Warqaddii uu Coleman u Diray Masjidka Abuubakar
Senator Coleman oo Cambaareeyey dab la qabadsiiyey masjid ku yaal Minnesota
Warqad uu Senator Norm Coleman u qoray agaasimaha masaajidka Abubakar Al Sadiiq
Imaam Abdirashiid Hassan iyo jamaacada masaajidka ayuu Senatorku ku bilaabay:
Waxaa aad ii dhibay iina murjiyey dabka waxyeeleeyey masaajidka aroortii
khamiiste ee bisha August ahayd 24. Waxaanan rajaynayaa in la helo kuwa ku kacay
fal denbiyeedkaas shariga lala tiigsado weliba sida ugu xoogan sharciga ciqaabta
la marsiiyo
Senator Coleman waxaa kale oo uu warqadiisa ku yiri" Reer Minnesota waxa ay had
iyo jeer ahaayeen kuwa soo dhoweeya dhamaan diimaha kala duwan iyo dhaqamada
kala duwan waana taas waxa fal denbiyeedkan lagula kacay Masjidka Abubakar Al
Sadiq aan loo aqbali karin"
Senator Coleman waxaa uu soomaalida Minnesota ku sifeeye dad sharaf leh oo wax
soo saar leh oo aanan laga horjoogsan karin inay gaaraan hadafkooda ayagoo u
maraya hab wanaagsan oo ay xaqooda ku raadsadaan (constructive civic
involvement).
Seantor Coleman oo warqadiisa uga hadlaya sida bulshada Soomaaliyeed ee
Minneapolis uga shaqeynayaan danta guud ee magaalada iyo inay wanaag ku
biiriyaan Minneapolis waxaa ka mid ah dadaalada ay ka wadaan masaajidka Abubakar
Al Sadiiqoo looga dan leeyahay in dhalaanka Soomaaliyeed lagu hagaajiyo laguna
caawiyo.
Senator Coleman waxaa uu warqadiisa ku cadeeye sida uu ula safan yahay shacabka
Soomaaliyeed ee Minnesota waxaana uu yiri "Fadlan ogaada waan idinla jirnaa mana
jirto awood sharwadayaal oo naga horistaagi karta ujeedada aan wadaagno ee
mustaqbalka"
Senator Coleman waxaa uu ku soo gebo gabeeyey warqadiisa inuu muujiyo sida uu
uga xun yahay kutubta la gubay iyo sida uu ugu faraxsan yahay in jameecada uusan
qofna wax ka soo gaarin dabkaas. Waxaa kale oo uu sheegay inuu diyaar u yahay
inuu la shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed iyo wax qabasho ku saabsan danta aan
wadaagno.
Warqadii uu Senator
Coleman u Diray Guddiga Masjid Abuubakar ee Minneapolis (pdf)
Isha: Xafiiska Senator Coleman
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2006

|