SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Dawaare
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara


Yurub: Buugga Barashada Waditaanka Baabuurta


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006: Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka:
Qaybtii 2aad: Halganka loogu jiro lahaanshada iyo xeer u samaynta batroolka adduunka.... Akhri...

»»»»Qaybta: 1aad | 2aad
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim









Wararkii: Dec 21, 2006

  • Warar dheerad oo ku saabsan Dagaaldii ka dhacay Daynuunaay iyo Iidaale.
  • Maxkamadaha Iyo Dowladda Federaalka oo isla ogolaadeyin ay ka qaybgalaan
  • Ciidamad Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baydhabo oo.
  • Ciidamada Maxkamadaha oo ku dhawaadey Xerada Manaas ..

Warar dheerad oo ku saabsan Dagaaldii ka dhacay Daynuunaay iyo Iidaale.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya Dagaalka ka socda daafaha Magaalada Baydhabo ee u dhexeeya Maxkamadaha iyo Itoobiya wuxuuna dagaalkaan ahaa dagaalkii ugu qaraaraa ee dhaxmara labada dhinac iyadoo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan wuxuuna dagaalkaasi ka socday aaga Iidaale iyo aaga Deynuunaay,waxaana lagu waramay in si aad ah layskugu adeesanayay Madaafiicda goobta. Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha dagaalka balse warar ayaa sheegaya in labada dhinac ay kaga dhinteen 25 ruux waxaana ka dhaawacmay ilaa iyo 60 qofood,

Ciidamada aaga iidaale ee Maxkamadaha ayaa wararku sheegeen in iyagu guulo ka gaaray dagaalkaasi waxayna gacanta ku dhigeen dhawr gaari oo Tikniko ah waxayna maxaabiis ahaan u qabteen ilaa iyo 20 askari oo la sheegay in uu ku jiray askari itoobiyaan ah balse wararkaasi wax xaqiijin kara ma jiraan Ciidamada Maxaakiimta islaamiga ayaa ku soo dhawaadey Xaradda manaas oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo hase yeeshee afhayeen u hadlay Dowlada Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay in ay iska difaaceen dagaaladii ka dhacay deegaanka Daynuunaay iyo Iidaale isagoo sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Maxkam-adaja islaamiga,

Maxkamadaha Iyo Dowladda Federaalka oo isla ogolaadeyin ay ka qaybgalaan

Waxa maalintii shalay ahayd yimid wadanka soomaaliya wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayay madaxa hormarinta loIs Micheal wuxuuna kuluamo la yeesheen Dowlada Fedaraalka iyo Maxaakiimta islaamiga, Waxay Magaalada Baydhabo kula kulmeen Raiisul Wasaare Cali Maxamad Geedi waxayna isla soo qaadeen Khilaafka u dhaxeeya Dowlada iyo Maxkamadaha iyadoo Cali Maxamad Geedi uu balan qaaday in ay diyaar u yihiin in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal,

Markay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxay kulamo layeesheen madaxda Golaha Maxaakiimta islaamiga oo uu ku jiray Madaxa Golaha Shuurada Shiikh Xasan Daahir Aways waxayna maxkamaduhu balan qaadeen in ay diyaar u yihiin bilaa shuruud in ay dib ugu laabtaan wadahadalkii u dhexeeyay Dowlada iyo Maxaka-madah,wuxuua wafdigaan imaanshihiisa ku soo beegmay xilli dagaal qaraar u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dowlada Fedaraalka oo gacan ka helaya Dowlada Itoobiya

Ciidamad Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baydhabo oo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ciidamada Itoobiya ay ku sugan Magaalada Baydhabo ay shalay xanibaad ku soo rogeen dhaqdhaqaaqii Gaadiidka ay lahaayeen dadka rayad ka ah kadib markii ciidamada itoobiya ay ka shakiyeen dadka soomaaliyeed ay ku nool halkaas,

Ciidamada itoobiya waxay si aad ah u baarayeen Gaadiidka waxayna dadka qaarkii sheegeen in muddo saacada ah ay iska haysteen, waxay kaloo sheegeen in marka qaarkood loola dhaqmayay si aad u fool xun oo ay ku jirto handadaad iyo cagajugleyn,

Ciidamada itoobiya oo ku sugan halkaa ayaa waxaa la sheegay in ay ka badan yihiin dadka ku nool Magaalad Baydhabo waxaana arkaysaa gawaaridooda oo si aad ah isku dhaafaya, marka qaarkood waxaad arkaysaa iyaga oo lugeynaya bartamaha Magaalda Baydhabo sidoo kale ciidamada itoobiya ku sugan magaaladaasi ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqata cabsi iyo argagax ayagoo ka shakisan cidkasta oo soomaali ah oo ka hor timaada,

Markuu bilaawmay dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha iyo ciidamad itoobiya ayaa waxaa Magaalada Baydhabo si aad ah ugu soo kordhay ciidamo itoobiyo ah waxaana gabi ahaan amaanka la wareegay ciidamada itoobiya iyagoo ciidamadii booliska ee ku sugnaa halkaa loo sheegay in ay iska Joogaan guryahooda inta ay iska badalayso xaalada dagaalka ee hadda socda, ciidamada itoobiya oo ku sugan magaalada baydhabo ayaa haatan la” meel ay geeyaan dhaawacooda waxaana la sheegay in askarta dhaawac culusi uu ku yiilay diyaarad laga saaray magaalada Baydhabo

Ciidamada Maxkamadaha oo ku dhawaadey Xerada Manaas ..

Ciidamada Maxaakiimta oo ku sugan Aaga iidaale ayaa si aad ah ugu sii siqanaya xeradda Manaas oo 30km u jirta Magaalada Baydhabo waxaana la arkayay iyadoo xeradaasi laga daad guraynayo ciidamadii horay ugu jiray ee Dowlada Fedaraalka, waxaa la maqlayay rasaasta ka imaanaysa dhinaca maxkamadaha oo si aad ah ugu soo dhawaanaya Magaalada Baydhabo, Maxamad ibraahim bilaal oo ah Gudoomiyaha Maxkamadaha Al Bilaal wuxuu sheegay in ciidamada Maxaakiimta islaamiga ay gacanta ku dhigeen xewradda Manaas hase yeeshee wararkaasi wax xaqiijinaya ma jiraan sidoo kale dowlada fedaraalka wax war ah kama soo saarin hadalka ka soo yeeray Maxaakiimta ee qabsashada xaradda Manaas,

Haddii ay ciidamada Maxaakiimta ay qabsadaan waxaa fududaanaya qabsashada Magaalda Baydhabo waayo xeradaasi waxay aheyd Xeredii ugu weyneyd ee Dowlada Fedaraalka,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Daawo: Nin Soomaali ah oo ay Dhaawaceen Booliska Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2006


Dagaal Culus oo Ka Dhacag Gobolka Bay...

Arbaca, Dec 20, 2006: Wararka ka imanaya Gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay aggaa magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG.

Sida ay weriyeen wakaaladaha wararku, waxaa dagaal ka qarxay meel magaalada Baydhabo u jirta 20km, xilligaas oo magaalada Baydhabo ay ku sugnaayeen wafti ka socda Midowga Yurub.

Sida ay werisey ha'yadda AP, markii dagaalku bilowday, dhawr boqol oo ah ciidamada Itoobiya oo wata 13 gaari oo kuwa militeriga ah iyo hub culus ayaa lagu xoojiyey ciidamada DFKMG, warkaas oo ay hay'addu ka soo xigatey sarkaal u hadlay dowladda oo diidey in magaciisa la sheego warka oo xasaasi ah awgeed, waa sida hay'addu hadalka u dhigtay'e.

Wasiir kuxigeenka diifaaca ee DFKMG, Salaad Ali Jeelle, waxa uu AP u sheegay in maxkamaduhu ay soo weerareen oo uu dagaalku hadda socdo. Waxa kale oo hay'adaha wararku weriyeen in maxkamaduhuna sheegeen in ayaga la soo weeraray, sida uu sheegay Sheikh Cabdulkadir Cali oo ka tirsan madaxda sare ee Maxkamadaha.

Louis Michel, oo ka socda Midowga Yurub, markii uu la shirayey Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne cabdullaahi Yuusuf ayaa dagaalku ka bilowday tuulooyinka Daynunay iyo Moode Moode oo cirifka ka saaran Baydhabo.

Afhayeenka Maxkamadaha, Cabdirahin Cali Muudey, waxa uu sheegay in maxkamaduhu la wareegeen Daynunay. Halka ay DFKMG ah ay sheegtay in ay ayagu halkaas gacanta ku hayaan.

Sheikh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa isaguna hay'adda AFP u xaqiijiyey dagaalka ka dhacay Daynunay.

Waxa kale oo lagu soo waramay in dagaal ka dhacay aagga Iiddale.

Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya ilaa hadda khasaarada dhimashada.

Waxa ay werisey hay'adda wararka ee Reuters in magaalada Baydhabo ay dadku ka qaxayaan dagaalka kusoo dhoweeday awgeed. Waxaana warku intaas ku daray in dagaalku ka bilowday labo aag oo ah: Iidale oo 55 km Koonfur ka xigta Baydhabo, iyo Buulo Jadiid, oo 23 km Woqooyi ka xigta Baydhabo.

Isha: Wakaladaha wararka.. Dec 20, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 December 2006
 
Ogaadeenya: Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga Itoobiya. 
Dadwayne uu gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay. 
Ciidamada Itoobiya oo toogtey Wiil Geel la jooga.
Dawladaha Yemen iyo Suudan oo ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galiy Balanballe.  
Xabsiga Garabcase iyo waraysi meelo badan taabanaya oo aan la yeelanay Yuusuf Jaamac. 
Barnaamijkii Dareenka dadweynaha (Q2aad).
 
=====================                           
 
 Ogaadeenya: Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo dhex maray ciidammada xoreynta Ogadeenya iyo kuwa saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya, waxaana dagaalladaas ciidammada cadowga ka soo gaadhay dhibaatooyin aad u ba’an. Dagaalladani waxay u dheceen sidatan;
 
30/11/06 cutub ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan degmada Xamaro, waxayna weerarkaas kaga dileen 4 askari, 3 kalana way kaga dhaawaceen.
 
05/12/06 weerar mr ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay sidoo kale ku qaadeen ciidammada dac-darraysan ee gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxmadow, waxay ugu gaysteen khasaare ba’an on faahfaahintiisa la haynin.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 08/12/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka u galeen kolonyo baabuur ah oo ay lahaayeen ciidammada gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo marayay Jinnoole, oo ka tirsan degmada Wardheer, waxaana laga gubay hal baabuur, iyadoo inta la hubo ay weerarkaas ku dhinteen 11 ka mid ah ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya, 19 kalana ay ku dhaawacmeen. Askarta weerarkan lagu laayay waxaa ku jiray laba sargaal.
 
09/12/06 waxaa sidoo kale jidka loo galay ciidammo gumaysiga ah oo marayay Far-hareeri, waxaana laga dilay 6 askari, 8 kalana waa laga dhaawacay.
 
16/12/06 dagaal ka dhacay Jaleelo, oo ka tirsan degmada Shilaabo, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 14 askari, 19 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Gudaha Halgame Cabdi Cadullaahi uu tababar muddo soconayay u soo xidhay cutubyo ka tirsan Ciidammada Hanqadh markii ay bisha Disember todobada ahayd. Tababarkan, oo lagu bixiyay cashirro kala duwan, ayaa u socday ciidammadan intii u dhaxaysay 25/11 – 07/12/06.
 
Dhinaca kale wuxuu wariyuhu noo soo sheegay askar badan oo ka goostay ciidammada dac-darraysan ee gumaysigu ku soo daabulay dalka Ogaadeenya. Markii ay taarikhdu ahayd 28/11/06 ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Erar waxaa ka goostay 50 askari, kuwaasoo baxsaday, ka dib markii ay dileen sargaalkii watay.
 
29/11/06 waxaa sidoo kale magaalada Baabili ka goostay ciidammo konomeeyo lagu qiyaasay oo labo baabuur watay.
 
Dadwayne uu gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya yaa meelo kala duwan oo Ogadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
 
Markii ay taariikhdu ku beegnayd 15/12/06 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxmadow dad rayad ah oo tiradoodu 25 qof gaadhayso. Dadka aan magacyadooda helnay waxay kala yihiin;
1-    Sawda Ursad
2-    Bishaaro Maxamed
3-    Nimco Maxamuud
4-    Naadis Maxamuud
5-    C/risaaq Maxamed iyo
6-    C/raxmaan Muuse
 
Horraantii Bisha Disember waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Garbo dadka kala ah;
1-    Abshir Maxamed Cali
2-    Deex Xasan Xaaji
3-    Nuur Macallin Xaashi
4-    Tamaan Axmed Sahal
5-    C/rashiid Sh Maxamuud iyo
6-    Cabdi Abaar-diid, oo ka mid ahaa malleeshiyada Dabaqoodhiga loo yaqaano, hase yeeshee la xidhay, ka dib markii u diiday inuu mushaaro la’aan ku shaqeeyo.
 
Ciidamada Itoobiya oo toogtey Wiil Geel la jooga.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob, gaar ahaan degmada Salaxaad ayaa waxay sheegaya in Ciidamada nacabka Gumeysiga Itooobiya ay todobaadkan ku dileen Wiil Geel la jooga meesha lagu magacaabo Farjane oo u dhow degmada Salaxaad.

Wiilkan oo aanan haynin magaciisa kowaad ayaa naloogu sheegay Ina Maqadin Cabdi.

Ma jirto wax sabab ah oo loo diley wiilkaas, ciidamada Itoobiya aaya dadka iyo duunyada Ogadeniya meel kasta oo ay kaga soo hor baxaan rasaas ooda kaga qaada, taasi oo u nooqtey nolol maal-meed dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Dawladaha Yemen iyo Suudan oo ku howlan baajinta dagaal ka dhaca Soomaaliya.
 
Dawladaha dalalka yemen iyo Sudan ayaa waxay bilaaween dadaalo cusub oo lagu dhex dhexaadinayo xukuumada Itoobiya iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah si loo baajiyo dagaal ka qarxa dalka Soomaaliya.
Hadaba warar hor dhac ah oo ay baahiyeen qaar ka tirsan wakaaladaha wararkaee dalka Yemen  ayaa waxay sheegayan in Dawladda Yemen iyo Suudaan wadaan dadaalo ay ku qancinayaan dawlada Itoobiya in ciiidankeeda ka jooga dalka Somaaliya ay kala baxdo.
 
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Suudaan Jen. C/raxmaan Maxamed Xuseen oo Sabtidii u safrey Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa wada dadaal ku aadan in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya isla markaana ay taageerto dadaalka wadahadallo laga dhex furo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, warku wuxuu intaa ku daraya in Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu xiriir la sameeyey Meles Zenawi, isaga oo u sheegay sidii uu ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya uu uga qaadan lahaa, isla markaana wadahadalladii dowladda KMG iyo Maxkamadaha Islaamiga dib loogu furi lahaa.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galiy Balanballe.
 
Wararka ka imanaya degmada Balan Bale ee Gobolka Galguduud ayaa sheegayaa in Ciidamo Itoobiyaan ah ku hubeysan ugu yaraan 20 gawaadhida dagaalka ah ay magaaladaas soo galeen, iyaga oo sii xoojinaya ciidamo hore u joogey aagaas.

Dhinaca kale, Ciidamo Itoobiyaan ah oo mudo joogay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan tuulooyinka Sabal Xume iyo Qajaabuur ayaa dib uga laabtay goobihii ay ka soo kicitimeen oo ah deegaanada Mustaxiil iyo Godey ee Ogadeniya.
 
Dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmay xiligi ama waqtigii Maxkamadaha Islaamka ay u qabteen in Ciidamada   Itoobiya ay kaga baxaan gudaha Soomaaliya.
 Si kastaba ha ahatee, Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xuduuda ay Ogadeniya la wadaagto
Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa wada dhaq dhaqaaqyo xoogan.
Shir balaadhan oo ka dhacay Holland.
Maalintii Sabtida ahayd ee ee aan soo dhaafnay aya wuxu shir weyn ka dhacay magaalada Arhnem ee wadanka Holland,shirkaas oo ay soo qabanqaabisay jaaliyada Ogadenya ee Holland  ayaa waxaa ka qayb galay gudomiyaha Hogaanka Arimaha dibada iyo Jaaliyadaha ee jwxo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh mahdi wuxuuna halkaas warbixino meelo badan taabanaya oo kusaabsan halganka siiyey dadkii kasoo qayb galay shirkaas.
Kulankaas oo uu hogaaminayay wakiilka jwxo ee wadanka Holland Mudane Sooyaan Caduur waxaa kasoo qayb galay dadweyne tiro badan oo isugu jira Xubno sarsare oo jwxo ah,culimo,awdiin,Odayaal,hooyooyin, iyo dhalinyaro,waxaana shirkaas lagu lafaguray heerka uu maanta taagan yahay halganka loogu jiro xoreynta Ogadenya iyo sidii loo taageeri lahaa,sidii jaaliyada Ogadenya ee wadankaasi Holland loo dardar galin lahaa si ay howlaheeda ku aadan halganka sare ugu qaado iyo ugu dambayntii inay madaxda jwxo ,xubnaha firfircoon, iyo taageerayaashuba ka hormariyaan danahooda khaaseed mida halganka iyo wax uqabadka Umaddaas dulman.  
 
 Dhinaca kale Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool wadanka danmark ayaa mudaharaad  ku qabatay kasoo horjeedka aqalka baarlamaanka ee magaalada Copenhagen maalintii Axada ahayd ee 17-12-2006
Banaanbaxaas waxaa kasoo qayb galay dad aad u farabadan , waxayna u jeedadiisu ahayd in la muujiyo in aanay ummadda soomaaliyeed u baahnayn ciidamo ajnabi ah gaar ahaan itoobiyaanka , iyo weliba inay wadanka ka baxaan .
Waxaa banaanbaxaas soo qaban qaabiyey ururo kala duwan oo jaaliyaddu leedahay uuna hor kacayey markazka jaaliyadu ku leedahay magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark.
 
19 December 2006.
Axmed Xidig & Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00  waqtiga Afrikada Bari

Aragtiyo kala duwan oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka laabteen Maxkamaduhu
.Minnesota: Booqashadii Garaad Jaamac Inver Hills College
.Gabar lagu kufsaday Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..
.Xiisada ka taagan Degmada Baardheere..
.Banaanbax ay dhigeen dadka degan deegaan Warshadda...
.Ciidamo mar kale ka goostay xerada Manaas..
.Wafdi ka socda Midowga Yurub oo maanta ku wajahan
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 20


Sheekii Qoray Kitaabka Al-Raxiiq Al-makhtuum oo Geeriyoodey
 

Waxaa dalka India Jimcadii 1-12-2006 ku geeriyoodey Sheekh Safiyu raxmaan mubaarak fuuri oo Allaha u naxariistii janno ka waraabiyee ahaa caalimkii qorey kitaabka caanka noqdey ee ka hadla Siirada Nabi Muxamed (CSW),  laguna magacaabo Al-raxiiq Al-makhtuum. Kitaabkan oo ay dad badan aamisanyihiin inuu yahay kitaab ka mida kuwa ugu qiimaha badan qoraaladii laga sameyey ilaa hadda Siiradda Nabiga (CSW) iyo tariikhdii ku xeernayd nolashii suubanaheena iyo waliba halgankii dheeraa ee u galay faafinta Diinta.

 
Sheekh Mubaarak Fuuri waxaa uu ku dhashay tuuladda Xuseen Abaad ee ku taal dalka India sanadkii 1942kii, wuxuuna waxku bartay kuliyadda Al salafiya oo uu ku takhasusay culuumta Fiqiga iyo Xadiiska rasuulka, taasoo uu markii danbana dadka uu aad bari jirey intii aanu unu u guurin dalka boqortooyada Sascuudi Carabiya oo uu noqday macalin culuumta Islaamka ka dhiga  Jamacadda ( The Islamic University) ee ku taal magalada Madiina Al munawara intii u dhaxaysay (1988-1998kii). Waxa kale oo uu sheekhu cilmi baare dhanaca diinta Islaamka ka ahaa makatabadda Daar al salaam ee ku taal magalada Riyaad.
 
Inkasta oo uu sheekhu aad ugu soo caan baxay kitaabkiisa Al-raxiiq al-makhtuum hadana waxa uu qorey kitaabo aad u badan oo wax tar wayn u yeeshay ardeyda barata culuumta Islaamka iyo dhamaan muslimiinta, waxaan ka xuusi karnaa qoraaladaas dhaxal galka ah, sharax calaa saxiix al muslim, talkhiis tafsiir ibnu kathiir, sharx buluuq al maraam, rowdtu al anwaar fii siiratu al nabiyu al mukhtaar iyo kuwo kale oo badan.
 
Sida la ogsoonyahay kitaabka Siirada ha ee Al-raxiiq almakhtuum wuxuu ka mid yahay kutubta aadka ay Soomaalidu u xiisayso aadna culima badana ay duruus ka bixiyeen, kuwaasoo ilaa iminka laga helayo meelo badan cajaladihii laga duubay oo dafaha dunida iyo meelkasta oo Soomaalidu ku nooshay laga helo.waxaana ka mid ah culimada kitaabkaas aadka u akhriyi jirey hadana u akhriya Sheekh Daahir, Sheekh Aadan Siiro iyo kua kale.  
 
Cabdi Yuusuf
Qaahira
horrisom@yahoo.com

Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....



 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD