SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar

Waxaa dhawaan aan booqday guri lagu hayo Cunug 8-jir ah oo sanadkii 1997-dii laga helay meel cidlo ah, waxaa xiligaasi lagu qiyaasay da’diisa dhowr habeen, waxaana dadkii halkaa ka helay ay ku wareejiyeen Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole taasoo iyana u dhiibtay Haweenay lagu magacaabo Faadumo Shiikh Aadan oo iyadu u tafa xeydatay in ay koriso Cunugaasi oo loo bixiyay Asad Aadan Turaabi.

Faadumo Shiikh Aadan waxay la soo daalaa dhacdo waxaa cunigii yaraa ku yimid cudur dhinaca madaxa ah kaddib markii ay biyo ka galeen Madaxa, taasina waxay keentay in Faadumo ay culey ku noqoto daaweynta iyo daryeelka cunagaasi maadaama ay ahayd qof iska sabool ah, inkastoo ay dhowr jeer u gaysay Dhakhaatiir haddana markii dambe Dhakaatiirtu waxay sheegeen in canugaani aan waxba looga qaban karin dalka, balse uu u baahan gargaar dibadeed, si biyaha looga miiro.

“Haddii aan si dhaqsi leh biyaha looga saarin wiilkaa yarka ah, nafsaddiisa halis ayay ku sugan tahay, waayo Dhakhaatiirtu waxay yiraahdeen, biyahaasi waxay dhibaato gaarsiin karaan dareemayaasha jirkisa, sida Gacmaha, Lugaha iyo Maskaxdaba” ayuu yiri mid ka mid ah Dhakhaatiirta loo geeyay cunugaasi.

Faadumo Shiikh Aadan waxa ay ka codsaneysaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa iyo dibaddiisa iyo Hay’adaha Samafalka in ay gargaar la soo garaan Wiilkaa yar ee ay dhibaatadu haysato, waayo waa Bini’aadan u baahan nol, aysanna ka garab muuqan Hooyo iyo Aabbe, iyo ehel kale oo u naxariista marka la reebo Faadumo oo tababari u run sheegtay.

Qofkii doonaya in uu u gargaaro cunugaasi ha kala soo xiriiro taleefanada kala ah:

Tel: 2521-593677 / 2521-277584 / 2521-226860

E-Mail: daahirsom@hotmail.com 

ama amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2006
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD