SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 29, 125

Barnaamijkii Radio Xoriyo
12 December 2006 
 
 Dagaallo lagu jabiyey ciidamada  cadowga Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya oo la soo dhoobey Xuduudka G/ Hiiraan
Guddoomiyaha JWXO oo shir wayn kaga qayb galay magaalada London
Shir balaadhan oo ay qabatay Jaaliyada Ogadenya ee K/afrika.
Barnaamijka Dareenka dadweynaha.
======================            
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo ay iskaga horyimaadeena ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kua saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya, waxayna dagaalladaasi ka dheceen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 06/11/06 dagaal ka dhacay La-helow waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
25/11/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya waddada u galeen kolonyo ciidammada cadowga ah oo marayasay meesha lagu agacaabo Mara-koor, oo ka tirsan degmada Qallaafe, waxayna halkaas ku gubeen hal baabuur, oo ayna waxba ka bixin wixii saarnaa oo dhan. Waxay sidoo kale khasaare ba¢an oon faahfaahinta la haynin gaadhsiiyeen ciidammadii saarnaa baabuurta kale.
 
26/11/06 dagaal sidoo kale ka dhacay Laamu, oo ka tirsan Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 8 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 10 askari.
 
28/11/06 dagaal ka dhacay Antoomi, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
29/11/06 dagaal ka dhacay Carmaale waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
09/12/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya jidka ku heleen ciidammo Itoobiyaan ah oo wada koox ka mid ah dad laga soo ururiyay gobolka Qorrexey oo loogu talagalay inay cadowga la shaqeeyaan. Ciidammadan iyo dadkan isku dhafan waxaa lagu helay duleedka Maraacaato iyagoo lugaynaya oo meel magaalada aad uga fog kaga yimid seddex baabuur oo ay wateen. Kooxdan ayaa meelo kala duwan u kala firxaday.
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 26/11/06 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ku dileen meesha lagu magacaabo Walaa-goo, oo ka tirsan degmada Dhanaan, nin shacab ah oo magiciisa aanaan haynin.
 
Sidoo kale 27/11/06 waxay ciidammada cadowgu degmada Dhanaan ku dileen nin shacab oo magiciisa aanaan helin.
 
Magaalada Gunagado waxaa muddo lix bilood ah ku xidhan dadwayne rayad ah oo isugu jira kuwa maamul ku-sheegga degmada ka tirsanaa iyo qaar kale oo rayad ah.
 
Xubnaha maamul ku-sheegga ka tirsanaa ee lixda bilood ku xidhnaa degmada Gunagado waxay kala yihiin;
1-     Maxamuud Xasan Cali (Indheeye)
2-     C/llaahi Yuusuf Cali Aar (C/llaahi Dheere)
3-     Maxamed Cabdi Geelle (Dhagawayne)
4-     Nuur Mxamuud Xasan (Illow)
 
Dadka kale ee iyaguna Gunagado ku xidhxidhan waxaa mid ah labo nin oo loo haystey inay taageeraan JWXO, waxayna labadaas nin kala yihiin;
1-     Sh Maxamed Cali Siyaad
2-     Axmed Cabdi Mahdi
Waxaa kaloo magaalada Gunagado ku xidhxidhan shan qof oo rayad oo loo haysto baabuur badhtamaha sannadkan lagu gubay meel aan ka fogayn Gunagado. Dadkan shanta ah waxaan magacyadooda kowaad ore oo kaliya haynaa labo ka mid ah, waxayna kala yihiin;
1-     Fannaase iyo
2-     C/samad
Dadkan ayaa la sheegayaa in jidhdil ba¢an loo gaystay intii ay halkaas ku xidhxidhnaayeen.
 
Ciidamada Itoobiya oo la soo dhoobey Xuduudka G/ Hiiraan
 
 
Wararka laga helayo xuduuda Gobolka Hiiraan la wadaago Ogadeniya ayaa sheegaya in askarta Ciidamada Itoobiya   ay soo gaareen halkaas iyadoo fariisamo ka sameystey deegaanka War Qumayo oo dhinaca waqooyi kaga beegan Far Libaax ee Gobolka Hiiraan
 
Ciidamadan oo wata ilaa 80 baabuurta dagaalka ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan tuulooyinkaWar qumayo, Sariile iyo meel 40 Km dhinaca Waqooyi kaga beegan tuulada Far Libaax ee gobolka Hiiraan.
 
Ciidamadan Wayaanaha ah ayaa waxaa la sheegay in ay wehliyaan maleeshiyaad taabacsan Hogaamiye Kooxeedka Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo ka mid ahaa Isbaheysigii lagaga taagta roonaaday dagaaladii ay la galeen Maxkamadaha Islaamka.
 
Dhica kale, Mudanayaasha Baarlamaanka KMG ka ah ee Soomaaliya kuwooda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Zenawi ee Itobiya ku Cambaareeyay in ay wado qorshe ay iskugu balaarineyso Dalka Soomaaliya.
 
Shir jaraa'id oo ay maantii Axada ku qabteen Xildhibaanadan Baarlamaanku Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen in Xafiiska Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ay si sir ah uga heleen khariirad cusub oo ah Afrika ah, taasi oo laga saaray Dalka Soomaaliya.
 
 
C/lle Xaaji oo kamid ah Xildhibaanada Muqdisho oo Shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Qariiradan ay ku jiraan dhamaan Wadamada Afrika, marka laga reebo Dalka Soomaaliya Wuxuuna Xildhibaanku sheegay in halkii ay Soomaaliya kaga tiilay Qaarada Afrika lagu qoray Itooobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Warar iyaguna ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa xerooyinka Deynuunay iyo Lug-Habar ay halkaasi ka soo baxeen oo ay u soo guureen dhinaca Gudaha Magaalaad baydhabo. Warku wuxuu intaas ku daryaa in ay cabsi la soo daristey Ciidmada Itoobiya, iyaga oo ka cabsi qaba in ay Xerooyinkaas ku go'doomaan hadii dagaal ka qarxo Magalaada Baydho, halka warar kalena ay sheegayaan in Ciidadmada Itoobiya loo soo rarey si ay u difaacaan xarunta Madaxtooyada ee DFKM ee Soomaliya.
 
Guddoomiyaha JWXO oo shir wayn kaga qayb galay magaalada London
 
Maalintii axadda ahayd ee taarikhdu ku beegnayd 10/12/06 waxaa magaalada London ee dalka Britain lagu qabtay shir wayn oo lagaga hadlayay arrimaha Ogaadeenya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee waddanka Britain. Shirkan waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha JWXO iyo madax kale oo Jabhadda ka tirsan iyo dadwayne aad u fara badan oo isaga yimid gobollada kala duwan ee dalka Britain.
 
Shirkan waxaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay guddoomiyaha JWXO Admiraal Maxamed Cumar Cismaan, oo dhawaan ka soo laabtay dalka Ogaadeenya oo uu muddo dheer ku sugnaa. Guddoomiyuhu wuxuu ka warramay horumarka lagu dhaadan  karo ee uu sameeyay halganka Ogaadeenya ee JWXO hormudka ka tahay. Wuxuu sidoo kale ka warramay guulaha is-dabajoogga ah ee cidammada xoreynta Ogaadeenya ka soo hoyiyaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada maxaysatada ah ee gudmaysiga Itoobiya ku soo ururiyay dalka Ogaadeenya.
 
ramaasAfhayeenka RPP oo Digniin Kulul u diray Zenawi:
Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party[RPP] ee midoowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku canbaareeyay go'aankii ay golaha barlamaanka maamul Gobaleedka Puntland ay kusoo dhaweeyeen cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Akhri...
Markii uu guddoomiyuhu dhammeeyay warbixintiisii waxaa dadwaynaha fursad loo siiyay inay waydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay qabaan, iyadoo guddoomiyaha la waydiiyay su’aalo aad u fara badan oo uu dhammaantoodba uga jawaabay si ay ku qanceen dadwaynihii madashaas isugu yimid.
 
Shirkan, oo ahaa mid in muddo ahba la sugayay, waxaa sidoo kale ka soo qayb galay guddoomiyaha hooggaanka arriamaha dibada iyo jaaliyadaha mudane C/raxmaan Sh Mahdi iyo guddoomiyaha hay’adda kormeerka iyo hanti dhawrka mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirrane).
 
Shirkan, oo uu daadihinayay guddoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee Britain Sh Xuseen, ayaa u dhacay sidii loogu talagalay, iyadoo laga gaadhay ujeeddadii loo qabtay oo ahayd in dadwynaha Britain looga warbixiyo halganka Ogaadeenya iyo marxaadda uu marayo.  
 
Shir balaadhan oo ay qabatay Jaaliyada Ogadenya ee K/afrika.
Dec 10, 2006 Maanta oo maalin Axad ah taariikhduna ay tahay 10 kii December waxa uu shir ka dhacay magaalada xarunta u ah jaaliyadda Ogaadeenya ee Koonfur Afrika, Uitenhage ee Gobolka eastern Cape.

Shirka noocan oo kale ah waxay jaaliyaddu qabataa sanadkii labo Jeer,kaasoo dadku ay dhaqaale gurmad ah ugu deeqaan jabhadda.

Shirkan maanta dhacay ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan oo si run ah utaageera halganka.

Shirkaasi waxaa dadka dhiiggiisa dhaqaajiyo wacdi diini ahoo dhow sheekh oo hadlay ay jeediyeen,waxaa kale oo halkaas qudbad dheer ka jeediyay gudoomiya jaaliyadda.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay Xaaladda deegaan ee Ogaadeenya,halganka Ogaadeenya iyo meesha uu maanta taagan yahay iyo isbadalada Kosaoo muuqda Geeska Afrika Saamaynta ay kuleedahay dadka Ogaadeenya.

Kadib dadkii shirka fadhiyay ayaa waxay si hagar la'aan ah ugu yabooheen cid kastaba wixii dhaqaale ah ee ay awooday.

Waxaa la kala boobay qoritaanka yaboohii dhaqaalaha,iyadoo dadka ay aad uga muuqatay qiiro wadanimo oo ay gaws dambeedka ku haystaan taageerada halgankooda lagu raadinayo Aayo-katalinta dulka Ogaadeenya.

Kadib dadwaynihii ayaa aaraadoodii jeedsaday,waxa uuna shirku gabagaboobay iyaoo dadku ay sacabinayaan,ilama markaana ay ad ugu sii xiiso qabaan in shirku sii socdo.
Sidoo kale unugta jwxo ee wadanka Sweden ayaa iyaguna shir isugu yimid,shirkaas ayaa lagu doortay gudi cusub oo maamulka sii haya labada sano ee soosocota.
Waxay kasooqayb galayaashii shirkaas balan qaadeen inay hiil iyo  hooba la garab taagan yihiin halganka hubaysan ee loogu jiro xoraynta Ogadenya.
12 December 2006.
Axmed Xidig
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

dfkmgXildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad  Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD