waxaa dib u bilaabmaya colaadii u
dhaxeysay labadaas gobol.
Haween kalaa tiri: Bal fiirsha sida
Zenawi u necebyahay shacabka Xamar. Waxay
tiri wuxuu u yeelay Puntland iyo Somaliland
hal hal nin halka uu Xamar iyo nawaaxigeeda
ku soo celiyey wixii dagaalooge isbaaro
dhiganjiray oo dhan.
Falanqeyn dheer kaddib waxaa haweenkii
isku raaceen in hogaamiye kooxeedkoodu yahay
kuwii ugu liitay ee abid Soomaaliya soo
maray. Waxayna ku sheegeen iney tahay arrin
markhaati-ma-doonto ah.
Mid kalaa tiri maaddaama nimankeennu
xaabo yihiin waa inaanu biloownaa
muddaharaadyo aan kala joogsi lahayn oo
innaga iyo carruurteennu bilowno. Labo
faa’iido baa ku jirta:
- Waxaynu nahay dad aan hubeysneyn oo
ma filayo in gaalada iyo gaalo-raacyadu
ay naga baqaan oo na horjoogsadaan.
- Tan labaadna maaddaama Itoobiya uu
kaligi-taliye xukumo sidoo kalana ay
gaalo-raacyadu ka amarqaataan nin fudud
ayey suurtagal tahay iney laayaan
dumarka iyo carruurta. Marka taasi waxay
hurineysaa in nimankii xaabada ahaa ay
kacaan oo ay muqaawamo sameeyaan.
Haweeney u dhaxda dagaalooge baa tiri:
inkastoo nimankeennu sifooyinkaas xun xun
leeyihiin hadda waxaan aamminsanahay iney
turubka la ciyaarikaraan C/hi. Waxaa dhici
karta inta uu ku marqaansanyahay
dhexfadhiga madaxtooyada ay u maleegayaan
dabin kale ooy rabaan iney kaga takhalusaan.
Horay baa niman reer tolkiis ah oo rabay
iney reer tolkeen iska kaxeystaan inta loo
dagay, dhegta dhiigga loo daray.
Waxaan aaminsanahay in dumarka saas
yeelay ay masiirka Xamar kaga habboonyihiin
dagaaloogayaasha ayna dhiiragelin u tahay
ragga Soomaaliyeed iskaa dumarka keliyee.
Haweeney kale oo da’ ahayd baa inta
ooyday nacaladday dagaaloogayaasha Xamar.
Waxay tiri: war wuxu soow maaha kuwii labada
jeer dililahaa Cali Maxamed Geeddi? Waxay
tiri haddaan C/hi la soconlahaynna wey isku
dayilahaayeen mar seddexaad. Inkastoo Cali
dhowr maalmood Xamar uga soo horreeyey C/hi
haddana C/hi dartiis bey shirqool ugu
sameynwaayeen. Hal marna ma isku dayeen iney
C/hi dilaan waa isaga maalin kasta intaas oo
odey shirinayee?
Waxay haweenkaasi isku raaceen iney hal
warqad ugu qorayaan Geeddi iyagoo leh kolley
haddii cadow naloo isticmaalay waxaan u
baahannahay in sida Puntland iyo Somaliland
uu hal nin na xukumo. Marka haddii uusan
isagu na xukumikarin haddee inta naga qabto
dagaaloogayaasheenna inkaarta qaba hanoo
khasbo C/hi oo keliya.
Dumarkaasi waxay isku rajogeliyeen in
goor ay ahaataba ay C/hi dhagax kaga
saaridoonaan madaxtooyada. Waxay gabagabadii
u duceeyeen maxkamadihii iyagoo leh:
Ilaahoow soo aruuri oo soo celi waxay na
tuseen Islaamnimo, nabad iyo waddaninimo.