SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: Dec 19, 2006

  • Cadde Muuse oo C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in.
  • Cali Cabdala Saalax oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo..
  • Nin ka tirsan Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey ..
  • Cali Max’ed Geeddi oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...
  • Casho Sharafkii Garaadka iyo Soomaalida Minnesota
  • Bosaso: Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkada Isgaariista ee Golis oo lagu diley Magaalada Boosaaso.
  • Warbixin Dheerad ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark

Garowe: Mudaharaad looga soo horjeedo Gabood fal loo gaystay dad rakaab ah oo ka soconaya Garowe.

Dec 19: Saaka hiirtii waabari ayay ku waa bariistay magaalada Garowe dhacdo layaab leh oo ka dhacday bartamaha magaalada garowe taasi oo ka caraysiisay dadka ku dhaqan magaalada garowe sababsiisayna in ay ka mudaharaadaan.

Gaari rakaab ah oo sida la sheegay ku safrayay bartamaha magaalada ayaa xalay abaare 8 habeenimo burcad hubaysani u gaysteen dhac iyo baarasho islamarkaana ay kufsadeen gabdho ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa.

Gaarigan la dhacay ayaa ahaa nooca loo yaqaano Baska caasiga ah waxaana la xaqiijinayaa in uu hada ku jiro saldhiga booliska ee bartamaha magaalada garowe.

Gaarigan xalay la dhacay ayaan goobta lagu dhacay aysan waxba ka fogayn saldhiga wayn ee magaalada garowe islamarkaan ku dhaw taliska ciidanka qaybta garowe ilaa iyo hadana ma jirto cid wax ka qabatay dhacdadan loo gaystay gaarigan ku safrayay wadada.

Dhinaca kalena Dadka deegan ayaa markii boolisku wax ka qaban waayay sameeyay saaka Dibadbax lagu gooynayo wadooyinka iyada ay hada (markii aan warkaan saakay qoreyney) go'antahay wadooyin badan oo dhexmara bartamaha magalada, sidoo kalena waxaa baabuur badan oo u badan nooca looyaqaano Mark2 lagu gooyay albaabka hore ee saldhiga oo ay ku waabariisteen shacbakan ka caraysan dhacdadii xalay loogu gaystay dhaca gaariga iyo kufsiga..

Ilaa iyo hadda ma jirto mas'uul ka hadlay ama wax ka yiri dhacdadaan waxaana dadbadani is waydiinayaan sababta ay boolisku u soo qaqaban la' yihiin burcada.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Garoowe: Hadal kasoo baxay Xisbiga Ramaas:::

Puntland state of Somalia
Ramaas Political Party
RPP/171/06 Garowe: 19/12/06

Ku: saxaafada madaxabanaan ee Somalia
Ku: shacabwaynaha Puntland iyo kan somaliyeedba
Ogaysin: Golaha xukuumada DGPL
Ogaysiin: Golaha wakiilada DGPL

Ujeedo: Damiir laawayaasha Puntland

Mudanayaa iyo murwooyin waxaan idin kusalaamaynaa salaanta islaamka salaan kadib waxaan idiin ka mahadcelinaynaa sida aad noosoo ajiibteeen oo aad nagala soo qaybgasheen warsaxaafadeedkan.
Walaalayaal sida aad la socotaan waxaa faraha ka baxay amnigii dalka iyo kala danbayntii waxaa burcadii ka bilaamatay magaalooyinkii waawaynaa ee puntland dhexdooda sdia aad la socotaan waxaa shalay lagu dilay magaalada Bosaso nin dhalinyaro ah cid soo qabatay gacankudhiiglihiina ilaa iminka lama hayo mana jirto, sidoo kale magaalada Galkacyo waxaa shalay lagu dilay nin suxufi ah isagana cid gacanku dhiiglihii falkaa gaystay soo qabatay majirto, sidoo kale ayaa waxaa amgaalda garowe xalay ka dhacday fal laga argagaxay oo Hotel dawada hortiisa ah islamrkaana saldhiga Boolisku u jiro wax kayar 100 talaabo ayaa burcad baarbuur ku baaratay.
walaalayaal sida aad la socotaan waxaa gacanta ka baxay dhaqaalihii dalka oo shaqaalihii danyarta ahaa waxay la'yihiin mushahaarkoodii lacagtiina waxay gacantooda ku dhacdaa shakhsiyaad danaystayaal ah.
Walaalayaal sida aad la socotaan waxaa sii dhamaanaya wadadii laamiga ahayd oo meelo badan ka burbursan meelana boholo ku yeelatay oo ay khatar ugu jiraan in ay ku hoobtaan baabuurtu.
Walaalayaal sida aad wada ogtihiinba waxaa meeshaba ka baxay dhamaan arimihii bulshada oo aysan jirin cid wax ka qabata ama isku taxaluujinaysa ama ka hadashaba haday tahay xaga maamulka,tusaale ahaan caafimaadka, waxbarashada, nadaafada, nabadgalyada, iyo dhamaan hormarka dalka iyo dadka.

Walaalayaal sida aad la socotaan puntland waa Dal aad u balaaran oo hodan ah aaway dalka inta laamiga ah maahane intii kale ma waysan u baahnayn daryeel guud.
Walaalayaal sida aad la socotaan markii puntland la dhisayay waxaa loo dhisay sida gole oo ka madaxbanaan gole kamid ah sideedii sano waxaa madaxa kagataagnaa labada gole oo kale oo ah golaha xukuumada iyo golaha wakiilada, golahaas madaxa lagaga taaganyahayna waa golaha garsoorka oo la diidayo ama laga cararyo marna in cadaaladi shaqayso hade hadii cadaalada la waayana meesha waxba mayaalaan waa eber iyo kala googo.

walaalayaal kooxdaas ku fashilantay hogaankii dalka suurta gal matahay in aynu ka dhagaysano waxaanu soosaaraynaa shidaal ama khayraadka dhulka hoostiisa ku jira iyaga oo laga waayay hantidii muuqatay beekhaaminteedii.
Walaalayaal in kasta oo aan idiin sheegayno waxaad ogtihiin ilaah baan idin ku dhaariyee miyaan lagu sheegi karin golaha xukuumada iyo golaha wakiilada damiir laawayaal isku bahaystay boobka dalka.

Walaalayaal sdia aad la socotaan waxay ku dhaqmaan wax lagu sheego tastuur, tastuurna ma shaqeeyo hadii aanshacabka cod looga qaadin mana jirto meel cod loogu waydiiyay shacabka iyo cid ka hadashay iyo cid kale toona xaqna maahan tastuurka caynkaas ah in dalka lagu hogaamiyo oo lagu baarto.
Walaalayaal waxaa la dajiyay 1998 xeer ku meel gaar ah wax dalka lagu dhaqi karana isaga ayaa jira inkasta oo aysan waxba ka noolayn oo ay kuwada tunteen kuwii hore iyo kuwan danbeba labaduba.
Walaalayaal waxaanu ku baaqaynaa ka xisbiga Ramaas ahaan in xeerkii ku meelgaarka ahaa ee hore lagu dhaqmo doorasho dagdag ahna la qabto maadaama ay damiir laawayaashu labasano iyo bar ay dalka haystaan waxaan codsanaynaa si dalka iyo dadku u badbaadaan loogana baxsado dagaal sokeeye in sida ugu dhakhsaha badan uu isu casilo madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku shacabkuna ay badashaan damiir laawayaasha sheegta golaha wakiilada.

Gudoomiyaha xisbiga Ramaas Politcal Party
Daahir c/qaadir muuse Email: daahirciiro@hotmail.com
Tell : 002525747090 Garowe puntland
 



Cadde Muuse oo C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in.

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland Jeneral Cadde Muse oo haatan kusugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay C/llaahi Yuusuf, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii looga hortagi lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah oo haatan ku soo dhawaanaya xarunta Dowladda Federaalka ee Baydhabo.

Gen. Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimtu ay yihiin xoogag awood ah isla markaana ay ka go’an tahay inay gacanta ku dhigaan Magaalada Baydhabo, waxa uuna C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in Dowladdu ay ku sii shaqeyso Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, isagoo sheegay in Dowladda loo diyaariyey xarumihii wasaaradaha iyo goobihii ay ku shiri lahaayeen, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu arrintaasi ka goos adeegay sheegeyna in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka saari doonaan gebi ahaanba dalka, basle ma cadeeynin waxa uu adeegsan doono, waxaase loo badiyey in C/llaahi Yuusuf uu adeegsan doono Ciidamada Itoobiya ee maalmahan ku soo qulqulaya dalka Soomaaliya.

“Reer Puntland maxaa keligood u xilsaaray inay Dowladda difaacaan, maadaama ay Dowladdu tahay mid ka wada dhexeysa Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Caddee Muuse oo sheegay in xoogga Dowladda Dowladda ee ku sugan Baydhabo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu raro Magaalada Gaalkacyo si hal waji looga hortago Maxaakiimta Islaamig a ah. Ciidamada Puntland ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa ilaa afar bilood aan qaadan wax mushaar ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay gadoodaan oo ay ku biiraan Maxaakiimta Islaamiga ah, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadaasi dhaqaale loogu helin, warar kale ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu wada hadal ula galo Maxaakiimta Islaamiga maadaama ay inta badan gacanta ku hayaan dalka.

Cali Cabdala Saalax oo wada dadaalkii ugu dambeeyey oo lagu baajinayo..

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax oo ay si aad ah isugu dhow yihiin Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya, isla markaana ay ku wada jiraan isbahaysiga Sanca ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyay oo uu ku baajinayo in uu dagaal dhex maro Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa horey ula kulmay guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah sheikh Shariif Sheekh Axmed, waxayna isla soo qaadeen sidii loo qaboojin lahaa xasarada u dhexeysa Itoobiya iyo Maxaakiimta, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu arrintaasi aqbalay.

Cali Cabdala Saalax ayaa markiiba waxa uu xiriir la sameeyay Ra’isul Wasaaraha dlaka Itoobiya, waxa uun ka codsaday in si ka fool ka fool ah ay isku hor fariistaan Maxaakiimta iyo Itoobiya, waxaana la filayaa in dhawaan uu magaalada Sanca soo gaaro ergay ka socda Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxaa dadaalkaan wada Dowladda Suudaan oo iyana dooneysa in ay qaboojiso xaaladda Maxaakiimta iyo Itoobiya.

Nin ka tirsan Ciidamada Maxaakiimta oo dil ka geystey ..

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee Ex-Control ee Afgooye waxay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah uu toogasho ku dilay nin ka tirsnaa dadka deegaanka.

Dilkaan ayaa waxaa si weyn uga carooday dadweynaha ku nool deegaankaasi oo markiiba abaabulay banaanbax ay kaga soo horjeedaan dilkaasi, waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigo ninka gaystay dilkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa markiiba gaaray deegaankaasi oo ku guuleystay inay xiisadda qaboojiyaan, waxayna ballanqaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo soo taagi doono Askarigaasi oo lagu fulin doono waxay shareecado ka qabto, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in dilkaasi uu ahaa dil aan loo qasdin, basle ilaa iyo wax xaqiijiyey ma jiraan sababihii ka dambeysay dilkaasi.

Cali Max’ed Geeddi oo shalay warbixin siiyey Golaha Baarlamaanka...

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay hor yimid Golaha Baarlamaanka, waxa uuna warbixin ka siiyey wax qabadkii Dowladda ee saddexdii bilood ay Xukuumaddu kalsoonida ka heshay Baarlamaanka, waxa uuna sheegay Cali Max’ed Geeddi in Dowladdu ay dib u abaabushay qaybihii kala duwaan ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladdu ay sameysay Baasaboor cusub oo uu sheegay in uu dhaqangeli doono Bartamaha sanadka cusub. Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro hindise ku saabsan sharciga batroolka dalka kaas oo hadda horyaal Golaha Xukuumadda DFKMG.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo ay soo gaarayeen su’aalo fara badan oo kaga imaanayey xubnaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladdu ay geed gaaban iyo mid dheerba u kortay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee waxa uu sheegay in dadaalkaasi ay caqabad ku noqdeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaa kaloo uu sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay inay Beesha Caalamka ka hesho taageero balaaran, gaar ahaan sidii wax loogala qaban lahaa arrimaha ammaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Casho Sharafkii Garaadka iyo Soomaalida Minnesota

Waxa casho sharaf loogu sameeyey badhtamaha magaalada Minneapolis Garaad Jaamac Garaad Ali Garaad Jaamac. Cashadaas waxa soo qaban qaabiyey ururka ugu weyn ee ay leedahay Soomaalida degan gobalka Minnesota ( Confederation Somali Community of Minnesota). Cashadaas waxa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo isugu jirey Siyaasiyiin, Culimo, Isimo, iyo Aqoonayahano.



Cashadaas ayaa waxa lagu furey hadalkii ayaado quraan ah iyo wacyi ku saabsanaa sida ay mas'uuliyadu tahay iyo waxa laga doonayo qofka mas'uulka ah. Wacyigaas ka bacdi ayaa waxa Garaadka warbixin siiyey guddoomiyaha Banaadiriga Minnesota oo ka warbixiyey xaalada Soomaaalida degan gobalkan iyo sida ay ku nool yihiin. Warbixintaas ka dib waxa ka Hadley taariikhda Garaadka reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Abdirisaaq Xaaji Xusseen. Taariikhdaas ka bacdi, waxa Garaadka ku soo dhaweeyey hadalaka Suldaan Yabarow oo ku hadlayey afka Meymeyga. Garaadka ayaa halkaas ka soo jeediyey hadal kooban, kuna qatimay duco. Ducadaas ka bacdi ayaa waxa Garaad Jaamac la gudoonsiiyey Award qurux badan oo uu ku qornaa magaciisa, waxana gudoonsiiyey madaxda Confederation Community.


Abdimalik Askar
Somali Media
somalimedia@gmail.com

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkada Isgaariista ee Golis oo lagu diley Magaalada Boosaaso.

Dec 18: Eebe Ha u Naxariistee Waxaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Marxuum C/nuur Aw-cali oo ka mid ahaa shaqaalaha Shirkada Isgaarsinta ee Golis xili uu markaasi joogey Meel gurigoosa u dhow.
Ninkan ayaa sida la sheegey waxaa diley labo nin oo Madaxa soo duubtay oo aan haybtooda lagaranayn, waxa uuna u geeriyooday hal xabo oo madaxa ka haleeshey, walina lama garanayo cidda disahay Marxuumka.

Ninkan maydkiisii ayaa wali wuxuu yaalaa Isbataalka Guud ee Magaalada Boosaaso waxayna eheladiisu ay diideen in la aaso ilaa la helo cida dilkan ka dambaysay ama gaysatey.

Sidoo kale Batamaha Magaalada Boosaaso Waxaa shalay lagu diley nin kale oo aan wali la garanayn sababaha loo diley, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in ninkaasi loo diley Aano Qabiil.

Isku soo wada duuboo Amaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa baryihii ugu danbeeyay ahaa mid sii xumaanaya oo ay dilalka dadku kusoo badanayaan.

Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo.Somalia.

Warbixin Dheerad ah: Bannaanbixii Soomaalida Denmark

Mudaharaad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Denmarka ayaa ka dhacay shalayto 17/12/2006 magaalada Kobenhaegan ee caasimadda dalka Denmark.

Dadweynahaas isugu soo baxay goobtaas ayaa waxaa ay siteen boorar ama tabeelayaal ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku diidan yihiin, kagana soo horjeedaan Go'aankii UN-ta ee qaadista xayiraddii hubka Soomaaliya saarnayd. Waxayna ku tilmaameen mid fasax la isugu siinayo Soomaalidu in ay is layso.

Waxay dadweynahaas sidoo kale siteen boorar ay ku qornaayeen sida ay u diidan yihii joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee Dalkeenna.

Isu soo baxan oo si habsami ah loo soo agaasimay ayaa waxaa dadkii ka hadlay waxaa ay xoogga saareen in xalku uu ka iman karo oo kaliya Soomaalida. Itoobiyana haddii ay Soomaaliya khayr u hayso waxaa laga arki lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee ay gumeysato.

Waxaa kasoo wada shaqeeyey isu soo baxan ururo ay ka mid yihiin ururuka Kobenhavn Internationl Klub (KIK), Ururka Dhaqanka iyo Dhallin-yarada Soomaaliyeed (SUKF) iyo Golaha Wadatashiga iyo Iskaashiga Soomaaliyeed Ee Denmark (GW&IS).

Ugu dambayntiina waxaa talooyin halkaas looga soo jeediyey Dawladda Federalka Kumeelk gaarka ah in ay ka waantowdo in ay dalka u soo hor kacdo cadowgii soo jireenka ahaa iyo difaacisttisaba halka ay waajibkooda ahayd in ay difaacaan dalka iyo dada ay dowladda u yihiin.

Abdulkarim H. Salad  

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2006

hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...


Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi, Geedi iyo Cadde Muuse..
.Mudahadaraad ka dhacay Denmark
.Ma dhabbaa in Miles Zenawi uu yimid Magaalada Baydhabo.. 
.Xerada Manaas oo u muuqata mid ay sii faaruqinyaa..
.Sheekh Shariif oo gaaray wadanka Imaaraadka Carabta..
.Qiimaha sarifka doolarka puntland oo hoos u dhac ku yimid.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 18

Ciidamada Itoobiya oo khamri fara badan soo geliyey Magaalada Baydhabo
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo oo dil iyo...
.3-kun oo Loor oo Bur ah oo shalay lagu gubay…
.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka oo uu..
.Dowladda Canada oo walaac ka muujisay..
.Aqoonyahano soomaali-yeed oo Dowladda..
.Abwaan Abshir Bacadle oo loo doortey Gudoomiyaha..
.Dufcaddii 38-aad oo ka qalinjabisay Machadka Al-Cimra..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Dec 17

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD