SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWIDZERLAND
ItoJan 14, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (50), Baydhabo (29), Beledweyne (21), Muqdisho (18), Kismaayo (14)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Meles Zenawi oo Maareeyey wixii Menelik u Maarowaayey Muddooyin badan

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU 

Ilaah baa mahad leh. 

Moosimkii Xajka oo lagu jiro ayaa la arkay ciidankii Itoobiya oo Muqdisho iyo Soomaaliya qabsaday iyo Maraykankii oo dukheynaya Soomaaliya! Ma idin la tahay in ay dabojoogaan mooryaan ama dad argagixiso ah oo Soomaaliya ku soo dhuuntay? Soomaalida masaakiinta iyo xoolahooda la laayey miyaa gaalo guul ka gaareysaa? Waxa diyaarada Maraykanku laayeen miyesan ahayn shacab Soomaaliyeed iyo xoolahood? 

Muxuu Menelik u qabsanwaayey Xamar, Berbera iyo Boosaaso? Ilaah fadligi kaddib waxaa Soomaaliya jiray dad odayaal ah oo weli damiir ku dambeeyo. Ma halgamayaashii Koonfur iyo Waqooyi joogay oo kale buu Menelik ka fushankaray inuu ka dhigto buundo uu Soomaaliya ku qabsado? Laakiin maata waxaa Zenawi helay dad rukuub ah ood mooddo ineysan dan ka ahayn magacooda aakhiro iyo adduun midna. 

Islaamka haddaan fahli la’nahay ma fahmiweynay dhaxalkii ay halgamayaasha Soomaalidu ka tageen? Sayid Maxamed miyuusan oran: 

  • anaa diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe

  • dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha eh

  • anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne

  • anaa diiday deeqdooda aay naari dabataale

  • anaa diiday maantuu lahaa duunyo iga hooye

  • markay duusho gaaladu anaan daabaddu qabane

  • kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone

  • diintayda anigaan ku gadan dabakhi Naareede

  • anaan labada daarood tan hore darajo moodayne

Hadda waxaa yimid kuwa arrintaas caksigeeda qaba oo mooddo iney leeyihiin: annagaa rabna inaan Itoobiya la midownow! Annagaa leh wadaadada iyo ducaaddaa dooro leh ee gaaladu waa daahir! Annagaa rabna in gaalo na nabadeyso. Annagaa rabna sandareero iyo duunyo. Annagaa rabna in Meles Zenawi iyo gaalada aan u noqonno dameero laga dhigto buundo lagu qabsado Soomaaliya. 

Muddo bil iyo xoogaa ka hor ayaa kuwa isku sheegaya xildhibaano waxay soo bandhigeen khariidad ay leeyihiin waa Soomaaliya iy Itoobiya oo la isu furay. Inkastoo madax-ku-sheegii la dhoodhoobey beeniyeen haddana kuwa meelaha wax ku qorqora ayaa yiri arrintaas kumbiyuutar baa lagu sameeyey oo anba waa sameynkaraa waxna kama jiraan. Laakiin maalmo kaddib arrintu siday bey noqotay oo Tigreegu waa qabsadeen Muqdisho sidoo kalana wasiir-ku-sheega arrimaha gudaha ayaa laga sheegay: Itoobiya iyo annaga waxaan qaadaneynaa isku baasaboor! Allaahu Akbar. Xildhibaannadu waa run sheegeen laakiin waa tuugo kale. 

Gumeysataayaashii ayaa laga sheegay: war meeye dadkii waddankaan lahaa! Hadda ogoow, Soomaalida markaas joogta waa naga fiicnaayeen. Waxaan na hoday kuwa hal-abuurro sheegta oo yiri: Soomaaliya, Soomaali baa leh. Laakiin sida hadda cad marka laga reebo kooxdaas yar ee xaqa fahmay ee gaaladu ceyrsaneyso, inteenna kale waxaan aamminsannahay in Soomaaliya ay Meles Zenawi iyo  Bush leeyihiin. 

Ilaahoow Masiixu Dajjaal hanagu soo saarin. Maxaa yeelay haddeer baa ka baqeynaa in Bush iyo Meles Zenawi la caabudo annagoo soo taagan. 

Sheekh daaci ah oo aan geeridiisa maqal baa laga sheegay inuu yiri hadday arrintu saas ku socoto waxay tageysaa in sida shacabka Falastiin aan dhagax tuur innagoon hub heysan. Sidaan marar badan u xusay waa waa waxa ugu xun ee rag/dad gaara marka aad cadowgaa u jabtid anoon far qaadikarin. Haddaad u rumeysanweydo, fiiri xaddiis nabiga (SCW) mar Caa’ishu (RC) weydiisay iney soo martay maalin uga daran tii Uxud? Nabigu wuxuu sheegay in dhibtii Qureysh ku sameeyeen iyo dagaalkuu la galay ay uga darnayd maalintii Daa’if ee isagoon awood lahayn lagu diray ciyaalkii iyo dumar ilaa dhagax roobka looga dhigay. 

Wallaahi, sidaasoo kale ineysan waxa Soomaali soo gaaraya ugu dhib badneyd diyaaradaha Maraykanka ee garaacaya shacabka Soomaaliyeed iyo xasuuqa Itoobiya. Maxaa yeelay, qofkii qaabkaas ku dhinta waa shahiid laakiin ka warran Tigreega inta masaajidda galaan, Kitaabka Qur’aanka ah xaarka iskaga tiraya? Ama ninka xaaskiisa ama walaashiis uu Tigree ku hor kufsanayo ama Ama Meles Zenawi noo xulo culumada wax noo sheegeysa?!  

Waxaan aamminsanahay in dad badan aysan ka daalin guubaabada shacabka laakiin aan diidnay waxaan dulli ahayn. Marka waxa maqaalkaas ku socdaa waa dadka qaba in qaabkaas lagu gaarikaro boqortooyo iyo xukun. Dadkaasi ma aha kuwo fiiro dheer ee kuwo aaminsan reer hebel baa beri saas na yeelay. Waa run oo Soomaali dhib bey isgaarsiiyey laakiin cawaanka Soomaaliga ah wuxuu wax u sameynayey waa wax la geliyey oo ahayd reer hebel baa maalin saas ku yeelay. Haddii la baaro waxa Soomaaliya kala tirsaneyo waa wax ka yar boqol sano. Laakiin ma fahmayaan danta Itoobiya iyo gaalada. 

Waxaan dadka xasuusinayaa, in wadaadadii ay Xamar iyo Soomaaliya keeneen kheyr iyo isku-soo-dhoweyn iyagoo ka saaray dagaaloogayaashii. Laakiin haddiyadii Bush iyo Meles Zenawi waxay noqontay la dagaalanka diinta iyo dadkeeda, soo celintii dagaaloogayaashii dhiig miiradka ahaa, ciidamo Itoobiya iyo gaalo kale u dhashay iyo dagaaloogayaal kale. Nin daaci ah oon Makah ku arkey baa na xasuusiyey hadal laga sheegay Ibnu Jariiri Dabari mar la sheegay in niman wanaagsan oo Cabbaasiyiin ah ay xukunkii qabteen. Wuxuu yiri ma filayo iney sii waarayaan. Sidii bey noqotay oo imaamkii iyo wasiirkiisii waxaa lagu dilay maalmo. Sidoo kale waxaan anigu qabaa shacabkaan arkay uma qalmaan in ay madax u noqdaan maxkamadihii la arkay kheyrkey maalmo ku sameeyeen. Marka aniga iyo shacabka badankiisu uma qalanno raxmaddaas ee waxaan ehel u nahay in Tigree iyo Bush saas noo galaan. Marka markaan Ilaahay u noqonno oo noqonno shacab fiican ayaa Ilaahay dib u soo celin doonaa maxkamadaha saxda ah oo miid soocan ah. 

Marka yaan la quusan. Odayaasha kaabbo-qabiilada ah iyo shacabku ha galeen gumeysi eysan weligood arag. Waxaana rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ayba mar hore bilaabeen duceynta culumada iyo maxkamadaha saxda ah. Waxaa aamminsanahay in Ilaahay dadka tusidoono hadafkii saxda ahaa ee ducaadda. Ma dhahayo maxkamaduhu khalad ma lahayn laakiin waxaan shaki iiga jirin in cidda kaliya ee guul gaartay ay iyaga yihiin, ayna taariikhdu xusidoonto. Marka xukunka Ilaah baa leh. Dad xunna uma qalmaan dad fiican. Marka liibaana aakhiro iyo adduunba. 

Mar kale aan qaadanno haddiyadii Bush iyo Zenawi ee ah la dagaalanka diinta iyo dadkeeda, iyagoo Xamar ku soo ceshay dagaaloogayaashii dhiig miiradka ahaa iyo Tigree meel kasta taagan. Bal suureyso dadka dib u soo ceshay nimankii la baxday la dagaalanka argagxisida iyo dagaaloogayaal ka waaweyn? Waxay ku fiicantahay in shacabka soo dhoweystay Zenawi waqti la siiyo si loo arko kheyrka Zenawi iyo dameerihiisu usoo wadaan. 

Asalaamu calaykum. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH