SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: Dec 20, 2006

  • Minnesota: Booqashadii Garaad Jaamac Inver Hills Community College
  • Aragtiyo kala duwan oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka laabteen..
  • Gabar lagu kufsaday Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..
  • Xiisada ka taagan Degmada Baardheere..
  • Banaanbax ay dhigeen dadka degan deegaan Warshadda Baastada..
  • Ciidamo mar kale ka goostay xerada Manaas..
  • Wafdi ka socda Midowga Yurub oo maanta ku wajahan .

Dagaal Culus oo Ka Dhacag Gobolka Bay...

Arbaca, Dec 20, 2006: Wararka ka imanaya Gobolka Bay waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka dhacay aggaa magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG.

Sida ay weriyeen wakaaladaha wararku, waxaa dagaal ka qarxay meel magaalada Baydhabo u jirta 20km, xilligaas oo magaalada Baydhabo ay ku sugnaayeen wafti ka socda Midowga Yurub.

Sida ay werisey ha'yadda AP, markii dagaalku bilowday, dhawr boqol oo ah ciidamada Itoobiya oo wata 13 gaari oo kuwa militeriga ah iyo hub culus ayaa lagu xoojiyey ciidamada DFKMG, warkaas oo ay hay'addu ka soo xigatey sarkaal u hadlay dowladda oo diidey in magaciisa la sheego warka oo xasaasi ah awgeed, waa sida hay'addu hadalka u dhigtay'e.

Wasiir kuxigeenka diifaaca ee DFKMG, Salaad Ali Jeelle, waxa uu AP u sheegay in maxkamaduhu ay soo weerareen oo uu dagaalku hadda socdo. Waxa kale oo hay'adaha wararku weriyeen in maxkamaduhuna sheegeen in ayaga la soo weeraray, sida uu sheegay Sheikh Cabdulkadir Cali oo ka tirsan madaxda sare ee Maxkamadaha.

Louis Michel, oo ka socda Midowga Yurub, markii uu la shirayey Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne cabdullaahi Yuusuf ayaa dagaalku ka bilowday tuulooyinka Daynunay iyo Moode Moode oo cirifka ka saaran Baydhabo.

Afhayeenka Maxkamadaha, Cabdirahin Cali Muudey, waxa uu sheegay in maxkamaduhu la wareegeen Daynunay. Halka ay DFKMG ah ay sheegtay in ay ayagu halkaas gacanta ku hayaan.

Sheikh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa isaguna hay'adda AFP u xaqiijiyey dagaalka ka dhacay Daynunay.

Waxa kale oo lagu soo waramay in dagaal ka dhacay aagga Iiddale.

Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya ilaa hadda khasaarada dhimashada.

Waxa ay werisey hay'adda wararka ee Reuters in magaalada Baydhabo ay dadku ka qaxayaan dagaalka kusoo dhoweeday awgeed. Waxaana warku intaas ku daray in dagaalku ka bilowday labo aag oo ah: Iidale oo 55 km Koonfur ka xigta Baydhabo, iyo Buulo Jadiid, oo 23 km Woqooyi ka xigta Baydhabo.

Isha: Wakaladaha wararka.. Dec 20, 2006


Daawo: Nin Soomaali ah oo ay Dhaawaceen Booliska Minneapolis

Minnesota: Booqashadii Garaad Jaamac Inver Hills Community College

December 19, 2006 saacadu markay aheyd kow iyo tobankii subaxnimo ayaa Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac booqdey Inver Hills Community College. Booqashada Garaad Jaamac ayaa ka dambeysey kadib markii sabtidii December 16, 2006 lagu kala saxiixdey heshiis ka dhexeyn doona Jaamacada Nugaal University iyo Inver Hills Community College. Garaad Jaamac ayaa waxa ku soo dhaweeyey Inver Hills madaxweynaha kuliyada laguna magacaabo Cherly Frank iyo 13 dean oo ka kala socdey qaybaha kuliyada. Garaad Jaamac ayaa waxa lagu qaabiley qolka shirarka ee kuliyada ka bacdina waxa lagu soo wareejiyey kuliyada oo dhan, iyadoo oo ay horkaceysey madax weynaha kuliyada Cherly Frank.

Intii uu ku jirey Garaad Jaamac booqashada ayaa waxa uu la kulmey ardeyda Soomaaliyeed ee dhigta kuliyada iyo macalimiinta wax ka dhiga kuliyada. Markii algu soo wareejiyey kuliyada oo dhan Garaad Jaamac ayaa waxa lgu soo celiyey qolkii shirarka, halkaas oo Garaad Jaamac lagu gudoonsiiyey hadyado kal duwan oo isugu jirey noocyo badan balse qaar aanu halkan ka xusi karno sida koofiyado, iyo sunaanado ay ku qornaayeen magaca kuliyada Inver Hills Community College, halkaas oo Garaad Jaamc Garaad Ali u mahad celiyey madaxda kuliyada iyo sidii ay u soo dhaweeyeen.

Somali Media, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com


Aragtiyo kala duwan oo ay shacabku ka bixiyeen Digniintii ay ka laabteen..

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Golaha Maxaakiimtu todo maalmood ay u qabteen in ay ciidamada Itoobiya kaga baxaan dalka Soomaaliya, waxayna markiiba shacabku bilaabeen in ay tirsadaan maalmahaasi, waxayna qaarkood is oranayeen, ?Waxaa harsan saddex maalmood??? ?Maya waxaa harsan labo maalmood?..?, waxayna intooda badan ay qaateen in dagaal qaraar uu dhex mari doono Ciidamada Itoobiya iyo Golaha Maxaakiimta, maadaama ciidamada Itoobiya u hogaansami waayeen digniintaasi. Haddaba shacabka Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey ka laabashada ay Maxaakiimtu ka laabteen digniintaasi, dadka Qaarkiid waxa uu sheegay in Maxaakiimta looga baahnaa in ay fuliyaan ballantii ay qaadeen.

Nin odey ah oo lagu magacaabo Cusmaan Cali ayaa waxa uu yiri ?Maxaakiimtu way ku wanaagsanaayeen in ay ka laabtaan digniintaasi, maadaama Dowladda Itoobiya laga dareemay inay rabto wada hadal in lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya iyada iyo Maxaakiimta?, sidoo kale Haweeney lagu magacaabo Faadumo Cusmaan ayaa waxay tiri ?Digniinta ay jeediyeen Maxaakiimtu waa mid taagan, maalinkii loo baahdo ayaana la fulin doonnaa, waxaana leeyahay ciidamada Itoobiya in ay fishaan dagaal waqti kasta haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixin dalk?, Nin odey ah oo insa lagu magacaabo Xasan Cali ayaa yiri ?Markii horeba digniintaasi waa loo baahnaa waayo, ciidamada Itoobiya waxay xoog ku haystaan dalkeena, waxayna ahayd mar hore in weerar lagu qaado?, ?waan ka war dhowreynaa waxa ka soo baxa? ayuu sii raaciyey, ?Ciidamada Itoobiya waxay ka yimaadeen tobonaan kun oo Kiilo Mitir waxay dalkeena u joogaana waa garadaro, haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixina waxay la kulmi doonaan waaciqib xumo. Inta badan shacabka Soomaaliyeed waxay filayeen in Maxaakiimta Islaamiga ah ay weerar ku qaadaan Magaalada Baydhabo, hase yeeshee markii ay maqleen in Maxaakiimtu ka laabteen digniintaasi waxay ku tilmaameen Maxaakiimta kuwo aan ka dhabaneyn waxyaabaha ay ballanqaadeen.

Gabar lagu kufsaday Garoowe oo xiisad halkaa ka abuurey..

Wararka ka imaanaya Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal, waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd degmadaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday kufsi lagu kala kacay gabar da?deedu tahay 17 jir oo lagala degay gaari ka yimid Magaalada Boosaaso, mar ay mareysay koontarool ku yaala Magaalaga Garooswe.

Shacabka ayaa waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalafa Garoowe, waxayna Booliiska ka codsanayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo taago raggii ka dambeeyay Kufsigaasi iyo waliba dhicii loo gaystay gaarigii ay gabadhaasi saarneyd.

Hay?adaha xaquuqda Aadanaha ee ka hawlgala Garoowe ayaa cambaareeyay falka lagu kacay gabadhaasi oo lagu magacaabo Kaafiya, waxayna gabadhaasi ku jirtaa Isbitaal ku yaala magaalada Garoowe oo lagu daaweenayo. Ma ahan markii ugu horeysay oo fal noocaan oo kale ah ka dhaco magaalada Garoowe, dhawaan ayay ahayd markii Haweenay kooxo maleeshiyo ah ku kufsadeen Koontaroolka Magaalada Garoowe, booliiska ayaa ballanqaaday inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii ka dambeeyay falkasi.

Ciidamadii laga keenay Puntland oo codsady in dib loogu celiyo..

Ciidamadii laga keenay maamul Gobaleedka Puntland oo tiradoodu gaareysay 1500 oo Askari ayaa waxay codsadeen in dib loogu celiyo maamul Gobaleedka Puntlanad, kaddib markii ay saraakiishoodu sheegeen in lagula kacay Takoor lagana doorbixiday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

?Markii hore aad baa na loo daneynayey, maantase waa nala tuuray oo waxaa nagala dhaweystay Ciidamada Itoobiya? ayey yiraahdeen saraakiishaasi oo intaa raaciyey ?Waad ogeydeen wixii naga qabsaday safarkii dhulka ee ku tagnay Jowhar, iyo kii aan ku tagnay Baydhabo wixii dhibaato ahaa ee naga qabsaday?.

Ciidamada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay sameeyaan gadood la mid ah kuwa ay sameeyeen Beelaha kale, waxayna haatan waan waan ka dhex socotaa Madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland Cadde Muuse iyo Saraakiisha hogaamineysa ciidamadaasi.

Xiisada ka taagan Degmada Baardheere..

Kooxo maleeshiyo ah oo ku sugan Degmada Baar-Dheere ayaa markii ay maqleen in Degmada Baar-Dheere ay ku soo wajahan yihiin Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta, waxayna degmadaasi ka bilaabeen is uruurisi ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.

Maleeshiyooyinka ayaa dadka ku amrayey in ay xiraan goobahooda ganacsiga oo ay u diyaar-garoobaan sidii la isaga difaaci lahaa Ciidamada Maxaakiimta, waxaana ciidankaasi oo wata dhowr iyo taban Tikniko ah isku uruursanayaan duleedka Baar-Dheere, waxayna saraakiishoodu sheegeen in ay iska difaaci doonaan Maleeshiyada Maxaakiimta Haddii ay ku soo xad-gudbaan Degamada Baar-Dheere

Banaanbax ay dhigeen dadka degan deegaan Warshadda Baastada..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Ramadaan ku hor banaan baxay dadkii degganaa Xaafadda Warshadda Baastada, dadkaas oo ka cabanayay markii lagu war galiyay inay muddo seddax maalmood ah kaga guuraan halkaas, waxayna dadkii banaan baxayay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen ?Maxkamadaha waa inay ka fiirsadaan ganacsatada doonaysa inay la wareegaan hantida qaranka Soomaaliyeed?, Maxkamada waa inay gacan siiyaan dadka Masaakiinta ah oo ay ku tumunayaan ganacsatada dhiig miiridka ah iyo hadalo kale?.

Dadkaas oo u badnaa haween iyo caruur ayaa warshadda baastada degganaa muddo 16 Sana ah, waxayna sheegeen in degaankaas ay ka guuri karaan marka qaranka loo dhisayo dhulkaas

Waxaa maalmahan danbe magaaladan Muqdisaho ka jiray dhul boob, wuxuuna dhul boobkaasi sii xoogaystay markii maxkamaduhu la wareegeen magaaldan Muqdisho iyadoo la ogyahay in Maxaakiimtu dhowr mar soo saareen wareegtooyin ay ku mamnucayaan in la dhisto ama la dego dhulka danta qaran, waxaana dhawaan la magaacabay Maxkamado u gaar ah arrimaha dhulka.

Ciidamo mar kale ka goostay xerada Manaas..

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya tirade ciidamada federaalka ee ka baxsanaya xerada Mannaas, waxayna haatan xeradaas u muuqataa mid ay ku harayaan Ciidankii laga keenay degaanka Punt-land, waxaana toddobaadkan xeradaas ka goostay illaa 400 oo maleeshiya ah oo xooggooda laga keenay gobolka Gedo, waxaana shalay degaanka Buur Dhuubo raxan raxan u gaarayay Maliishiyadaas oo diif iyo dar xumo ay ka muuqatay.

Ciidankaasi ayaa waxa ay ka cabanayeen duruurfo dhinaca dhaqaalaha ah gaar ahaana dhinaca cuntada iyo jiifka, sidoo kale waxay ka cabanayeen mushaar aan la siin muddo dhowr bilood ah.

Basashada ciidamadani waxay dhabar jab ku noqotay dowladda Federaalka oo iyadu dhawaan sheegtay in ay dib u habeyn ku sameyneyso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ciidankaas bedelkoodii ku jira ciidamo Itoobiyaan ah oo haatan la wareegay gebi ahaanba xarumihii Dowladda

Wafdi ka socda Midowga Yurub oo maanta ku wajahan .

Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaan wafdigaani hogaaminaya wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu Magaalada Baydhabo uu kulan kula yeesho mas?uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana haatan Magaalada Baydhabo ka socda diyaargaroow loogu jiro sidii lagu soo dhaweyn lahaa wafdigaasi.

Wafdigaan ayaa Baydhabo u tagaya sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Midowga Yurub oo ku yimid markii Midowga Yurub uu ka gaabiyey arrimihii mashaariicda ee Dowladda Federaalku u baahneyd, warar kale ayaa waxay sheegayaan in wafdigaani uu u socdo sidii uu Dowladda uga dhaadhicin lahaa ku soo laabashada Miiskii wada hadalka ee Magaalada Khartuum.

Wafdigaan oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo la yeeshay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay isla soo qaadeen sidii mar kale loo yagleeli lahaa wada hadalka Khartuum oo ay qaban-qaabineysay Jaamacadda Carabta. Basle Ra?isul Wasaare Geeddi oo dhawaan la hadlay Golaha Baarlamaanka ayaa Midowga Yurub ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban hawlihii ay ka sugayeen oo ay markii hore ballanqaadee gaar ahaan dhinaca mashaariicda Horumarinta.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2006

Garowe: Mudaharaad looga soo horjeedo Gabood fal loo Gaystay dad rakaab ah
Gaari rakaab ah oo marayey bartamaha Garoowe ayaa xalay lagu kufsaday Gabdho gaarigaas la socdey waxaana... Akhri

Cali Cabdala Saalax oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo Dagaal Soomaaliya
.Cadde Muuse oo C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in.
.Nin ka tirsan Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey..
.Geeddi oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...
.Casho Sharafkii Garaadka iyo Soomaalida Minnesota
.Bosaso: Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkada Isgaariista..
.Warbixin Dheerad ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... Dec 19

Warbixinta Raashin Qaybinta Sh/Hoose

LACAGO DEEQ AH OO SOO GAARTAY GOLAHA SAMAFALKA IYO HORUMARINTA SOOMAALIYEED

 

hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...


Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
.Mudahadaraad ka dhacay Denmark
.Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo.. 
.Xerada Manaas oo u muuqata mid ay sii faaruqinyaa..
.Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
.Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 18

Ciidamada Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Dec 17

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD