Wararkii: Dec 16, 2006
-
C/llaahi
Yuusuf oo sheegay in ay xirmeen
Albaabadii waan waanta..
-
Maxkamadaha oo si kulul uga
jawabay hadalkii Dowlada
Mareykanka..
-
Sheekh Fu’aad “Mareykan,
Ingiriis iyo Itoobiya waan ka
guuleysan doonaa Haddi Eebe..
-
Maxaa ka soo baxay kulankii ka
dhacay Nayroobi...
-
Geeddi oo Magaalada Nayroobi
kulan kula yeeshey Saraakiil..
-
Maxkamad Islaami ah oo looga
dhawaaqay Degmada Caabutwaaq
-
Dallad ay ku mideysan yihiin
Toban Dugsi looga dhawaaqay
C/llaahi
Yuusuf oo sheegay in ay xirmeen
Albaabadii waan waanta..
Madxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
oo shalay Xarunta Madaxtoonyada
Magaalada Baydhabo kula hadlayey
Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay
inay dhamaadeen wada hadalkii
iyo waan-waantii laga dhex waday
Maxaakiimta iyo Dowladda
Federaalka. “Lagama yaabo in aan
mar kale isa soo hor fariisanayo
oo aan wada hadal la yeelanayo
Maxaakiimta” ayuu yiri C/llaahi
Yuusuf oo sheegay in Maxaakiimtu
ay yihiin kooxo argagixiso oo
doonaya inay dalka ku horseedaan
burbur iyo baaba’a.
Xiliga hadalka Madaxweynuhu uu
ku soo beegmay waxa uu ahaa xili
ay Golaha Maxaakiimta Islaamiga
ah u qabteen todobo maalmood in
ay Ciidamada Itoobiya uga baxaan
dalka Soomaaliya, waxa uuna
sheegay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed in ciidamada
Itoobiya ee ku sugan dalka
Soomaaliya ay yihiin kooxo
tababarayaal ah oo doonaya inay
dib u soo noleeyaan ciidankii
Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
ma uusan caddeyn waxyaabaha lagu
bedelayo wada hadalka in ay
tahay dagaal ay Dowladdu la
galeyso Maxaakiimta, hase
yeeshee waxaa laga
dhedhansanayaa in Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf uu doonayo in uu dagaal
qaraar la galo Maxaakiimta
isagoo adeegsanaya Ciidamada
Itoobiya.
Hadalka C/llaalhi Yuusuf ayaa
waxa uu ku soo beegmay xili ay
Dowladda Mareykanku sheegtay in
hogaanka sare ee Maxaakiimtu ay
xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacida,
waxay kaloo Dowladda Mareykanku
sheegtay in Kooxo argagixiso Ah
ay ku sugan yihiin gudaha dalka
Soomaaliya kuwaas oo qaraxyo ka
gaystay safaaradihii Mareykanku
ku lahaa wadamada Tanzaaniya iyo
Kenya, hase yeeshee Maxaakiimta
ayaa iyagu beeniyey hadalkaasi
kuna tilmaamay kuwo lagu
baneysanayo in Soomaaliya lagu
qabsado.
Maxkamadaha oo si kulul uga
jawabay hadalkii Dowlada
Mareykanka..
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa si
kulul uga jawaabay hadalkii ka
soo yeeray Dowladda Mareykanka
ee ahaa in ragga ugu sareeya
Maxaakiimta ay yihiin kuwo
xiriir la leh ururka Al-Qaacida,
waxa uuna Goluhu hadalkaasi ku
tilmaamay mid sal iyo raad toona
aan lahayn.
Golaha Maxaakiimta waxay
sheegeen in aysan wax xiriir ah
la lahayn kooxahaasi, iyagoo
sheegay in Mareykanku uu
marmarsiyo uga dhigayo sidii uu
Maxaakiimta weerar uqu soo qaadi
lahaa isagoo adeegsanaya
Dowladda Itoobiya.
“Waxaan ku martiqaadeenaa
Dowladda mareykanka in ay
timaado deegaanada ay ka taliyaa
Maxaakiimta si ay u ogaadaan
xaaladda dhabta ah ee ka jirta”
ayey yiraahdeen golaha
Maxaakiimta oo sheegay inay iska
difaaci doonaan cid kasta oo ku
soo gardaroota.
Golaha maxaakiimtu waxay kaloo
sheegeen in ay weli sideedii u
taagan tahay todobadii maalmood
ee loo qabtay ciidamada Itoobiya
ee ku sugan gudaha Dalka
Soomaaliya. Haddii ay ka bixi
waayaana ay la kulmi doonaan
cawaaqib xumo ad u balaaran,
hase yeeshee Dowladda Itoobiya
ayaa warkaasi ku tilmaantay mid
aan waxba soo kordhineyn, balse
sii hurinaya xaaladda ka taagan
dalka Soomaaliya.
Sheekh Fu’aad “Mareykan,
Ingiriis iyo Itoobiya waan ka
guuleysan doonaa Haddi Eebe..
Sheikh Fu’aad Max’ed Khalaf oo
ah Xoghayaha Maxaakiimta ee
dhinaca Dhallinyarada iyo
Waxbarashada ayaa mar uu ka
hadlayey xaflad lagu dhisayey
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed,
waxa uu sheegay in Golaha
Maxaakiimta oo kaashanaya
shacabka Soomaaliyeed ay iska
difaaci doonaan cid kasta oo ku
soo gardaroota dalka Soomaaliya.
“Itoobiya waxa dabada ka riixaya
waan og nahay oo waa Mareykan
iyo Ingiriis, inshaa-Alaah waanu
ka guuleysan doonaa” ayuu yiri
Sheekh Fu’aad oo intaa raaciyey
“Waxyaabaha nalagu haysto waxaa
weeye maxaad ugu dhaqmeysaan
Shareecadda Islaamka oo aad
illaahey u caabudeysaan”.
Sheekh Fu’aad oo ka yimid dalka
dibaddiisa ayaa waxa uu sheegay
in shacabka Soomaaliyeed ee ku
nool Didabaha ay yihiin kuwo
diyaar u ah inay wadankooda ka
difaacaan caddowga Itoobiya.
Maxaa ka soo baxay kulankii ka
dhacay Nayroobi...
Waxaa shalaya Nayroobi lagu
gabagabeyeeyey kulan socday labo
maalmood oo ay isugu yimaadeen
madaxda wadamada Harooyinka,
waxaana shir guddoominayey
Madaxwey-naha wadanka Kenya
Kipaki.
Kulankaan ayaa gebagabadiisii
waxaa laga soo saaray baaq loo
jeediyey Dowladda Federaalka iyo
Golaha Maxaakiimta oo ah in ay
isugu yimaadaan kulan deg deg ah
oo looga arrinsanayo arrimaha ka
taagan Soomaaliya, waxaana loo
soo jeediyey in wixii khilaaf ah
ay ku xaliyaan wada hadal.
Max’ed Cali Geeddi oo filayey in
kulankaasi looga hadlo sidii
Soomaaliya loogu diri lahaa
ciidamo ka socda Afrika ayaa
ayaa halkaasi ku hungoobay
kaddib markii wadamadaasi ku
ekaadeenin Xaladda Soomaaliya
lagu dhameeyo wada hadal iyo is
afgarad, hase yeeshee xogahayaha
Midowga Afrika Alpha Omar Conary
ayaa waxa uu sheegay in
Soomaaliya ay deg deg ugu baahan
tahay ciidamo nabad ilaalin ah
oo gacan siiya Dowladda
Federaalka ee fadhigeedu yahay
Baydhabo.
Geeddi oo Magaalada Nayroobi
kulan kula yeeshey Saraakiil..
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Nayroobi ee dalka
Kenya waxay sheegayaan in uu
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi uu Magaalada Nayroobi
kulan kula yeeshay saraakiil ka
socotay Dowladda Mareykanka,
waxaana kulankaasi la iskula soo
qaaday xaaladda Soomaaliya, iyo
qaabka ugu haboon ee ciidamada
Afrikaanka ah loo keeni karo
Soomaaliya. Ra’isul Wasaare
Geeddi ayaa waxa uu ka dalbaday
Dowladda Mareykanka in la
dedejiyo ciidamada Nabad
ilaalinta ee loo dirayo
Soomaaliya, maadaama xaaladda
Soomaaliya ay haatan tahay mid
halis ah.
Ra’isul Wasaaruhu waxa uu
sheegay in haddii aan
ciidamadaasi dhaqsi loo keeni
Soomaaliya ay Soomaaliya halis u
tahay inay la wareegaan wax uu
ugu yeeray kooxo Argagixiso.
Warar ayaa waxay sheegayaan in
Ciidamda loo soo dirayo
Soomaaliya loo la’ yahay
qarashkii ay ku hawlgali
lahaayeen, waxaana la sheegay in
Ra’isul Wasaare uu ka codsaday
Mareykanka inay bixiyaan
qarashaadka ku baxay ciidamada
nabad ilaainta,. Gaar ahaan
dhinaca daadgureynta oo uu
sheegay Ra’isul Wasaare in ay
tahay mid aad u culus, waxayna
labada dhinac isku mowqif ka
noqdeen in Soomaaliya ay ku
sugan yihiin kooxo argagixiso
ah.
Maxkamad Islaami ah oo looga
dhawaaqay Degmada Caabutwaaq
Maxkamad Islaami ah ayaa
maalintii shalay ahayd laga
furay magaalada Cabud-Waaq ee
Gobalka Galguduud, waxaana ka
qaybgalay munaasabaddii lagu
furayey culima’udiin ka socday
Golaha Maxaakiimta Islaamigaa,
Waxgarad iyo Odoyaal ka soo
jeeda Deegaankaasi.
Dadweynaha ku nool degmada
Cabud-Waaq ayaa si weyn u soo
dhaweeyay furitaankii
Maxkamaddaasi kuna tilmaamay
inay tahay mid wax ka qabaneysa
nabadgelyada iyo xasiloonida
degmadaasi.
Dhawaan ayaa Maxaakiimta
Islaamiga ah gacanta ku dhigeen
degmada Cabud-Waaq kaddib markii
arrintaani ay ka wada hadleen
Odoyaasha Deegaanka iyo
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Warar ayaa waxay sheegayaan in
Maxaakiimta Islaamigu ku sii
siqayaan degmada Balanbale oo
aan sidaasi uga fogey, basle
waxaa halkaasi ka dhow ciidamada
Itoobiya oo iyagu mudo haystay
degmadaasi, basle markii dambe
dib u gurusho sameeyay kadib
markii ay si aad ah ugu soo
dhawaadeen ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah oo iyagu isk
baahina dhamaan gobalada dalka.
Ciidamo ka Gadooday Dowladda
Federaalka oo xaley lagu soo
dhaweeyey ..
Waxaa habeenkii xalay ahayd
Magaalada Muqdisho lagu soo
dhaweeyay ciidamo iyo tikniko
kaddib markii ay ka soo goosteen
Dowladda Federaalka oo ay m,udo
ku sugnaayeen Magaalada Baydhabo.
Ciidankaan oo ka koobnaa 100
Askari ayaa waxay wateen lix
gaari oo saddex yar yar tahay
saddexna ay waaweyn tahay,
waxaan saraakiishii la socotay
ay xalay caddeeyeen in ay ku soo
biireen maxaakiimta islaamiga ah
iyagoo ku tilmaamay kuwo ku
taagan xaq.
Ciidamadaani waxay sheegeen inay
diyaar u yihiin in ay la
dagaalamaan ciidamada Itoobiya
ee ku sugan dalka Soomaaliya,
waxayna codsadeen in la geeyo
safka hore ee dagaalka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka ay ka soo baxsadaan,
dhawaan ayay ahayd markii
ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka ay u soo goosteen
dhinaca Maxaakiimta, waxayna
Dowladda Federaalka dhankeeda
sheegtay in ciidamo ka tirsan
Maxaakiimta ay dhankooda u soo
goosteen, basle markii la baaray
la ogaaday inay ahaayeen ciidamo
beeleed ka koobannaa 13 askari
Dallad ay ku mideysan yihiin
Toban Dugsi looga dhawaaqay
Waxaa maalintii Khamiista ahayd
xarunta HADHSO ee Magaalada
Muqdisho looga dhawaaqay Dallad
ay ku mideysan yihiin toban
dugsi oo ah noocaha waxbarashada
aan tooska aheyn, waxaana lagu
magacaabaa NESON.
Xafladdii lagu dhisayey
dalladdaasi ayaa waxaa ka
qaybgalay maamulada Dugsiyadaasi,
Waalidiinta iyo Ardayda wax ka
barata, waxaana la sheegay in
sababaha loo dhisay dalladdani
ay tahay sidii iska warqab uga
yeelan lahaayeen dhinaca
Waxbarashada.
Guddoomiyaha Dalladda ayaa waxaa
loo doortay Max’ed Cusmaan (New
York), waxa uuna sheegay in
dalladaani ay ka shaqeyn doonto
sidii kor loogu qaadi lahaa
waxbarashada Soomaaliyeed,
maadaama dugsiyada noocaan ahi
ay yihiin kuwa ay ka soo
dhismaan waxbarashada aasaasiga
ah, waxaa kaloo ka hadlay
xoghayaha dalladda Max’ed Nuur
Cali oo isna sheegay in
dalladdaani ka tarjumeyso sidii
ay u xoojin lahaayeen
waxbarashada Carruurta
Soomaaliyeed, waxa uuna u
mahadceliyey intii ka soo
shaqeysay Dalladaasi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16,
2006
8
Askari oo ka fakatay Itoobiya oo
Gaarey Eritrea

Askarta ka fakatay Itoobiya
Sida ay faafisay wasaaradda
warfaafinta ee Eritrea, siddeed
(8) askari oo ka fakaday
ciidanka Itoobiya ayaa gaarey
dalka Eritrea, askartaas oo
sababta ay u soo fakadeen ay
tahay iyagoo ka soo horjeeda
weerarka xukuumada Tigreega (TPLF)
ay ku tahay Soomaaliya. Mid
kamid ah askarta oo magaciisa la
yiraahdo Alelign Simeneh ayaa
shaaca ka qaaday in ciidamada in
ciidamo ka tirsan Itoobiya oo
galeen gudaha Soomaaliya iyagoo
ku xad gudbaya xornimada dalka
Soomaaliya, waxana uu intaas ku
daray in xukuumada Itoobiya ay
xabsiga u taxaabtay saraakiil,
askar, iyo shaqaale caafimaad
kaddib markii laba sarkaal ay ka
fakadeen Itoobiya.
Siddeeda askarta ah magacyadoodu
waa: Kamel Kemalo Sheik, Hassan
Mohammed Ibrahim, Wegari Gidina
Mokjera, Abyot Sheferaw Hunde,
Teyib Haji Temam Suleiman, oo ah
qabiilka Oromo, iyo
Alelign Simeneh Gezu & Adane
Mekuanint Ayichew, oo ah Amxaara
ah iyo Abdi Saleh Mohammed oo ah
Tigrayan.
Isha: Wasaarada Warfaafinta
Eritrea.
Kulankii
Engineerada Soomaaliyeed
Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka
mid ah Engeneeerada Soomaaliyeed ee Dalka ku sugan ayaa..
Akhri...
Dec 15
Fatahaadda Webiga ee Degmada Afgooye Yaa U maqan?
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Prof.
Ken Menkhaus:
U.S.
policy-makers
should avoid an
over-reliance on
information from
the Ethiopian
government,
since it has a
vested interest
in exaggerating
al Ittihad
activities in
order to receive
assistance in
combating the
group. They
should also
mistrust rumors
from Somalis.
Excessive
reliance on
local groups
willing to fight
al Ittihad must
be avoided,
because most of
these groups are
probably more
interested in
continuously
receiving U.S.
resources than
actually
eliminating
terrorist
threats.
...
More...
[November 27,
2001] |
"Waa in aynaan
kuxiraan in aan
akhbaarta keliya ka
qaadano Itoobiya kuwaas
oo inkasta oo ay
saaxiibadeen yihiin
haddana waxay wataan
qorshe iyaga u gaara oo
aan caddayn, waxayna
kabadbadiyaan khatarta."
sidaas waxa yiri Ken
Menkhaus, oo professor
sare ka ah Davidson
College, USA, kaas oo ku
takhasusay Soomaaliya
iyo dhaqdhaqaaq yadeeda
Islaamiga ah,
islamarkaana lataliye
xagga siyaasadda uga
ahaa hawlgalkii Qaramada
midoobey ee Soomaaliya,
marka uu hadalkaas yiri
waxay ahayd talaado
November 27, 2001 asagoo
ka hadlayey kulanka
Carnegie Endowment for
International Peace
symposium
(Washington, D.C.) oo
looga hadlay Afrika,
Islaamka iyo
argagixisada "Africa,
Islam, and Terrorism".
www.ceip.org/files/events/AfricaTerror-summary.asp
Xaggee ku dambaysay
eedeyntii ahayd in
Shimbiraale ay deggan
yihiin urur argagixiso?
-
Weriyayaal isugu
Jira Ajnabi iyo kuwo
ka yimid Muqdisho oo
Booqday Boosaaso iyo
Shimbiraale. Kuma
arag wax urur
argagixiso oo xarun
ku leh Shimbiraale..
Xataa kuma arag raad
shimbireed....
-
Waxaa caddaatay in
wax argagixiso la
yiraahdo aysan
joogin Shimbiraale,
taas oo burisey
hadalkii Cabdullaahi
Yuusuf ee ahaa in
goobtaas joogaan
urur Argagixso ah...

Cabdullaahi
Yuusuf iyo
Maxamed Xaji (Ingiriis)

Maxamed Xaji &
weriye Simon
Scott |
Shimbiraale,
Bariga Boosaaso

Shimbiraale (oo
ah meel lagu
tilmaami jiray
inay
argagixisadu
joogto)
|
Bishii December ee
sannadkii 2001 ayaan
cagta soo mariyey
gobollada Puntland.
Ugu horreyntii, Col.
Jaamac Cali Jaamac ayaan
ku waraystay magaalada
Boosaaso.
Col. C/llaahi Yuusuf,
waxaan isaga kula kulmay
hotel Meereysane oo ku
yaalla magaalada Garoowe,
halkaas oo uu deggenaa
intii uu ku sugnaa
gobolka Nugaal. Waqti
duhur ah oo qorraxdu
kulushahay ayaan u tagay,
iyadoo ay ahayd maalin
Ramadaan ah.
Intaanan soo gaarin
Garoowe, waxaan soo
booqday meesha la
yiraahdo Shimbiraale oo
30km dhinaca bari ka
xigta Boosaaso xeebta
badda cas. Waa meel lagu
tilmaami jiray inay
ahayd xarun argagixiso,
hase ahaatee waxay ahayd
meel dalxiiska ku
wanaagsan oo aan
strategically ku fiican
in ciidamo ay degaan.
Labada nin ayaa is
weydaarsanayey
cambaareyn siyaasadeed,
iyadoo midba midka kale
ku eedeynayey inuu
argagixisada siiyo gacan
iyo gabbaad. Waxay
eedeyntaasi ka dhignayd
dagaalkii Caydiid iyo
Cali Mahdi oo soo gaara
waqtigan, labada nin-na
waxa ay hadda kala
taagan yihiin meeshii ay
kala taagnaan jireen
Cali iyo Caydiid
1991-92.
Iyadoo maanta la xusayo
sannadguuradii 1-aad ee
ka soo wareegatay
September 11 oo ahayd
markii Al-Qaacida ay
weerar ku qaaday
magaalooyinka New York
iyo Washington oo ay
qarxisay daarihii
mataanaha ahaa (twin
towers) iyo xarunta
Pentagon, xaggee ku
dambaysay eedeyntii
ahayd in Shimbiraale ay
deggan yihiin urur
argagixiso?
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:
Ingiriis@yahoo.com
Waxaa dunidu ogaatey in
iska dhaaf in bini aadam
uu xeryo ciidan ka
samaystay'e in xataa
laga waayey raad
shimbireed.....
SOMALITALK | Sept 12,
2002
2001-2003: Warbaahinta
Adduunka oo Lagu Casumey
inay Booqdaan Soomaaliya
Madaxweynihii hore
dawladii kumeel gaarka
ahayd, Cabdiqaasim
Salaad Xasan, waxa uu si
weyn dunida ugu soo
bandhigay in gudaha
Soomaaliya aysan ka
jirin wax loogu yeero
"Argagixiso".

Booqashadii C/Qaasim ee
Liibiya | Shabakada
Dalka
Bishii Octobar 19keedii
sannadkii 2003 mar uu C/Qaasim
booqday Liibiya oo wax
laga waydiiyay
argagixisada hadda ka
hor lagu tilmaamay meelo
ka mid ah Soomaaliya
madaxwayne Cabdiqaasim
waxa uu sheegay in intii
ka dambaysay 1995 tii
markii UN-ka iyo
Maraykanka ay kasoo
baxeen Soomaaliya
wararkii laga bixinaayay
dalka ay ahaayeen kuwa
ay gudbiyaan Itoobiya
Iyo niman gacan saar la
leh oo ay ku sheegayaan
inay saldhigyo
argagixisadu ku
leeyihiin Shimbiraale,
Gedo, Xamar iyo
Raaskambooni hase
yeeshee DKMG ah markii
ay dalka ku casuuntay
warbaahinta reer
galbeedka iyo wafuud
Maraykan ah ay
caddeeyeen in aysan
Soomaliya ka jirin wax
saldhig ah iyadoo hadda
ka hor laba sano
ciidammada reer
galbeedka iyo
marakiibtooda dagaalka
ay ilaalo ka hayaan
xeebaha Soomaliya ilaa
iyo haatanna ayna jirin
wax raad ah.
Itaxaadka iyo aragtida
Siyaasiyiinta Soomaalida.
Madaxda Siyaasadda
Soomaalida siyaalo kala
duwan ayey uga hadleen
Itaxaadka, walow
siyaasiyiinta Soomaalida
aan la kala garan karin
wax ay caqiido ahaan u
rumeysan yihiin iyo waxa
ay ku dangaara
isleeyihiin.
BAARIS: ITAXAADKA
SOOMAALIYA.. GUJI...
|