Wararkii: Sept 13, 2006
- Xaabsade oo ku gacan seyray
dhexdhexaadin...
- C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda
Magaaladda New York…
- Ra’iisul Wasaare Geedi oo dhaleeceyn u
jeediyey Dowladda liibiya..
- Ciidamo xoog leh oo lagu ururinay
deegaanada…
- Shariif Xasan oo shalay warbixin siiyey
Golaha Baarlamaanka…
- Kulan ay isugu imaanayaan Golaha
Maxaakiimta iyo Hayadaha..
- Cadde Muuse oo Booqaday Cisbitaalka
guud ee Laascaanood
- Qiimaha sarifka dollarka deegaanada
Puntland oo sare u kacay.
- Talaalka Cudurka Dabaysha iyo
Afrika
- Iska Hor-imaad laga soo sheegay
Gobolka Sool
- Ciidamada Maamulka Somaliland oo Heegan
Sare La Galiyay.
- Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ku
kala qaybsamey hadalkii Xaabsade..
- Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay oo ka dhacay Ogaadeenya.

MUXAMMAD
HALOO DIRO AQALKA US CONGRESS
Waxaa xalay oo ay taariikhda
aheyd Sept.12, 2006 ku guuleystay doorashada is reeb reebka
murashixiinta xisbiyada (Primary Election) hogaamiye Muslim ah
... AKhri....
Xaabsade
oo ku gacan seyray dhexdhexaadin uu wadey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ah Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa ku gacan
seeyray dhexdhaxaadin uu waday Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan oo la doonayey in la iskugu keeno Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed
iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Maxamed Ibraahm Xaabsade ayaa waxa uu Shariif Xasan u soo Jeediyey in Ciidamada
Reer Puntland ee ku sugan Magaalada Baydhabo in ay marka hore halkaas laga saaro
oo dib loogu celiyo goobihii marka hore laga keenay. Shariif Xasan ayaa waxa uu
u soo jeediyey Maxa’ed Ibraahim Xaabsade in Dowladda fedaraalka ay diyaar u
tahay in ay magdhow ka bixiso dadkii ku dhintay Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Baydhabo.
Shariif Xasan waxa uu u soo Jeediyey Max’ed Ibraahim Xaabsade in uu dib uga
laabto hadalladii uu horay u sheegay isla markaana uu ogalaado in wixii khilaaf
ah lagu xalliyo wadahal iyo isafgard taasoo uu sheegay in ay dan u tahay
dadweynaha ku nool Gobollada Bay iyo Bakool.
C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda Magaaladda
New York…
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf ayaa todobaadkan wuxuu u ambabixi doonaa carriga
Maraykanka gaar ahaan Magaalada New –York oo kaga qaybgali doono shirka Qaramada
Midoobay oo sanadkii mar ay isu yimaadeen Madaxda Aduunka.
Madaxweynaha ayaa la filiyaa in uu Qaramada Midoobay uu ka codsado sidii
cunnaqabateynta saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa si ay u sahlanaado in ay
soomaaliya ay galaan ciidamo Dowladda Fedaraalka gacan siiya.
Warar aynu ka helnay dhinaca Maraykanka waxa sheegayaan in dadka Soomaaliyeed ay
ku nool dalkaas ay qaban qaabinayaan Banaanbaxyo lagu diidan yahay in Soomaalya
la keeno Ciidamo shisheeye, sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxwaynahau uu
kulamo la yeesho Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Maraykanka oo uu kala hadli
doono arrimo la xiriira waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisada ah
Ra’iisul Wasaare Geedi oo dhaleeceyn u
jeediyey Dowladda liibiya..
Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa si weyn u dhaliilay Dowalada Liibiya
waxaana uu sheegay in aysan dhaxdhaxaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya isla
markaana ay garab siiso Golaha Maxaakiimta.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay tahay Dowlad doonayso
in ay sii kala fogayso Shacabka Soomaalyeed waxa uuna sheegay in dacwad ka dhan
ah ay u gudbin doonaan Midowga afrika iyo Qaramada Midoobay.
Dowlada uu hogaamiyo Cali Max’ed Geedi waxa ay si weyn uga carootay Martiqaadkii
ay u fidisay Golaha Maxaakiimta ayagoo ka qaybgalay Xaflad loo samaynayey sanad
Guuradii Todobaad ay ka soo wareegtay dib u habeyntii lagu sameeyey Ururka
Midowga Afrika, waxaana Golaha Maxaakiimta uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayo
Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Ciidamo xoog leh oo lagu ururinay
deegaanada…
wararka naga soo gaaraya gobolka Jubadda Dhexe waxa ay sheegayaan in ciidamo ka
tirsan Golaha Maxaakiimta lagu ururinayo deegaanka Salagle oo ka tirsan gobolka
Jubadda Dhexe.
Ciidankaasi ayaa haatan waxa halkaasi uga bilowday tababar la xiriira dhinaca
ciidamada, waxaana markii ugu horreysay lagu faray ilaa iyo 2-boqol oo ciidamo
ah.
Dadka deegaanka ayaa si weyn u taageeray ururinta ciidankaasi oo ku tilmaamay
iney yihiin kuwo wax ka qabanaya arrimaha dhinaca deegaanka.
Waxaa ka socda gobolada Jubbooyinka kacdoon looga soo horjeedo wasiirka
gaashaandhiga Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) kaddib markii uu ku dhawaaqay
in gobolada Jubbooyinka uu u sameynayo maamul goboleed.
Xildhibaanada ka soo jeeda goboladaasi ayaa dhawaan shir jaraa’id ku qabtay
magaalada Baydhabo, waxeyna sheegeen iney si weyn uga soo horjeedaan in
goboladaasi loo sameeyo maamul, waxaana Barre Hiiraan loogu baaqay inuu dib uga
laabto dhismaha maamul goboleedkaasi.
Dhawaan ayaa iska hor imaad wuxuu ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo la
sheegay inuu la xiriirey kooxo diidan in maamul goboleed loo sameeyo gobolada
Jubbooyinka iyo kooxo ka soo hor jeeda.
Shariif Xasan oo shalay warbixin siiyey
Golaha Baarlamaanka…
Gudoomiyaha Golaha Baar-laanka Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maalntii shalay
waxa uu warbixin siisay Golaha Baarlamaanka waxayna ku saabsanayd shirkii
Khartuum kaa soo wada yeesheen Dowlada fedaraalka iyo Golaha Maxaakiimta,
wuxuuna sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in shirkaas uu ahaa mid ay si weyn isu
fahmeen Dowladda iyo Golaha Maxaakiimta.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in Dowlada fedaraalka ay ka go’an tahay in fuliso
wixii go’aamo ee ka soo baxay kulankaas, waxa uu kaloo sheegay in qodob ugu
muhiimsanaa ay isku afgarteen Dowladda fedaraalka ah iyo Maxaakiimta uu ahaa is
dhexgalka ama isku dhafka Ciidamada labada dhinac.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in qaar ka mid ah qodobada in dib loo dhigo illaa
wajjiga sadexaad kaasoo uu sheegay in la isu imaan doono Ramadaan ka dib waxa
uuna sheegay qodobadaasi in ay ka mid yihiin awood qaybsiga, keenista Ciidamo
shisheeye, iyo wax ka bedelidda Axdiga ku meel gaarka ah.
Xildhibaannada Baar-lamaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey qodobada ay ku
heshiiyeen Dowlada fedaraalka iyo Golaha Maxaakiimta waxa kaloo sheegeen in
Dowlada looga baahan yahay in ay fuliso go’aamadaas isla markaana ay tanaasul ka
sameyso qodobada dambe ee la isu imaanayo Bisha Ramadaan ka dib.
Shariif Xasan ayaa la filayaa in uu u gudbiyo qodobada lagu heshiiyey Madaxwayne
C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Kulan ay maanta isugu imaanayaan Golaha
Maxaakiimta iyo Hayadaha..
waxaa maanta la filayaa in ay kulan isugu yimaadaan Mas’uuliyiin ka tirsan
Golaha Maxaakiimta iyo dhamaan Hay’adaha samafalka ee ka howl gala dalka gaar
ahaan Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa kulankaas ka qaybgali doona Madax
ayana ka socota Hay’adaha maxalliga (localka) ee ka howl gala Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxa looga hadli doonaa arrimo la xiriira qaabka ay u howl galaan
Hay’adaha samafalka iyo waxyaabaha ay ka qabtaan wadanka gudihiisa, sidoo kale
sidii xiriir u dhax mari lahaa Maxaakiimta iyo Hay’adaha samafalka. Dhawaan ayaa
waxa kulan ku sheegay Muqdisho Mas’uuliyinta ka socotay Qaramada Midoobay iyo
Golaha Maxaakiimta, waxaana kulankaas la isku afgartay in Hay’adaha Qaramada
Midowbay ay Xafiisyadooda ay dib uga furtaan Muqdisho maadaama ay tahay Magaalo
u nabdoon
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Laascaanood: gen: Cadde Muuse oo Booqaday
Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.
W/D: Cabdirizak koronto
Madaxweynaha DGPL Gen: Cadde Muuse ayaa Talaadadii booqasho iyo kormeer hawleed
ku tagay ispitaalka guud ee magaalada laascaanood isaga oo u kuur galaya
xaaladaha caafimaad ee ka jira ispitaalka.
Gen: cadde muuse ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay ispitaalka guud ee
mgaalada laascaanood waxaana halkaas ku qaabilay masuuliyiinta ispitalka isagoo
shirir kala duwana la yeeshay masuuliyiinta ispitalka guud ee magaalada
laascaanood, madaxwaynaha ayaa kulan xasaasi ah oo ay albaabadu u xiran yihiin
ku la qaatay hoolka shirarka ispitalka magalada laascaanood, Agaasimaha
ispitalkaDr: Xaaji Maxamuud iyo isuduwaha caafimaadka gobalka sool Dr: Muuse
Geele Maxamuud lamana shacin wixii ay masuuliyiintaasi kawada hadleen.
Sidoo kalena madaxwaynuhu intii uu kuguda jiray booqashada gaaban ee uu maanta
ku tagay ispitalka guud ee magaalada laascaanood waxa uu mid mid u galay dhamaan
qaybaha kala duwan oo uu ka kooban yahya ispitalka magaalada laascaanood isaga
oo ku booqday ispitalka qolalkoodii bukaankii halkaasi jifay oo uu ilaahay uga
baryay in ale caafimaadsiiyo iyo dhamaan umada musliminta ah oo dhan.
Ispitalka wayn ee magaaalda laascaanood oo soo maray marxalado kala duwan ayaa
hada maraya meel wacan waxayna shaqada ispitaalku ay u socotaa si adeeg sare leh
dhawaan ayay ahayd markii uu mulkiilaha shirkada Xawalada Dahab Shiil uu dayac
tir xoogan ku sameeyay isaga oo ku kordhiyay qaybo kale duwan oo ay ka midyihiin
qaybaha dhalaanka iyo hooyada oo aanu markii horeba lahayn ispitalku hadana si
xawli ah u shaqeeyay qaybahasi iyo guud ahaan ispitalku.
Garoowe: Qiimaha sarifka dollarka deegaanada
Puntland oo sare u kacay.
A/rizak koronto
Waxaa maalintii shalay ahayd si xowli ah hawada ama kor ugu kacay qiimaha
sarifka dollarka lagu sarifto deegaanada puntland iyada oo uu gaaray qiimaha
$100 dollar lacag dhan sh,so, 1490.000 halka uu markii hore ka ahaa
sh,so,1460.000.
Sare u kacan dollaraka ayaan ilaa iyo hada cadayn waxa sababay in uu sidaas
xowliga ah uu mar qura sare ama cirka isugu qaado qiimaha sarifka lakala
siisanto.
Dadka ka ganacsada wax is waydaarsiga lacagta qalaad ayaa ku tilmaamay sababta
kicisay in ay tahay iyada oo ay soo galeen suuqyada deegaanada puntland lacago
cusub oo ah sh,so taasi oo sababtay in uu mar qura kor ugu koco sarifka dollarka
puntland.
Sidoo kalena waxaa lagu nisbaynayaa in uu sare u kaco qiimaha sarika dollarka
iyada oo maalintii shalay ahayd ay xukumadu bixisay mushahaarkii ciidamada iyo
shaqaalaha dawlada oo ay si wayn u soo galeen suuqyada lacagtaasi sh, somaliga
ah ee isugu jirtay mushahaar bixinta puntland ee dhanka ciidamada iyo shaqaalaha
iyo lacagta cusub ee soo gashay suuqyada kuwasi oo si wayn isaga kaashaday in uu
sare u kaco qiimihii lagu sarifayay dollarka.
Si kastaba iyadoo oo uu sare u kacay dollarkii ayaan hadana waxba iska bedelin
qiimaha badeecooyinka kala duwan ee deegaanada puntland gaar ahaana kuwa quutul
daruuriga ah sida rashinka.
Talaalka
Cudurka Dabaysha (Polio vaccine ) ayaa muddo Sadex maalmood ah ka dib lagu
soo gabagabeeyay sadex wadan oo ku yaal bariga africa.
W/D: Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

isha Sawirka Wakaalada Wararka REUTERS
by bootaan
Talaalka Cudurka Polio
ama Dabaysha ayaa ka muddo sadex maalmood ah ka dib la soo gabagabeeyay,
talaalkan ayaa waxaa uu ka dhacay sadexda wadan ee kala ah Somalia, Kenya
iyo Itoobiya, waxaana ololaha talaalka gacanta ugu wayn ka gaystay hay'ada
WHO ee caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Ololaha talaalkan ee ka dhacay sadexdaasi wadan ayaa looga gol lahaa cirib
tirka cudurkan dabaysha ee caruurta curyaamiya, waxaana lagu talaalay
caruurrta ay da’doodu ka yartahay 5ta sano iyadoo waxaana haayadu sheegtay
WHO in cudurkaan laga talaalay inta uu socday qiyaastii 3 milyan oo caruur
ah oo ku kala nool dalalka bariga afrika ee uu hareeyay cudurkaasi iyadoo
sanadkii aan ka soo baqoolnay uu ahaa markii la sugayay in lagu dhawaaqo ka
takhalusida cudurkaasi balse dib loogu arkay caruur qabto iyadoo la filayo
in sanadu kale oo qaato inta laga takhalusayo.
Dalka Soomaaliya ayaa 4tii sano ee lasoo dhaafay laga waayey cudurka
Dabaysha balse sanadkii lasoo dhaafay ayaa markale la arkay cudurkan ayadoo
la sheegay inuu dalka Soomaaliya kasoo galay dhinaca dalka Yemen sida ay
sheegtay haayada WHO ee qaramada midoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka..
Ciidanka Somaliland iyo Ciidanka Puntland oo
isku raasaaseeyay Jiida Ari Cadeeye ee Gobolka Sool Xili Cadde Muuse, Madax
waynaha Puntlnd oo booqasho ku joogo Gobolka Sool.
Waraka ka imaanyo gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in labada ciidan ee
Maamulada Puntland iyo Somali-land ay maalintii shalay ahayd ee Talaadadda ay is
waydaarsadeen madaafiicta hoobyiyaasha iyo waliba hubka noocyadiisa kala duwan
ee sida isdaba daxsan u dhaca iyadoo oo ka dhacay iska hor imaadku deegaanka
jiida hore loo yaqaan ee Ari cadeeye ee ay isku horfadhiyeen labadii sano ee ugu
danbaysay ciidamada labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland .
Taliye ku xigaynka Ciidanka Daraawiishta DGPL ayaa saxaafada u sheegay in labada
dhinac ay is waydaarsadeen madaafiic iyo waliba rasaas kale sidoo kale wariye ku
lagu magacaabo C/qaadir Xoosh oo isagu arimaha gobolkaasi si gaar ah u indha
indheeya ayaa waxaa uu Somalitalk u sheegay in ay arintaan timid ka dib markii
madax waynaha DGPL Cade Muuse ay maqleen maamulka Somali-land in oo doobayo in
oo booqashu ku yimaado Buuhoodle isaguu wariyuhu intaasi ku daray in laga
dareemayo aagaasi dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamadda Puntland iyo
waliba kuwa Somaliland .
Arimaan oo idil ayaa ku soo beegaya iyadoo magaalada Laascaano ee xarunta
Gobolka Sool uu ku sugan yahay labadii maalmood ee aan soo dhaafnay madax
waynaha dawlada goboleedka Puntland Cade Muuse Xirsi iyo wasiiru ka tirsan
maamulkiisa ,
Gobolka Sool iyo sanaag ayaa ah gobolada ay ku moran san yihiin labada dhinac ee
Puntland iyo Somaliland waxaana marar badan ka dhacay gobolka Sool aaga Ari
Cadeeye iska hor imaad dhex maray labada dhinac oo ay ku dhinteen ciidamo iyadoo
lagu kala qafaashay kuwa kale balse arinta iminka soo cusbuunaatay ayaa u
mooqata mid soo celinaysa is qab qabsigii deegaaneed ee dhex maray labada dhinac
iyadoo bishii hore BBC-da Qaybta Somalia uu madax waynaha Jamhuuriyada la magac
baxday Somaliland daahir riyaale Kaahan oo sheegay in Somaliland aysan wali ka
harin arinta gobolada sool iyo sanaag sida uu hadalka u dhigay.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi Kenya.
Botaan1@hotmail.com
Laascaanood:
Ciidamada Maamulka Labaxay Somaliland oo Heegan Sare La Galiyay.
W/D: Cabdirizak koronto
Ciidamada maamulka lamagacbaxay somaliland ayaa heegan kii ugu sareeyay
lagaliyay iyaga oo isku balaariyay deegaanadii ay horay uga haysteen maamul
Gobaleedka puntland ee gobalka Sool.
Ciidanka is balaarinaya ee maamulka lamagacbaxay somaliland ayaa bilaabay in ay
soo rideen madaafiic oo aan loo meel dayin in kastoo aanay jirin cid wax ku
noqotay madaafiicda ay ridayaan.
Ciidamada maamulka labaxay somaliland ayaa siweyn uga biyo diidan booqashada
madaxweyne cadde muuse iyo waftigiisa iyagoo wacad ku maray in ay ka hortagi
doonaan oo ay baajin doonaan booqashada uu madaxweyne cadde muuse ku doonayo in
uu kutago magaalada buuhoodle ee gobolka cayn.
Balse warar aanu helnay ayaa sheegaya in madaxweyne cadde muuse xirsi uu tagi
doono magaalada buuhoodle ee xarunta gobalka sool kaasi oo maamulka lamagacbaxay
somaliland ay si wayn uga biyo diidsan yihiin.
Madaxwaynaha puntland Gen: Cade muuse ayaa noqonaya madaxwaynihii ugu horeeyay
ee booqasho ku taga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka cayn tan iyo markii
la asaasay DGPl 1998 in kasta oo Buuhoodle ay xiligaas ahayd degmo ka tirsan
gobalka Togdheer balse maamulka puntland ayaa buuhoodle u aqoonsaday gobal kaasi
oo loogu magacdary Cayn, puntland oo markii hore ahayd 5 Gobal oo waawayn ayaa
hada maraysa 8 gobal waxaana lagu kordhiyay 3 gobal ookale ah cayn oo Buuhoodle
ah, Karkaar oo Qardho ah, iyo Gobalka Haylaan, ee sanaag bari.
Uganda: Jamhada LRA ee ka dagaalanta waqooyiga
Uganda oo ogolaatay in ay sii dayso haween iyo caruur ay horay u qafaalatay.
Jamhada mucaaradka ah ee ka dagaalanta waqooyiga dalka uganda ayaa shaaca ka
qaaday in ay siidaynayso dadka ay horay u qafaalatay oo u badan haween iyo
caruur ay ka qafaalatay deegaanadoodii.
Heshiis dhinacyo badan taabanaya oo ay ku heshiiyeen xukuumada uganda iyo
jamhada mucaaradka ah ee LRA ayaa si rasmi ah u xaqiijinaya in ay dhamaatay
colaadii 20 jirsatay ee dalkaasi uganda ka taagnayd mudad aadka u dheer.
jamhada ayaa lagu wargaliyay in ay hubkooda iyo dagaalyahanadooda ay isugu
geeyaan baro loo cayimay.
sidoo kalena heshiiskan ayaa qayb ka ahaa in jamhadu ay sii dayso mudo yar
gudahood caruurta ay sida sharci darada ah uga afduubatay deegaanadoodii iyaga
oo ula dhaqmayey in ay ciidan ahaan u kaxaystaan iyo waliba haweenka ay
afduubeen jamhadu arintaas waa ay ogolaatay.
Waqooyiga dalka uganda oo jamhadu sida wayn uga dagaalanto lagama ogola jamhada
dadku inta badan waa ay ka sii raja dhigayaan jamahada arxanka daran ee
naafeeyay waqootiga dalkaasi ugand.
In kabadan halmayan ayaa kabara kacay guryahoodii intii ay colaadu socotay
kumanaankuna oo kalena waa ay ku nafwaayeen dagaalada 20 sano ka socday dalkaasi
uganda.
Garoowe: Talaalka cudurka dabaysha oo wali
si habsami leh uga socda gudaha dalka somalia.
Waxaa maalintii sadexaad galay hawlaha looga ciribtirayo cudurka dabaysha dalka
somalia oo gabi ahaanba ku eg maanta galinka danbe oo la soo gaba gabayn doono
ayaa wali dhulka baaxada leh ee dalka somalia waxaa si xowli ah uga soconaya la
dagaalanka cudurka dabaysha ee loo yaqaano Polio.
Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijinaya in xiligani uu si wayn uga hirgalay
talaalka cudurka dabaysha guud ahaanba gudaha dalka somalia ayna ka talaaleen
caruur badan cudurkaasi dabaysha ee Polio.
Magaalada Garowe caruur ka badan 30.000 oo loogu tala galay in sanadkan looga
talaalo cudurka dabaysha ayaa sida uu xaqiijinayo maxamuud khaliif xasan oo ka
mid ah saraakiisha hayada qaramada midowbay u qaabilsan caafimaadka xafiiskeeda
garowe uu noo xaqiijiyay in ay inta badan ku guulaysteen in caruurtasi laga
talaalo cudurka dabaysha waxana uu sheegay in uu talaalku guud ahaan dalka
somalia uu maanta galinka danbe ka soo gaba gaboobayo.
Guud ahaa puntland waxaa loogu talagalay in talaalka cudurka dabaysha laga
talaalo sanadakan caruur tiradooda lagu qiyaasay 140.000 kun oo caruura kuwaasi
oo ku kala nool mintuulo ilaa degmo iyo waliba gobal iyaga oo waliba
hawlwadeenada caafimaadku ay dhamaandadkaasi ugu tagayaan hoyga ay marba ku nool
yihiin sida la cadeeyayna talaalku waa lacag la'aan caruureey ka faa iidaysta.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2006
Sept 12, 2006
Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle oo
ku kala qaybsamey hadalkii Xaabsade..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah
Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegayaan in Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo
Mirifle ay ku kala qaybsameen hadaladii dhawaan ka soo yeeray Max’ed Ibraahim
Xaabsade, qaarkood waxay sheegeen in Max’ed Ibraahim Xaabsade hadaladiisu
ahaayeen kuwo lagu sii hurinayo dagaalo dhex mara Dowladda Federaalka iyo
Shacabka Digil iyo Mirifle.
Fawsiyo Max’ed Sheekh oo ah Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Dowladda Federaalka ayaa
waxa ay si weyn u taageertay hadalkii Max’ed Ibraahim Xaabsade ee ahaa in
Dowladdu ay ka guurto Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Max’ed Ibraahim Xaasade ayaa isna mar kale ku celiyay in Dowladda ay
sida ugu dhaqsiyaha badan uga guurto Dowladda Magaalada Baydhabo, hase yeeshee
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Shariif Xasan ayaa dadal ugu jira sidii
loo qaboojin lahaa arrintaasi, waxaana dhawaan kulamo ay la yeesheen Malaaqyo
iyo waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle kuwaas oo ay Dowladdu ka
dhaadhicisay in ay dejiyaan xaaladda wixii dhacayna ay Dowladda magdhow ka bixin
doonoto.
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo
shalay Nadiifiyey inta u dhaxeysa..
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo aad u hubeysnaa ayaa iyagu shalay
nadiifiyey wado inta badan cariiri ahayd, isla markaana lagu ganacsado
bartamaheeda, wadadaas oo ah midda ka tagta Baar-Ubax ilaa iyo Isgoyska
Hawl-Wadaag.
Dadweynaha halkaasi ku ganacsada ayaa markii hore looga digay in ay si dhaqsi
leh uga guuraan, balse ciidamo aad u fara badan ayaa goobtii yimid oo ka raray
ganacsadii yar yareyd iyo gawaaridii ay halkaasi la dhigan jirtay, waxaana
shalay la arkayey iyadoo wadadaasi ay si caadi ah Gawaaridu u marayaan,
arrintaan ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay ganacsatada kale ee iyana
halkaasi ku leh dukaamada waaweyn. Maxkamadda islaamiga ah ee Hawlwadaag ayaa
uga digtay dadkaasi in ay markale dib ugu soo laabtaan goobtaasi, ciddii lagu
arkana waxaa la sheegay in la isugu dari doono Tacsiir iyo Ganaax, hase yeeshee
dadka ganacsiga ku leh hakaasi ayaa iyagu Maxaakiimta ka codsaday in loo sameeyo
goobo ay ku ganacsadaan, hase yeeshee ilaa iyo haatan Golaha Maxaakiimta weli
dadkaasi uma sameyn goobo ay ku ganacsadaan, dhinaca kale qashinkii laga geyn
jiray Tarabuunka ayaa waxaa haatan moodaa in dib ugu noqonaya gudaha magaalada,
waxad arkeysaa luuq-luuqyada qashin yaala oo habeen barkii lagu tuuray.
Ayman Adwaahiri oo ka Hadley arrimaha soomaliya
..
Ayman Adwaahiri oo ah hogaamiyaha labaad ee Ururka Al-Qacida yaa soo saaray
cajalad uu ku soo aadiyey sanadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay markii
cardaaduqaha laga dhigay labadii Daarood ee astaanta u ahaa Magaalada New York,
waxaana canjaladaasi ay ahayd mid ka hadleysay arrimo fara badan oo quseeya
muslimiinta ku nool Dunida waxaana Ayman Adwaahiri uu ka hadlay arrimo la
xiriira xaaladda Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey muslimiinta ku noool Dalka
Soomaaliya in ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray kooxaha xulufada la ah
Mareykanka, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyay sidii ay wadanka uga saareen
kooxhii daba dhilifka u ahaa Maryekanka, Ayman Adwaahiri waxa uu ku tilmaamay
madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed nin ka baxay Diinta Islaamka loona baahan yahay
wixii la socda iyo isagaba laga saaro wadanka. Ayman Adwaahiri ayaa canjaldaan
ku soo beegay xili dadka Mareykanka ay xusayaan dhacdadii 11-ka September oo
shalay ku beegneyd, canjaladaan oo la sii daayey Taleefishinka Al-Jasiira ayaa
waxaa moodaa in Mareykanka looga dheereeyey xagga dacaayadda ee dhinca
warbaahinta, sidoo kale Xubnaha Al-Qaacida ayaa la sheegay inay ku shaqeeyaan
sirdoon aad u sareeya, Madaxweynaha Dalka mareykanka ayaa shalay ku dhawaaqay in
dib loo dhisi doono labada daarood ee ku burburay weeraradii 11-kii September,
waxaana la filayaa in halkaasi lag dhiso saddex daarood oo aad u casri ah.
Madaxweyne Busha waxa uu sheegay in hogaamiyaha ururka Al-Qaacida Osoma Bin
Laadin, ku xigeenkiisa Ayman Adwaahiri iyo Xubno badan oo Al-Qaacida ah ay ku
sugan yihiin dalka Afgaasintaan, halkaas oo la sheegay inay ku leeyihiin
saldhigyo waaweyn.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Barnaamijkii Radio
Xoriyo
12 September 2006
-
Dagaallo
cadowga lagu naafeeyay oo ka dhacay Ogaadeenya.
-
Dadwayne
uu gumayigu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
-
Shir
Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay San Diego.
-
Maxkamadaha
Soomaaliya oo mar kale diiday ciidamo shisheeye.
-
======================
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay oo ka dhacay
Ogaadeenya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo dhex maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo
kuwa gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid
ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
06/09/06 dagaal ka dhacay meesha lagu
magacaabo Duud-cade, oo ka tirsan degmada Gunagado, waxaa ciidammada
gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Markii uu dagaalkani dhacay waxay ciidammada
gumaysigu Duud-cade ku dileen Alla ha u naxariistee C/llaahi Gamaadiid.
Waxay kaloo dhaawacyo soo gaadhsiiyeen C/llaahi Cismaan-Yare, oo ay gacan ka
jabiyeen iyo Caydiid Xasan Shaacir oo ay isagana Binnad madaxa kaga dhuften.
Ninkan denbe ilaa iyo hadda lama granayo meesha ay geeyeen.
07/09/06 dagaal adag oo ka dhacay Gasaangas,
oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 8 skari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay askar kale oon tiradooda la haynin.
30/08/06 weerar mir ah oo ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada
Bullaale waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Dhinaca kale wuxuu wariyuhu noo soo sheegay in
150 askari oo ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya ay dhawaan si wadajir
ah u goosteen, ilaa iyo haddana aan laga warhaynin meesha ay tageen.
Ciidammadan goosteen waxay ahaayeen ciidammo 18/08/06 laga soo diray
Gabagabo, isla markaana loo soo diray inay hawlgal dadwaynaha ka dhan ah ka
soo fuliyaan gobolka Doollo, gaar ahaan nawaaxiga Qorile, hase yeeshee waxay
garab mareen deegaankii hawlgalka loogu diray, iyadoo la sheegay inay
dhinaca Soomaaliya u dhaafeen degmada Dannood oon ka fogayn deegaanka
hawlgalka looga diray.
Dadwayne uu gumayigu ku xidhxidhay meelo
kala duwan.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo lagu yaqaano
inay dadwaynaha rayadka ah ku gadoodaan markay guuldarro kala soo
gudboonaato goobaha dagaalka ayaa dhawaan meelo kala duwan oo Ogadeenya ka
mid ah xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
Markii ay taariikhdu ahayd 20/08/06 wuxuu
gumaysigu magaalada Shilaabo ku xidhxidhay dadka kala ah;
1 Deeq Maxamuud Cali
2 Rashiid Maxamuud Awale
3 Mukhtaar Caydiid
4 Ina Shaakir Aw Xuseen
5 Xasan-Madoobe Qarwaashe iyo
6 Aweer Xuseen Cali Goos
29/08/06 wuxuu sidoo kale gumaysigu ku
xidhxidhay magaalada Yucub dadka kala ah;
1 Faadumo Fiixiye Sh Xirsi
2 Saafi Xuseen Barkhadle iyo
3 Nin lagu magacaabo Faahiye oo
magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
magaalada Diridhabo ku xidheen dadka kala ah;
1 Deeq Cali Sheekh
2 Mukhtaar C/llaahi Barre iyo
3 Shukri Shafeec Guuleed, oo ah garsoore
maxkamadeed.
Shir Ogaadeenya ku saabsan oo lagu qabtay
San Diego.
Wariyaha RX uga soo warrama gobolka California
ee dalka Maraykanka ayaa noo soo sheegay shir muhiim ah oo dabayaaqadii
toddobaadkii hore lagu qabtay magaalada San Diego. Shirkan ayaa ahaa mid si
wayn loo soo agaasimay oo lagaga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo bini�aadamnimo
ee dalka Ogaadenya. Shirkaas waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyey ururka
Codka Nabadda ee Ogadenya iyo Machadka Nabadda iyo Caddaaladda ee Jaamicadda
San Diego.
Shirka waxaa hal-ku-dhig u ahaa �Dadaalka nabad waarta oo ka dhalata
Ogadenya�, waxaa lagu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed, bini�aadamnimo iyo
sidii nabad looga gaadhi lahaa dhibaatada faca wayn ee dalka Ogaadenya
muddada dheer ka jirtay.
Waxaa shirkaas ka soo qaybgalay xeel-dheerayaal arrimaha Ogaadenya iyo guud
ahaan geeska Africa aqoon dheer u leh, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo
ka kala timid gobollo kala duwan oo Maraykanka iyo Canada ka mid ah.
Aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka waxay
halkaas ku soo bandhigeen xogo iyo warbixino isugu jira taariikh, falanqayn
la xidhiidha sidii dhibaatada Ogaadeenya ku abuurantay iyo sida xal loogu
heli karo iyo waliba kaalinta ay dadka qurbo joogta ahi ka qaadan karaa xal
u-helidda dhibaatada Ogaadeenya.
Dadkii goobta ka hadlay waxay dhammaantood qireen in shacbiga Ogaadenya
xuquuqdiisii maqan tahay, loona baahan yahay in loo ololeeyo sidii ay
aayo-ka-talintooda dib ugu hanan lahaayeen.
Khubaradii iyo aqoonyahanadii ka soo
qaybgalay shirkaas waxaa ka mid ahaa
Dr Mohamed Mukhtaar Huseen oo ah madaxa Machadka
Caalamaiga ee Cilmi baadhista Somalida Ogaadenya, Saadiq cabdiraxmaan oo ah
aqoonyahan u ololeeya arrimaha xuquuqda aadanaha Ogadenya, Herman J. Cohen
oo ah danjire Maraykan ah oo ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika, Dr
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, oo wasiirka arrima Dibadeed ka ahaan jiray dalka
Somaliya, iyo Dr Cali Khaliif Galaydh, Rasiisal wasaarihii ee hore ee
Soomaaliya
Maxkamadaha Soomaaliya oo mar kale diiday
ciidamo shisheeye.
Golaha Maxkamadaha islaamka Soomaaliya ayaa
sheegay in dawlada Itoobiya oo cadow ku ah Soomaaliya ayna marna xallin
karin dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha golaha fulinta
maxkamadaha islaamka Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed oo ka hadlayay magaalada
Sirta ee dalka Libya ayaa mar kale ku celiyay in maxkamadaha islaamka
Soomaaliya ayna marna aqbali doonin ciidamo shisheeye oo dalkaas la geeyo.
Sh Shariif oo ka hadlay shirkii madaxda IGAD
ay ku kala qeybsanaayeen ee dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee lagu soo
dadajinayay keenista ciidamo shisheeye, ayaa sheegay in aanu jirin wax
wanaag ah oo ka imaan kara ciidamo shisheeye oo Soomaaliya la geeyo.
Sh Shariif ayaa sheegay in "ayna suuragal
ahayn inuu waddan yidhaahdo waxaan xallinayaa dhibaato ka oogan waddan kale
oo xasaasiyad iyo colaadi ka dhaxayso", wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay
tahay mid aan caqliga u cuntamaynin.
Waxaa jiray warar dhawaan soo baxay oo
tibaaxayay in dawlada Liibiya ay wada hadalsiin doonto maxkamadaha islaamka
Soomaaliya, dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo xukuumadda Itoobiya,
hase yeeshee arrintaas ayaa u muuqata mid aan suuragal ahayn, ka dib markii
uu madaxwaynaha Soomaaliya ka baaqday shirka madaxda Midowga Afrika ee ka
dhacaya dalka Liibiya.
12 September
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay
11865 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Saddex Wafti oo Soomaali ah oo Kusugan Dalka
Liibiya
sadexda wafdi oo kala ah DFKMG, maxaakiimta
islaamka iyo madaxweynihii hore ee Carte ayaa..
Akhri warbixinta...
Sept 12
Akhri: Warqaddii uu Coleman u
Diray Masjidka Abuubakar
Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso
Muqdisho
»Ma
dhab baa in Miless Sanawi, C/llahi Yuusuf & Sh. Xasan
»Daahir
Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu joojiyo…
»Xulka
Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …
»Ciidamada
Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.
»Warsaxaafadeed
kasoo baxay Xisbiga Ramaas...
»Dadwayne
ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Sept 10
|