|
Kabilow bidix: Senator Norm
Coleman (R-MN), Senators Russ Feingold (D-WI), Mark Dayton
(D-MN)
|
Senator Norm Coleman (R-MN) oo kaashanaya labada
Senator ee kala ah Senator Mark Dayton (D-MN) iyo Senator Russ Feingold
(D-WI) ayaa aqalka senate-ka soo dhexdhigay Resolution (qaraar) ku boorinya
dawladda maraykanka inay la timaado hab ay ula dhaqanto arrimaha Soomaaliya
ama siyaasad cad oo ay dawladda maraykanku kula dhaqanto arrimaha Soomaaliya.
Qaraarkan ayaa ku baaqaya in dawladda maraykanku
taageerto shacabka Soomaaliyeed oo sida la wada ogsoon yahay dhibaato iyo
fawdo iyo dagaal sokeeye ku jirey ku jirey waqti dheer.
Qaraarka waxaa kale oo uu dawladda maraykanka ugu
baaqayaa in ay wanaajiso xiriirka ay la leedahay madaxda siyaasadda ee
Soomaalia iyo in dawladda maraykanka ka qayb qaadato kobcinta nidaam
dawladeedka Soomaaliya ayadoo taageerayso shacabka Soomaaliya
Senator Coleman oo wakiil ka ah gobolka maraykanka ugu
Soomaali badan ayaa qof ahaan hore u balan qaaday inuu Soomaalida danahood
cod muhiin ah uga noqon doono Washinton DC taas oo uu ka dhabeeyey.
Intii mudo ahba Soomaalida Minnesota ayaa muujinayey
damqasho ay u damqanayaan dhibaatada ku habsatay Soomaaliya sida abaaraha,
colaadda sokeeye, amaan la'aanta, dawlad la'aanta, nabaad guurinta ama
xaalufinta dalka bad iyo berriba iyo adeeg la'aanta haysata shaqacbka
Soomaaliyeed.
Soomaalida Minnesota hadday ahaan lahayeen Culimo,
arday, waayeel, dhallinyaro, rag iyo haweenba halgan ayay u galeen sidii ay
ugu gurman lahaayeen Soomaaliya wana ugu qaban lahaayeen dadkooda wixii
karaankooda ah ayadoo la moodo in dhibaatada sii badanaysa ee ku habsatay
Soomaaliya ay isu soo dhoweynayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.
Qaraarka (Resolutionka) sida wadajirka ah ay u soo
saareen xubno ka tirsan labada xisbi ee demoqraadiga iyo Jamhuuriga waqtigan
ayaa la dhihi karaa iskama iman ee waa guul ay soo hoyiyeen jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Minnesota juhdi badan ka dib.
ISHA:
http://coleman.senate.gov |
Tarjumadii: Mahamoud Wardere |
mnwardere@yahoo.com | Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 06
OGEYSIIS: SOOMAALIDA LONDON:
Waxaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee caddaalada jecel necebna quudhsiga
iyo takoorka la ogeysiinayaa in uu dhici doono banaanbax weyn oo lagaga
soo horjeedo xukunkii ay Maxkamada Somaliland ku xukuntay gacan ku
dhiiglihii sida badheedhka ah u dilay Allaha u naxariistee Khadar
Cismaan Dhabar. Banaanbaxan waxa uu dhacayaa Bishan May 13-keeda 3:00 pm
taasoo ah Sanad Guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii Marxuumka
lagu dilay Magaalada Hargeysa. AKHRI.... |
SOMALI FARA BADA OO LAGU QABTAY LAGUNA XIDHXIDHA DALKA TANZANIA,
Qaxooti somaliyed oo fara badan ayaa lagu xidh xidhay dalka Tanzania,
qaxootigan soo galay dalka Tanzania ayaa boqolaal kamida
xabsiyada la dhigay kadib marki bishan horanteedi lagu qabtay magaalooyinka Carusha iyo xuudadka dalka Tanzania iyo Kenya u dhaxeya, qaar kalana lagu
qabtay magalada Dar es salaam iyagoo ku dhumanaya guryo Somaliyeed.
Madaxa police ka magalada Dar es salaam Mr Alfred Tibeygana ayaa saxaafada u
sheegay in dadkaasi la qabqabtay ayagoo kasoo talaabay xududada, wuxuu ku
daray in dadka la xidhay ay kamid yihiin laba dumara. Alfred Tibeygana wuxuu
kaloosheegay policeku inay marki hore ku daba jireen Niman burcada oo dhacay
Bank NMB lacag 150m (Tz Sh) ah, kadibna ay lakulmeen dadka faraha badan oo
gaadhay 500 qof kadibna ay soo xidhxidheen, Alfred muusan cadayn xiliga
Maxkamada Lasaari doono sidoo kale wuxuu ku daray in dadkaasi halkan ay kusoo
dhaweeyaan dad horey u deganaa wadanka, weliba wuxuu sheegay in network dadka
looga soo kaxeeya Somalia ay soo kaxeeyaan dad somaliya oo iyagu kala yaqaan
wadada kana qaataan lacag fara badan, ugu danbeynti wuxuu sheegay Alfred
Tibeygana oo ah madax police ka dar es salaam ah in arimahaas oo dhan wax
laga qaban doono.
Sidoo kale wasaarada arimaha dibada afhayeen u hadlay ayaa isaguna ku sheegay
in dowladu sifeyn doonto dadka sida sharci darada kusoo gala ama sida sharci
darada ku degan dalka Tanzania, arintan ayaa walwal fara badan ku abuurtay
Somali fara badan oo horey u daganaa halkaasi, dalka Tanzania waxaa ku nool
Somali fara badan oo gadhay ilaa iyo 5000 oo qof ganacsi iyo degaanba ku
leh, sidaa darteed arintan ayaa ku noqotay arin walwal ku abuurta.
Ahmed Mohmamed
Dar es salaam, Tanzania
anjournalist@hotmail.com
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku dhawaaqay Xabad joojin
Amiin Yuusuf | Xamar
Guddoomiyaha
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku dhawaaqay
Maalintii shalay ahayd in dhinacooda ay diyaar u yihiin xabad joojin lagu
joojiyo dagaalka qaraar ee maalintii saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho ee u
dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la magacbaxay la
Dagaalanka Argagixisada.
“Culuma’u-diinka, Waxgarad iyo Odoyaal ayaa nala soo
xiriiray oo naga dalbaday xabad joojintaasi anaguna waan ka aqbalnay” ayuu yiri
Shiikh Shariif oo sheegay in markii horeba fariisimahooda la soo weeraray oo
intaa ku daray “aad baan uga xunnahay dhibaatada ku dhaceysa dadka Shacabka ah,
waana middaas midda aan u aqbalnay xabad joojintaasi”.
Sidoo kale ninkii uu
dagaalka ka bilowday Nuur Xasan Cali (Nuur Dakhle) ayaa isna sheegay in
dhiniciisa uu diyaar u yahay heshiis Xabad joojin ah, “Waxaa ila soo xiriiray
Odoyaal, Culuma’u-diin iyo Waxgarad oo iga dalbaday in aan xabadda joojiyo si
weyn ayaan u soo dhaweeyay una aqbalay” ayuu yiri Nuur Dakhle.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa waxa uu dhaliyay khasaaro aad u ba’an maadaama goobaha
lagu dagaalamayo ay yihiin goobo ay ku sugan yihiin dad rayid ah, waxaana shalay
la arkayay dad maati ah oo ka soo qaxaya goobaha ay dirirtu ka socoto, waxaana
dadka ka muuqday diif iyo darxumo, maadama dadkaasi ay ahaayeen dad markii
horeba isaga noolaa duruufo aad u adag.
Maxaa
ka soo baxay kulankii Xubnaha la dagaalanka Argagixisada iyo..
Maalintii shalay ahayd ayaa Guriga
Muuse Suudi ee Degmada Kaaraan waxaa kulan ku yeeshay xubnaha isbahaysiga la
dagalanka Argagixisada, waxaana ka qaybgalay rag ay ka mid ahaayeen Max’ed
Qanyare Afrax, Max’ed Dheere, Muuse Suudi, Cumar Finish, Cabdi Xasan Cawaale
Qaybdiid, Cabdi Nuure Siyaad, C/rashiid Ilqeyte, Cabdi Shukri iyo Ciise Cabdi,
ilaa iyo haddana lama faahfaahin waxa looga hadlay kulankaasi balse warar ayaa
waxay sheegayaan in kulankaasi uu ahaa mid ay warbixino isku dhaafasanayeen
xubnahaasi oo ku saabsan xaaladda Muqdisho, warar kale ayaa waxay sheegayaan in
kulankaasi looga halday arrimo la xiriira dagaalka haatan ka socda Deegaanka Sii
Sii, waxaana la sheegay in dhinacyadaasi ay isku afgarteen in ay ka qayb-qaataan
dagaalkaasi.
Kulamada ay yeelana-yaan xubnaha la
dagaalanka Argagixisada ayaa ah kuwo xadidan, maadaama weli dagaalo ay ka
socdaan Magaalada Muqdisho, iyadoo maalintii shalay ahyad kooxo gurmad ah oo ka
tiran isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada lagu helay Isgooska Km4.
Siminaar u furmay Xildhibaanada Baarlamaanka..
Waxaa
maalintii shalay ahayd ka furmay Magaalada Baydhabo siminaar loo qabtay
Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana soo qaban-qaabiyay Hay’adda AWEBA oo iyadu
inta badan gacan siisa Baarlamaanada Adduunka.
Xubno
ka tirsan Ha’ad daasi ayaa waxay sheegeen in Baarlamaanada Adduunku uu ka
dhexeeyo xiriiro Iyadoo Baarlamaanada Somaaliya looga baahan yahay in ay mar
kasta xiriir la sameeyaan Baarlamaa-nadaasi si ay waayo aragnimo uga helaan.
Siminaarkaan oo socon doona labo Maalmood ayaa waxay shalay si aad ah ugu
doodeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka iyagoo halkaasi ka dhiibanayay
Fikradahooda la xiriira arrimaha ka dhexeeya Baarlamaanada waxayna u
mahadceliyeen Hay’adda oo ay sheegeen in ay tahay Hay’ad ku taagan in ay
taageerto Baarlamaanada Caalamka.
Siminaarkaan ma ahan kii ugu horeeyay ee loo qabtay Xubnaha Barlamaanka, iyadoo
maalintii doraad ahayd loo soo gebagabeeyay Siminaar ay soo qaban-qaabisay
waxyadda Siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
C/llaahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Hogaamiyaha Wadanka Liibiya..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo haatan booqasho ku jooga wadanka liibiya ayaa la
kulmay Hogaamiyaha Wadanka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi waxayna isla soo qaadeen
arrimo ku aadan Xaaladda Soomaaliya.
C/llaahi Yuusuf ayaa Hogaamiyaha Liibiya waxa uu warbixin ka siiyay Dowladda
Federaalka oo uu sheegay in ay wali aysan helin kaalmadii ay u baahneyd ha
noqoto dhinaca dib u dhiska iyo dhinaca ammaanka.
C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay u baahan tahay
ciidamo shisheeye oo gacan ka siiya dhinaca ammaanka si ay u soo celiyaan
amarkii iyo kala dambeyntii, waxa uuna u soo jeediyay Hogaamiyaha Liibiya in uu
gacan ka gaysto sidii Soomaaliya lagu keen lahaa ciidmaadaasi, isla markaana
dhaqaalaha ku baxaya ciidankaasi uu gacan weyn ka gaysto, waxaana la filayaa in
Madaxweynuhu uu gaaro wadanka Yemen kaddib markii uu martiqaad ka helay
Hogaamiyaha Wadankaasi oo isagu u ololeeya sidii Qaaradda Afrika ay u midoobi
lahayd ayna u yeelan lahayd hal Hogaamiye. [Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan
safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegey Liibiya,
ka akhri halkan...]
Warbixin ku
saabsan dagaalka ka socda Muqdisho.
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn
gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI... |
Maalintii saddexaad ayuu galay dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho oo u
dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka
Aragagixisada, waxa uu dagaalkii shalay ahaa mid aad u qaraaraa oo gaystay
khasaaro isugu jira naf iyo maal.
Dagaalkaan oo ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Yaqshiid iyo Karaan, ayaa waxaa
ilaa iyo haatan ku geeryooday Sideetamaayo qof waxaana ku dhaawac macay 130
qofood oo intooda badan la dhigay Isbitaalada Madiina iyo Keydsaney.
Madaafiic aad u xooga ayaa waxay ku soo dhaceen warshaddii hore ee Baasta
Caymista, Xamarbila iyo Suuq Bacaad waxayna geysteen khasaarooyin aad u fara
badan oo intooada badan ay ku dhaceen Bulshada Rayidka ah, waxaa weli soo
gaaraya labada dhinac baaqyo nabadeed oo looga dalbanayo in ay joojiyaan
xabadda, isla markaana wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal, waxaana la
sheegay in labada dhinac ay aqbaleen baaqyadii inkastoo ay wali dhaceyso
xabaddii iyo iska hor imaadyadii.
Labada
dhinac ayaa waxaa soo gaaraya gurmadyo ka kala imaanaya Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Isbahaysiga lagu magacaaboa la dagaalanka Argagixisada iyo soo
celinta nabadda.
Dagaalkaan haddii aan si dhaqsi leh looga hortagin waxa uu keenayaa in uu guud
ahaan ku faafo Magaalada Muqdisho iyadoo dadweyne fara badan ay ka qaxayaan
goobihii dagaaladu ay ka bilowdeen, waxaana arkeysaa Carruur iyo Dad- waayeel ah
oo ka cararaya xabadda wiiftada ah ee ay isku ridayaan labada dhinac ee ku
dagaalamaya.
Eng. Cali
Xasan “Maraakiibta Shisheeye waxay xaq u leeyihiin ilaa iyo 200 oo Mile
laakiin..
Eng. Cali Xasan
Bubaale oo ah Ingineer ka tirsan Maraakiibta Mudana la socday Maraakiibta uu
gacanta ku hayo Eng. Muunye Siciid Cumar ee SHIFCO, waxaana wax ka weydiinay
kooxaha maalmahan ugaarsanaya Maraakiibta Shisheeye iyo arrimo kale oo la
xiriira howlaha Maraakibta, isagoo arrintaasi ka hadalayana waxa uu yiri,
“Maraakiibta Shisheeye waxay xaq u leeyihiin in ay maraan 200 Mayl oo ah Biyaha
Caalamiga ah, meeshaas ma tagi karaan Doomaha Yar yar waayo waxaan gaarsiineyn
Shidaalka”, wuxuuna intaa sii raaciyay “Marakiibta waaweyn waxay ka soo
gudbiyeen labadaas Boqol oo Mayl oo waxaa la isugu yimid 50-kii Mayl oo ay xaq u
lahaayeen Kalluumeysata, Maraakiibtaasi waxa ay dhibaato gaarsiiyeen Doomihii
Kalluumeysatada ahaa iyo Shabaagtoodii, marka xaq ayay u leeyihiin in ay la
dagaalamaan oo ay qafaashaan, waayo, nin Gurigaagii kuugu yimid si gardaro ah
waxa uu mudan yahay in la iska dhiciyo”.
Eng. Cali Xasan,
waxaa kale oo uu sheegay in aan la koontaroolin Maraakiibta ku soo xiraneysa
Dekedaha Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Marabka
Shidaalka ah waxa uu leeyahay Lix god ama lix Haamood, waxaa laga yaabaa in labo
ka mid ah godadkaasi ay shidaal ku soo shubteen ganacasato, halka kuwa kalana
aan la fiirin, waxaana dhici karta in isagoo dekedda taagan uu iska rogo xitaa
haddii ay qashan yihiinba, taasoo dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed”.
Eng. Cali Xasan waxa
uu sheegay in kooxha lagu tilmaamay burcad badeedka ay difaacayaal xeebaha
Soomaali-yeed, inkastoo uu ka digay afduubka loo gaysanayo Maraakiibta Ganacsiga
kuwaasoo afduubkoodu uu dhibaato hor leh u gaysan karo shacabka Soomaaliyeed.
Iska hor imaad ka dhacay
Isgooska Km4 oo.
Maalintii shalay
ahayd ayaa Isgooska Km4 ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay iska hor imaad
dhex maray kooxo maleeshiyo ah oo halkaasi fariisin ku leh iyo Isbahaysiga la
dagaalanka Argagixisada. Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa ku dhintay labo ruux,
waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo lix kale, iyadoo Gawaaridii Isbahaysiga ay kala
go’een oo qaarkood u baxsadeen dhinaca Xaafadda Xamarweyne, waxaana la sheegay
in halkaa uu ku qabsaday dagaal kale oo ay ku dhinteen labo ruux.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 May 2006
-
Dagaallo dhexmaray ciidammada xoreynta iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya.
-
Dad uu cadowgu xidhxidhay iyo
ciidammo cadowga ka goostay.
-
Madaxdii mucaaradka Itoobiya oo
denbiyo calculus lagu soo oogay.
-
Shir ka dhacay magaalada
Melbourne(Australia) oo aan ka waraysanay Khadar Aaden Cismaan.
-
Barnaamijkii Aragtida
Halgamaaga(Shacabka Ogadenya Qadiyadiisa
fahan).
======================
01/05/06 dagaal ayaa ciidammada
xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya ku dhexmaray Rugle, oo
Godey laga xukumo, waxaana cadowga lagaga dilay 13 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 15 askari.
02/05/06 meel Wardheer iyo Dannood u
dhaxaysa waxaa waddada loo galay baabuur ciidammada gumaysiga Itoobiya
leeyihiin, waxaana halkaas lagaga dilay 8 askari, 13 kalana waa lagaga
dhaawacay.
03/05/06 Afar-irridood, oo degmada
Dannood ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3
askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
04/05/06 Qayla-dhoorrey, oo Godey ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 20 askari, 14
kalana waa lagaga dhaawacay.
06/05/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ayaa waddada u galay baabuur kolonyo ah oo cadowgu leeyahay oo maraysay
Babaas, oo u dhexeeya Baabili iyo Jigjiga, waxaana cadowga weerarkaas lagaga
dilay 8 askari, 13 kalana waa lagaga dhaawacay.
04/05/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ayaa magaalada Haar-cad gacanta ku dhigay, waxayna Boolis iyo Dabaqoodhi
halkaas fadhiyay kala wareegeen hubkii iyo raadyihii is-gaadhsiinta.
Ciidammadaas Booliska iyo Dabaqoodhiga isugu jira ayaa is-dhiibay iyagoon
wax caabi ah samaynin markii ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya magaalada soo
galeen. Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa magaalada Haar-cad iskood uga
baxay, ka dib markii habayn iyo maalin haysteen.
06/05/06 dagaal mir ah oo lagu qaaday
ciidammada gumaysatada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Sagag waxaa
loogu gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
06/05/06 cutub ka tirsan ciidammada
xoreynta Ogaadeenya ayaa waddada u galay baabuur cadowgu leeyahay oo
maraysay Kudunbuur, oo Qorraxey ka tirsan, waxayna halkaas ku dileen 9
askari, 11 kalana way ku dhaawaceen.
Dhinaca kale xukuumadda Itoobiya ayaa
ciidammo aad u fara badan ku soo daabushay dalka Ogaadeenya. Toddobaadyadii
u denbeeyay waxaa Ogaadeenya la keenay ciidamo labo Gaas ah, kuwaasoo uu
hooggaaminayo nin Tigre ah. Ciidammadan ayaa loogu talagalay inay sii
xoojiyaan cabudhinta iyo cadaadiska dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ee sida
wadarta ah u taageeray halganka hubaysan ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ka waddo dalka Ogaadeenya.
Dad uu cadowgu xidhxidhay iyo
ciidammo cadowga ka goostay.
Markii ay taariikhdu ahayd 26/04/06
waxay ciidammada gumaysatada Itoobiya ku xidhxidheen magaalada La-helow 6
qof oo shacab ah, waxayna magacyadoodu na soo gaadheen dadka kala ah;
1- Xaliimo Dubbad
2- Cabdi-Bari Kayse iyo
3- Faadumo C/qaadir
20/04/06 waxay ciidammada gumaystada
Itoobiya magaalada Fiiq kula wareegeen raashiin loo waday 7 tuulo oo kal
duwan. Raashiinkaas waxaa la wareegay ciidammada gumaysatada, waxaana loogu
marmarsooday in raashiinkaas Jabhadda loo wado.
Tuulooyinka raashiinkooda lala wareegay
waxay kala yihiin;
Basuuro, Saliid, Jeerinka, Aloosane,
Maygaag-wayne, Tukale, Bannaan-dayuurad, Haar-galool iyo Cadale.
15/04/06 waxay ciidammada gumaysatadu
magaalada Fiiq
ka uruuriyeen Qoryo uu shacabku lahaa.
Qaryahaas markii ay uruuriyeen ayay dadwaynihii ka dalbeen inay keenaan dad
Qoryahaas qaada, hase yeeshee shacabkii ayaa dalabkaas ku gacan saydhay.
18/04/06 ciidammada gumaysatada
Itoobiya ee fadhiya magaalada Fiiq waxaa ka goostay 8 askari, kuwaasoo xagga
Erar u goostay iyagoo hubkoodii wata.
15/04/06 waxaa sidoo kale ciidammada
gumaysiga ee Fiiq fadhiya ka goostay 15 askari oo dhalashadoodu Oromo tahay,
waxayna u baxsadeen dhinaca Qubi.
26/04/06 magaalada La-helow wuxuu
dagaal u dhexmaray ciidammada gumaysiga dhexdooda, waxaana la sheegay inay 6
askari iska dileen.
04/05/06 ciidammada gumaysiga Itoobiya
waxay tuulada Afar-irridood ku gubeen labo guri oo shacab leeyahay, waxayna
boobeen hantidii dadwaynaha ee tuuladaas taallay.
Madaxdii mucaaradka Itoobiya oo
denbiyo calculus lagu soo oogay.
Madaxdii mucaaradka Itoobiya ayaa
isniintii la horkeenay maxkamad ku sheeg, waxaana lagu soo oogay denbiyo
waawayn oo kala ah khiyaamo qaran, xasuuq iyo isku day afgenbi. Madaxdan
ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay fuliyaan kuwo la mid ah
bannaanbaxyadii hannaanka dimuqraadiyada lagu raadinayay ee laga fuliyay
dalal ku yaalla Bariga Qaaradda Yurub.
Waxaa maxkamad ku sheegtan la horkeenay
75 qof oo isugu jira madaxdii mucaaradka, suxufiyiin iyo dad xuquuqda
aadanaha u dhaqdhaqaaqa, waxaana dhammaantood lagu soo oogay inay gaysteen
khiyaamo qaran, isla markaana doonayeen inay dalka qalalaasa ka abuuraan oo
xasuuq gaystaan.
Dadkan 75-ka ah waxaa denbiyadan lagu
soo eedeeyay bishii Disember eek al hore, ka dib markii ay dalka Itoobiya oo
dhan ka dhaceen labo bannaanbax oo waawayn, kuwaasoo ay xukuumadda Meles
Zenawi awood kala hortagtay, kuna dishay dad aad u fara badan, qaar badan oo
kalana ay xabsiyada ka buuxisay.
Dadka bannaanbaxyada iyo kacdoonka
sameeyay ayaa ka xanaaqay musuqmaasuqii ay xukuumadda Zenawi ku samaysay
doorasho ku sheegtii dalka laga hirgaliyay.
Maxkamadda dadkan ayaa isniintii ka
billaabatay meel 20 km dhinaca woqooyi ka jirta magaalada Addis Ababa, oo si
wayn loo ilaalinayay.
09 May 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo
Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari