SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Dawaare
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara


Yurub: Buugga Barashada Waditaanka Baabuurta


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006: Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka:
Qaybtii 2aad: Halganka loogu jiro lahaanshada iyo xeer u samaynta batroolka adduunka.... Akhri...

»»»»Qaybta: 1aad | 2aad
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim









  • Wararkii Dec 24, 2006

Diyaaradaha Itoobiya oo Weeraray Soomaaliya:::

Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeen in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay weerar ku qaadeen Soomaaliya, waxayna weerareen dhawr Meelood oo ka tirsan gudaha Soomaaliya, Itoobiyana arrintaas si rasmi ayey u qiratay, taas oo ka dhigtay markii koowaad ee ay si toos ah u qoratay in ay dagaal kula jirto Soomaaliya, sida uu caddeeyey Afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya Solomon Abebe oo la hadlay warbaahinta.

Bandiiradley: Dagaal kharaar oo ka qarxay Bandiiradley

Dec 24, 2006: Saaka hiirtii waabari ayaa dagaal kharaari ka qarxay aaga Bandiiradley ee gobalka Mudug oo ay indha waaleba isku horfadhiyeen ciidamada
Maxkamadaha iyo kuwa DGPL+cabdiqaybdiid oo gacan kahelaya ciidamda dalka Ethoipia.

ilaa iyo hada lama saadaalin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii saaka waxaase la cadaynayaa in ay jiraan khasaare nafiyo maalba leh.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ay soo gaareen labada dhinac ee ay dirurtu ku dhexmartay Bandiiradley khasaare ba'an oo ka dhashay dagaalkii saaka ka qarxay Bandiiradley.

DHinacba dhinac ayuu ku eedaynayaa eeda dagaalka in uu isagu bilaabay hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya cida leh gardarada rasmiga ah markla laga yimaado is eedaynta ay isu jeediyeen labada dhinac.

warkii ugu danbeeyay ee aaga Bandiiradleyna waxay xaqiijinyaaa in dhaawac laga keenay la soo gaarsiiyay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug si loogu wadeeyo halkaasi, kal kaaliyayaasha caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaaladaasi Galkacyo ayaa noo xaqiijiyay in ay jiraan dhaawac badan oo laga keenay aagasi Bandiiradley tirada rasmiga ah ayay ku sheegeen in ay gaarayso 21 dhaawac ah.

sidoo kale waxay kal kaaliyayaashu sheegeen in ay jiraan 3 kale oo mayd ah oo iyana la keenay Isbitalka saaka.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Madaxda DGPL hase ahaatee taliyaha ciidamada puntland ee Goblada Cayn iyo Mudug Maxamuud ilkacase ayaa sheegay in ay dagaalkiisaaka iyagu ku gacan sareeyaan waxana uu sheegay ay gacanta ku dhigeen magaalada Bandiiradley Taliyuhu ma uusan cara baabin khasraaha kale ee ay u gaysteen ciidamada maxkamadaha sidoo kalena ma usan carabaabin khasaaraha dhankooda soogaaray, hase ahaatee madaxa warfaafinta maxkamadaha u qaabilsan ee gobalada dhexe shiikh caga wayne ayaa isna dhinacooda sheegay in ay gacanta ku hayaan Degmada Bandiiradley oo aysan jirin cid gacanta uga dhigtay. shiikha ayaa sheegay in ay khasaare badan u gaysteen ciidamada Ethiopia iyo kuwa puntland waa sida uu hadalka u dhigaye waxana uu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay Ethoipia ku jirto gudaha dalka somalia isla markaana aysan jirin cid ay uga haybaysanyaan qaranimada dalka somalia. caga wayne waxa u sheegay in Somalia ay tahay dal jira ila markaana loo baahan yahay in la ilaaliyo qaranimada dalka somalia.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha iyo Itoobiya

Waxaa maalintii shalay ahayd Dagaal aad u qaraar oo la ‘isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan kaasoo ka dhacay inta u dhexeesa Iidaale iyo Xarada Manaas waxaana lagu waramay in Ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay hormar ka sameeyeen dhinaca Dagaalka ayadoo ku soo dhwaaday Deegaanka Manaas ayadoo Ciidamada Itoobiayaanka ay dib uga soo gurteen dhinaca Magaalada Baydhabo, waxaana lagu waramay in Ciidamada itoobiyaanka ah Dagaalka shalay uu ka soo gaaray khasaarihii ugu balaarnaa, waxaana Magaalada Baydhabo lagu arkayey dhaawaca Ciidamada Itoobiyaanka ah oo loo daadguraynayo dhanaca Dalka itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis/ababa waxaana la dhigay dhaawaca Ciidamada Itoobiya Cisbitaalka lagu magacaabo Black lion, waxaana Isbitaalka hordhooban Dadwayne farabadan oo halkaasi ka raadinya Dadkoodii qaarkood Isbitaalka ayey ku hor oonayeen, waxaana Isbitaalka la soo dhoobay Ciidamo Boolis ah oo Dadka kala eryay, Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxaa ay doonayaan in ay dhowr meelood ka soo galaan Magaalada Baydhabo ayagoo Dadwaynaha ku nool Magaaladaasi ay la soo daristay cabsi wayn ay ka qabaan in Dagaalka uu ku soo baaho, waxaana Magaalada laga dareemay sicir bararkii ugu balaarnaa, saraakiil Itoobiyaan ah ayaa xalay kulamo deg-deg ah la lahaa Madaxda sare ee Dowladda, ayadoo Saraakiisha Itoobiyaanka ah ay ku wargaliyeen Xunaha Dowladda inay Ciidamadooda ay kala baxayaan Magaalada Baydhabo ayna doortaan Goob kale oo la geeyo Dowladda fedaraalka ah hase yeeshee arrintaasi way ku adkaatay Xbnaha sare ee Dowladda, warar ugu dambeeyey waxay sheegayaan in Ciidamada Golaha Maxaakiita islaamiga ah ay shalay gacanta ku dhigeen Dagmada Tiyeeglow, waxayna ku wajahanyihiin Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool,

Ciidamada Itoobiya oo bilaabey in Hubkooda ka daadgureystaan..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay ku sugan halkaasi ay shalay iyo xalay bilaabeen in ay Magaalada ay ka baxaan ayagoo la sheegay in la arkayey Taangiyadii daraad la keenay Magaalada oo ku dhaqaaqay dhinaca deegaanka bardaale, lama garanayo sababha keenay in Ciidamada dib looga daad gureeyo Magaalada Baydhabo, hase yeeshee warar ayaa waxaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya khasaaro xoogleh uu ku soo gaaray ayago iyo Maxaakiimta Islaamiga ah Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in doonayan inay difaac ka galaan Xuduudda u dhexeesa Soomaaliya iyo Itoobiya waayo dagaalkii ayaa waxaa uu saameen ku sheegay dhamaan wadanka Itoobiya gaar ahaan Muslimiinta ku nool wadankaasi oo Dowladda Itoobiya ku canaantay in Dowladda itoobiya ay ku gardarantahay Dagaalka, maadaama ay ka dhax dagaalameyso gudaha waddanka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsam Maxkamadaha oo ku sii qul qulaya

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga oo ku sii qul-qulaya Goobaha Dagaalka, waxaana shalay ka baxay Magaalada Kismaayo ilaa iyo labo kun iyo shan boqol Askai waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho saddex kun oo Askari oo u dhan yahay hubkoodii. Ciidadmada Maxaakiimta oo ku sugan Gobalka Bay ayaa tiradooda lagu qiyaasay 10-kun oo Askari kuwaasoo doonaya inay gacanta ku dhigaan Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda fedaraalka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxaa ay ku dhwaaqeen in ay maalintii shalay ahayd in uu si rasmi ah u bilaaday Dagaaka u dhaxeeya ayago iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ayagoo sheegay in marka hore ay ahaayeen kuwa ku jira difaac oo kaliya balse, sidoo kale waxay baaq u jeediyaan Muslimiita Aduunka si ay uga qayb-qaataan Dagaalka ka socda Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....



 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD