SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 4, 2006

  • Heshiis Xaley ay wada gaareen Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan...
  • Warar ku saabsan Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Diinsoor..
  • Maalintii shalay ahayd oo saddex diyaaradood ka soo degeen Baydhabo..
  • Banaanbixii ugu balaarnaa oo maanta ka dhacaya Muqdisho..
  • Caawa oo Q/Midoobey ka fariisaneyso sidii looga qaadi lahaa soomaaliya..
  • Dadka ku safra inta u dhexeysa Baydhabo iyo Muqdisho oo ay la soo gudboonaatey..
  • C/risaaq Sheekh Adduun "Aniga ayaa ah guddoomiyaha Ururka NUSOJ"

Heshiis Xaley ay wada gaareen Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan...

Waxaa caawa magaalada jabuuti heshiis ku gaarey Maxkamadaha iyo wadamada IGAD oo ay ku jiro Dowladda Itoobiya waxaa heshiishkaa Dhinaca maxkamadaha u saxiixay Xoghaya arrimaha dibada Maxkamadaha Dr Ibraahim Xasan Caddow, Dhinaca IGAD u saxiixay Dhamaan Wasiirada Arimaha dibada.

Heshiiska waxaa ku jira In Maxkamadaha ay si derisnimo ah loogu wada noolaado wadamada Geeska Afrika, sidoo kale waxaa ka mid ah heshiiska in si wadajir ah loola dagaalamo Argagixisada , waxaa kaloo ka mid ah heshiiska in la sii wado wadahadalka Maxkamadaha iyo dowladda Federaalka.

Warar ku saabsan Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Diinsoor..

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxa halka ay si rasmi ah ugu sugan yihiin Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ee doraad gacanta ku dhigay Magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu ay ku faafeen Tuulooyin ku dhow dhow Degmada Diinsoor, waxayna wararka qaar sheegeen in Ciidamada Maxaakiimtu ku sugan yihiin halka lagu magacaabo Safar-Nooleys oo 40Km u jirta degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in Ciidamadaasi ku sii siqayaan agagaarka Xerada Manaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka. Sidoo kale Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah waxa ay ergo u direen Degmada Qansax Dheere oo iyana muhiimad gaar ah ugu fadhido ciidamada Maxaakiimta, maadaama degmadaasi ay maraan Gawaarida u socota Gobalka Gedo, haddii ay qabsadaan Degmada Qansax Dheere waxay noqoneysaa in Ciidamada Maxaakiimtu gobalka Baay ka haystaan saddex degmo oo kala ah Buur-Hakaba, Diinsoor iyo Qansax Dheere oo ay haatan ku socdaan, waxaana Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya haatan u furan oo keliya wadada tagta Degmada Bardaale.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay ergo u direen Degmada Baar-Dheere oo ka tirsan Gobalka Gedo, iyadoo dad badan oo ku nool Baar-Dheere ay aad u daneynayaan in Maxaakiimtu soo gaaraan degmadaasi. Guulaha ay gaarayaan Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa la sheegay inay sabab u tahay rabitaanka shacabka ee gobalada ay tagayaan, dhawaan ayay aheyd markii ay gacanta ku dhigeen degamada Cabud-Waaq, waxayna shalay gacanta ku dhigeen Isbitaalka weyn ee Degmada Cabud-Waaq. Guulahan waxay kaloo sabab u noqdeen inay gilgilaan Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana maalintii shalay ahayd maamulka Somaliland ka soo fakaday labo sarkaal oo ka tirsan Maamulkaasi kuwaas oo taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Maalintii shalay ahayd oo saddex diyaaradood ka soo degeen Baydhabo..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay shgeegayaan in maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo ay soo gaareen saddex diyaaradood oo waaweyn oo siday qalab kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama garanayo waxa ay sideen, balse warar ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahaasi ay ahaayeen kuwo Milatari oo laga dejiyey qalab Milatari, halka warar kale ay sheegeen in diyaaradahani sideen qalab xafiiseed loogu talagalay Dowladda Federaalka.

Waxaa maalmahan garoonka Diyaaradaha Baydhabo si aad ah loo adkeeyey ammaankiisa, waxaana loo diiday inay galaan dadka ka dhow halkaasi, waxaana la marayaa dhowr koontarool oo ku yaala affaafka hore ee garoonkaasi.

Haddii Caawa laga qaado Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya Garoonka Baydhabo waxa uu noqon doonaan garoon Mashquul badan, iyadoo la doonayo in laga soo dejiyo Ciidamada la keenayo dalka si ay Dowladda Taakta daran u garaban siiyaan, waxaana la sheegay in 8 dowladood ay ka qayb-qadanayaan hawlaha nabad ilaalinta, waxaana dowladahaasi ka mid ah Dowladda Yugandha balse uu baarlamaankeedu u diiday in ay ciidamo dirto.

Banaanbixii ugu balaarnaa oo maanta ka dhacaya Muqdisho..

Maanta ayaa la filayaa in Garoonka Stadium Mogadishu uu ka dhaco banaanbaxii ugu balaarnaa oo ay dhigayaan taageerayaasha Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo kaga soo horjeeda Qaraarka Mareykanku uu wato ee ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka isla markaana loo diro ciidamo nabad ilaalin ah.

Banaanbaxaan ayaa lagu soo beegay iyadoo caawa la filayo in Golaha Ammaanka la hor keeno qaraarkii qabayada ahaa ee uu watay Mareykanku ee ku saabsanaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo in Somaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah.

Beesha caalamka ayaa la filayaa in la tuso in Shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo Nabad ilaalin ah, waxayna golaha Maxaakiimtu sheegeen in ay la dagaalami doonaan Ciidamo kasta oo la keeno dalka.

Caawa oo Q/Midoobey ka fariisaneyso sidii looga qaadi lahaa soomaaliya..

Caawa sadqda dhexe ayaa la filayaa in golaha Ammaanka uu isugu yimaado kulan looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaan soo dedejiyey Dowladda Mareykanka oo iyadu wadata qaraar todobaadkii hore ay la laabatay oo ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyta hubka.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha soo dedejiyey qaraarkaani balse warar ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay ka codsatay Mareykanka in ay dib u soo celiso qaraarkaasi.

Dowlado Yurub ka tirsan ayaa Dowladda Mareykanka ka codsaday in aysan ku deg degin in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, iyagoo sheegay in arrintaasi ay keeni karto dagaalo ka dhaca geeska Afrika, laga yaabo in loo waayo wax xal ah.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu soo dhaweysay qaraarka Mareykanku uu wato ee ah in Soomaaliya laga xayuubiyo cunaqabateynta hubka, isla markana Soomaaliya loo soo diro Ciidamo Nada ilaalin ah.

Dadka ku safra inta u dhexeysa Baydhabo iyo Muqdisho oo ay la soo gudboonaatey..

Waraka ka imaanaya Degmada Buur-Hakaba, waxay sheegayaan in dadweynaha isaga safra inta u dhexeysay Muqdisho iyo Baydhabo inay dhibaato xoog leh ku qabaan gawaarida ay ka soo raacayaan magaalada Baydhabo.

Baabuur kasta ayaa waxaa la sheeg ay in lagu soo qarinayo qaadka, isagoo lagu qabanayo agagaarka Buur-Hakaba, waxaana markiiba la ganaaxayaa Todobo Malyan oo shiillin Soomaali, isla markaana dadka gaariga saarani waay isaga dagayaan oo gaari kale halkaasi ka qabsanayaan, waxaana ka lumeysa lacagtii ay horey ugu soo saareen Baabuurka, �Gaari ayaan ka soo raacay Baydhabo, waxaa la igu qabtay Buur-Hakaba, mid kale ayaan ku soo raacay Leego, Mid kale ayaa ka soo raacay waxaa la igu qabtay Siinka-Dheer, halkaas oo aan mid kale ka soo qabsaday, marka waxaan maxaakiimta kula talinayaa in ay darawalada ku qasbaan inay bixiyaan qarashka dadka laga soo qaatay� ayuu yiri Yar dhallinyaro ah oo sheeg ay in gaari kasta oo Baydhabo ka soo baxa uu wado qaad.

C/risaaq Sheekh Adduun "Aniga ayaa ah guddoomiyaha Ururka NUSOJ"
(Saxaafadda waa inay qalinkooda u adeegsadaaan difaaca dalka)

C/risaaq Sheekh Adduun oo sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Ururka NUSOJ ee suxifiyinta qaranka Soomaaliyeed ayaa mar aan ku booqday xafiiskooda ayaa waxa uu sheeg ay in mudadii uu jiray ururku uu ku talaabsaday in ay saxafiyiinta Soomaaliyeed u qabtaan siminaaro kor ay ugu qaadayaan aqoontooda, isagoo sheegay in maalintii doraad ahayd Hotel Saxafi loogu soo gebagabeeyay siminaar suxifiyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

C/risaaq Sheekh Adduun waxa uu sheegay in Mustaqbalka dhow ay qaban doonaan Siminaar iyo tababaro oo la xiriira kor u qaadida aqoonta Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo u soo jeediyey Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay qalinkooda u adeegsadaan difaaca Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay iska ilaabaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya.

�Aniga ayaa ah Guddoomiyaha Ururka NUSOJ waxaana ii doortay Suxufiyiinta Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan� ayuu yiri C/risaaq Sheekh Adduun oo sheegay in Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo Bishii Feebaraayo uu helay codadkii ugu badnaa, sidaasna uu ku noqday guddoomiyaha ururka.

C/risaaq waxa uu ugu dambeyntii sheegay in uu dadaal u gali doono sidii uu meel isugu keeni lahaa suxufiyiinta Soomaliyeed, maadaama ay yihiin cudud weyn, marka la fiiriyo heerarka kala duwan ee Qarannimada, isagoo sheegay in warbaahinta galeyso awoodda Afraad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2006


Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo habeenimadii Axada lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa.. Akhri....

Sarkaal ka warbixiyey xaalada Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Baydhabo...
»Labo degmo oo ka tirsann G/Baay oo gacanta u galay...
»Dowladda Itoobiya oo warqad qoraal ah u dirtay USA
»Ciidamo uu horkacayey Barre Hiiraale oo ay la socdaan..
»Mareykanka oo looga digey in Soomaaliya laga qaado..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 3

YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA MASAAJIDA?.

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

Qarax dad fara badani ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Baydhabo
iyo Siminaar ku saabsanaa ka hor taga gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay xarunta Hay’adda SUUBIYE... Akhri...

Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee ICG (Crises Group)
Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto Nov 29 wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD