SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: Feb 6, 2007

Midowga Yurb oo si aad ah uga soo horjeeda qaabka ay dowladda u wajahayso

Dhawaan ayaa madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed uu sheegay in Dowladda fedaraalka ah ay diyaar u tahay in ka qaybgasho kulan dib u heshiisiin ah oo loo qabnayo dhamaan Ummadda soomaaliyeed waxa uuna Madaxwaynaha uu sheegay in kulan lagu qaban doono Dalka gudihiisa ayna qaban-qaabin doonto Wasaaradda dib u hashiisiinta Qaranka Soomaaliyeed hase yeeshee Midowga Yurub ayaan ku qanacsanayn qaabka ay Dowladda fedaraalka ah u wajaheyso dib u hashiisiinta Ummada soomalaiyeed waxa uuna Midowga Yurub uu sheegay in dib hashiisiinta ay tahay mid ay ka qaybgalaan dhamaan Kooxaha is-haya oo ay ku jiraan Midowga maxaakiimta islaamiga ah taasoo ay sheegeen in lagu dhameynayo khilaafkasta ka jira Dalka loogana hortagi karo Dagaal dambe oo ka dhaca Dalka.

MidowgaYurub waxa uu sheegay in wixii tas-hiilaad ah ay bixin doonaan Midowga Yurub hanaqoto mid lagu qabto Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Madaxwaynaha DFKMG waxa uu Shirwaynihii Midowga Afrika ka hor sheegay in Dowladiisa ay ka qaybgali doonto Shirkasta oo lagu dhisayo Qaranka Soomaaliyeed, waxaana hadda dadka qaarkii tilmaamayaan in Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed uusan heyn wadadii uu balan qaaday oo ahayd in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ka qaybgasho kulan dib u hashiisiin ah ay ka qaybgalaan dhamaan Kooxaha isku haya Dalka Sooomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cali max’ed Geedi ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd shir looga hadalyey Dib u hashiisiinta Qaaranka uu ka sheegay in Dowladda fedaraalka ay soo dhawayneeso Shirkasta oo lagu xalinayo xaaladda soomaaliya laguna qabanayo Dalka gudihiisa hase yeeshee marnaba soomaqaadin Cali max’ed Geedi in kulankaasi ay ka qaybgalayaan Maxkamadaha islaamiga ah waxa uuna sheegay in waqtigaan aysan jirin maxkamad Islaamiga ah.

Iska horimaad ka dhacay Deegaanka Guriceel…

Wararka naga soo gaaraya Gobolada dhex waxay sheegayeen in halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeyey Ciidamo Puntlanda ah oo ku sii jiiday dagaankaasi iyo Kooxo Dablay ah oo ku jirey Deegaanka Guriceel

Dagaakan oo la’isku adeegsaday Hubka Culus iyo midka Fudud ayaa waxaa ku geerayooday ugu yaraan 3-Ruux oo labo ka mid ah ahaayeen Ciidamadii Puntland waxaana ku dhaawcmay 7-Ruux oo la sheegay inay ku jireen Dad Rayid ah.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababahii dhaliyey iska hor imaadkaas, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Kooxo Dablayda ah ay diidanayd in Ciidamo Puntlanda ah ay maraan Deegaankaasi waxana lagu waramay in Ciidamadaasi ay u leexdeen Deegaanka Balan-Bale halkaasi ay ka sii wateen Safarkoodii.

Dadka ku dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel waxaan arintaani markii dambe soo kala dhexgalay Odayaasha Deegaanka waana markii ugu horeysay tan iyo markii ka baxeen halkaasi Ciidamada itoobiyaanka ah iyadoo dhawaan Deegaankaasi ay mareen Ciidamo Puntland ah oo ku soo jeeday Magaalad Muqdisho.

6-kun oo loo tababarayo Amaanka Magaalada Muqdisho….

Xero ku taala Garoonka Diyaaradaha ee Bali-Doogle ayaa waxaa lagu aruurinayaa Ciidamo kor u dhaafaya 6-Kun oo Askari ay Dowladda fedaraalka ay ugu talagashay in lagu sugo Amaanka Gobolka Banaadir iyadoo maalmahaan ay faraha ka baxday Nabad galyada Gobolka Banaadir oo ay ku soo kordheen Qaraxyo, Dilal, iyo dhac.

Ciidamadaan ayaa halkaasi ku qaadanaya Tababar muddo 2-Bilood ah hase yeeshee Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Dadwaynaha Reer Muqdisho maxay ku sugayaan labadaasi bilood iyadoo la ogyahay in maalin walba Dawladu ay ku heyso waxaan Gacan Bir ah ku qabaneynaa Kooxaha Qaska ka wada Magaalada Muqdisho.

Ciidankan ayaa Qaar ka mid ah Dadwaynaha Magaalada Muqdisho u arkaan inay yihiin Ciidamo hal dhinac ah oo aan waxba ka qaban karin xaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamadii lagu xareeyey Deegaanka Bali-Doogle ayaa labo Kun oo ka mid ah waxaa laga keenay Maamul Goboleedka Puntland halka kuwa kalane laga keenay Gobolada Gado, Hiiraan, iyo Bay.

Midowga Yurub oo la filayo inuu Yaman kula kulmo Shiikh Shariif..

Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan Dalka Yeman halkaasi lagu wado inay kula kulmaan Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Maxaakiimta islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wafdigaan ayaa soo ogaan doona Mowqifka Gudoomiyaha ee la xiriira sidii loo wajahayo dib u hashiisiita Qaranka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa isagu taageersan in Shirwaynaha Qaran ee loo qabanayo Soomaaliya ay qayb ka noqdaan Maxkamadah islaamiga ah oo iyagu door muhiim ku leh xasilinta xaalada Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Gdoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxa uu daboolka ka qaaday in Maxaakiim ta ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan wada hadal dhex mara Maxaakiita iyo Dowlada fedaraalka

Geedi oo sheegay in Dowlada ay soo dhaweyneyso in dalka lagu ....

Ra’iisul wasaare Cali max’ed Geedi ayaa shalay ka qaybgalay Siminaar looga hadlayo sida oo wajahayo dib u hashiisiinta Soomaaliyeed, isfaham dhex mara Bulshada sida ugu haboon ee Hub ka dhigis loogu sameen karo Dalka waxaa kaloo ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Siminaarkan ayaa waxaa soo qabanqabiyey Gudiga dib u hashiisiita Qaranka Soomaaliyeed waxaana tas-hiilaadka ku baxaya Siminaarkaasi oo socondoona mudo 7-aad ah bixinaya Ha’adda UNDP uga horeyntii waxaa halkaasi hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha Gudiiga dib u hashiisiinta Qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse waxa uuna sheegay in Simunaarkaan uu yahay Siminaaro is daba joog ah oo lagu aruurinayo Fikradaha Xal lagu hali karo dib u hashiisiinta Ummada Soomaaliyeed.

Geedi uu ka hadlay Siminaarkaasi waxa uu sheegay in Dowlada fedaraalka ah ay taageersan tahay Siminaarada noocaan oo kala ah oo ay soo qabanqabisay Gudiga dib u hashiisiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu sheegay Geedi in Dowladda fedaraalka ay diyaar u tahay in Dalka gudihiisa lagu qabto Shirwayne dib u hashiisiinta ah oo lagu dhameeyo wixii khilaafaad ah ee Bulshada ka dhex-dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Dowladda fedaraalka ah ay horseed u noqondoono sidii la’isku keeni Bulshada Soomaaliyeed waxa uuna meesha ka saaray in waqtigaan aysan jiray wax Mucaarad ku ‘ah Dowladda fedaraalka, sidoo kale waxaa ka hadalay Gudoomiya Baarlamaanka Prof-Max’ed Cumar Dalxa oo ugu baaqay Bulshada inay is cafiyaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2007


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Garoowe: Qalab ay haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.

Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.

Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib sida (Not for Sale). Warka oo dhan...


Horn Relief oo Markii ugu Horreysey ka Hirgelinaysa Ceel Riig ah Magaalada Badhan.

Badhan :- Magaalada Badhan oo sida la ogyahay la ildarrayd biyo la'aan khatar gelisey noolayaasha kala duwan ee ku nool gudaha iyo dibadda magaalada, ayaa hay'adda Horn Relief waxay ka bilowday iney ka hirgeliso ceel riig ah oo laga rajeynayo inuu baahida biyaha wax weyn ka tari doono.

Akhri warka oo dhan....


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH