SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII MARCH 14, 2006

  • Max’ed Dheere “Ciidamadii la keenay Kongo waxay ahaayeen kuwo uu soo siray C/llaahi Yuuuf”..

  • Isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho oo isku maandhaafay hadalkii ka..

  • Ciidamadii ku xareysnaa xerada Daynuunaay oo shalay ka soo gadooday xeradaas..

  • C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta u ambabaxaya dalka Kenya si uu uga qyabgalo kulanka wadamada IGAD..

  • Cadde Muuse, Cismaan Caato iyo Furux oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee maamul Gobaleedka Puntland ..

  • Wareegto uu soo saaray C/llaahi Yuusuf oo uu degmo ugu aqoosaday Tulada Salagle...

  • Maleeshiyooyinkii ku xaraysnaa Xerada Kongo oo gebi ahaanba isaga baxay xeradaasi....


NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN

Haraaga Taalladii SYL ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

Isha sawirkan: www.syl2.s5.com
 

SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Max’ed Dheere “Ciidamadii la keenay Kongo waxay ahaayeen kuwo uu soo siray C/llaahi Yuuuf”..

Iyadoo wali uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere kaasoo ka dhashay markii labadii garab ee Dowaldda u guureen Magaalada Baydhabo ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu eedeeyn iyo aflagaadaba u gaystay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo sheegay in Gobalkiisa haatan wixii ka dambeeya aan laga aqoonsaneyn Dowladda Federaalka.

“Ciidamadii la keenay Kongo waxay ahayeen kuwo uu soo siray C/llaahi Yuusuf, hase yeeshee si wanaagsan ayaan ku sagoontinay anagoo aan waxba gaarsiin” ayuu yiri Max’ed Dheere oo intaa raaciyay “Ciidamadaasi xitaa markii ay ka baxayeen xarunta Madaxtoonyada nama soo ogeysiin oo furihii waxay ku tuureen Guriga Ra’isul Wasaare Geedi, balse waxaan leenahay waa carruur la soo marin habaabiyay oo uu soo siray C/llaahi Yuusuf”.

Mar wax laga weydiiyay in uu aqoonsan yahay Madaxtinimada C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu yiri “Madaxweynimo uma aqoosani ee waxaan u aqoonsanahay Odey Daarood oo Ciyaal suuq ah”, sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay marka uu Ra’isul Wasaaruhu imaanayo magaalada Jowhar waxa ay ku qaabilayaan waxa uuna ku jawaabay "markuu imaanayo Magaalada Jowhar waxa uu ku imaanayaa si shaqsi ah isagoo aan huwaneyn magac Dowlo”, mar uu ka hadlaayay dhinaca argagixisada waxa uu sheegay Max’ed Dheere in arrinaasi ay safka hore kaga jiraan ayna dagaal xoog leh la gali doonaan waxa uu ugu yeeray kooxaha taakuleeya dambiilayaasha ku dhuumaaleysanaya Magaalada Muqdisho. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Max’ed Dheere aflagaado middaan la mid ah gaarsiiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu sheegay in hubkii laga keenay Magaalada Cadan uu u qaybiyay dad u dhashay beeshiisa.

Isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho oo isku maandhaafay hadalkii ka..

Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
 
Haldhaa / Goray
Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda Soomaaliya oo nabada

Isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ayaa isku maandhaafay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Bashiir Raage Shiiraar ee ahaa in isbahaysigooda howsha ay wadaan uu u xilsaaray Hay’adda "Caalamiga" ah ee Inter-poll, hase yeeshee war ka duwan arrintaani waxa uu ka soo yeeray Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo xubin ka ah Isbahaysigaasi oo sheegay in aysan wax xiriir ah la lahayn Hay’adda Inter Poll balse xiriira ay la leeyihiin shacabka Soomaaliyeed si looga hartago waxa loogu yeeray Kooxaha Argagixisada ah.

Cabdi Waal oo saxaafadda u waramayay mar uu ku sugnaa guriga Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay joogaan kooxo farsameeya Miinooyinka, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay Masaajidka Huriwaa oo uu sheegay in ay tahay saldhig ay ku dhuutaan kooxaha Argagixisada ah.

Isbahaysigaan oo dhawaan dagaal la galay Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa waxa uu dagaalkaasi keenay in uu xirmo Garoonkii ay sida weyn u isticmaali jireen Isbahaysiga ee Deyniile, iyadoo diyaaradihii ka soo degi jiray garoonkaasi ay haatan u weecdeen Garoonka Lambar 50.

Dhegeyso Hadalkii Dhex maray Sh. Aweys iyo Bashiir 

Ciidamadii ku xareysnaa xerada Daynuunaay oo shalay ka soo gadooday xeradaas..

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo waxay sheegayaan in ciidamadii ku xareysnaa Xerada Daynuunaay ee isugu jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxo maleeshiyooyin ah ay shalay halkaasi ka soo gadoodeen kaddib markii la sheegay inay ka cabanayaan daryeel la’aan.

Ciidamadaasi oo markii hore tiradoodu gaareysay 3500 oo Askari ayaa waxa ay isbaarooyin dhigteen inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Baydhabo, iyagoo dhibaato u gaysanaya gawaarida iyo dadka halkaasi maraya.

Gawaari fara badan oo xamool ah oo ku sii jeeday Gobalada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa halkaas ku xayiran kaddib markii la dul dhigay lacag aad u fara badan.

Dowladda Federaalka oo iyadu ciidamada halkaasi ku xareysay ayaa ilaa iyo hadda wax ka qaban gadoodkaasi iyadoo alga cabsi qabo in uu saameyn ku yeesho ammaanka Magaalada Baydhabo, gadoodka ay sameeyeen Ciidamada waxaa noo xaqjijiyay Shariif Max’ed Cali (Nuur Calaa Nuur) oo ka mid ah Saraakiishii halkaasi ku haysay ciidamadaasi.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta u ambabaxaya dalka Kenya si uu uga qyabgalo kulanka wadamada IGAD..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu maanta u kicitimo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, si uu uga qaybgalo kulanka Madaxda Wadamada IGAD oo la filayo in uu berito ka furmo Magaalada Nairobi.

Kulankaan oo ay ka qaybgalayaan todobo Madaxweyne ee wadamada ku haboohay IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha iyo xaalufka ka jira qaar ka mid ah wadamada IGAD sida Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

C/llaahi Yuusuf ayaa la filaya in kulankaasi uu ka jeediyo qudbad aad u balaaran oo la xiriirta abaaraha iyo biyo la’aant ka jirta dalka Soomaalia, iyadoo markii horaba Urur Gobaleedka IGAD loo aasaasay sidii uga hortagi lahaa xaalufka dhirta iyo Abaaraha ka jira Afrikada Bari, waxayna Soomaaliya ka mid ahyad.

Cadde Muuse, Cismaan Caato iyo Furux oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee maamul Gobaleedka Puntland ..

::TORONTO::
torontoShirkii 6aad ee Dhallinta Ku Barbaartay W.Ameerika
Shirweynahan oo si habsami ah ugu soo gabagabobey Toonto... Guji...
::TUKINTA::
Aamina Waduud iyo Aragtida Dunida Muslimka
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii ugu horeysey ee salaadda Jimce ay New York ku tujisey....
Guji...

Fatwa::: Haweenku Ragga Ma Tukin Karaan

::DELL:
Shirkada Dell oo Shaqadii Dib ugu Celisey 31 Muslimiin ah
Tennessee, USA: Shirkadda Computerada ee Dell ayaa waxay shaqadii... Guji...
::XAAFIDAD::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka Guji
::XAAFID::
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey Guji..
::BELGIUM::
Boqorka Belgium oo Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...
::DHERER::
Ninkii adduunka ugu dheeraa sannadkii 2002 waxa uu ahaa Soomaali, magaciisuna waa Guji..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe waxay sheegayaan in Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse uu magaaladaasi kulan kula yeeshay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali (Caato), Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux, waxaana kulankaani la iskula soo qaaday halka ay marayaan howlihii nabadeynta beelihii ku dagaalamay gobalad Dhexe.

Cismaan Caato iyo Furux oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxay sheegeen in howlihii nabadeynta ee ay ka wadeen gobalada Dhexe uu haatan soo gebagaboobay wajigoodii hore, waxay kalloo sheegeen in dhawaan ay u howlgali doonaan wajigii labaad ee dib u heshiisiintaas oo ay sheegeen in ay ka bilaaban doonto Magaalada Hobyo.

Cismaan Iyo Furux waxay uga mahadceliyeen maamul Gobaleedka Puntland sidii hagar la’aanta ahayd ee ay gacanta uga gaysteen dabinta coladaasi iyo waliba sidii ay u soo dhaweeyeen guddigii nabadeynta beelaha ku dagaalamay Gobalada Dhexe.

Wafdigaan ayaa shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo iyagoo la filayo in maalmaha soo socda ay u dhaqaaqaan dhinaca deegaanka Hoboyo.

Wareegto uu soo saaray C/llaahi Yuusuf oo uu degmo ugu aqoosaday Tulada Salagle...

Iyadoo dhawaan dab uu baabi’iyay Deegaanka Salagle oo ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe ayaa waxaa deegaankaasi doraad booqday wafdi ka socday Dowladda Federaalka oo uu hogaaminayay Wasiirka War-faafinta Max’ed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Odoyasha iyo Waxgaradka Deegaankasi.

Wafdigaan oo halkaas u tagay in ay soo indha indheeyaan baaxadda dabkii qabsaday Tuuladaasi ayaa haddana Odoyaasha deegaan-kaas waxay sheegeen in dadk ku nool Tuuladaasi ay waxyeelo ba’an ka soo gaartay dabkaasi, ayna haatan u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Wafdigii ka socday Dowlada Federaalka ayaa waxay u sheegeen Odoyaasha iyo dadkii kale oo ay halkaasi kula kulmeen in Dowlada Federaalka ay gacan ka gaysan doonto dib u dhiska Tuuladaasi.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wareegto uu soo saaray ayaa waxa uu degmo ugu aqoonsaday Tuulada Salagle, taasoo uu sheegay in ay hoos tagi doonto mid ka mid ah degmooyinka Gobalka Jubbadda Dhexe.

Marka la doonayo in Tuulo laga dhigo Degmo waxay u baahan tahay qiimeyn xoogan lagana fiiriyo dhinacyo badan, hase yeeshee Tuuladaan oo gebi ahaanba dadbku baabi’iyay ayaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf doonayaa in dadweynihii halkaa ku nool ugu laab qaboojiyo waxyeeladii ka soo gaartay dabkaasi.

Maleeshiyooyinkii ku xaraysnaa Xerada Kongo oo gebi ahaanba isaga baxay xeradaasi....

Maalintii shalay ahayd ayaa gebi ahaanba ay faaruqiyeen ciidamadii ku xareysnaa Xerada Kongo oo xoogooda markii hore laga keenay Maamul Gobaleedka Puntland.

Ciidankaasi oo watay 18 Gaari oo Tiniko ah iyo hub fudud ayaa waxa ay ku baxeen wado aada dhinaca Gobalka Hiiraan kaddibna ka soo gasha gobalka Bakool, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidankaan la filayo in la dejiyo meel duleed ka ah Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Gobalka Sh/dhexe.

Max’ed Dheere oo isna wax laga weydiiyay bixitaanka Ciidankaasi ayaa waxa uu yiri “Markii hore si wanaagsan ayaa ku soo dhaweynay haatanana si wanaagsan ayaa u amababixinay, balse waa ciidamo uu soo siray C/llaahi Yuusuf”, wuxuuna intaas sii raaciyay “markii ay baxayeen xitaa nama ogeysiin balse waxaan u qabno ma jirto”.

ciidamadaan oo tiradoo-du gaareysay ilaa iyo 800 oo askari ayaa mudo lix bilood ah waxaa halkaasi uga socday tababar la xiriiray dhinaca sugida ammaanka, iyadoo khudbaddii ugu horeysay ee uu halkaa ka jeediyo Max’ed Dheer markii la furay xerada Kongo waxa uu ku sheegay in Ciidamadaani ay yihiin kuwo qaran.

W/.D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Muslim Aid waxay ku taageertay dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay waxyeellaysay adduun gaaraya £74,485 oo gurmadka hore loogu talogalay. Akhri


Berlusconi oo ka carooday wareysi Tv oo lala yeeshay 
 
Ra'iisal wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa wareysi uu la yeeshay telefeyshinka Rai3 si weyn uga carooday  su'aalihii la weydiiyey dabadeedna ka baxay studio-yihii iyadoo wereysigii si toos ah uga socday telefeyshinka.
Gabadha sida weyn saxaafada wadankaasi loogu xushmooye Lucia Annunziata ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayey habeenkii xalay ahaa la yeelatay hogaamiyahaasi taasoo aakhirkii kaliftay inuu xamili waayo su'aalihii tirada badnaa ee ay weydiisay. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 14, 2006

Xildhibaanada Baarlamaanka oo mar kale Galaya Fasax ilaa mudo Tobaad ah
»Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo hanjabay
»Shiikh caan ah oo lagu dilay Magaalada Garoowe..
»Ururka Garyaqaanada Somaaliyeed oo walaac muujiyay
»Maleeshiyada Yuusuf Daba-Geed oo weerar qabsaday
»Qoral ka soo baxay Midowga Jabhadda xoreynta Soomaali
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Mar 13

Barre Hiiraale iyo Cabdi Cigaal oo soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeyey..
»Heshiis buuxa oo laga gaaray shaqaaqooyinkii Kismaayo
»Geeddi oo markii ugu horeysay shir Gudoomiyey Kulankii..
»Shirka Golaha wasiirada DFK la iskula soo qaaday amaanka
»Ururka Garoobada oo ka cabanaya ganacsato loogu...
»Ciidamada Itoobiya ee soo galay Deegaanka Buulo Xaawo
»C/llaahi Yuusuf oo la filayo in Nairobi kulan kula yeesho..
wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 12

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD