SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muslim Aid waxay ku taageertay dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay waxyeellaysay adduun gaaraya £74,485 oo gurmadka hore loogu talogalay.

 Xafiisyada Muslim Aid ee Soomaaliya ayaa markii abaaruhu soo if bexeen dad gaaraya 7,500 oo qof oo koonfurta Soomaliya ku nool u bilaabay inay u qaybiyaan bariis, bur, sonkor, buskud, biyo, hoy ku mel-gaar ah iyo daawooyin. Dad badan oo abaartaasi saamaysay ayaa guryohoodii ka soo tegay iyagoo cunto iyo biyo raadinaya. Muslim Aid waxay dadkaas u samaysay hoy ku meel-gaar ah oo ay qorraxda iyo dhaxanta ka galaan.   

Muslim Aid waxay la shaqaysaa hay’adaha qarammada Midoobay (UN agencies) sida WFP iyo WHO si dadkaas abaaruhu ay saameeyaan loogu gurmado.  

Dhibaatada ugu wayn oo dadka hadda haysataayi waa biyo la’aan. Meelaha qaarkood dadku waxay u le’anayaan harraad iyo gaajo, (sdida aad masawirka ka arki kartaan) Muslim Aid waxay biyo u dhaamisaa meelaha ay biyo la’aantu ka jirto. Boqolkiiba siddeetan ceelashu waa gureen, wabiyada Jubba iyo Shabeellana biyohoodu aad bay hoos ugu dhaceen oo ma dabooli karaan baahida waraabinta beeraha iyo midda kale ee dadka ku ag nool.  

Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan sida ay Muslim Aid ugu gurmatay abaaraha Geeska Afrikas iyo sidii aad uga qaybqaadan lahaydba booqo  www.muslimaid.org  

Mahadsanidin.
ali@muslimaid.org

Daawo Sawirada



Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD