SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Dawaare
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara


Yurub: Buugga Barashada Waditaanka Baabuurta


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006: Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka:
Qaybtii 2aad: Halganka loogu jiro lahaanshada iyo xeer u samaynta batroolka adduunka.... Akhri...

»»»»Qaybta: 1aad | 2aad
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim









Wararkii: Dec 23, 2006

  • Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxkamadaha…
  • Magaalada Addis-Ababa oo laga dareemay dagaalka ka socda Soomaaliya
  • Ciidamo daacad u ahaa Max’ed Dheere oo ka soo goostey ..
  • Khilaaf soo kala dhex galay Dowladda iyo Saraakiisha Itoobiya..
  • Dood ku saabsan Afka Soomaaliga oo uu qabtey Naadiga Pen..
  • Bosaso: 70 dhalinyaro ah oo laga shakiyay ayaa gacanta lagu soo dhigay.
  • Bosaso: Qaxooti dib ugu soo guryo noqday dalkooda
  • London: Kasmo oo ku Guuleystay Abaalmarin

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxkamadaha…

Maalintii afraad ayuu galay dagaalka u dhexeeya ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Kuwa Itoobiya, waxa uuna dagaalkaani ka socdaa Gobalka Bay, gaar ahaan Iidaale iyo Danynuunaay, waxa uuna dagaalkaani shalay ka socday Deegaanka Iidaale oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxayna Ciidamada Maxaakiimtu sheegeen in ay Deegaanka Iidaale kor u dhaafeen gaar ahaan dhinaca Baydhabo ilaa iyo 10Km, iyagoo gacanta ku dhigay hub iyo sanaad, sidoo kale waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen war biyood ay Ciidamada Itoobiya ka cabi jireen, taas oo muhiimaad gaar ah ugu fadhiday ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah, waayo ciidamada Itoobiya waxaa biyo ugu dhow Magalada Baydhabo.

Sidoo kale ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay gacanta ku dhigeen 12 qoryaha waaweyn iyo dhowr Gaari oo ay ku jiraan nooca loo yaqaano Uuralka oo ay aad u isticmaalaan Ciidamada Itoobiya, hase yeeshee Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in shalay dagaalkii dhacay ay ku gacan sareeyeen dibna ay u riixeen ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah isagoo sheegay inay ku dileen ciidamo badan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa mar aan la xiriirnay waxay noo sheegeen Ciidamada Maxaakiimta ay soo gaareen ciidamo xoojin ah oo ka yimid gobalka Jubbadda Dhexe.

Sidoo kale Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah kana tegay gobalka Hiiraan ay shalay gaareen Tiyeegloow, waxaana la sheegay inay uga sii gudbeen dhinacaa iyo Degmada Qansax Dheere oo la sheegay inay ku sugan yihiin Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.

Marka aan fiirinayo dhinaca Daynuunaay, waxaa isna shalay ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo afhayeen u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah uu sheegay in shalay ciidamada Itoobiya ka dileen ilaa iyo lixdan Askari. Sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay inay markii hore ahaayeen ciidamo difaac ah, basle haatan u diyaar-garoobeen sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. [AKhri Wararkii shalay ee dagaalka]

Magaalada Addis-Ababa oo laga dareemay dagaalka ka socda Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya Dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Magaaladaasi si weyn looga dareemay dagaalka u dhexeeya Ciidadama Soomaaliyeed ee Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya, waxaana Adis-Ababa lagu arkayey ciidamo fara badan oo la soo dhoobay dariiqyada iyadoo ka cabsi qaba in magaalada ay ka dhacaan qaraxyo ay dhigaan taageerayaal ka tirsan Maxaakiimta islaamiga ah, sidoo kale dagaalka u dhexeeye Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya, waxaa si weyn looga dareemay dhamaan dalka Itoobiya, gaar ahaan Kililka Shanaad oo ay Soomaalidu degto, iyadoo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa eek u sugnaa Deegaanada ay Soomaalidu degto gebi ahaan toodba ku uruureen xeryo Milatari kaddib markii ay ka cabsadeen in ay weeraro kaga yimaadaan dadka Soomaaliyeed.

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa aad uga walwalsan dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna qaarkood sheegeen in aysan garaneyn sababaha ay ciidamada Itoobiya ugu dhimanayaan dalka Soomaaliya oo ay taageerada gaarka ah u siinayaan dad Soomaali ah, waxayna codsadeenin si dhaqsi leh Ciidamada Itoobiya looga soo saaro gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamo daacad u ahaa Max’ed Dheere oo ka soo goostey ..

Ciidamo Gaaraya Lixdan oo wata hubkooda iyo hal gaari oo Tikniko ah ayaa shalay soo gaareen deegaanka Jawiil ee Gobalka Hiiraan, kaddib markii ay ka soo goosteen xero ay tababar u qaadanayeen oo ku taala soonka shanaad ee Itoobiya ay ee Soomaalidu degto.

Ciidamadan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Jawiil, waxayna codsadeen in dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen, sidoo kale qaar ayaa iyana codsaday inay ku biiraan Maxaakiimta Islaamiga ah. ciidamadan ayaa ka soo jeeda Gobalada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Gobalka Banaadir, qaarkood waxaa la sheegay inay taageersanaayeen Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo ka soo goostaan Dowladda Federalka iyo Hogaamiye kooxeedyadii hore, dhawaan ayay ahayd markii 200 oo Ciidan ah oo wata Lix gaari oo Tikniko ah ay ka soo goosteen Dowladda Federaalka, kuwaas oo ku soo biiray Maxaakiimta Islaamiga ah, oo inta badan gacanta ku haya Koonfurta Soomaaliya.

Khilaaf soo kala dhex galay Dowladda iyo Saraakiisha Itoobiya..

Iyadoo maalintii afraad uu galay dagaalka u dhexeeya ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya ayaa haddana wararka aan ka heleyno Baydhabo waxay sheegayan in khilaaf ba’an u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalka Baay.

Khilafkaan ayaa waxa uu yimid markii Saraakiisha Itoobiya ay waayeen ciidamo Dowladda ah oo ka barbar dagaalama ciidamada Itoobiya, taas oo ay si weyn uga caroodeen Ciidamada Itobiya, waayna sheegeen qaarkood in lagu soo siray Soomaaliya.

Khilaafkaan waxa uu keenay in kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweyne C/llaahi Yuuusuf, Ra’isul Wasaare Geeddi iyo xubnaha kale ee Dowladda, waxayna shalay ka arinsanayeen waxa laga yeelayo dagaalkaan oo keenay in gebi ahaanba ay go’doonto Magaalada Baydhabo, isla markaana ay ku soo bataan ciidamada Itoobiya, oo haatan laga cabsi qaba inay ka bataan dadka kale ee Soomaalida ah ee ku sugan Baydhabo.

Dood ku saabsan Afka Soomaaliga oo uu qabtey Naadiga Pen..

Dood ku saabsan Afka Soomaaliga uuna soo qaban-qaabiyey Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed (Somali Pen) ayaa lagu qabtay Maktabadda Muqdisho waxaa ka qaybgalay dad aqoon dheer u leh afka Soomaaliya, waxaana halkaasi ugu horeyn warbixin kasoo jeediyey Guddoomiyaha Naadiga Pen ee Koonfurta Soomaaliya Cabdi Muxumad Amiin oo sheegay in Naadigu u istaagay sidii uu badbaadin lahaayeen afka Soomaaliya oo uu ka sii lumayo jiilka haatan jira, waxaa kaloo ka hadlay madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya Mudane Shariif, waxa uuna isna sheegay loo baahan yahay in dadaal loo gali sidii afka Soomaaligu u noqon lahaa af ay Ummadda Soomaaliyeed ku wada hirato.

Waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Xamar Faarax Qare oo sheegay in Jaamacadda Xamar ay bixiso koorsooyin la xiriira dhinaca Afka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay Prof. Ciise Max’ed Siyaad oo sheegay in Naadiga Pen looga baahan yahay in uu uruuriyo caqabadaha hor taagan in farta Soomaaliga uu hormaryo, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) oo isna halkaasi ka soo jeediyey qodobo muhiim ah oo ku aadan waxa hor taagan afka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay xoghayaha Naadiga C/naasir Yuusuf Macalin oo sheegay in Naadiga Pen uu dhowr jeer qabtay doodo ku saabsan afka Soomaaliya, isagoo sheegayin ujeedooyinkiisa ay tahay sidii Afku ku horumari lahaa u noqon lahaa af ka horeeya afafka kale ee adduunka jira.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Bosaso: 70 dhalinyaro ah oo laga shakiyay ayaa gacanta lagu soo dhigay.

70 dhalinyaro ah oo dhamaantood ka yimid koonfurta somalia ayaa gacanta lagu soo dhigay hawlgal ay Jimcadii si wada jir ah u qaadeen ciidanka amaanka ee gobalka Bari.

Taliye xigeenka ciidanka Booliska puntland Gashaanle sare Siciid Gacamay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada ku sugan aaga kantaroolka ay Jimcadii qabteen 75 dhalinyaro ah kuwaasoo lagu tilaamay in laga shakiyay islamarkaana la sheegay in ay tababarqbaan oo ay doonayaan in ay khalkhal galiyaan amaanka Gobalada puntland.

Taliyekuxigeenku wuxuu sheegay in ay dhalinyaradaani ay yihiin kuwo tababaran oo ka yimid Koonfurta Somalia islamarkaasna doonaya, waa siduu hadalka u dhigaye, in ay khalkhal galiyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, taliyaaha ayaa sheegay in dhamaan dhalinyaradaani ay tababar qabaan.

G/sare wuxuu sheegay in aysan iminka diyaar u ahayn in ay xabsiga dhigaan balse ay si dhakhso ah ay dib ugu celinayaan deegaamaadi ay ka yimaadeen markii hore ee koonfurta somalia waa sida uu hadalka u dhigaye taliyuhu.

Dhalinyaradaan la qabqabtay ayaa waxaa la waydiiayay halka safarkoodu ku wajahanyahay waxaya ka sinaayeen in safarkoodu uu ku wajahanyahay tahriib ayna u sii jeedaan dalka Yeman oo uu qorshahoodu ahaa markii horeba balse xukuumada puntland ayaa walaac ka muujisay dhalinyaradaan badan waxayna sheegeen in dhamman dib loo celinayo oo aysan joogayn puntland xabsina aan la dhigayn dibna loogu celin doono meelihii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.

Bosaso: Qaxooti dib ugu soo guryo noqday dalkooda

Waxaa galabta si lama filaan ah uga soo dagay magaalda Bosaso ee xarunta gobalka Bari diyaarad sida qaxooti somaliyeed kuwaaso ka yimid dalka Yeman waxayna sheegeen in ay iyagu doorteen inay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo aysan cidna khasbin.

Qaxootigan oo siw ayn loogu soo dhaeeyay magaalda Bosaso ayaa ah Qaxooti ka soo jeeda koonfurta somalai waxayna sheegeen in ay maalmo joogi doonaan Bosaso inta ay dhinac u dhayso colaad hada ka taagankonfurta somlia wixii ka danbeeyana ay tagi doonaa marka ay colaadu istaagto.

Dib u laabashada dadkan ayaa waxaa iska kaashaday wadahadal mudo dheer u socda kadib dawladda Yemen, dawlad goboleedka Puntland iyo hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxaana aakhirki lagu guulaystay in la soo qaado qaxootigan oo tiradooda lagu sheegay 60 qof kuwaasoo dhamaan ah somalia ka timid dalka Yeman go'aansadayna dib u noqoshada dalkooda hooyo.

A/rizak koronto
Garowe puntland

London: Kasmo oo ku Guuleystay Abaalmarin

" 12 December 2006, Wargeyska Kasmo waxay u ahayd maalin farxad leh. Kasmo wuxuu ku guuleystay abaalmarinta'The London Press Awards' oo sannadkiiba mar la bixiyo.

Abaalmarinta sannadkan waxaa lagu saleeyey sidii qaxootiga iyo magangelyo-doonka wax looga qoray 'for good pratice in coverage of refugee and asylum issues'. Ilaa afar category ayaa lagu gelayey, wargeyskiiba mid ahaan ama ka badan ku tartamayo.

Abaalmarinta (Awards) waxaa soo bandhigay Duqa Magaalada London (The Mayor of London) iyo Agaasimaha (Director) Hey'adda Liberty, iyadoo ay gacansiinayaan National Union of Journalists, UNHCR, LBC Radio, iyo kuwo kale.

Guddiga qaadanaya go'aanka Abaalmarinta waxaa ka mid ahaa British Refugee Council, Network of Exiled Journalists, London Refugee Voice iyo kuwo kale. Afarta Category ee mid walba abaalmarin lagu helayey waxay kala ahaayeen:
1.News Reports;
2.Comments articles;
3.Visual material;
4.All the three categories in a faith or BAME (Black, Asian and Minority Ethnic) papers.

Kasmo waxay ku faraxsan tahay in categoriga No.4 iyadu ku guuleysatay, ku saabsan 'Editorial Content'- iyadoo abaalmarinta uu guddoonsiiyey Duqa Magaalada London, Ken Livingstone, munaasabad si weyn loo maamuusay oo ka dhacday xarunta Golaha Magaalada London, meesha lagu magacaabo Qolka Fadhiga London (London's Living Room),saacaddu markay ahayd
3- 4.30 galabnimo, talaado, 12ka December 2006

Halkaas Kasmo waxay soo gaddoontay iyadoo xambaarsan Glass Abaalmarin ah. Run ahaan waa aqoonsi weyn oo ayan fududayn in la gaaro. Waxaa socda baahinta cidda sannadkan ku guuleysatay 'London Press Awards'- Soomaalidana sharaf bay u tahay in ay kaalintaas soo gaartay."

Faahfaahin intaas ka badan, iyo sawiradii dhacdadaas, waxaad ka kala bixi kartaan bogga Kasmo (www.kasmo.info).
C/qaadir Shire Faarax,

Tifaftiraha Kasmo

 


Ma Ogtahay:::
Ma Ogtahay: Aleskandr Litvinenko oo ahaa ninkii Ruusha ahaa ee lagu sumeeyey London in uu Islaamka soo galay ka hor intii uusan dhiman. Aabihiis waxa uu Radio Free Yurub u sheegay in uu wiilkiisii soo Islaamay ka hor intii uusan dhiman sidaas daraadeedna ay tahay in loo aaso sida Muslimiinta loo aaso.... EEG HALKAN...

Col. Aadan Kaalmoy oo Hadallo La Yaab leh Ku Hadlay:::
dadkaas ayaa nagu af ah, oo waa soo goyneynaa, oo intaan keeneynaa, wax adduunyada lagu arkay ma ahan. Dastuur ayey Itoobiya leedahay ee iyaga maxaa ka khuseeya, dastuurkooda iyagaa leh haddey goosanayaana iyagay khuseysaa...
Daawo Waraysiga..




Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....



 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD