SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Itoobiya Toddobo Beri ma ku tageysaa; Soomaaliduse Tooda ma Garan 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

CIIDDA CARRAFO OO SOO DHOW IYO MIDOWGA SOOMAALIYA OO SOO CARFAYA. 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waa talo fiican haddii toddobo beri la siiyey si ay ciidamada Itoobiya uga baxaan Soomaaliya. Taasi, Itoobiya ma ka daaddegeysaa? Zenawi wuxuu qaadan la’yahay sida taladii Soomaaliya farahiisa uga sii baxayso. Wuxuu xasuustaa isagoo wuxuu Xamar, Boosaaso ama Hargeysa ka rabo, ay dad dagaaloogayaal ah oo isaga u dhego nuguli ay si dhaqso ah ugu fuliyaan. Dadkaasi waxay wataan jago ka sarreysa dagaaloogaha oo la yiraahdo Ashahaado-la-dirir oo haddii ay gacan-adeygga  Itoobiya dhibsadaan raba in ay waddamo kale ku dawarsankaraan la dagaallanka diinta Islaamka. Zenawi waxaa ka dagi  la’ maxkamadaha oo diin iyo waddanimo isku darsaday. Wuxuu la’yahay ciduu wax u meersho. Waxaa heysta hal-abuur Hadraawi oo leh: 

  • dadku maaha kii hee
  • dib waxay u eedaan
  • marka hore ku dagan jirey
  • dadku maaha kii hee
  • gudin lagu dulbaaxsado
  • daabka looga dhigan jirey.

Waxay ku fiicantahay in ciidanka Itoobiya inta taladaas qaataan ay iskaga baxaan waddanka. Waxaa loo furayaa tub geysa meeshey ka yimaadeen. Waxaa loo ballanqaadayaa inaan cidi xabbad ku furin. Marka iyagoo hubkooda iyo waxooda wata oon cidna ka baqeyn haku noqdaan meeshey ka yimaadeen. Soomaali ahaan dan baa noogu jirta haddii dhiigga wiilashayadu noo baaqdaan. Marka haloo ogolaado in maxkamaduhu meel kasta galaan sida Baydhabo, Puntland iyo Somaliland. Maddaama ammaan la siiyey Itoobiya, waxaa u furun in maxkamaduhu dhulkaas galaan si ay u diyaariyaan in ciidamada Itoobiya helaan waddooyin nabad ah si iyagoon cidna far saarayn ay u aadaan meeshay ka yimaadeen. Waxaana mas’uuliyaddaas qaadaya ciidanka maxkamadaha. Xitaa Itoobiya haddeysan heysan wax ay hal mar ku guuraan, waxaa u furan iney usoo gaadiid ceshadaan. Xitaa waxaa suurtogal ah in maxkamaduhu ka caawiyaan iney waxooda ka rartaan Soomaaliya. 

Qofkii ka mid ah ciidanka Itoobiya ee raba inuusan ku noqon meel Zenawi ka tasho waxaa la siinayaa magangelyo siyaasadeed. Marka waxaa u furan inuu meel kasta oo Soomaaliya iska soo dhiibo iyagoo iska diiwaangelinaya goobaha ay joogaan ciidamada maxkamadaha. Marka kii tagayana waan ku taakuleyneynaa inuu dib u noqdo; kii dadka Soomaaliyeed rabana waan soo dhoweyneynaa. 

Teeda kale waxaa la rabaa in saraakiisha Soomaaliyeed ee wata wiilasha la soo khalday iney fahmaan riyooyinkii iyo ballanqaadkii ay ku socdeen. Khaasatan, anigu waxaan marar badan internetka iyo idaacadaba ka sheegay in ciidamada Puntland ee Baydhabo la keenay aysan aakhiradooda iyo adduunkoodaba iska xumeyn. Waxaan mar hore kula tashay iney dadka Soomaaliyeed wax la qeybsadaan laakiin aysan cadowga Soomaaliyeed ka garabdagaalin. Weli fursad baa furan. Waxaa u furan iney la midoobaan ciidanka maxkamadaha. Marka, xerada Mannaas iyo meelaha kale aad joogtaanba ku soo dhoweeya ciidanka maxkamadaha. Xitaa qofkii ciidanka dowladda ka socda oo raba inuu soo nasto waxaa u furan in la siiyo nooli uu ku tago magaaladii Soomaaliyeed ee uu rabo sida Xamar, Kismaayo, Boosaaso iyo meeshuu doono. 

Ciidamada maxkamaduhu maahan wiilal qabiil ama quud ku dagaalaya. Laakiin waa wiilal mabda’ Islaam iyo qaranimo ku dagaalaya. Waxaa taas markhaati ka ah sida Ilaahay u gargaaray. Waa tii Khaliif Sh. Maxamuud lahaa: 

  • geedihii la gooyaa marbey geydho bixiyaane
  • haddii aan guntoodiyo engagin goborta hooseysa
  • inkastoo la gubo xididadeey goror ku heystaane  
     
  • gurmo-go’antu waa soo fuftaa guux hadduu maro’e
  • gu’ sooraan ahaaneed haddii gibilku seymeeyo
  • mar uun buu galoolku is xiraa gubatadii Soole  
     
  • wixii Guullaheey korinayaa garab ma waayaane
  • inkastaad nakala gaasirtoo nagu galeyryeysay
  • Rabbi baa guddoonsaday inaan gacan sarreynaaye

Yaa garankara cid ka reyn karta cid Ilaahay la jiro oo uu guul la rabo? Ma Maraykan?! Mise Itoobiya?! Marka guushaas Ilaah baa keenay, Isaga keliya baana qaadikara. 

Maaddaama ay ciiddii weyneyd ee Carrafo soo socoto haddii Ilaah idmo waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed kala dooransiiyo Maxkamadaha iyo Meles Zenawi! Qofkii diin iyo dhaqan Soomaaliyeed ku dambeeyo haddee warku waa u cad yahay laakiin bal aan xitaa xagga fanka milicsanno. Shaki ma leh in hal-abuurrada Soomaaliyeed ay intooda badan u dhabarjeediyeen kacdoonka shacabka marka laga reebo dad faro-ku-tiris ah laakiin bal aan fiirinno waxay horay u dhaheen: 

  • sidaan ahay nin gaaloo
  • Xarameynkii galayoo
  • gubey maalin ciideed
  • lagu soo gurmaday baad
  • gebi dheer i saartood
  • igu gooni baartee
  • guur ha iga filanine
  • gurigeyga ii dhaaf

Hal-abuurkaasi wuxuu tusay in wax gaalnimo ka daran aysan jirin. Waxaan filayaa in hal-abuurkaasi uu aad u fahmay Aayadda Qur’aanka ah eel eh ( WALKAAFIRUUNA HUMUDDAALIMUUN) oo ah gaalada uun baa daalimiin ah. Sidoo kale wuxuu sii caddeeyey in arrintu ugu darantahay marka meelaha iyo maalmaha ku weyn muslimiinta dhibaato la sameeyo ama loo geysto. Hal-abuur kale waa tuu lahaa: 

  • ma deyrkii Makkaan gubay
  • dunidaaba olashee?

Haddaad run rabtaan, dagaalladii hore ee Xabashi noo dhaxeeyey wuxuu kani sii dheeryahay waa iyadoo Zenawi iyo cadowgu Islaamku rabaan iney damiyaan diinta Ilaahay! Mana damin karaan keliya waxaa nala gaarsiin karaa dhib laakiin diinta Ilaah baa xafidaya. Marka ma jirto wax laga baqo. 

Waxaan meelaha ku arkaa dad dibadaha jooga khaasatan UK oo haddana Zenawi taageersan iyagoo la dudsan qab-qabqablahooda! Waxaysan xasuusan in waddankan UK sanadkii 2003 loo codeeyey boqolka qof ee ugu mudan ee wax u taray waddankan. Intooda badan waxay ahaayeen dad dhintay sida saynis-yahanno, kuwo fanka ku horreeyey, injineerro, boqorro/boqorodo, siyaasiyiin iyo dadka kale oo caan ahaa. Codod-tiris kaddib waxaa isu soo haray toban qof. Marka tobankii isu soo haray baa mid walba waxaa laga diyaariyey warbixin ay teleefishinnada ka soo bandhigayaan dadka caan ah oo UK u dhashay sida wariyayaal, siyaasiyiin ama aqoonyahanno kale. Markii ugu dambeysay waxaa kaalinta koowaad galay oo shacabku u codeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Winston Churchill. Muxuu ku helay codeyntaas? Keliya waa isagoo waddankiisa ka difaacay Jarmalka. 

ramaasAfhayeenka RPP oo Digniin Kulul u diray Zenawi:
Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party[RPP] ee midoowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku canbaareeyay go'aankii ay golaha barlamaanka maamul Gobaleedka Puntland ay kusoo dhaweeyeen cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Akhri...

Waxaa qof ugu caqli xun, qofka inta arrintaas og haddana ka yeela warbaahinta reer Galbeedka oo u arka maxkamadaha argagixiso, iyagoo sidii Churchill uu UK u difaacayey uga difaacaya waddankooda Itoobiya. 

Marka Ilaahay idinkiis, waxaan aamminsanahay in maalinta Carrafo uu waddanka Soomaaliyeed intiisa badan ka xor noqondoono cadowga Tigreega. Marka wiilasha Soomaaliyeed ee Tigreega ka dhinacdagaalamayoow ka soo taga. Sidoo kale waxaa Zenawi u fiican inuu ciidankiisa kala baxo Soomaaliya muddadaas loo qabtay. Hadduu diido, anoo aqaan shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa mar haddii xabbadu bilaabato iney ka bilaabmeyso meel kasta oo Soomaaliya ah ee aysan ku ekaaneyn Baay iyo Bakool oo keliya. Haddii Ilaah idmo, dagaalka kaddib adoo raalli ah baad baxaysaa. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD