BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Intii la dhoobdhoobay dowlad-ku-sheegga
ayaa waxaa Addis Ababa laga sheegay in
“madaxweynuhu” yiri waxaan u dhashay
Itoobiya! Ma fahmin wuxuu ka wado oo aan ka
ahayn degaanka uu ku dhashay ayaa ah dhulka
Soomaaliyeed ee Itoobiya la hoosgeeyey.
Laakiin waxaa xusid mudan oo qof kasta
yaqaan in waqtigii madaxweynuhu dhashay uu
dhulkaas ahaa dhul Soomaaliyeed, cadowguna
lagu wareejiyey ayna soo galeen waqtiguu
dhashay kaddib.
Waxaan aamminsanahay in madaxweynuhu uu
halgankiisa ku gabagabeyndoono Meles Zenawi
oo Soomaaliya haysta. Waxaana filayaa in ay
dad badan oo qabiil iyo si kale wax ku
qiimeynjiray ay arrintaasi u caddaato mar
dhow haddii Ilaah idmo. Ka warran,
Soomaalida qaarkood sheegto mansab kasta
sida wadaad, aqoonyahan, qurbe-joog, IWM oo
garanwaayey in taageerada ay siinayaan
dagaaloogayaasha ay la mid tahay iyagoo
gaalo iyo Meles Zenawi taakuleeyey? Marka
bal nala arka wixii intaas oo sano la idin
ka horjoogay.
Feysal Cali Waraabe muxuu ku galay
calanka Soomaaliyeed? Waxaa jiray beri in
nin inta niman salaad rabay hor istaagay uu
imaam u noqday. Dadka ku dabotukanayey waxaa
ku jiray nin majaajileyste/shactiroole ahaa.
Ninkii imaanka ahaa wuxuu dhaafiwaayey
ACUUDUBILLAAHI MINA SHEYDAANIRRAJIIM. Dhowr
jeer kaddib baa kii shactiroolaha ahaa wuxuu
yiri: sheydaanku dambi ma lahee waxaadan
aqoon waxaad akhriso. Marka waxay ila tahay
inaan calan Soomaaliyeed dambi lahayn
laakiin waxaa meesha ku jirta in Feysal
la’yahay wuxuu dadka u sheego. Keliya wuxuu
arkey kuwii Mbagathi oo Itoobiya Soomaaliya
keenay marka isna si uu Riyaale meesha uga
qaado buu rabaa inuu gaalo iyo Zenawi tuso
inuu yahay nin kasoo horjeeda Soomaaliweyn!
Haddii la xuso inta qof ee Feysal Cali
Waraabe la dhalatay ma ceeb baa ileyn waxa
xiddigaha calanka ku xusan sheegayaan iney
jiraan shan dad oo walaalo ah.
Haddaa la leeyahay afhayeenkii
baarlamaankaa xilkii laga qaaday! Kolley
anigu waan ku faraxsanahay in xilka laga
qaado saa waa ninkii inta baarlamaanka
shiriyey ogolaaday in qalinka lagu duugo in
ciidamo Xabashi yimaadaan Soomaaliya.
Intaas oo sano ayaa niman badan waxay
dooddoodii ka dhammaanweyday Carta iyo
qabiil hebel baa saas yeelay marka intey
saas leeyihiin wax shuqul ah kama lihin
qaran Soomaaliyeed. Nimankey heysteen maanta
ma joogaan saaxada ama qaarkood waxay ku
biireen Mbagathi; marka maxaa iska bedelaya
mowqifkooda?
Soomaali maahan qofkii wax u ogolaada
nimanka gaarsiiyey waddankaas inuu sidaas
noqdo. Marka Insha Allaah waxaa meesha ka
baxay sheekadii iyo qabiilkii ay
dagaaloogayaashu dadka ku maaweelinjireen
waxaana bilaabmaya kacdoonkii shacabka oo
sax ah marka qof kasta oo Soomaaliya ha
diyaargaroobo haddii Ilaah idmo. Sidoo kale
hala joojiyo in maalin kasta meel loo yaaco
oo wax ha lagu taageero mabda’ iyo wax dan u
ah diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenna.
Bush iyo Zenawi waxay la tahay in ay
Nuurkii Ilaahay damiyeen haddiiba ay dhowr
wadaad midba meel u ceyriyeen. Taasi waxay
tuseysaa caqli-xumadooda. Diinta Ilaahay
cidna wax ma gaarsiinkarto xitaa haddii
Soomaali oo dhan la laayo. Marka waxaan
shaki lahayn in shacabku ay wanaag u hayaan
maxkamadaha halka ay ka ceebeynayaan dadka
ciiddii Soomaaliyeed cadowga soo gashay
sidoo kalana calankii Soomaaliya gubey.
Zenawi iyo Bush waxay leeyihiin: waan leynay
ubaxiinii marka annaguna waan idin ka
tageynaa marka ku noqdo qabiilkiinii iyo
dagaal-oognimadii.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WABARAKAATHU.