SHEEKH YUUSUF INDHACADDE “HADDII 7
MAALMOOD GUDAHOOD AY CIIDAMADA ITOOBIYA
UGA BIXI WAAYAAN SOOMAALIYA WEERAR AYAAN
KU AADAYNAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN
Madaxa
Amniga ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh
Yuusuf Max’ed Siyaad (indhacadde) oo uu dhinaciisa midig
fadhiyo ku xigeenkiisa dhinaca amaanka sh: muqtaarroobow (
abuu mansuur ) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay
xafiiskiisa magaalada Muqdisho, isagoo uga hadlayay arrimo
dhowr ah oo ay ka mid yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo
buux dhaafiyay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Min Mudug
ilaa Kismaayo, digniin uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo
beesha caalamka.
“Xuduudda u dhexeysa
Itoobiya iyo Kenya waxaa halkaasi ku sugan sida aanu wararka
ku heleyno 1500 oo ciidan iyo 25 gaadiidka dagaalka ah,
waxayna doonayaan inay u gudbaan dhinaca Kenya si ay u soo
weeraraan gobollada Jubbada dhexe, Jubbada hoose iyo
deegaano kale oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Maxkamadaha”
ayuu yiri Yuusuf indhacadde oo sheegay in in dowladda
Itoobiya ay la heshiin karaan oo kaliya marka ay ka baxaan
gudaha dalka Soomaaliya.
“Xiriirka annaga iyo Kenya
noo dhexeeya mad-madow yar baa ku jira, 60% waa hagaagsan
yahay, waxaana uga digeynaa dowladda Kenya inaysan ciidamada
Itoobiya u gudbin waddankeeda si Soomaaliya halkaas loogu
soo duulo, waan ka codsaneynaa, waana uga digeynaa” ayuu
yiri
Yuusuf Indhacadde oo sheegay in deegaano dhowr ah ay ku
sugan yihiin ciidamada Itoobiya oo gaaraya ilaa 38-40 kun oo
ciidanka Tikreega ah.
Yuusuf Indhacadde waxa kale
oo uu yiri “haddii dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala
bixi weyso 7da maalmood ee aan u qabanay xoog ayaan uga
saaraynaa, waana ku weerareynaa meel kasta oo ay ka joogaan
gudaha Soomaaliya”.
Dhinaca kale waxa uu
sheegay in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin ciidamo
Itoobiyaan ah oo gaaraya ilaa seddax gaas ah, macal
taakuleyntooda, isu geyntoodana ay yihiin inta u dhexeysa
16-18 kun oo ciidan ah, “Waxaan ugu baaqaynaa adduun weynaha
iyo dalalka Afrika inay dowladda Itoobiya ku qanciyaan inay
si shuruud la’aan ah uga baxdo dhulka Soomaaliyeed, tagtana
xuduudaheeda” ayuu yiri Yuusuf Indhacade oo uu hareer
fadhiyay xilligaasi ku xigeenkiisa Sheekh Mukhtaar Roobow
Abu Mansuur.
Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacade)
waxa uu uga mahad celiyay dowladda Uganda mowqifka ay iska
taagtay ciidamo ay u dirto dalka Soomaaliya, “dabka ka kaca
Soomaaliya ma noqonayo mid ku eg dalkeena oo kaliya ee wuxuu
gaari doonaa geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka” ayuu
yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo gaashaanka ku dhuftay inuu
aqoonsan yahay dowladda Federalka Soomaaliya.

Mar la weydiiyay siduu
horay u sheegay haddii goluhu amaanku ansixiyaan
cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay ka qaadaan inaad u
yeeraneysaan dagaal yahano shisheeye, hadda cunaqabateyntii
hubka waa la qaaday oo golaha ammaanku waa isku raacay
sidaas darteed dagaalyahano shisheeye ma u yeertay oo ma ka
dhabaysay arrintaasi, ayuu ku jawaabay “Haddii seddax ruux
oo isla dhalatay aad tihiin oo ay labo dhinac kaa noqdaan
waxaad ku qasban tahay inaad cid labadaasi kaaga hiilisa u
yeerato, adduunkoo dhanna wuxuu isku raacay in nabada
Soomaaliya la carqaladeeyo oo maxkamadaha lala diriro,
annaga haddaan nahay maxkamadaha Islaamiga cid kasta oo
Islaam ah waan soo dhoweynaynaa, wuuna u furan yahay
dalkeena.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...
Xildhibaannada
Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu
cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...


|