SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

MUXAMMAD HALOO DIRO AQALKA US CONGRESS
Keith Ellison for U.S. CongressKulankii diineedkii  6aad ee Muslimiinta W/Ameerika (Sept 1-3, 2006) waxaa yimid musharaxa aqalka odayaasha ee Maraykanka (US Congress), waa nin Muslim ah oo magaciisa la yiraahdo Keith Ellison, waxa uu muslimiinta xusuusinayaa in ay codkooda asaga siiyaan maalinta ay taariikhdu tahay September 12, 2006 doorasha hore ee tartanka aqalka odayaasha maraykanka.

SomaliTalk.com oo fursad u heshay in ay su'aal gaar ah weydiiso Keith Ellison ayaa su'aashu ahayd "Haddii lagu doorto maxaad u qaban doontaa ama u ballan qaadeysaa in aad u qabaneysid Soomaalida". Waxana uu ku jawaabey: Waxaa ka shaqaynaya nabadda, waxaan ku dadaalayaa dhawrida xuquuqda shacabka (civil rights), waxaan Soomaalida kala shaqaynayaa xagga Immigration-ka iyo qaadashada dhalashada (citizenship), iyo yaranta waqtiga dheer ee la sugayo immigration-ka iyo caddaalad samayn xagga dhaqaalaha - halkaas asagoo sharaxayana waxa uu yiri waagii hore hal qof ayaa biili kari jirey qoys ka kooban shan qof, laakiin taasi hadda suurta gal ma ahan, waxaana kala tegey daqabqadihii, dadkii fiqiirka ahaa ee Maraykanka waa sii fiqiirayaan dadka qaniga ah waa sii taajirayaan, waxaan ku dadaalayaa in aan taas wax ka qabto ayuu yiri, isagoo aad ugu niyad san in Soomaalida haysta dhalashada Maraykanka ay Sept 12 asaga u codayn doonaan.

(Wuuna ku guulaystay doorashadaas oo ah isreeb-reebkii 1aad, waxaana xiga doorashada weyn oo ku beegan Nov 7, 06).

Waxaa xalay oo ay taariikhda aheyd Sept.12, 2006 ku guuleystay doorashada is reeb reebka murashixiinta xisbiyada (Primary Election)  hogaamiye Muslim ah ee magaciisa la yiraahdo Mohamed Keith Ellison oo hadda ka tirsan baarlamaanka Gobolka Minnesota.   

                      Yuu Yahay Mohamed Keith? 

Muxammad Keith, garyaqaan 43 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Detroit ee gobolka Michigan.  Muxammad oo hadda reer Minnesota ah ayaa ah musharax Muslim ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga  waxuuna u sharaxan yahay Golaha Congresska Maraykanka ee ah golaha sharci dejinta ee dowladda Maraykanka lagana hago siyaasadaha caalamka.  Muxammad Keith wuxuu noqon doona Muslimka ugu horeeyey Congresska Maraykanka gala hadduu ku guuleysto Doorashada bisha Nov. 7, 2006. 

Muxammad Keith wuxuu muslim ahaa in ka badan 10 sano, waana muslimiinta sida tooska casharada ka qaata Masjid Nuur oo ku yaal Minneapolis, Minnesota. Wuxuu kaloo xaadiraa daruusta laga bixiyo Xarumaha Islaamka ee Minnesota sida Xarumaha Daraasaatka Islaamka ee MAS-Minnesota.   Wuxuu nagala qeyb galay doodo badan ee lagu hormarinayo Muslimiinta gobolka ee Minnesota laguna difaacayo xuquuqdood.  

      TAAGEERADA MUXAMMAD KEITH WAA WAAJIB 

Inkastoo hal ruux oo muslim ah ay dad badan u arkaan inuusan wax badan ka tarayn Congresska, haddan Muxammad Keith wuxuu noo balan qaaday in magaca Islaamka uu san marti ka noqon doonin Congreska Maraykanka. Diinta Islaamka in maalin kasto congresska ay ka muuqato waa waajib dacawi ah.  Qaacidda islaamka waxay leedahay: Waxaan la’aantiisa aan waajib ku dhameystirmeyn, waxaasi waajib bay noqdaan. 

Haddii Muxammad Keith oo ah ruux shanta waqti tukada la’aantii aan Islaamka maalinka kasta Congreska ka muuqaneyn, kolkaasi waajib bay noqon taageeridiisa si Congress ay u arkaan ruux iyo muslimiinta xafiiskiisa ka shaqeysa oo maalin weliba ku haya Allaahu Akbar.   

                   HAMBALYO 

Marka Al-xamdul lilaah guusha bilaabatay.  Hambalyo waxaan halkaan u jeedinayaa muslimiinta ay soomaali u badan tahay oo si hagar la’aan u taageertay Md. Muxammad Keith.   Si gaar ah dhalinyarada madaalayaasha oo guri kasto garaacay ilaa la gaaray guushii xalay Sept. 12, 2006.  Waxaase harsan doorashada dhabta ah ee dhici doonta Nov. 2006 ee fadlan haddii aad rabto inaa la shaqeyso xafiiska kaambeynka ee Keith ee qeybta muslimiinta MN la soo xiriir: 

Sh. Xasan Jaamic (612) 242-3273 xasanjaamici@yahoo.com

Imam Asad Zama  (612) 964-5757 asaduzzaman@hotmail.com 

Haddii aad heysato sharciga Green Card ama Jinsiyadda Maraykanka waxaad tabaruci kartaa sharci ahaan lacag aan ka badneyn  USD $2100.00.  Haddii aadan labadaa kor ku xusan aadan aheyn tabarucaad ma bixin kartid laakiin howlo kale oo fara badan ayaad qaban kartaa.  

Hal ku dhegeena waa gee magaca Islamka ama Muxammad  Congresska Maraykanka. 

Diyaariyey: 

Sh. Xasan Jaamici, USA

Booqo websiteka: http://www.keithellison.org/

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2006


Kulan diineedkii Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri warbixinta sida uu u dhacay kulankii Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD