SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


SWEDEN:: XAFLAD CIIDEED SI WEYN LOOGU BOGAY

W.D: Abdiaziz Elmi, Stockholm, Sweden


Sawiradii Xafladda halkan ka eeg... GUJI...
(pdf)

Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna maamusayay munaasabadda Ciidda Barakeeysan ee Ciidul Adhxaa, ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimada dalka SWEDEN. Xafladdaas oo dhacday 2006-12-31, ayaa soo agaasimay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo yaqaano ”Shabakadda Mustaqbalka Dhalinyarada”. Magacooda oo af Iswiidhish ah marka la soo gaabiyana waxaa lagu naanaysaa ”NUF”.

NUF waa urur xubnihiisu ay u badan yihiin dhalinyaro, oo dhisnaa muddo 13 sano, kana hawl gala magaalada Stockholm ee caasimada ah. Dhalinyarada hogaamisa NUF ayaa badankoodu ah kuwo ku koray ama iyagoo da’yar ah soo galay dalkaan Sweden.

Wax qabadka ururka uu qabto ayaa ka mid ah:

- In da’yartu laga caawiyo leeyliga iskuulada
- Qabashada xafladaha Ciidaha Islaamiga & Qalin jabinta
- Tamashleeyn wakhtiyada Xagaaga & jilaalka
- Kor u qaadida fahmiga islaamiga
- Seminaro iwm

Haddaba munaasabadaan ciida loogu tala galay in laga farxiyo carruurta & dhalinyarada soomaaliyeed ayaa loo soo qaban qaabiyey si aad u heer sare ah. Hawl galkeeda ayaa sii bilawday muddo 2 bilood ka hor. Ururka NUF waxaa taageero ku siiyay hirgeliddeeda ururka Da’yarta ee loo yaqaan Sveriges Unga Somalier, Iskuulka Al-azhar ee ka jira Stockholm, ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed, iyo weliba urur islaami ah oo ka dhisan magaalada Stockholm

Xafladdu oo ay ka soo qeeyb galeen in ka badan 480 qof, oo ka koobna carruur, dhalinyaro & waalidiintoodaba. Tigidhadii lagu galaaye xafladu ayaa dadku hore u iibsadeen.

Muxamed Sh. Maki iyo Siciida Axmed ayaa ahaa labadii qofood oo daadihinayey barnaamijka loogu tala galay xaflada, oo ka koobnaa qeeybo kala duwan. Waxaana ay u dhaceen sida tan:

Barnaamijkii oo uu hogaaminayey Muxamed Sh. Maki iyo Amina Muxumed wuxuu u dhacay sida tan:

1. Furitaankii xafladda waxaa lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka NUF mudane Axmed M. Siraj oo soo dhaweeyey ka qaybgalayaasha sharafta leh Waxaa ku xigay su’aalo kedis ah oo uu soo jeediyey Muxamed Sh. Maki. Su’aalahaasi waxay isugu jireen, diini, suugaan iyo soomaaliya.

2. ”Wadaniyada & xorriyada” ayuu ahaa muxaadaro, oo u soo jeediyey Sh. Cabdiraxman Bashir, oo nooga yimid dalka Djabouti. Haddaladii uu yiri Sheekha ayaa ka mid ahaa in danaha dalku ka sareeyo midda qabiilka iyo ururada, diintuna ay ka wada muhiimsan tahay dhammantood. In la beero ruux soomaali ah, oo muslim fiican ah haddana ku darsaday wadani.

3. Indha Sarcaad, ay soo bandhigeen laba dhalinyaro oo Iswiidhish ah, qeeybtan oo aheeyd mid ah uga yaabisay dhalinyarada ayeey ka mid aheeyd kuwa ugu xiisaha badan.

4. Carruurta dhigata iskuulka Al Azhar, ayaa soo bandhigay heeso wadaniyad ku jirto iyo anasheed islaami ah. Carruurtaas oo ka koobna 9, ayaa u qaadaye heesaha qaab aad loogu riyaaqay oo caddeeyn u aheeyd mid lagu baxshay wakhti badan ku luqeeynteeda.

5. “Casho & hadiyado” dhammaan ka soo qeeyb galayaasha xaflada ayaa lagu casuumay casho. Carruurta ayaa loo qeeybshay hadiyado, carruurta oo ka muuqatay farxad weeyn.

Ugu dambeeyntii waxaa lagu soo gaba gabeeyey xaflada, Cabdullahi Asad oo ku hadlaaye magaca waalidiinta ka soo qeeyb gashay xaflada, Maryam Ibrahim oo mahad ballaaran u jeedishay ururka NUF iyo intii la garab gashay iyo Axmed Siraj oo ku hadlaaye magaca ururka NUF.

W.D: Abdiaziz Elmi, Stockholm, Sweden

Waxaa soo tebiyey: Ibraahim Saalax
Email: ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH