Madaxweynaha Soomaaliya oo Galabnimadii Khamiista Ka Dhoofay Liibiya
- Warbixintii: Saciid Antenno | May 12,
2006
Madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya
mudane:C/laahi yuusuf axmed iyo wafdigii uu
hogaaminayey ayaa galabnimadii khamiista saacadu markey
ahad 3:00 galabnimo ka duulay gegida diyuuradaha
caalamiga ah ee libya, madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa
ku sii jeeda magaalada Kanbaala halkaasi oo uu
madaxweynaha iyo wafdigiisaba ay uga qeyb gelayaan
shirka wadamada IGad oo halkaasi ka dhacaya
Madaxweynaha soomaliya oo dalka Libya ku joogay
casuumad beryahanba ayaa intii uu joogay dalkan libya
lalahaa kulamo joogta
ah dowlada libya madaxdeeda kala duwan asigoo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii soomaliya ay
uga furan lahayd dowlada libya xafiis maamula howlaha
iyo taakulada ay siineyso dowlada libya walaalaheeda
soomaliya, waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii loogu
tababari lahaa ciidamada.
MMar uu ka hadlayey
taakulaynta uu doonayo in ay Liibiya bixiso waxa uu sheegay aysan ahayn " dhaqaale aniga la ii dhiibo ee hadii aad
dhaqaalo sineysaan dalka soomaliya geeya dalka,
ogaadana halka ay ku baxaan dhaqaalahas" ayuu yiri
c/rashiid yuusf Seed oo ah xoghaynta madaxweynaha.
Sidoo kale madaxweynaha waxaa loo sheegay shirka saaxil
wasaxaraa oo ahaa in u dhaco bishan ayaa loo gudbiyey
bisha juun ayadoo ajandaha shirkaasina uu noqon doono
sidii soomaliya gebi ahaanba nabad loogu soo dabaali
lahaa, ajandaha shirkaas oo uu madaxweynaha soomaliya
soo gudbiyey dowlada libyana ay taageertay soo
jeedintaas
Dhanka kale madaxweynaha soomaliya oo ku jiro
aruurinta saraakiisha soomaliyeed ee
ku baahsan dalka gudihiisa iyo dibadiisa
qaarka mid ah saraakiishaas ayuu habeenkii khamiistu soo geleysey
kula shiray
hotelka uu degenyanaa, waxaana ka mid aha
saraakishii ay is arkeen madaxweynaha - G/sare:maxamed
warsame diiriye(xamari),
oo ahaa saad-hayihii ciidamada Burco,
Sarkaal police ah kana soo qalin jabiyey kuliyada
booliska libya iyo tan sharciga -C/raxmaan axmed
xirsi, sargaal. Ibraahin cali cumar iyo saraakiil kale
oo xalay madaxweyna ay isku
waafaqeen in ay dalka dib ugu laabtan waayoo dalkii
magaca sarkaalnimo aad ku yeelateen ayaa idiin baahan
ayuu yiri madaxweynaha ee kaalaya ka shaqeeya,
xaquuqda ciidamadaasna waxuu sheegay in la ilaalin
doono, dhammaan xaquuqda ciidamada soomaliya waayoo buu
yiri waa laf dhabrata waxayna ahmiyad gaar ah
siineysaa dowlada ciidamada qaranka soomaaliyeed
dhamaan tood, waxaana ugu baaqayaa meel kasto oo ay
aduunka ka joogan in ay dalkooda sidii ay u
samatabixin lahaayeen ay u yimaadaan dalka amaan
xumadu heyso.
Waana aqbaleen saraakiishaas (joogey Liibiya) oo isla markiiba xoghaynta
gaarka ah ee madaxweyne Yuusuf
ayaa dalbay safarkooda, waxaana howsha saraakiishaasi
dhameynayo hada safaarada oo looga tagay maadaama uu
maanta safar ahaa waftigu.
Madaxweyne yuusuf
ayaa wada dadaal uu ku doonayo sidii loo tababari
lahaa ciidamada soomaaliya, waxaana gacan mug leh
uu ka haystaan in ay ku siiyaan beesha caalamka oo aad
u soo dhaweysay fikirka iyo geedi socodka dowlada uu
madaxweynaha ka yahay .
Gudoomiyaha urur goboleedka saaxil wasaxaraa
mudane:Raafic madani ayaa mar uu la kulmay
madaxweynaha soomaliya u gudbiyey ajandaha shirka
saaxil wasaxaraa ee dhacaya 1-jun -06 in uu ahaanayo
shirkaasi mid looga hadli doono sidii wax looga qaban lahaa nabada soomaliya madaxweynaha ayaa arintaasi
si weyn loo u soo dhaweeyey.
Waftiga madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa waxuu ka sii
aadayaa magalada kanbala dalka Suudan sida uu ii
sheegay xoghayntiisa.
LIFAAQ: Uganda waxaa maanta oo Jimce ah May 12,
2006 markii saddexaad madaxweynenimo loo dhaarinayaa
Yoweri Museveni, oo xukunka Ugandha qabsaday 20
sano ka hor. Wararka kale ee ka imanaya Ugandha ayaa sheegaya in madaxweynaha
Ugandha uu maanta kala diray xukuumadiisii.
Qore:Saciid Antenno
Tripoli-Liibya
saciidanteno@yahoo.com
218-926449131
Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2006
Wararkii hore ee casumaada madaxweynaha.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay
Hoggaamiyaha Dalka Liibiya
- Warbixintii: Saciid Antenno | May 9,
2006
Talaado, May 09, 2006 Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya, Mudane: C/llaahi Yuusuf Axmed
iyo Wafdi uu hogaaminayo oo isniintii gaaray Wadanka
Liibya ayaa kulan la qaatay Hoggaamiyaha Dalka Liibiya
Col. Mucamar Al-Qadaafi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu kulanka la lahaa
Hoggaamiyaha Liibiya wuxuu uga warbixiyay xaaladda
Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Col. Qadaafi in uu ku
lug yeesho geedi socodka loogu jiro nabadeynta
Soomaaliya.
Madaxweyne Yuusuf sidoo kale wuxuu u sheegay Dhiggiisa
dalka Liibiya in Golaha Dowladda Federaalka ay haatan
ku wada sugan yihiin magaalada Baydhabo, halkaasi oo
ay dowladda Federaalka howlaheeda ku sii wadato.
kulanka ka dib waxaa loo sameeyey casho sharaf
madaxweynaha soomaliya iyo wefdigiisa waxaana cashada
fadhiyey raiisul wasaaraha dalka libya Maxamuud
baqdaadi & kuxigeenkiisa wasiirka arimaha africa
wasiirka maaliyada wasiirka batroolka sida uu ii
sheegay safiirka soomaliya maxamed xuseen maxamed
ilkadahab oo fadhiyey casho sharafta loo sameeyey
madaxweynaha iyo wafdigiisa,
madaxweynaha libya oo sheegay in uu la garabtaagan
yahay dowlada soomaliya ee curdanka ah taageero si ay
u gaarto hanaankii dowladeed, gebi ahaan kulanka labada
madaxweyne ayaa ku dhamaday guul & is afgara,
madaxweynaha oo aan la ogeyn rasmiyan waqtiga uu
baxayo iyo meesha uu ku wajahanyahay marka uu ka tago
dalkan uu hada jogo ee libya.
Sawiradaan waxaa qaaday
Mr. Abdirahman Sh. Hassanur oo ka tirsan TVga ETN- Boosaaso.
oo wafdiga ula socday shaqo. Waxaa SomaliTalk.com soo
gaarsiiyey Abdulkadir Hassan nur.
Emial:
a_hassannur@hotmail.com.
|
Madaxweyne C/laahi yuusuf oo booqasho ku jooga dalka
libya Caasimadiisa Tripoli
- Warbixintii: Saciid Antenno | May 9,
2006
Madaxweynaha Dowlada federaalka kmg ee soomaaliya,
Mudane:C/laahi yuusuf axmed &Wafdi uu hogaaminayo ayaa
Isniin 5:00 galabnimo soo gaaray Wadanka
libya Kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay
dhigiisa dalka libya –mucamar al qadafi.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo dayuurad
khaas ah uu u diray dhigiisa libya isaga oo jooga
magaalada duseldorf ee dalka germany.
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn
gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI... |
Madaxweyne yuusuf iyo wafdigiisa Waxaaa ku soo
dhaweeyey gegeda diyuurada dalka libya madax sare oo
ka tirsan xukuumada libya oo u ka mid yahay –Wasiirka
arimaha Africa mudane:cali c/salaam tareki
Mustafa qaroobi iyo madax kale oo sare.
Waxaa kale oo soo dhaweeyey Safiirka soomaliya ee
libya mudane maxamed xuseen maxamed ilkadahab iyo
weliba qunsulka soomaaliya u fadhiya libya
mudane:C/casiis maxamed ciise .
Madaxweynaha ayaa loo soo dhaweeyey si heer qaran ah
imaatinka madaxweynaha ka hor ayaa waxaa magaalada
libya wadooyinkeeda waxaa lagu arkayey calanka
soomaliya oo dulbabanaya.
Madaxweyne yuusuf iyo
wafdigiisa oo ka kooban 7todobo xubnood waxaa ka mid
ah Xaaskiisa Marwo xaawo cabdi samatar , & xubno kale. [Sixid: wafdiga
madaxweynaha kama uusan mid ahayn wasiiru dowlaha xafiiska madaxweynaha Khaalid
cumar cali].
Mar aan wax ka weydiiyey goorta ay kulmayaan labada
madaxweyne xoghaynta madaxweynaha mudane:C/rashiid
yuusuf seed waxuu ii sheegay in ay kulmayaan maalinta
talaadada ah.
Madaxweynaha oo aaney ii suurto gelin in aan la kulmo
asigoo sheegtay cudurdaar ah safarka dheer ee uu soo
galay.
lamana oga inta waftiga soomaaliya ay joogi doonaan dalka
liibya ee uu casuumada ku yimid
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo degen hotel
funduqkabiir oo ku yaala faras-magaalaha Caasimada
Tripoli ayaan waxaan arkayey jaaliyada soomaaliyeed ee
ku nool dalka libya oo isu qaban qaabineyso sidii ay
ula kulmi lahaayeen madaxweynaha iyo wafdigiisa.
madaxweynaha ayaan la ogeyn in uu la kulmi doono iyo
in kale jaaliyada soomaaliyeed ee dalka libya.
madaxweynaha ayaa sidan oo kale u yimi sanadii hore ee
2005 bishan asigoo ka yimid shirka dowladaha carabta
oo ka dhacayey dalka aljeriya ,soona maray dalkan
libya kana duulay asiga oo aan la sameyn wax kulan ah
jaaliyada soomaliyeed wallow uu raiisul wasaarihiisa
uu la kulmay jaaliyada isla markaana uu uga
cudurdaaray madaxweynaha in uu jeclaa in uu la kulmo
jaaliyada balse safar shaqo oo deg deg ah uu galay
madaxweynaha jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalka
libya oo ku qanacdey hadalkaas uu yiri raiisul wasaare
cali maxamed geedi balse imanka ayaan la ogeyn
madaxweynaha in uu la kulmayo iyo in kale jaaliyada
soomaaliyeed ee uu san la kulmin weli.
Qore:Saciid Antenno
Tripoli-Liibya
saciidanteno@yahoo.com
218-926449131
Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2006 | Sixid:::
Wararkii hore ee casumaada madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi
ah ka helay dhigiisa liibya
April 28, 2006
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka
ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo
Saaxil Wasaxaraa, Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed
(Ilka-Dahab), ayaa sheegay asigoo jooga xafiiskiisa
safaaradda Soomaaliya ee tripoli
in madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee
soomaaliya mudane:C/laahi yuusuf axmed uu casuumad
rasmi ah ka helay dhigiisa dalka libya
mudane:col-mucamaral al-qadafi.
Casuumada loo diray
madaxweynaha
soomaaliya ayaa ah mid labo weji leh
midi waa kulan ku saabsan sidii ay uga wada hadli
lahaayeen iskaashiga labada dowladood iyo weliba
dhibaatada iyo macluusha baahdey ee ka taagan
soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa gacana ay uga
geysan lahayd dowlada libya oo ay horey u jireen
heshiisyo aan la dhameystirin la rabana in hada la
dhameeyo dowlada libya ayaa sheegtay in ay dowlada
soomaaliya ay hiil iyo hooba la garabtaagan tahay
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxuu ka qeybgalayaa
shirka todobaad ee saaxil wasaxaraa inta uu joogo
dalka libya, shirkan oo ah kan madaxweynayaasha Saaxil
wasaxaraa oo ka furmaya `1,may-2006 dalka libya oo ah
xarunta ururka saaxil wasaxara halka ay ku taalo.
Shirka oo looga hadli doono arimaha ururka iyo sidii
loo mideyn lahaa siyaasada africa iyo weliba arimaha
soomaaliya, shirkaas oo socon doono labo maalin uun
madaxweynaha yuusuf oo la filayo in uu ka soo qayb galo,
sida uu ii sheegay danjire ilka dahab.
Waxaa ka socoto
safaarada soomaaliya diyaar garowga soo dhaweynta
madaxweynaha soomaaliya mudane c/laahi yuusuf axmed oo
ku soo fool leh dalka libya si uu u dhameysto
casuumadiisa uu u fidiyey dhigisa.
saciid -antenno
tripoli- libya
saciidanteno@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2006
WARARKII HORE EE SAFAARADA SOOMAALIDA EE LIIBIYA:
Hoos ka akhri.
Safiirka Soomaaliya ee Saaxil Wasaxaraa Dr Ilka-Dahab
oo ka warbixiyey shirkii ka dhacay Morocco
- Saciid Antenno
Tripoli, Libya 218926449131
Shir
Jaraa'id Safiirka Soomaaliya ee Liibya
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka
ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo
Saaxil Wasaxaraa Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed
(Ilka-Dahab) oo u warramayey warfidiyeenka gudaha iyo
kuwa dibadda isagoo jooga xafiiskiisa safaaradda
Soomaaliya ee Tripoli ayaa ka warbixiyey shirweynihii
wadammada Saaxil Wasaxaraa ee ka dhacay magaalada
Rabat ee dalka Morocco oo uu Safiirku u metelay
dowladda Soomaaliya.
Dr Ilka-Dahab waxa uu sheegay inuu shirka furay
Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Morocco, ahna
guddoonka Ururka Saaxil Wasaxaraa Mudane Yaxye Bin
Ciise oo ka hadlay ugu horreyntiiba dhibaatooyinka ka
jira Qaaradda Africa oo ah kuwo siyaasadeed, dhaqaale
iyo dhinaca ammaankaba. Mudane Bin Ciise intii uu
waday khudbaddiisa wuxuu ku soo qaatay dhibaatada
abaareed ee maanta haysata waddanka Soomaaliya,
wuxuuna yiri “waa in loo guntadaa sidii wax looga
qaban lahaa dhibaatadaas haysata ummadda
Soomaaliyeed.”
Yaxye Bin Ciise wuxuu u soo jeediyey shirweynaha in
muddo ka yar 24 saac ay dowlad weliba uga soo jawaabto
sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada abaareed ee ka
jirta Soomaaliya. Isla markii uu khudbadda ka baxay
waxaa hadalka qaatay Ambassador Ilka-Dahab oo
metelayey Soomaaliya, wuxuuna si toos ah u guda-galay
ajandihii shirka oo ahaa arrimaha Africa sidii kor
loogu qaadi lahaa iyo weliba arrimaha Soomaaliya oo ka
mid ahaa ajandihii shirka horyaallay.
NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA |
DAAWO SAWIRADAN
Burburka Bangigii Ganacsiga ee
Soomaaliya ee Muqdisho |
Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday
Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)
Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk |
“Waxaan si toos ah u hor dhigay saddax iyo labaatanka
dowladood ee Saaxil Wasaxaraa sidii Soomaaliya wax
loogu qaban lahaa haddii ay ahaan lahayd macluusha
abaarta iyo caafimaadka, iyadoo waqtigan ay hal milyan
iyo bar qofood la ildaran yihiin gaajo iyo macluul
deegaanno ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Safiirku.
Safiirku wuxuu xusay nasiib wanaag intii uu waday
khudbadda inuu shirka la soo hadlay Boqorka dalka
Morocco oo ah Boqorka lixaad Maxamed Jilaal, uuna
xaqiijiyey inuu u dirayo Soomaaliya markab sida deeq
cunno ah oo ka kooban Bariis, Bur, Caano, Saliid,
markabkaas oo hadda ku sii dhow Soomaaliya.
Dr Ilka-Dahab ayaa sidoo kale ii sheegay intuusan
shirka Morocco u kicitimin la kulmay Wasiirka Arrimaha
Dibada ee dalkan Libya Mudane Maxamed Siyaali oo ay ka
wada hadleen sidii deeq loo gaarsiin lahaa dadka
abaartu ku dhufatay ee Soomaaliya, weliba sidii
deeqdaasi ay u noqon lahayd mid degdeg ah oo lagu
daabulo diyaarado, taasoo Safiirku uu tibaaxay in weli
uu jiro ballan-qaadkaasi.
Dowladda Libya ayaa iyadoo ballantaasi jirto waxaa
Wasiirka ugu qeybsan Arrimaha Africa Mudane Cali
Cabdisalaam Tareki oo fadhiyey shirka dowladaha Saaxil
Wasaxaraa ee magaalada Rabat uu sheegay in
dowladdiisu ay u direyso Soomaaliya deeq gaaraysa afar
kun oo tan, laguna qaadi doono labo markab.
Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha
Dibadda Senegal Sheekh Tidiane Gagdio, wuxuuna si cad
cad uga hadlay in dalka Soomaaliya uu yahay dal muddo
ka badan 15 sano ay dagaallo sokeeye aafeeyeen, una
baahan gacan mug leh in la siiyo, wuxuuna sheegay in
dowladda Senegal iyo dowladda cusub ee Soomaaliya ay
ku heshiiyeen in loo tababaro lix kun oo ciidan
Soomaaliyeed iyo waxbarasho arday Soomaaliyeed,
dhammaanna ay diyaar u yihiin inay fuliyaan
heshiisyadaas.
Waxaa kale oo Mudane Tidiane uu sheegay inay deeq
dirayaan, laakin wuxuu safiirka Ilka-Dahab ku yiri “si
aysan isku dalab u noqon deeqda aan dirayno iyo tan ay
dirayaan dowladaha oo loo helo wax kala duwan si
baahidu ay u daboolanto waa inaad noo soo gudbisaa
dalabka loo baahan yahay.”
Sidoo kale wuxuu Wasiirku si toos ah uu carrabka ugu
dhiftay dowladihii shirka fadhiyey, gaar ahaan
dowladihii ugu waaweynaa oo ay ka mid ahaayeen
dowladaha Masar, Nigeria iyo Tunisia oo uu yiri
“maxaad uga hadli la’dihin dhibaatada dowladda
Soomaaliya ee walaalihiina ah”.
Markaas kaddib ayaa dowladahaasi waxay xiriir iyo
kulamo la soo sameeyeen Ambassador Ilka-Dahab. Dhinaca
dowladda Masar waxay safiirka wada kulmeen Wasiir
ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee qaabilsan Arrimaha
Africa Dr Daahir Farxaan, kaas oo ballan qaaday inay
xaaladdu sida ay tahay u gudbin doonaan dowladdiisa,
deeqda ay bixinayaan iyagoo sii maraya safaaradda
Soomaliya ee Masar ama Jaamacadda Carabta, laakin buu
yiri ay waajib muqadas ah tahay in si degdeg ah loo
qaadi doono deeq loo fidinayo dadka tabaaleysan.
Sidoo kale waxay Safiirka Soomaaliya is arkeen
Wasiirka Arrimaha Africa ee dowladda Nigeria, wuxuuna
Wasiirku u sheegay Safiirka in markuu ku laabto
dalkiisa inuu wixii deeq ah uu sheegi doono
dowladdiisa, kaddibna ay u diri doonaan dalka
Soomaaliya kaalmo degdeg ah.
Dr Ilka-Dahab wuxuu sheegay inuu isna la kulmay
Wasiiru Dowlaha Maqrib iyo Africa u qaabilsan dowladda
Tunisia Mudane Saalaxuddiin Jamaali oo aan ka
wada-hadalnay ayuu yiri arrimaha labada dal iyo sidii
ay gacan uga geysan lahayd dowladda Tuniisiya
macluusha Soomaaliya maanta ka jirta, wuxuuna Wasiiru
Dowluhu yiri “wixii dalab ah soo gudbi ee loo baahan
yahay, diyaar bey u tahay Tunisia inay deeq u dirto
Soomaaliya”. Wuxuu Wasiiru Dowluhu muujiyey sida ay
dowladda Tunisa uga xuntahay dhibaatada soo
foodsaartay dadka Soomaaliyeed.
Intii uu joogay Safiirku dalka Morocco wuxuu kaloo la
kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin
kuwo ka socda xafiiska Boqorka Morocco iyo Wasiirka
Arrimaha Dibadda Morocco Dr Cabdilatiif Bendahane iyo
Agaasimaha Guud ee Carabta iyo Africa Dr Make Gawane,
waxayna ka wada hadleen mas’uuliyiinta dowladda
Morocco sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada
dowladood iyo inay siiyaan deeqo waxbarasho ardeyda
Soomaaliyeed iyo weliba inay noo dhaqan celiyaan
maliishiyaadka dowladda Soomaaliya, waana ay ka
aqbaleen codsigiisa.
Shirkaas ayaa gebi ahaanba ku dhammaadey guul iyo is
afgarad buuxa. Safiirka Soomaaliya ee dalka Libya iyo
wadammada Saaxil Wasaxaraa ayeysan ahayn markii
koowaad ee deeq uu dalka Soomaaliya gaarsiiyo, isagoo
horey u gaarsiiyey dalka deeqo fara badan oo uu u
weydiiyey dalka uu Safiirka ka yahay iyo weliba
dowlado kale oo ay saaxiib yihiin, taasoo uu uga
faa’iideynayo ummadda walaalihiis ah ee ay haysato
dhibaatada.
Safiirka ayaa ah kan ugu firfircoon madaxda
safaaradaha Soomaaliyeed ee maanta weli ka sii
shaqeeya dunida, isagoo ay ka muuqato waddaniyad iyo
dad jaceyl. Ambassador Ilka-Dahab oo aad uga
murugoonayey dadka abaaruhu ku habsadeen ee laga soo
daayey Telefishinka af carabiga ku hadla ee Al Jazeera
ayaa wuxuu ii sheegay in indhihiisa ilmo ay qooyeen
markii uu arkay dadka dhibaateysan ama hooyada uurka
leh ama dhallaanka yaryar ee macluushu ku haysato
Soomaaliya, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu ka
samatabixiyo gebi ahaanba dadka Soomaaliyeed ee
dhibaatadu aafeysay.
Safiirku isagoo ka faa’iideysanayo fursaddan wuxuu u
mahadcelinayaa dhammaan dowladaha jecel inay gacanta
ka geystaan samatabixinta ummadda Soomaaliyed ee
habaaraha ku dhufteen, gaar ahaan dowladda Morocco iyo
dowladda Libya.
Saciid Antenno
Tripoli, Libya
Anteno100@hotmail.com
218926449131
Ama saciidanteno@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2006
Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkada Macdanta" ee ka Taagan
Puntland
|