Warar:
Dec 18, 2006
- Mudahadaraad ka
dhacay Denmark
- Ma dhabbaa in Miles
Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo..
- Maxaa ka soo baxay
kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
- Xerada Manaas oo
haatan u muuqata mid ay sii faaruqinyaa Ciidamadii..
- Sheekh Shariif oo
gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
- Garowe: Qiimaha
sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Mudahadaraad
ka dhacay Denmark
Jaaliyadda
soomaaliyeed ee ku nool wadanka danmark ayaa mudaharaad
Axadii17-12-2006 ku dhigay mudaharadaa casimadda wadankan
danmark ee kobenhagen .
Waxaa kasoo qayb galay dad aad u farabadan , waxay u
jeedadiisu ahayd in la muujiyo in aanay ummadda soomaaliyeed
u baahnayn ciidamo ajinabi ah gaar ahaan itoobiyaanka , iyo
inay wadan ka ka baxaan .
Waxaa soo qaban qaabiyey ururo kala duwan oo jaaliyaddu
leedahay uuna hor kacayey markazka jaaliyadu ku leedahay
kobanhegan
wixii faahfahin dheeraada waxaa lagala xiriiri karaa
sh.cabdi raxmaan abyad 004525927795
Email: abyad2@hotmail.com
Ma dhabbaa in Miles Zenawi
uu yimid Magaalada Baydhabo..
Xuuraansi dheer mar aan sameynay isla markaana aan la
xiriirnay rag ku dhow dhow madaxtooyada C/llaahi Yuusuf ayaa
waxay sheegeen in Ra/’isul Wasaaraha Itoobiya Miles Zenawi
uu dhawaan yimid magaalada Baydhao, waxaana na loo sheegay
in Miles Zenawi uu Magaalada Baydhabo yimid maalinkii uu
Cali Max’ed Geeddi inta uu saacado joogay Baydhabo dib ugu
laabtay magaalada Nayroobi, waxayna dadku noo sheegeen in
diyaaraddii uu watay Cali Max’ed Geeddi ay ahayd Diyaarad ay
lahayd Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxaa na loo sheegay
Miles Zenawi uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali
Max’ed Geeddi, waxaana la iskula soo qaaday sidii looga
hortatgi lahaa waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada ee ku
sugan dalka Soomaaliya.
Imaanshaha Miles Zenawi
waxaa kaloo lagu xaqiijiyey iyadoo diyaaradda garoonka ay
fadhiday mudo toban saacadood ah, iyadoo la og yahay in
Dowladda Federaalka aysan ka bixin Karin qarashkaas faraha
badan oo ay diyaaradi ku joogi karto Magaalada Baydhabo,
waxaana maalmilihii ugu dambeeyey ay saxaafaddu hadal haysay
in Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya uu tagayo Magaalada
Baydhabo. Miles Zenawi ayaa la sheegay in uu kulan mudo
socday la yeeshay Saraakiil ka tirsan ciidamadiisa oo ku
sugan Baydhabo, waxayna warbixin ka siiyeen xaaladda ay ku
sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo
guud ahaanba dalka Soomaaliya. Miles Zenawi ayaa dhowr jeer
ku celceliyey in Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo
tababarayaal ah, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in ilaa
iyo 12-ku oo ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha
dalka, kuwaas oo la sheegay inay loo diyaariyey sidii ay
weerar ugu qaadi lahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah, hase
yeeshee waqtigii ay Maxaakiimtu u qabteen ciidamada Itoobiya
in ay kaga baxaan dalka Soomaaliya ayaa ku ek maanta, lamana
garanayo waxyaabaha xigi doono, inkastoo uu Guddoomiye
Sheekh Shariif uu caddeeyay inaysan ku talojirin wax weerar
ah.
Maxaa ka soo baxay kulankii
C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo soo gaaray
wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamul gobaleedka
Puntland, waxa uuna markiiba kulan ay albaabadu u xirnaayeen
uu la yeeshay madaxweyn C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin,
haddana ilo ku dhow dhow waxay sheegayaan in saddexda
mas’uul ay isla soo qaadeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo iyagu si aad ah ugu
soo siqaya magaalada Baydhabo, dhawaana la wareegay
magaalooyinka Buur-Hakaba iyo Diinsoor, warar kale ayaa
waxay sheegayaan in Cadde Muuse la doonayo dhaqaale looga
hortagayo Maxaakiimta Islaamiga ah, maadaama maamulka
Puntland ay dakhli fara badan ka helaan canshuuraha ay ka
qaadaan dadka ganacsadata iyo Dekedaha.
Si kasta ha ahaatee waa booqshadii ugu horeysay oo uu Cadde
Muuse ku tago Magaalada Baydhabo tan iyo markii loo
magacaabay xilkaasi, dhanka waxaa lagu waramayaa in lagu
qorsheynayo in saddex aag laga soo weeraro Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Xerada Manaas oo haatan
u muuqata mid ay sii faaruqinyaa Ciidamadii..
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay waxay sheegayaan in
Xerada Manaas ee ku taala Duleedka Baydhabo inay u muuqato
mid ay ka sii faaruqayaan Malleeshiyooyinkii halkaa la isugu
geeyay si loogu taba baro, waxaana toddobaadkan gudihiisa
xeradaas ka baxsaday illaa 400 oo Malliishiyo oo hubkooda
watay.
Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in sababaha ay halkaas uga
carareen ay tahay markii ay u adkaysan waayeen dhaqaale xumo
iyo daryeel la’aan isla markaana laga door bidey kuwii ka
socday maamul goboleedka Puntland oo la sheegay inay helaan
daryeel iyo dhaqaaleba.
Ciidamadii ugu danbeeyay waxay gaareen Magaalada Diinsoor oo
ay gacanta ku hayaan Ciidamada Golaha Maxaakiimta iyadoo
dhawaan ay magaalada Muqdisha soo gaareen illaa iyo 200 oo
Malliishiyo oo iyaguna ka soo goostay dawladda Federaalka.
Ciidamada soo goostay mar aan wareysanay qaar ka mid ah ayaa
waxa ay noo sheegeen inay jidka ku soo jiran ciidamo fara
badan oo hubkooda wata kuna soo wajahan yihiin goobaha ay ka
taliyaan Maxaakiimta Islaamiga.
Baxsashada Ciidamadan ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay
Dawladda Federaalka oo dhawaan beesha Caalamka u gudbiyay
kharashaadka ku baxaya iyo sidii dib u habayn loogu samayn
lahaa.
Gen Cadde Muuse oo
Baydhabo u yimid sidii uu u dhiirigelin lahaa ..
Waxaa magaalada Baydhabo shaley soo gaarey wafdi uu
hogaaminayo Madaxweynha Maamul Goboleed Puntland Generaal
Cade Muuse wuxuuna markiiba kulan la qaatey Madaxwynaha
Dowlada federaalka Cabdulaahi Yuusuf iyo Raiisul Wasare Cali
Maxamed Geedi Inkastoo aan la faahfaahin wixii ay isla soo
qaadeen Hadana Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxaa
uu kulan gaar ah la qaatey Saraakiisha ciidamada Puntland ee
ka soo jeeda Maamulkaas ka dib markii qaar ka mid ah ay
bilaabeen ay ay ka goostaan xeryihii ay ku jireen ka dib
markii ay soo wajahdey Daruufo dhaqaale
Cadde Muuse ayaa saraakiisha u balan qaadey in sida ugu
dhaqsiyaha badan Baahidooda loo dabooli doono, maanta ayaa
la filayaa in Cadde Muuse uu booqdo xeryaha ay ku jiraan
ciidamada si uu hadal gaaba ugu jrrdiyo oo ku saabsan mid
dhiirigelin ah waxayna wararka qaar ay sheegayaan in la siin
doono mushaaraad ka maqnaa muddo dhowr bilood ah, waxaa sii
raaci doona Saraakii;l itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan
dowladda federaalka .
Sheekh Shariif oo
gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
Madaxa fulinta Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh
Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray
wadanka Dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii
dowladdaMadaxa fulinta Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa
gaaray wadanka Dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii
Dowladda dalkaasi uu martiqaad ka helay.
Qaar ka mid ah wafdigii la socday Sheekha oo shalay dib ugu
soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa Xoghayaha
Golaha shuurada Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa waxa uu
sheegay in Sheekh Shariif uu dalka Imaaraadka Carabta uu
kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiinta wadankaasi, sidoo
kale waxa uu sheegay in uu la kulmi doono Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi isagoo warbixin ka siin
doona waxyaabihii ka soo baxay shirkii ka dhacay dalka Yemen
ee ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Sheekh Aada.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Garowe: Qiimaha sarifka
doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Dec 17: Waxaa qiime dhac uu ku yimid qiimaha sarifka
Doolarka deegaanada puntland maalmihii ugu danbeeyay iyada
oo ilaa shalay uusan daganayn qiimaha sarifka doolarka
waxaana kolba uu dhinac ku kacayay ama uu u dhacayay ilaa
shalay ugu danbayntii ayuu ku istaagay 1400 oo shilinka
somlaiga ah isaga oo kolkii horena ahaa 1500 oo shilinka
somaliga ah qiimaha $100 kii doolar.
Lamagaranayo sababata dhabta ah ee lagu macneeyay qiima
dhaca sarifka dollarka ku yimid deegaanada puntland hase
ahaatee markii aan u kuur galay xiriirna aan la sameeyay
sariflayaasha magaalooyinka Bosaso, garowe, galkacyo,
lascanood, iyo magaalada Muqdisho waxaa isa sootaraya sabab
dhab ah oo loo macneeyo sare u dhica qiimaha sarifka dollar,
waxaana ay sariflayashu ku macneeyeen in ay ugu wayntahay
joojinta qaadka taasi oo sababtay in lacagtii adkayd ee loo
yaqaano lacagta qalaad ay si xawli ah u taalo dalka somalia
oo aysan jirin wax lacag adag oo sidaas u badan oo dalka ka
baxda balse ay lacagtii shilin somaliga ahyad ay hada
yaraatay taasina ay sababtay in doollarka badan ee dalka
gudihiisa yaala keenatay in qiimihii $100 kii doollar uu
hoos u dhaco.
Guud ahaan dhulka somalia ayaa waxaa ku yimid qiima dhac
sarifka lacagta qalaad ah waxaana maanta la kala siisanayay
qiimaha $100 kii doolar magaalada Garowe 1400 halka
magaalada Bosasana uu ahaa 1420 magaalada galkacyana uu ahaa
1420 magaalada laascaanana uu ka ahaa 1400 balse magaalada
caasimada u ah somalia ayaa taas ka duwan waxaana $ 100 kii
doolar uu ahaa 1200 oo shilinka somaliga ah taasi oo layaab
ku ah taarirkhda maadaama uu sarifkii doollarka uu gaaray
heer uusan gaarin 10kii sano ee ugu danbeeyay waana arin si
wayn farta loogu hayo lagana cabsi qabo in uu markale cirka
isku shareero in kasta oo aysan jirin hada sabab uu cirka
isugu shareero oo lacagtii adkayd ee qaadka lagu badali
jiray la joojiyay inteedii badnayd.
Galkacyo: Madaxwaynaha
puntland oo Baydhabo u anbabaxay maanta- Dec 17
Madaxwaynaha puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka
anbabaxay magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Wafdigan uu hogaaminayo madaxwaynuhu ayaa waxaa ku weheliya
wasiirada Maaliyada, Caafimaadka,Arimaha gudaha iyo aminga
sidoo kale wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa ka mid ah
Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL.
warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya u jeedada wafdigan
in ay ugu wayntahay sidii ay uga wada hadli lahaayeen
madaxda ka socota puntland iyo kuwa federalku xaalada uu
marayo dalku iyo sidii la iskaga difaaci lahaa Midowga
Maxaakiimta oo dhan walba kaga fiday aagaga ay dawladu ka
taliso qabsadayna deegaano horleh.
Cade muuse ayaa dhawrjeer ku cel celiyay in uusan cidna
duulaan ku ahayn balse hadii la soo weeraro isdifaacayo
balse tilaabadan uu ugu kicitimay dhanka magaalada baydhabo
ayaa ah tilaabo ku lugleh dhanka Maleteriga maadaama ay
tahay markii ugu horaysay ee uu cade muuse uu u anbabaxo
magaalada Baydhabo waxana ay ku soo beegmaysaa xili uu
madaxwayne c/laahi yuusuf sheegay in ay dhamaatay wadadii
wadahadalka maxaakiimta iyo dawlada.
Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal xoogani uu ka dhaco dalka
somalia iyada oo dhanka kalena ay Midawga maxaakiimtu ay u
qabteen 7Casho in ay kagabaxaan ciidamada Ethiopia ee dalka
xooga ku soo galay waa sida ay hadalka u dhigeene.
Shir albaabadu u xiran yihiin ayay ku yeesheen labada dhinac
ee ka kakala tirsan maamul Gobaleedka puntland iyo madaxda
Dawlada Federalka shirkaasi oo aan ilaa iyo hada saxaafada
loo shaacin wixii looga wada hadlay.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 18, 2006
Ciidamada
Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Dec 17
Warbixinta
Raashin Qaybinta Sh/Hoose
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Norway iyo Holland
oo deeqo lacageed soo gaarsiiyey Guddiga Farahaadaha..
Guji...
Muqdisho: Howlo
isugu jirta indho fiiqid qaliin daaweyn
Garaad
Jaamac Garaad Cali oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Minneapolis
Kulankii
Engineerada Soomaaliyeed
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka
mid ah Engeneeerada Soomaaliyeed ee Dalka ku sugan ayaa..
Akhri...
Fatahaadda Webiga ee Degmada Afgooye Yaa U maqan?


|