SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 3, 2007

Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.


Hakim Mansour Ellis

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.

Hakim Mansour waxa uu sheegay in uu muddo sannado ah baranayey Qur'aanka Kariimka, waxana uu sheegay in dadkii uu ka soo farcamay ay ahaayeen Islaam ka hor intii aan si aaddonsi ahaan ah loogu soo qaadin Waqooyiga Ameeriga. Sidaas daraadeedna uu hadda ku laabtay asalkiisii.

"Waxaan ku laabtay asalkaygii, ayaad dhehi kartaa," ayuu yiri Hakim Mansour. "Waxaan diinta Islaamka galay bishii December ee sannadkii hore oo aan tegey dalka Senegal." Marka aan dhehayo waxaan ku laabtay asalkaygii, Islaamku waxa uu ka jirey Senegal ka hor intii aan Afrikaanka loo soo qaadin halkan iyagoo la addoonsanayo."

Dalka Senegal oo ku yaal galbeedka Afrika, tirada dadkiisa waxaa lagu qiyaasay 12 million, tiradaas waxaa Muslimiin ka ah in ka badan boqolkiiba 94%.

Hakim Mansour Ellis waxa uu yiri "Qofkii raba in uu wax ka ogaado diinta Islaamka, waxaan la yelanayaa wada hadal cilmiyaysan" waxana uu intaas ku daray "Waxaan ogaaday in dadku ay wax yar ka yaqaanaan diinta".


Hakim Mansour Ellis

Hakim Mansour Ellis waxa uu noqday duqii (mayor-kii) 40aad ee magaalada Macon, Georgia. Waxaa markii ugu horeysey loo dhaariyey xafiiska duqa magaaladaas December 14, 1999 sidaas oo uu ku noqday qofkii madowga ahaa ee ugu horeeyey ee magaaladaas ka noqda duqa taariikhda magaaladaas oo jirtey 176-sano. Mar labaad ayaa sannadkii 2003 waxaa loo doortay duqa magalasadaas, taas oo kaga eg sannadkan 2007, laakiin waxa uu isu sharaxi karaa mar saddexaad.

Hakim Mansour Ellis magaciisii hore waxa uu ahaa C. Jack Ellis. Gabardhihiisa ayaa ka codsaday in uusan bedelin magaca awoowihiis.

Hakim Mansour waxa uu January 6, 1946 ku dhashay magaalda Macon, Georgia, magaaladaas ayuu ka dhigtay dugsigiisii sare. Kaddib waxa shahaadada Bachelor of Arts ka qaatay St. Leo College ee Florida. Laba sano ayuu ka qayb qaatay dagaalkii Vietnam, halkaas oo lagu guddoonsiiyey bilad geesinimo. Waxa kale oo intii uusan noqon duqa magaaladaas uu ka soo shaqeeyey telefishan.

Doorashadii ugu dambeysey ee Maraykanka ee 2006 ayey ahayd markii Keith Ellison (Muxammad) oo laga soo doorto gobolka Minnesota uu Noqday Muslimikii ugu horeeyey oo Ku Biira Aqalka Congress-ka ee looga taliyo Maraykanka.

Xafladdii dhaarta ee bishii Janaayo 2007 ee aqalka Congress-ka, Ellison waxa uu ku dhaartay Qur'aanka Kariimka.

Keith Ellison for U.S. Congress
Ellison

Xilligii uu socdey kulan diineedkii 6-aad ee Muslimiinta W/Ameerika (Sept 2006) ayaa SomaliTalk.com fursad u heshay in ay su'aal gaar ah weydiiso Keith Ellison, taas oo ahayd "Haddii lagu doorto maxaad u qaban doontaa ama u ballan qaadeysaa in aad u qabaneysid Soomaalida". Waxana uu ku jawaabey: Waxaa ka shaqaynaya nabadda, waxaan ku dadaalayaa dhawrida xuquuqda shacabka (civil rights), waxaan Soomaalida kala shaqaynayaa xagga Immigration-ka iyo qaadashada dhalashada (citizenship), iyo yaranta waqtiga dheer ee la sugayo immigration-ka iyo caddaalad samayn xagga dhaqaalaha - halkaas asagoo sharaxayana waxa uu yiri waagii hore hal qof ayaa biili kari jirey qoys ka kooban shan qof, laakiin taasi hadda suurta gal ma ahan, waxaana kala tegey daqabqadihii, dadkii fiqiirka ahaa ee Maraykanka waa sii fiqiirayaan dadka qaniga ah waa sii taajirayaan, waxaan ku dadaalayaa in aan taas wax ka qabto ayuu yiri, isagoo xilligaas aad ugu niyad samaa in Soomaalida haysta dhalashada Maraykanka ay u codayn doonto. Aagga laga soo doortona ay Soomaali badan deggan tahay, xilligan oo Soomaalida deggan Maraykanku ay noqeen cod ay ku tartamaan musharixiintu.

Faafin: SomaliTalk.com | Wakaaladaha | Feb 3, 2007


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH