SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com


Wararkii March 30, 2006

Taylor oo la soo qabtay loona gudbiyey  Sierra Leone 

 
Hogaamiyihii mar ahaan jiray madaxweynaha Leybeeriya ee Charles Taylor ayaa booliska dalkaasi Neyjeeriya gacanta ku soo dhigeen kadib markii labo cisho ku dhuumaaleysanayey meelo kamid ah dalkaasi isagoo doonayey inuu dalka dibadiisa u baxsado. Maanta gelinki dambe ayaa diyaarad helopkoter ah oo ay leedahay Q Midoobay laga soo dejiyey hogaamiyahaas dembiyada dagaal loo heysto sida ay goob joogayaal u sheegen wakaalada wararka ee Ruters, sidoo kale diyaaradii maanta gelinkii hore lugu soo qaaday ninkaas ayaa geysay xarunta Manrovia, halkaasoo looga sii qaaday dalka Seirra Leone meeshaasoo ah halka lugu maxkamada lugu soo taagi doono.

Teylor ayaa waxaa uu toddobaadkan horaantiisa isku dayey inuu baxsado waxaana laga soo qabtay xadka u dhaxeysa Nejeeriya iyo Kemuroon, mid kamid ciidanka xudduudaha ayaa sheegay iney ka shakiyeen markii ay jeebkiisa baareen oo ay ka heleen lacag dollar ah. Tan iyo sanadkii 2003-da waxa uu ku noola dalkaasi Neyjeeriya oo nabadgalyo siyaasadeed ku joogay kadib markii dowlada dalkaasi ay siisay, balse waxaa loo heystaa in ciidankii uu isaga watay xasuuq ka geysteen dalkaasi Seirra Leone.

 
Dowlada Mareykanka waxey cadaadis badan ku saartay Neyjeeriya in ninkaasi soo gudbiso, waxey sidoo kale Washington ay ku hanjabtay iney baajin doono kulan lugu wado inuu aqalka cad ku dhex maro madaxweyne Bush-ka dalkaasi iyo Nejeeriya Obasanjo. Xoghayaha Q Midoobey Koofi canaana waxa uu sheegay inuu ka qalbi jabsan yahay Nejeeriya oo aakhirkii fulisay codsiyada Mareykanka iyo Lebeeriya. Charles Teylor wuxuu noqday hogaamiyiihi ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo maxkamad loo suu taago dembiyo dagaal iyo xasuuq uu geystay.
 
                 Shirki wadamada carabta oo soo afjarmay
     Caamir Muusaa: dagaal oogeyaal kala tashanmeyno arrimaha Soomaaliya" 
 
Shirkii hogaamiyeyaasha Jaamacada Carabta ee uga socday magaalo madaxda dalkaasi Suudaan ee Khartuum ayaa soo afjarmay maanta oo arbaco ah, waxaana kulankaasi laga soo saaray qodobo dhowr ah. Inkastoo muhiimada ugu weyn ee shirkaasi looga munaaqishooday arrimaha gobolka Daarfuur ayaa hadana warmurtiyeed ay soo saareen hogaamiyeyaashaasu sheegeen in la taageero dowlada Soomaaliya.
 
Xoghayaha J Carabta Caamir Muusa oo shir jaraa'id maanta qabtay ayaa sheegay in Carabtu aaney soomaaliya ka seexan ayna taageri doonto.
"Jaamacada Carabta Soomaaliya waa run sidii laga rabay uma taageerin, arrimaha iyo isbadalada siyaasadeedna waan la soconay, Cali Cabdala Saalax dowr muuqdana waa ka qaatay inuu isku keeno madaxdii dowlada" ayuu yiri Caamir Muusa oo ka jawaabayey weriye carbeed oo weydiiyey su'aal aheyd "Maxaad ka damacdeen arrimaha Soomaaliya oo ah dal ay dagaalo aafeeyen la idiinkuna eedeynayo inaad dalkaas carbeed ka gaabsateen. Caamir Muusa waxa kale uu ka hadlay in arrimaha Soomaaliya ay noqotay meel isku heystaan dagaal oogeyaal iyo dowlad aan taageero badan heysan "Anagu arrimaha Soomaaliya kalama xaajooneyno dagaal oogeyaal diiday nabada xukuumad ayaa jirta oo la macaamiltooneyna" ayuu yiri misna isagoo weli ka hadlayey warmutiyeedka laga soo saaray kulankii Khartooum
Balse waxaa qosol laheyd markii wasiirka arrimahada dibada Suudaan oo shirkaasi jaraa'id kala qeybgalayey xoghayaha ka faaloonayey arrimaha Soomaaliya  sheegay iney tahay dal 15 sanno bilaa nidaam ahaa, wuxuuna isagoo aad uga dheeraanayey arrrimaas sheegay in hubka magaalada Muqdisho yahay mid raqiis ah oo si fudud lugu heli karro.
 
Shirkan Khartoum oo madaxda carbeed go'aansadeen iney tagaeeraan ciidamada Afrikaanta ah ee nabad ilaalinta u jooga Darfur ayaa balan qaaday iney siinayaan midowga Afrika si loo taageero ciidamadaas lacag dhan 155 milyoon oo dolarka mareykanka ah. Ugu dambeyntii waxaa hogaamiyashan carbeed weji gabax ku noqotay in kulankoodii aaney kaga hadal aflagaadadii loo geystay Nabi Muxamed NNKH.
 
 
Wasiirada A Dibada Sweden ee KMG oo diiday iney Darfur tagto
 
Haweeneyda haatan sida ku meelgaarka ah u heysa jagada wasiiradeedka arrimaha dibada Sweden ee Carin Jämtin ayaan dowlada dalkaasi Suudaan gaashaanka ku dhifatay in haweeneydaasi ay booqasho ku tagto gobolka Darfur ee dalkaasi. Kadib markii la sheegay in aamaankeedu aaney dowladu sugi karrin markey tagto dhulka xasarada ka jirto ee Darfur.
 
Duqa gobolka Fashir ee waqooyiga Darfur Yuusuf Osman Kabir ayaa fariin uu soo diray sheegay in wafdiga wasiirada aysan sugi karrin amaankeeda sidaas daraadeed ay haboon tahay ineysan imin gobolka. Balse wasiirada waxey ku sugan tahay deegaanka Juba ee dalkaasi.Dhinaca kale ninka madaxda ka ah  hey'ada Sudans chargé d'affaires ee magaalada Stockholm ayaa sheegay in duqa uu aragtidiisa ka hadlay ee aysan aheyn mid ka tarjumeysa mowqifka dowlada. Wasiirada lafteeda oo u waremeysay wakaalada wararka Sweden ee TT ayaa sheegtay in arrintu tahay mid salka ku heysa arrimo kale ee aaney aheyn amaan xumo ka jirto gobolka.
Sadex qodob ayuu farriintiisa ku sheegay duqa gobolka Fashir, waxaana uu tan hore ku tilmaamay in wargeys kamid ah kuwa Sweden laga yaabo iney soo daabaceen sawiradii nabiga la i haaneynayey, iyo iyadoo ay tahay xilli dhalashadii Nabiga lugu jiro, iyo in amaanka wefdiga ay la socoto aanu aheyn mid sugan. Isku soo wada duuboo sababta dhabta ah ee la xirriirta  sababta loogu diiday wasiirada Sweden iney tagto gobolka Darfur ayaan ilaa iyo hada la ogeyn mana jirto war ay dowlada Suudaan ka soo saartay amuurtaasi marka laga reebo in ninka u madaxda ah gobolkaasi uu aragtiisa ku aadan booqashada haweeneydani dhiibtay, balse maalmaha soo scoda ayaa la ogaan doonaa halka sheekadani u biyo dhacdo.
 

Wararkii March 29, 2006

Shirkii Madaxda Carabta oo ka furmay Suudaan...

Shirkii madaxda carabta March 28 ugu furmay magaalada Khartoum ee wadanka Suudaan ayaa go'aan ku gaaray shirkooda iney dhaqaale  taageero siiyaan ciidamada loo dirayo gobolka Darfur. Sidoo kale waxey madaxda carbeed balan qaadeen iney ciidamo halkaasi u diri doonaan.
Gobolka Darfur ciidamada Afrikaanka ah ee jooga ayaa waxaa dhaqaalo siiya Mareykanka, Kanada iyo Midowga Yurub, halka qaadara inteeda kale aaney heysan dhaqaalo ay ku taagerto ciidamada halkaasi jooga. Darfur waxey arrinteeda soo caan baxday markii gobolkaasi ka dhacay gumaad xun oo lugu eedeyey dowlada Suudaan iney ka dambeysay, waxaana la runsan yahay in ka badan 300.000 iney ku dhintaan dagaaladaasi halka 2,4 milyana oo dad ahi ay ka barakaceen deegaandooda.

 
Xisbiga Likut oo ku guul darreystay dooroshooyinkii Israa'iil ka dhacay
 
Telefeyshinkaa dalkaasi Israa'iil ayaa shaaca ka qaaday ra'yi arruurin uu sameeyey in xisbiga uu Kadima uu ku guuleystay dooroshooyinkii baarlamaaniga ahaa ee loo dareeray maanta.
Waxa uu telefeyshinku sheegay in markii codbixintu dhamaatay tirada cododka la tiriyey in xisbiga KADIMA uu helay 29- ilaa 32 kuraas ah halka xisbiga shaqaalaha uu isagu helay 22 kursi. Balse mida kediska ah ayaa iyadu ah in xisbiga Likut uu galay kaalinta sadexaad ee dooroshooyinkaasi isaguu xisbigu helay 11 -12 kursi.
Inagu waxaanu dooneynay inaanu dhaqaalaha badbaadino waana guul darro ay ka shaleynayaan xisbiga iyo raadkii ay reebeen iyadoo dadkuna ay fahmi doonaan waqtiga isbadalay" ayuu yiri Natanyahu oo isagu si weyn uga muraal dilaacsan guul darrada xisbigiisa soo wajahday. Dhinaca kale xisbiga dadka howlgabay ayaa iyaguna codad aan la fileyn ka helay dooroshooyinkii dalkaasi ka dhacay, waxaana u xisbigu helay 6- 8 kursi kadib markii marmar badan xisbigaasi isku dayey inuu ka helo kuraas baarlamaanka uu ku guul darreystay.
 
Guusha lama filaanka ah ee xisbiga Kadima ku tilowsaday marka laga soo tago waxaa jirtay cabsi ah inaanu dadka si wanaagsan codkooda u dhiibin ama aaney iman goobaha laga codooye, guud ahaan xisbiyada doorashadan ka qeybgalaysay ayaa gaaraya kow iyo soddon xisbi oo dalkaasi ka jira.
Goor dambe oo caawa ah ayaa Mr Olmert ka dhawaajiyey in xisbigiisu ku guuleysteen doorashooyinkii wuxuuna carabka ku dhiftay in tanasul u sameyn doono wadahal kasta oo lugu soo afjarayo diriri u dhaxeysa iyaga iyo Falastiin.
 
 
              Ma dhabaa inuu baxsaday Charles Taylor-kii Leyberiya?
 
Hogaamiyihii hore ee Leybeeriya ee magangalyada siyaasadeed ku joogay dalka Neyjeeriya ayaa wararku sheegayaan inuu baxsaday oo aan la ogeyn halka jaan iyo cirib uu dhigay aragti markii cid ugu war dambeysana ay aheyd isagoo maalintii shalay ku sugnaa filadii uu daganaa ee lugu waardiyeynayey. Afhayeen u hadlay madaxweynaha dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in amaanka xuduudaha dalkaasi la adkeeyey si hadey dhacdo inuu ku dhumaaleysto meelo kamid ah dalka aanu  dibada uga bixin.
Taylor waxa uu nabadgalyo siyaasadeed dalkaasi ku noolaa tan iyo sanadkii 2003-dii, markaasoo uu isagoo madaxweyne ah ka degay xukunka kadib markii laga dagaalka looga guuleystay. Sidoo kale waxaa lugu eedeeyaa inuu dagaalo ka dhacay Sierra Leone sanadku markii ahaa 1997-dii ku lug lahaa,toddobo iyo tobon qodob ayaa kamid ah dembiyada lugu heysto ayaa waxaa kamid ah gumaad iyo kutumashada xuquuqda aadanaha.
Haweeneyda dhawaan ku guuleysatay doorashada Leybeeriya Ellen Johnsson- Sirleaf ayaa ka codsaday Neyjeeriya in ninkaasi gacanta u soo geliyo inkastoo Neyjeeriya ay aqbashay codsigaasi hadna waxey shuruud ugu dhigtay iney labada dal ka yeeshaan kulan la xirriira dib u soo celintiisa.
 

WARAR March 28, 2006

Masiixiigii Afgaanistaanka ahaa ee dilka lugu xukumay oo codsaday nabadgalyo siyaasadeed 

 
Ninkii Afganistaanka ahaa ee ay maxkamad ku taala dalkaasi ku xukuntay dil ayaa haatan waxa uu codsanayaa nabadgalyo siyaasadeed oo caalami ah sida ay ku soo waramayaan mas'uuliyiinta Qaramada Midoobey ee ku sugan halkaasi.

Ninkan oo lugu magacaabo C/raxmaan islamarkaasina ay arrintiisa dhalisay muran badan kadib markii wadamada reer galbeedka ay caadis ku saareen dowlada dalkaasi in laga baajiyo dilka.

Dhinaca kale dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegaya in xaaladiisa caafimaad ee maskaxada liidato islamarkaasina aan la ogeyn inuu ka baxi karro amuurta la xirriirta dilka maxkamada ku xuntay. Maxkamaduna waxey ku doodeysa in dilka ninkaasi uga baaqan karro oo keliya haddii uu islaanimada qaato. Reeraha ninkani ka dhashay ayaa iyaguna ku doodaya inuu yahay nin xanuunsan oo aan caadi aheyn, hadey taasi dhacdana waxaa macquul ah in maxkamadu wax ka badasho xukunkii dilka ahaa ee ay  horey ugu xukuntay balse intaasi la gaaray ayaa arrinta ninkani dalalka reer galbeedka soo farageliyeen iyagoo doonaya in gebi ahaanba wax laga badalo sharciga Islaamka waxa uu dhigayo marka ruux muslin ah diinta ka baxo.
 

Shirkii Jaamacada Carabta oo aan hogaamiyeyaal badan soo xaadirin.
 
La yaab malaha in shir kasta oo la sheegaa iney iskugu imanayaan hogaamiyaal carbeed uu ku dhamaado fashil halkaasina ay ku kala darareenaan nimankii cigaalada dheeraa ee iyagoo gafuurada isku tuuraya diyaaradaha dalalkoodi u raaca, misna markey dani isku keentana isku yimaado iyagoon aan eegin fashilkii faraha badnaa ee shirarkoodii hore ku dhamaan jiray.
 
Shirki berito ka furmaya magaalada Khartoum ee xarrunta wadanka Suudaan ayaa waxaan iman doonin hogaamiyaal badan oo carbeed kadib markii uu u muuqday shirkaasi mid ajandihii laga lahaa laga gun gaareyn.

Madaxda ay kamid yihiin, Boqorka Sacuudiga, madaxweynaha masaarida, boqorada Jordan, Baxreyn, Marako iyo amiirada Imaaradka iyo Cumaan, sidoo kale madaxweynayaasha Ciraaq iyo Tuunisiya ayaa dhamaantood ka baaqsaday shirkan berito ka furmaya xarunta Suudaan, marka laga reebo in hogaamiyaashaasi ay soo dirsadeen wakiilo matalo. Ma muuqato ilaa iyo hada sabab rasmi ah oo hogaamiyeyaalkaas baajisay. Shirkan oo la qorsheeyey inuu socdo labo cisho ayaa laga yaaba in la soo gaabiyo marba hadaan madaxdii ugu tunka weyntaa carabta aanu soo xaadirin. Amuurta ugu weyn ee shirkan lugu gorfeynayo ayaa ah qadiyada Darfur ee muranka weyni ka taagan yahay iyo xadka cusub ee ay Israa'iil u sameysay falastiiniyiinta.

 
Marooko oo xabsiyada ka siideysay maxaabiis siyaasadeed
 
Boqor Xassan-ka labaad ee dalkaasi Marooko ayaa cafis u fudiyey maxaabiis siyaasadeed oo tiradooda gaareyso 216 kuwaasoo kasoo jeeda dhulka saxaraha galbeed ee Marooko qabsatay sanadkii 1975-tii. Cafiska uu fidiyey boqor Xasan ayaa timid booqasho shan cisho ah oo halkaasi ku joogay.
Mas'uuliyiin ka tirsan saraxa galbeed oo u waramayey wakaalada wararka Sweden ayaa sheegay in maxaabiistaas la siidaayey ay badidooda ahaayeen dad marookaan ah oo dabiyo kala duwan lugu soo xiray, balse siyaasiinta saxaruhu yihiin 21 qof.
Brahim Dahane oo ah gudoomiyaha ururka saxaraha galbeed ee xaquuqda aadanaha iyo qaar kale oo siyaasiin ah ayaan xabsiga laga sii deyn dowlada dalkaasina waxey raggaasi u aragtaa kuwo wax u dhimaya jiritaanka dhul ahaaneed ee dhaq dhaqaaqa saxarahu doonayaan iney gooni isku taagaan.
Dhawaan ayaa ururada u dooda xuuqda aadanaha iyo mas'uuliyiin ka tirsan wasarahada arrimaha dibada Mareykanka u direen cabasho la xirriira quxuuqdaha aadanaha ee dalkaasi la sheegay iney ku tumato, waxaana ay codsadeen in la siidaayo siyaasiintaasi xabsiyada ku jira.

WARAR March 27, 2006

Xamaas oo dowlada ay dhiseyso ku soo dartay nin masiixi ah
 
Ururka dagaalka hubeysan kula jira dowlada Israa'iil ee Xamaas ayaa dowlada ay qorsheyneyso iney soo dhigto ku soo dartay wasiir masiixi ah.
Wasiirka dalkiisa Judeh Marqous oo ka soo jeeda deeganada Beytal Laxam ee dhulka falastiiniyiinta ayaa kamid noqday wasiirada dhawaan uu madaxwene Abuu Maazin uu ansixin doono. Maalinta arbacada ayaa lugu wadaa dowlada ay Xamas soo dhistay la ansixiyo, waxaana wasiirkani cusub yahay mid aan inta badan ku xirneyn ururuka Xamaas ee muddooyin badan dagaal hubeysan kula jiray dowlada Israa'il.
 
Bíshii feberaayo ee sanadkan ayaa doorashooyin baarlamaaniga ee ka dhacay deeganada falastiiniyiinta waxaa cod aqlibayad leh dadku ku doorteen ururka Xamaas oo aan marna laga soo dhaweyn beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Israa'iil oo labaduba sheegay ineysan taageereyn dowlad Xamaas garwadeen ka tahay.
 
Khadaafi oo so kedis ah ku yimid Khartoum 
 
Hogaamiyaha dalka Liibiya mucaral Khadaafi ayaa socdaal si kedis ah oo aan diyaargarowdeeda la gaarin kuyimid maanta magaalada Khartoum ee xarrunta wadankaasi Suudaan. Xoghayaha Jaamacada Carabta Caamir Muusa ayaa si deg deg ah ku gaaray dalkaasi si u qaabilo hogaamiyahan aan cidna soo wargelin ee iska soo galay hawada dalkaasi Suudaan.

Mas'uuliyiinta u qaabilsan soo dhaweynta wafuuda carbeed ee kulanka Khartoum ka qeybgalaysa balse codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay inuusan ogeyn sababta rasmiga ah ee kaliftay inuusan cidna soo wargelin Khadaafi imaanshihiisa, waxeyse awood u yeesheen iney si deg deg ah ku dhigaan kaarbet-kii casaa ee madaxda loo fidin jiray.

Ugu dambeyntii kulanka madaxda carbeed uga furmaya maalinta talaadada  xarunta wadanka Suudaan ayaa looga munaaqishoon doona arrimo badan oo quseeya dalalka carabta gaar ahaan Suudaan oo rajeyneysa in kulankani noqdo mid miradhala kadib markii ay ku fashilantay shirkii Midowga Afrikaaanka ee ay madaxdeedu diideen iney isku soo sharaxdo jagada kaltanka ah ee Midowga Afrika. Sidoo kale arrimaha murgsan ee dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa iyagana la filayaa in looga hadlo.
 
Bolly wood oo joojineysa heesaha filamada Hindiga ay sameyso
 
Dabcan markaad maqasho filin Hindi ah waxaa kugu soo dhacaya filin aad u dheer oo qiyaastii soconaya saddex saacadaad hadaanu ka badneyn, saas oo ay tahay misna waxaad arkeysaa in filinkaasi Hindiga ah ay ku jiraan dhowr heesood oo gabadha iyo wiilka filinkaasi ku socdo hadba inta dhowr jeer dharka soo badashaan heesayaan. Taasi waxaa u dheer oo malaha loogama sheekeynayo dadka soomaalida ah ee "axaabul Hindiga ah" in filimada qaarkood yahiin kuwo qiso leh oo aad maqleyso Kaabo laadar ayaa gabadhiisa u diiday wiil ay jecleyd kadibna qasab looga watay iyo wiil faqri ah gabar jeclaaday. Dhamaan waxyaabahasi iyo kuwo kale oo qarsoon waa waxyaabaha qayaaliga ah ee laga dhaxlay dhaqanka Hindida masraxa soomaalidana laga helayo inkastoo dunida sadexaad ay si weyn arrimahaasi iskaga shabahaan hadana Hindiga waxaad arkeysa in qaarkood yihiin ka bad badis.

Hadaba shirkada caanka ku ah soo saarita filimada Hindiga ee la yiraahdo Bolly wood ayaa ku fekereysa iney jiijiso heesaha ku jira filimada ay ku howlan tahay dhawaantan sameyntooda, kadib markii soo saareyaasha shirkadaasi u arkeen in nidaam horey ay caan ugu hayaan joojinteeda mid aan qiimo u laheyn dadka reer galbeedka ah ee doonaya iney daawadaan filimada qisada leh ee Hindida.
Soo saaraha la yiraahdo Shankar Maha-divgan kana mid ah soosaareyaasha ugu magaca dheer ee shirkada Bolly wood ayaa sheegay in sidaasi  u yeeleeen soo gaabinta waqtiga dheer ee filinku heesaha kaga dhumayo. Soosaaraha kale ee isna la yiraahdo Ram Joubal ayaa isna aaminsan in heesuhu yihiin kuwo reer galbeedka doonaya iney wax ka ogaadan hidaha iyo caadooyinka dalkaasi aaney wax ka fahmeyn i waqti dhumis mooye. Balse waxa uu sheegay in filimo badan oo horey u sameeyeen ay dalka dibadiisa ka heleen abaal marrino badan sida filinka la yiraahdo "Taxi 9211 iyo dembilhii gacan ku dhiiglaha ahaa"
Talaabadan cusub ee Bolly wood ku dhaqaaqday ayaa dad badani weli jecleysan, balse mas'uuliyiinta shirkadaas waxey u tahay guul weyn oo ku kala tartamayaan shirkadaha kale caalamiga ah ee sameeya filimada haddii howshan noqto mid najaxda balse dadka u bartay heesaha fiirsigooda ayaan la ogeyn iney aqbalayaan iyo inkale.

WARAR March 26, 2006

Ra'iisal wasaaraha Denmark oo warqad hanjabaad ah loo diray 

 
Ra'iisal wasaaraha Denmark Anders Fogh Rasmussen ayaa loo soo diray warqad hanjabaad ah oo uga timid wiil la sheegay in da'duusu aheyd 18 jir degan gobolka Odense ee dalkaasi.
Wiilkan da'da yar ayaa toddobaadkii hore waxa uu warqadaasi hanjabaad ah ugu diray dhanka e-mail-ka  oo ku sheegayey in ra'iisal wasaaruhu muddo toban cisho gudaheed dhiman doono ama la dili doono.
Booliska dalkaasi oo dabagal ku sameeyey halka laga soo diray ama IP adress-ka internet-ka wiilkaasi adeegsaday ayaa la sheegay iney tahay xarrun dhalinyaradu iskugu timaado dabadeedna isaga iyo computer-kii uu adeegsanayey gacanta ku dhigeen boolisku.
Xukun deg deg ah oo dhawaan lugu fulin doono wiilkaasi ayaa la runsan yahay in qarka u saaran yahay inuu muteysto sideed sano oo xarig ah iyadoo dacwada lugu soo oogayo wiilkaasina ay noqoneyso mid uu hanjabaad ugu geystay dad ka tirsan dowlada.

Charles Taylor oo maxkamada dembiyada dagaalka loo gudbinayo

Madaxweynaha dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa sheegay inuu ogolaaday inuu maxkamada dembiyada ee Qaramada Midoobey loo gudbiyo Charles Taylor oo lugu tuhusan yahay in dembiy dagaal galay.
Haweeney u hadashay dowlada dalkaasi ayaa carabka ku dhifatay in warkaasi jirto balse waxey ka gaabsatay qaabka iyo goorta ninkaasi loo gudbinayo maxkamada caalamiga ah.
Taylor waxaa lugu heystaa inuu qeyb weyn ku lahaa dagaaladii u dhaxeeyey Sierra Leon iyo Leybeeriya. "Maanta waa maalin u weyn cadaalada" ayey tiri hey'ada sade Human Rights Watchs faraceeda afrikada galbeed. 

Banaanbax loo sameeyey dadka aan sharciyada laheyn ee USA

Boqolaal kun dad lugu qiyaasay ayaa maanta dalka Mareykanka banaanbax ay ku taageerayaan dadka sharciyada laheyn ee soo galootiga ah sameeyey.
Banaanbaxani oo ahaa mid si weyn taagaareeyey dadka iyagu loo diiday iney joogaan Mareykanka ama shaqo ka helaan,waxaana ay qeyb ka aheyd  dood baryahan dalkaasi ka taagneyd.
Madaxweynaha dalkaasi Bush ayaa haatan ku mashquulsan nidaam wax loogu qabanayo dadka sharciyada iyo shaqada aan laheyn,waxaana uu dhigayaa nidaamkaasi in ruuxa shaqo doonka ah uu joogayo dalkaasi in ka badan lix sanno haddii ninka shaqadaasi siinaya dadkan soo galootiga ah uu waayo shaqadaasi nin ameerikaan ah oo ka shaqeeya.

Wararka March 25, 2006

Shiinaha oo ay dad ugu dhinteen hargabka shimbiraha

 
Gobolka Shanghai ee dalka Shiinaha ayaa lugu soo waramayaa iney labo qof ugu dhinteen hargabka shimbiraha  maanta oo jimco ah. Haweeney kamid ah labadaas qof ayaa la sheegay iney aheyd shaqaale guur guura oo bishii ina dhaaftay dabayaaqadeedii cudurkaasi ku dhacay kadibna ay u geeriyootay. Gabar kale oo sadex jir ayaa iyadana maanta u dhimatay cudurkaas kadib markii masuuliyiintii caafimaadka ay sheegeen iney xirriir la yeelatay goob ay joogaan digaaga.
 
Dhinaca kale dalka Jordan ayaa maanta digaaga loo yaqaano boolo boolada laga halay cudurkaasi. Guud ahaan 104 qof ayaa caalamka la sheegay iney u geeriyoodeen cudurkaasi dilaaga ah ee hada ku faafay meelo badan oo kamid ah qaaradan Yurub iyo Aasiya oo uu asalkiisa kasoo if baxay.
 
 
Nin Afgaanistaan ah oo ka baxay Diinta Islaamka dilna lugu xukumay ayaa la sheegay in siideynayo
 
Nin u dhashay wadanka Afgaanistaan horeyna u ahaa muslin ka baxay diinta Islaamka islamarkaasina lugu xukumay dil ayaa haatan wararku sheegayaan in dhawaan la siin deyn doono.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada dalkaasi ayaa maanta warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in ninkaasi dhawaan la sii deyn doono kadib markii ay cadaadis badan uga timid dhanka reer galbeedka.
Ninkan oo magaciisa lugu sheegay C/raxmaan ayaa labo toddobaad ka hor ay maxkamad dalkaasi ku taalo ku xuntay dilkan haatan reer galbeedka wel welka ku qabtay. Ninkan ayaa 16 sanno ka hor ka baxay diinta Islaamka sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters.
 
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Codoleezza Rice ayaa la xirriirtay Xamiid Karazai-ga dalkaasi oo ay kaga dalbaneyso in ninkaas la sii daayoo. Rice oo amuurtan ka hadleyso ayaa sheegtay in dowlada Washington ka walaacsan tahay xukunka ninkaas lugu fulayey "Ma jirto arrin ka muhiimsan xorriyada xagga diimaha oo ay Washington waqtigan xaadirka ah ka fakreyso"ayey tiri Rice oo dhinaceeda ka muujineyso walaaca ay ka qabto xukunka dilka ah ee ninkan diinta ka baxay lugu riday.
Maxkamada dacwadan qaadan ayaa shalay oo khamiis ah sheegtay iney dib u eegeyso kiiska ninkan taasoo sharuud looga dhigayo inuu ninkaasi diintii uu ka baxay dib ugu soo laabto.

WARARKII MARCH 23, 2006

Shirkii looga magacdaray gargaarka Nabiga oo la soo gababeeyey

 
Shir weynihii caalamiga ahaa ee loogu magacdarray gargaarista Nabiga sharafta badan NNKH ayaa maanta lugu soo gabagabeeyey magaalo madaxda boqortooyada Baxreyn ee Manaama.Shirkan oo socday labo cisho ayaa waxaa kasoo baxay go'aano wax ku ool ah kuwaasoo ay culumaddi ka qeybgashay ay isku afgarteen in la sameeyo afar xafiis oo u qaabilsan santuuq dhaqaale oo lugu arruurino hey'ada u gar gaarista Rasuulka,xafiis u qaabilsan saxaafada, qaanuunka iyo mashruuc hormarinta hey'ada u gar gaarista Rasuulka. Culimadii ugu magaca dheereyd ee shirkan ka qeybgalaysay ayaa codsaday in wax walba loo sameeyo difaacista Rasuulkeena iyo in la abuuro ollole xoogan oo dunida reer galbeedka lugu gaarsiinayo shaqsiyada sharafta badan ee uu lahaa Nabiga iyo caqiiqdada Islaamka.
Sheekha caalimka ah ee Qardaawi oo kulankaasi gebo gabada ah ka hadlayey ayaa sheegay in "In dagaal toos ah diinta lugu soo qaaday dadka muslinka ahna ay waajib ku tahay in difaacista nabiga sharafta badan ay hibeeyeen.
 
Dhinaca kale Sheekh Sacuud Wadah oo ka tirsan gollaha shuuracada Sacuudiga ayaa codsaday inaan marna cuno qabateyntii saarneyd dalkaasi Denmark laga qaadin tan iyo intey ka bixinayaan cudur daar rasmi ah. Mid kamid ah wafuudii ka socotay Denmark kulankaasina ka qeybgalayey ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay ineysan codsaneyn in cuno qabanteynta laga qaado dalkaasi balse kubadu tahay mid taala bartamaha garoonka Denmarkna laga doonayo iney keento wadadii ay ugu bixi laheyd go'doonka ay ku jirto.

Waxey sidoo kale sheegen wefdigaasi reer Denmark in shacabka dalkaasi ay dhambaalo soo diraan had iyo goor kuwaasoo aan ku raacsaneyn aflagadaada jariidadu qortay islamarkaasina ay tixgelin u hayaan diinta Islaamka.
 
Laheystayaal lugu heystay Ciraaq oo la soo furtay
 
Saddex nin oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska, iyo Kanada ayaa ciidamada isbaheysiga ee dalkaasi xooga ku jooga soo furteen kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen.
Sadexdan nin ee ayaa bishii november ee sanadkii hore kooxo isku magacaabay seeftii xaqiiqda afduubteen, nin afaraad oo kuwaas kamid ah lana oran jiray Tom fox una dhashay dalka Mareykanka ayaa labo toddobaad kahor meydkiisa banaanka la soo dhigay.
 
Wasiirka arrimaha dibada dalka Ingiriiska Jack Straw ayaa sheegay inuu la hadlay xaasikii Kember islamarkaasina ay aad ah ugu farxday deysmada ninkeeda ee la sii daayey.
Mr Kember waa74 jir, James Loney-na waa41 jir Harmeet Singh Sooden oo isagana ah 32 jir ayaa iyagu lugu afduubtay magaalada Baqdaad ee dalkaasi Ciraaq dhamaantoodna waxey ahaayeen kuwo iskood isku xilqaamay halkaasina u tagay sidey u muujin lahaayeen ka soo horjeedistaankooda ciidamada shisheeye ee dalkaasi xooga ku qabsaday. Balse kooxo ka jira dalkaasi oo magacyo Islaam wata ayaa inta badan waxey afduub u geystaan dadka iyagu siyaalo kala duwan u tagay dalkaasi hadey ahaan lahaayeen shaqaalaha gargaarka ee ha howlgala, suxufiyinta iyo diblomaasiyiinta shisheeye.
 
Faransiiska oo ardeyda dalkaasi banaanbaxyo ka dhigeen
 
Dalka fransiiska ayaa guud ahaan waxaa hareeyey banaanbaxyo rabsahado oo ay dhigeen ardeyda dalkaasi kuwaasoo kasoo horjeeday sharciga cusub ee dhalinyarada loo sameeyey. Inkastoo banaanbaxani lugu sheegay mid nabadeed hadana wuxuu ahaa mid in ka badan 450. 000 oo ardey ka qeybgaleen kuwaasoo codsanayey in wax laga badalo nimadaan shaqo ee dhalinyarada loo soo rogay.
Ardeydan oo careysan ayaa gebi ahaanba je jebiyey gawaarida taalada wadada hareeraheeda, dukaamanka iyo dhageyn ay u geysteen booliska ka hortaga rabshada. Boqol iyo afartan qof oo lugu tuhmayo iney rabshadahaasi ku lugu lahaayeen ayaa boolisku xabsiga u taxaabeen.
Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Dominique de Villepin ayaa balan qaaday inuu wax ka qabanayo cabashada dhalinyaradaasi balse wuxuu ugu baaqay iney xaalada dejiyaan. Sharciga cusub ee wax ka qabashada shaqo la'aanta dhalinyarada dalkaasi ayaa timid markii nidaam cusub loo sameeyey taasoo ay dowladu u arkeysay iney ku dhimi karto shaqo la'aanta heysa dhalinyarada balse waxey taasi isku badashay carro xoogan iyo rabsho baaxad leh oo dalkaasi ku fida.
 

WARARKII MARCH 22, 2006

Baxreyn oo ka furmay shir looga magacdaray gargaarka Nabiga

 
Magaalo madaxda boqortooyada Baxreyn ayaa maanta ka furmay shirweyne caalami ah oo loogu magac darray "U Gargaarka Nabiga sharafta badan" shirkani oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan saddex boqol oo culimada Islaamka ayaa looga hadlay sida bareerka leh ee ay wargeysyada reer galbeedka meel ugu dhaceen karaamadii Nabigeena sharafta badan ee Muxamed NNKH, kadib markey kartoono ay sawireen ku sheegeen inuu yahay.
 
Sheekh caanka Qardaawi oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay iney waajib tahay diimaha jira ee dunida in la ixtiraamo si aysan u iman xiisad diimeed siddii tan haatan ay Danmark abuurtay. Xorriyada saxaafadana waxa uu ku sheegay iney dhowrto mas'uuliyada saaran, isagoo dhinaca kalena ka codsaday ka qeybgalayaashii kulankaas iyo saxaafadaba iney difaacaan Nabiga soona bandhigaan siiradiisa iyadoo kulankaasina u noqonayo bilow loogu gargaarayo Rasuulka Alle ee sharafta badan NNKH.
"Waxaanu heysanaa fursad taariikhi ah oo aanu ku wajahaneyno ra'yiga caamka ah ee reer galbeedka una sheegeyno sifaha shaqsiyadeed ee Nabigeena Muxamed ah, waana mida jawaabta ah ee aan bixineyno" ayuu yiri Sheekh Xasaan Muusa oo isagu ah gudoomiyaha gollaha muslmiinta Sweden oo shirkaasi ka qeybgalayey.
 
Dhinaca kale hogaamiyeyaal caan ah oo iskugu jira reer galbeed iyo Islaamka ayaa si weyn u cambaareeyey wargeyska Jyllands Posten oo markii ugu horeysay sawiradaasi foosha xun daabacay. Ra'iisal wasaarihii hore Sweden Invar Carlsson, ra'iisal wasaarhii hore ee Jarmalka Helmut Schmidt, ra'iisal wasaarihii hore Australia Malcolm Fraser, ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Japan Kiichi Miyazawa iyo ra'iisal wasaarihii dalkaasi Urdun Abdul Salam Majali ayaa dhamaantood ku tilmaamay sawiradii kartoonada ahaa ee Jyllands Posten kuwo "aan macno iyo qiimo laheyn waxaana ay cambaareyntani si wada jir ah ugu qoreen wargeyska die Zeit.

Hogaamiyeyaashan ayaa dhambaalkooda cambaareynta ah ku sheegay "Mid qeyral masuulnimo ah" waxaana ay hoosta ka xariiqeen in dowlada dalkaasi Denmark ay hareer martay fursado badan oo ay ku xalin kartay mushkiladan si ay u timaado bey yiraahdeen isfahan taasoo ka dhalatay diidmadii ay diiday dowlada iney la kulanto danjireyaashii dalalka Islaamka ee u fadhiyey dalkaasi Denmark.
 
Wargeyska Jyllands Posten ee kasoo baxda dalka Denmark ayaa bishii september ee sanadkii hore markii ugu horeysya daabacay sawiro kartoon ah kuwaasoo ku sheegay Nabi Muxamed NNKH, kadibna ay wargeysyo kale oo reer galbeed ahi ka daba qaateen ugu dambeyntiina waxey keentay in dunida muslinka siweyn uga caroodaan dhowr wadan oo dalalka Islaamka ayaa danjirayaashooda kasoo ceshtay dalka Denmark waxaana sidoo kale lugu soo rogay cuno qabateyn la xirriirta alaabooyinka ka yimaada dalkaasi ilaa iyo haatana cunaqabateynii dalkaasi la saaray ayaa weli halkeedi ah dowlada dalkaasina kama aaney bixin wax raali gareyn ah oo ay ku soo ceshan karto kalsoonidii dunida muslinka ee ay lumisay waxaana sii kordhay naceybka loo hayo dalkaasi iyo dowladeedaba.
 
Wasiir ka tirsan dowladii Saddaam oo beeniyey inuu la shaqeeyey CIA-da.
 
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada dowladii la afgamayey ee Saddaam Xuseen, Najiib Sabri ayaa gaashaanka u darruuray wararka sheegaya inuu ahaa sirdoon qarsoodi ah oo la shaqeeyey hey'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
"Warka ay sheegtay talefeyshina NBC ee mareykanka waa been lasoo dhoob dhoobay oo aan sal iyo raad toona laheyn" ayuu yiri Najiib Sabri oo u waramayey wakalaada wararka ee AFP. Waana markii ugu horeysay ee Mr Sabri ka bixiyo jawaab rasmi ah warar horey talefeyshinkaasi u sheegay oo la xirriirta in duulaankii Mareykanku ku qaaday Ciraaq ay qeyb ka aheyd warbixino sir ah oo ninkaasi u gudbiyey CIA-da.
"Kadib markii beentoodii ee ay ku sheegeen hubkliyeerk ah ayaa yaala dalkaasi Ciraaqkadibna la waayey ayey tani noqotay been kale oo lugu tir tirayo dembgii qarniga ee la galay ee qabsashadii Ciraaq" ayuu yiri mar kale mr Najiib oo u waramayey isla wakalaada wararka ee AFP.

Telefeyshinka NBC ayaa maalintii isnintii shaaca ka qaaday in Mr Sabri la siiyey lacag gaareysa 100. 000 dollar si uu basaaso hubka wax gumaado ee Saddaam Xuseen lugu eedeynayey inuu heysto. Balse Najiib Sabri waxa uu arrintaasi ku tilmaamay kuwo lugu doonayey in hogaamiye Ciraaqi ah oo kasoo horjeeda duulaanka gardarada ah ee dalkiisa lugu qaaday waa sida uu hadalka u dhigaye.
Najiib Sabri waxa uu sheegay inuu la yaaban yahay wararka telefeyshinka oo isku dayey iney wareysi ka qaadan balse ka cudurdaartay, wuxuu sidoo kale sheegay inuu qareenkiisa la kaashanayo siddii telefeyshinkaasi dacwad ka dhan ah loogu soo oogi lahaa kadib markey ka been abuurteen. 
 
Ruuxi afaraad oo haragabka shimbraha ku dhacay dalkaasi Masar
 
Sida ay qortay jariidada sharqal awsat ee kasoo baxda magaalada London ayaa sheeegtay in haweeney u dhalatay dalkaasi Masar ay cusbitalka Qasral ceyni ay ka baxsatay kadib markii haweeneydaasi dhaqaatiirtu ku wargeliyeen in dureyga halista ah ee bird flu ku dhacay mana jirto warar la xirriira halka ay jaan iyo cirib dhigtay haweeneydaasi oo haatan lugu raad joogo.
Wasaarada caafimaadka dalkaaasi ayaa iyadana sheegtay in wiil 17 jir ah uu isna cudurkaasi ku dhacay, halka masuu'l kale oo isla wasaarada ka tirsan oo diiday magaciisa sheegay iney jiraan dad gaaraya tiradooda 48 in looga shaki qabo in cudurkaasi ku dhacay kuwaasoo haatan la dhigay qeybo kala duwan oo cisbitaalada dalkaasi ah.
Dhinaca kale marinka Qaza ee dhulka falastiiniyinta ayaa wasaarada caafimaadku sheegtay in qofkii ugu horeeyey oo cudurkaasi qabo la sheegay inuu jiro. Sidoo kale dad looga shaki qabo iney cudurkaasi gaaray ayaa iyagana la dhigay cisbitalka Shuhada Al Aqsa si loo daweeyo.
 
Guud ahaan dunida ayaa wel wel iyo walaac ka muujisay cudurkan ku dhaca shimbaraha ee si xowli ah ku gaaray qeybo badan oo kamid ah Asiya, Yurub iyo Afrika kuwaaso dad kor u dhaafay boqol qof ay ugu geeriyoodeen.

WararkiiMarch 21,2006

Wasiirada arrimaha dibada Sweden oo is casishay
"Xiisadii ka dhalatay aflagaada Nabi Muxamed oo saameyn ku yeelatay is casilaadeeda"

 
Dadka qaar layaab kuma aheyn xilka ay maanta si kedis ah u dhiibtay haweeneyda heysay jagada wasiir-dibadeedka dalkan Sweden ee waxey aheyd mid lasugi waayey kadib markii mudooyinkan dambe ay dadka reer Sweden kalsoonidii kala noqdeen sidoo kalena qaar kamid ah asxaabta siyaasadeedna ku baaqeen iney jagada ka dagto.

Saaka xilliga Sweden markey aheyd 8.30 aroornimo ayuu ra'iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa oo is garab fadhiya shir jaraa'id ka sheegay in Laila Freivalds xillkii wasiirnimo ee ay dowladiisa ka heysay iska casishay.

" Waan ka xumahay Laila", waxey kamid ahaayeen ereyadii ugu horeysay ee ra'iisal wasaaruhu yiri markii uu furay shirkaasi jaraa'id saakay xilliga Sweden isagoo hadalkiisa sii daba dhigay in wasiiradu ay si wanaagsan shaqadeeda u gudatay islamarkaasina ay jagadaasi qabatay xilli dalkani murugo tiiraanyo leh heysay taasoo ah geeridii ku timid wasiiradii hore ee arrimahada dibada Anna Lindh oo iyadu goob ay ka adeeganeysay mindi nin caloosha ka geliyey kadibna u dhimatay dhaawicii kasoo gaaray.
Wasiirada oo qudheeda laga dareemayey wel wel xoogan ayaa u sheegtay saxaafada iney talooyin badan oo is casilaada ah heshay, islamarkaasina aysan qudheeda dooneyn iney sii wado shaqo ay ku sheegtay mid dhab ah, "waana mid dhaawac ukeeneysa wasaarada iyo aniga" ayey tiri Laila Frievalds oo laga dareemayey hadalkaasi dambe kalsooni darro loo hayo shaqsiyadeeda iyo qaabka ay u wajahday shaqadeeda.
 
Dhinaca kale is calisaada wasiiradan inkastoo ay jiraan arrimo kale oo loo aaneynayo iney sabab u aheyd kalsooni darrada soo wajahday ayaa hadana waxaa jirta in saxaafadu hadal heyso ku lug lahaanshihii ay si toos ah ugu lug lahaatay bogg internet-ka ah oo la sheegay iney lahaayeen qolyo isku magacaabay "Ururka dimoqraadiyada Sweden" kuwaasoo si bareer ah u daabacay sawiradii foosha xumaa ee lugu aflagaadeynayey Nabi Muxamed NNKH taasoo aakhirkii keentay wasaarada arrimaha dibada xirto boggaas kadib markii dhaleeceyn uga timid danjirayaasha dalalka Islaamka ah ee dalkan fadhiya. Ninka lugu magacaabo Bosse Ringholm ayaa si kumeel gaar ah u heyn doona jagada ay iska casishay wasiiraddii arrimaha dibada Sweden Laila Freidvalds.
 
        Bush: "Kuma xumi in Ciraaq dagaal lugu qaaday"
 
Madaxweynaha dalka Mareykanka Goerge W Bush ayaa maanta oo talaado ah sheegay inuusan ku raacsaneyn dadka qaar ee sheegaya in Ciraaq ku socoto wado dagaal sokeeye ah, balse  ay jiraan xoogaa yar oo lugu tilmaami karro ka xumaansho ah in dagaalkaasi ahaa mid gar darro ah.
"Waan sheegay in dagaalka Ciraaq ujeedadiisa aheyn batrool ah,Israa'iil  ama arrimo kale" ayuu yiri Bush oo ka jawaabay su'aal aheyd "maxaad u dooratay dagaalka Ciraaq.
Bush oo ka hadlaya arrimahaas sheegay in dagaalka sababta loo galay ay tahay in amaanka Mareykanka ay sidaasi ku jirtay."Saddaam Xuseen waxa uu diiday iney Ciraaq yimaadaan baarayaashii qaramada midoobey ee hubka nuklyeerka, taasina waxey aheyd go'aan adag oo markii dambe aan guul ka gaarnay dunidana maanta intii hore waa ka nabad badan tahay" ayuu yiri Bush oo ka faaloonayey sababta dowladiisa ay dagaalkaas ugu deg degtay isagoo dhinaca kale sheegay inuusan ka qoomaneyn dagaalkii tooska ahaa ee ku qaaday balse arrintu u ekeyd mid laga shalaayey.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay hadalka kasoo yeeray Iyaad Calaawi ra'iisal wasaarihii hore oo sheegay in maalin walba ay dhintaan dad lugu qiyaasay 50 ilaa 60 qof dalkuna dagaal sokeeyo fooda la galayo. Hadalka Bush ee ku difaacayo dagaalkii lugu qaaday Ciraaq ayaa timid xilli dareenka dadka reer Mareykan aad u kacsan yahay taasoo ay ka soo horjeedaan duulaankaas iyo natiijadii ka dhalatay. Ka bixitaanka ciidamadiisa ee dalkaasi ayuu Bush sheegay iney qaadaneyso tan iyo inta xilka ka dagayo.
 
Labo nin ka tirsan-Qaacida oo dacwad lugu soo oogay Israa'iil
 
Labo dhalinyarro oo reer Falastiin ah ayaa markii ugu horeysay maxkamad ku taala dalka Israa'iil ay dacwad la xirriirta argagaxisanimo ku soo oogtay.
Maxkamada ayaa sheegtay in labadan dhalinyaro oo 19 jirro ah da'dooda ey ka qeyb qaateen tababaro la sheegay iney bixisay al qaacida iyo falal kale oo iskugu jiro dil iyo dhac loo geystay rayidka reer israa'iil. Bishii dicember ayey maxkamadu sheegtay iney howlaha al qaacida ay dhaqaale ugu dooneen dalkaasi Jordan iyo gadashada hub aan sharciyeysneyn oo la doonayeyey in lugu wax yeeleeyo danaha Israa'iil waa sida maxkamadu sheegtaye.
Sidoo kale nin falastiini ah ayaa isna dacwad taas lamid lugu soo oogay kadib markii maxkamadu sheegtay inuu ka qeyb qaatay howladii Afgaanistaan ee ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafadiisa, balse eedeynahan ayaa iska fogeyey eedeymaha loo heysto.