SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.

Yaasiin Kilwe intii uu ku jiray xabsiga waxaa loola dhaqmay si ka baxsan banii aadanimada waxaana loo gaystay gabood fallo waawayn oo ay ka mid tahay:

Inay sixun ay u jir dileen ciidanka baarista danbiyada(CID) ka dib markuu qiran waayay danbiga lagu soo eedeeyay.

Isaga oo loo dhoofiyay meelo ka baxsan dalka looguna soo gaystay tacaddiyo badan.

Isaga oo ay ku xiran yihiin silsilado aan laga furin habeen iyo maalin xitaa marka lagaynayo maxkamadda.

Waxaa wali uu ku jiraa xabsigaa iyo xaaladdaa adag isaga oo ay sii daysay maxkamadda racfaanka Gobolka Hargaysa taariikhdu markay ahayd 05/06/2006 ka dib markii ay ku wayday wax danbi ah , waxaa xusid mudan in ninkii la mid ahaa ee ay maxkamaddu wax ku wayday in loo soo celiyay xorriyaddiisi haddana si nabad ah ugu nool yahay magaalada Burco oo uu u dhashay.

Wax kasta oo ku baxa noloshiisa, sida: Cunto, Daawo iyo wax kasta oo uu u baahan yahay anaga ayaa bixina dawladda uu u xiran yahayna wax daryeel ah kuma qabo.

Yaasiin Kilwe hadda xaalkiisu waxa uu marayaa meel khatar ah oo uu nolosha ka jeclaystay geerida kadib markii ay dhibtu ku fara badatay haddana wuxuu ku jiraa cunto ka soomid, xaaladdiisa caafimaadna aad ayay u liidataa.

Waxaa xusid mudan in Maamulka S/land aanu arrintaas in badan kala hadallay , baaqyo badana ay u direen madax dhaqameedyadu , laakiin aanay waxba ka soo qaadin.

Ugu danbayntii anaga oo ah ehelada Yaasiin Kilwe waxaanu ka codsanaynaa maamulka S/land inuu si dhakhso ah wax uga qabto arrinta Yaasiin, qaataana mas’uuliyadda wixii soo gaadha Dhibbane Yaasiin Kilwe.

ALLE AYAA WAAFAJINTA LEH: EHELADA YAASIIN KILE CISMAAN

Codsigaa iyo warbixintaa ka dib waxaa hadalkii u soo wareegay dadkii ka soo qayb galay xafladda qaar ka mid ah , kuwaas oo dhamaantood ka hadlay xaaladda qallafsan ee uu ku sugan yahay Yaasiin Kilwe muddada dheer waxaanay dhammaantood ka codsadeen maamulka S/land inay si dhakhso ah usoo daayaan Yaasiin iyaga oo fulinaya go’aankii ay maxkamaddu ku amartay in lagu sii daayo.



Waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay , Xaliimo Ciid oo ah Yaasiin Kilwe hooyadii waxaanay sheegtay in ay murugo iyo oohin darteed ay la indho beeshay , waxa kale oo halkaa ka haday,Nabaddoon Faarax Cali Ilsar oo ku hadlayay magaca Guurtida , Mudane Cali Jaamac Faarax Wasiirka Madaxtooyada DGPLN , Mudane Axmed Xuseen Doonyaali , C/laahi Cabdi iyo dadwayne kale.

Waxa kale oo goobtaas lagu soo ban dhigay baaq ay soo saareen Isimada Aqoon yahanka iyo guurtida Degmada Dhahar Baaqaas oo u qorraa sidan:

BAAQ KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN HARGAYSA

Anaga oo ah Nabadoonada, Guurtida , aqoon yahanka iyo waxgaradka hoos ku xusan kuna kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxaan halkan ku caddaynaa in ninka lagu magacaabo Yaasiin Kilwe Cismaan kuna dhasha Degmada Dhahar uu ku xiran yahay magaalada Hargaysa muddo ku dhaw afar sano , isla markaana uu la kulmay tacaddiyo farabadan intii uu ku jiray xabsiga. Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in arrinta Yaasiin Kilwe wax garadka degaanku ay in badan kala hadleen maamulka S/land laakiin ilaa hadda aan wax laga qaban xaaladdiisa.



Haddaba, markii aanu ka war hellay in uu hadda ku sugan yahay xaalad adag , kuno jiro cunto ka soomid furan ,isla markaana noloshiisu ay ku jirto halis waxaanu markale soo jeedinaynaa baaqan soo socda:

In si dhakhso ah loo fuliyo go’aankii ay maxkamadda racfaanku ku sii dayasay Yaasiin Kilwe taariikhdu markay ahayd 05/06/2006.

In la fura baaritaan madax banana oo lagu xaqiijinayo dhibaatooyinka soo gaaray Yaasiin Kilwe intii uu ku jiray gacanta maamulka S/land.

Waxaanu aad uga xunahay in ninkaa la geeyay waddamo shisheeye looguna soo gaystay tacaddiyo waawayn , arrintaas oo ku xun Islaanimada, derisminada iyo soomaalinimada.

Ugu danbayntii waxaanu ka rajaynaynaa maamulka S/land in uu tix galiyo baaqayaga , isla markaana aanu fududaysan .

MAGACYADA
1- Nabaddoon Warsame Dalmar Ciise
2- // Cali Cabdi Cali
3- // Axmed Siciid Madaxay
4- // Cabdi Shire Maxe’d
5- // Saxardiid Cali Dhawaaq
6- // Warsame Aadam Geesood
7- // Faarax Cali Ilsar
8- // Maxu’d Cumar Muuse (Jeenicad)
9- // Maxe’d Yuusuf Shire
10 // C/laahi Maxe’d Xasan
11- Guurti Axmed Maxu’d Samatar
12 // Siciid Xasan Xaaji
13 // C/rashiid Ducaale Cali
14 // C/raxmaan Faarax Gurxan
15 // Axmed Xasan Cabdi
16 // Boqolle Cabdi Qacle
17 // Jaamac Cali Maxe’d
18 // Cabdi Cismaan Halac
19 // Cabdi Xaaji Maxe’d
20-// Yuusuf Boobe Cismaan
21 // X.Cabdi Ibraahim

Markii ay khudbaduhu dhamaadeen waxay dadwaynuhu ku soo wareegeen magaaladay iyaga oo sita boorar .ay ku qorraayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen:"YAASIIN KILWE WUXUU SI XUN UGU DHIBBAN YAHAY XABSIGA BERBERA" "CADDAALADDA S/LAND MA SIDAASAA" "SAMSAM IYO YAASIINBA DHAHAR BAY KU DHASHEEN" iyo erayo kale

Waxaa xusid mudan in muddaharaadkan oo kale uu ka dhacay degmada dhahar bishii 5aad 2006 .

MUDDAHARAADKII KA DHACAY DEGMADA DHAHAR IYO HADALADIILAGA JEEDIYEY IYO HALKU DHEGYADII DADWEYNAHA CADHAYSAN.



Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03/02/2007 ka dhacay Deg.Dhahar Mudaharaad ay soo abaabuleen Ururrada Haweenka, Dhalinyarada, Aqoonyahanka, wax garadka iyo guud ahaan dadwaynaha degmada, iyada oo laga muddaharaadayay xaaladda Yaasiin Kilwe Cismaan oo ah nin u dhashay degaanka Dhahar kuna xiran Magaalada Hargaysa muddo ka badan afar sanadood xaaladdiisana aad looga dayriyay.



Waxay dadwaynuhu isugu tageen halka loo yaqaan Xananta oo ku taal dhinaca koonfureed ee degmada Dhahar , halkaas oo ay ka soo bilaabeen socod dheer oo ay ku soo mareen daafaha magaalada iyaga oo sita boorar kuna dhawaaqayay hal ku dhegyo ay ka mid ahayd: "Caddaalad darro dooni mayno", "Ganacsiga dadka dooni mayno" iyo erayo kale ,,,,Intii aan la bilaabin socodka waxaa la hadlay dadwaynaha masuuliyiin iyo guurti badan, waxaa ugu horrayn bilaabay hadalka Xasan Kilwe Cismaan oo ah ninka xiran walaalkiis, waxaanu si qiiro leh uga war bixiyay xaaladdii lagu xiray Yaasiin iyo marxaladihii uu soo maray intii uu ku jiray xabsiga Hargaysa iyo meesha hadda xaalkiisu marayo .



Waxaanu ku soo ururiyay xaalkiisa qoraal uu u soo ban dhigay saxaafadda iyo dadwaynihii ka soo qayb galay muddaharaadka , qoraalkaas oo u qorraa sidan.

A/risak M Haji Ali | co-editor LaasqorayNET
&
Max'uud Ciyoon | ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH