Wararkii: Dec 12, 2006
- Dowladda oo ka
walaacsan Isbalaarinta ay wadaan Maxaaakiimta..
- Qadaafi oo wada qorshe
uu isugu keenayo Dowladd Federaalka iyo..
- Ciidamada Itoobiya oo
laga yaabo in ay dib uga gurtaan Gobolka..
- Ciidamo ka tirsan
Maxaakiimta oo u dhaqaaqey Deegaanka .
- Dowladda Federaalka oo
si kulul u beenisay Kharriradii Dhawan soo Bandhigeen..
Dowladda oo ka walaacsan
Isbalaarinta ay wadaan Maxaaakiimta..
War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda fedaraalaka ayaa waxaa
Maxakamadaha Islaamiga ah lagu eedeeyey in ay wadaan
isbalaarin gaar ahaan goobaha ay ka tiliso Dowladda
fedaraalka ah, waxaa kaloo war Saxaafadeedkan lagu sheegay
in isbalaarintaas ay qaybka yihiin Xubno ka tirsan waxa
loogu yeero Kooxaha Argagixisada ah.
War Saxaafadeedkaasi waxaa kaloo algu sheegay in Maxkamadaha
Islaamiga ah ay wadaan qurshayaal kale oo lagu doonayo in
lagu qabsado deegaano kale oo ka tirsan meelaha ay ka tiliso
Dowladda fedaraalka ah oo ay ku jirto xarunta Dwoaldda
fedaraalka ah ee Baydhabo.
Dowladda fedaraalka ah waxa ay sheegatay in Maxaakiimta ay
doonayaan in ay Magaalada Baydhabo ay ka fuliyaan falal
Argagixiso ah oo la mid ah kuwii horay uga dhacay Magaalada
Baydhabo oo la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxwane C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay
koontoroolka Magaalada Baydhabo waxaana ugu dambeentii war
Saxaafadeedka lagu sheegay in Dowladda fedaraalka ah ay
isdifaaci doonto Dalka ay ka saari doonto Kooxaha
Argagixisada ah, ugu dambeyntii waxay u soo jeediyeen beesha
Caalamka in ay ka hor tagaan kooxahaasi.
Qadaafi oo wada qorshe
uu isugu keenayo Dowladd Federaalka iyo..
Madaxweynaha wadanka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa wada
qorshayaal ay Dowladiisa ku dooneyso inay isugu keento
Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo laga
cabsi qabo in uu dhex maro dagaal ku baaha geeska Afrika.
Hogaamiyaha Liibiya ayaa la filayaa in uu dhawaan dalkiisa
ku martiqaado ergo ka socota Maxaakiimta Islaamiga ah. iyo
Dowladdda Federaalka, hase yeeshee su’aasa isweyiinta mudani
waxay tahay sida ay suuragal ku noqon karto in uu Qadaafi uu
dhex dhexaadiyo labada dhinaca, maadaama Jaamacadda Carabtu
ku guuleysan weysay inay xal dhex dhigto Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, horey ayay Dowladda
Federaalka Liibiya ugu eedeysay in aysan dhex dhexaad ka
aheyn arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay tahay dowlad
taageerta Maxaakiimta Islaamiga ah.
Hogaamiyaha Liibiya waa hogaamiye si aad ah looga qadariyo
qaaradda Afrika, waxa una horey ugu guuleystay inuu heshiis
dhex dhigo wadamo fara badan oo qaaraddanka AFrika ku yaal
oo ay qalalaaso horey uga jireen.
Ciidamada Itoobiya oo
laga yaabo in ay dib uga gurtaan Gobolka..
Warar hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada
Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo laga yaabo in
halkaasi dib looga saaro kaddib markii dowladda Itoobiya
lagu cadaadiyey inay ciidamadeeda halkaasi ka saarto ayna
geyso xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey ayaa waxa uu dhigayey in Wadamada deriska ah aysan
wax lug ah ku yeelan ciidamada loo dirayo Soomaaliya, hase
yeeshee afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu
sheegay in Ciidamada Itoobiya aysan marnaba ka bixin doonin
gudaha dalka Soomaaliya inta ay Dowladda Itoobiya dalkeeda u
noqonayo ammaan buuxa.
Ciidmaada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa
tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 30 Kun oo Ciidamo ah,
iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo naga soo
gaaray ay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee ku sugan
Daynuunaay ay u gurteen dhinaca Maaya-Fuulka
Ciidamo ka tirsan
Maxaakiimta oo u dhaqaaqey Deegaanka .
Wararka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in
Ciidamo aad u xoogan oo maalmahan lagu uruurinayey gobalka
Hiiraan, qaarkoodna laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la
sheegay inay haatan u dhaqaaqeen dhinaca Gobalka Bakool.
Ciidankaasi oo wata Tikniko badan ayaa waxaa lagu sheegay in
ujeedada ay u tagayaan Bakool ay tahay kaddib markii
dadweynaha ku nool Xudur ay dalbadeen in Maxaakiimtu ay
yimaadaan degmadaasi si looga furo halkaasi Maxkamad Islaami
ah. Ciidamanka Maxaakiimta ayaa maalmahan soo socda waxa ay
gaari doonaan Degmada Tiyeeglow oo 90Km u jirta Xudur ee
Gobalka Bakool.
Ciidanka Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa qorsheynayaan in
ay ku faafaana Gobalada Gedo, Bakool iyo Baay, iyadoo
Maxaakiimta Islaamiga ah Gobalka Baay ka haystaan labo degmo
oo kala ah Buur-Hakaba iyo Diinsoor, waxayna ku sii jeedaan
Magaalada Qansax-Dheere, sidoo kale Maxaakiimtu waxay kulamo
la yeesheen Culuma’udiin iyo Odoyaal ka soo jeeda
Baar-Dheere, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii
Maxaakiimtu u soo gaari lahaayeen Gobalkaasi.
Dowladda Federaalka oo
si kulul u beenisay Kharriradii Dhawan soo Bandhigeen..
Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa si kulul u
beeniyey Qariidaddii Maalintii shalay ahayd soo bandhigeen
xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Muqdisho,
qariidaddaasi oo sheegeysay in gebi ahaanba maabkii Qaaradda
Afrika laga tiray Soomaaliya, waxa uuna afhayeenkaasi ku
tilmaamay qariiraddaasi mid been abuur ah oo lagu sameeyay
Magaalada Muqdisho.
“qof kasta ayaa garan kara in Qariiraddu tahay mid la
sameeyay oo la doonayo in lagu kiciyo shacabka Soomaaliyeed”
ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in qariiradaha noocaan oo
kale ah horey loo soo bandhigay balse lagu hungoobay, waxa
uuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka
digtoonaadaan wax uu ugu yeeray dibindaabyada iyo iska hor
keenka bulshada.
Qariiraddaan ayaa xildhibaanabadu waxay sheegeen in ka soo
bixiyeen ama ka heleen Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, hase
yeeshee Xildhibaanada ma aysan caddeyn cidda siisay
qariiraddaas oo maalintii shalay ahayd si aad ah loo hadal
hayey.
Hay’adda CORD oo
qabatay siminaar ku saabsan Gudniin Fircooniga…

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada
Muqdisho waxaa lagu qabtay Siminaar looga hadlayey Gudniinka
Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka waxaana soo qaban-qaabiyey
Hay’adda Community Organization For Relief And Development
(CORD), waxana ka qaybgalay xubno ka socday Hay’adda
Maxaliga ah, Culima’udiin, Waxgarad, Haween iyo Saxafiyiin,
waxaan siminaarkaasi furay madaxa Mashaariicda CORD Raaliyo
Sheekh Amiin oo sheegtay in sababaha ay u qabteen
Siminaarkan halka maalin ah ay tahay sidii bulshada loogu
wacyigeli lahaa dhibaatooyhinka Gudniinka Fircooniga ah iyo
Cudurka AIDS-ka.
Siminaarka intii uu socday waxaa casharo ka bixiyeynayey
Mukhtaar Xasan oo isna si aad ah ugu dheeraaday
dhibaatooyinka uu Gudniinka Fircooniga ah ku hayo Haweenka
Soomaaliyeed iyo halista Cudurka AIDSka, sidoo kale waxaa ka
hadlay Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir
Ibraahim Gacal (Abkow) oo sheegay in Bulshada looga baahan
yahay in ay ka feejignaato halista Cudurka AIDS-ka iyo
dhibaatada uu keeno.
Siminaarkaan waxaa kaloo ka qaybgalay ku xigeenka madaxa
Caafimaadka ee Maxaakiimta Islaamiga ah Max’ed Xaashi
Fara-Cadde oo sheegay in bulshada looga baahan yahay inay la
yimaadaan qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo gudniinka
Fircooniga ah iyo Cudurka AIDS-ka oo ah labo dadka dhibaato
weyn ku haya, waxaa sidoo kale ka hadlay Injineer Max’ed
Cilmi Guure oo sheegay in Cudurka AIDS-ka uu leeyahay Daawo,
balse aan weli la helin, isagoo tilmaamay in wax kasta ay
daawo leeyihiin.
Xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ayaa gebi ahaanba isku
raacay in bulshada laga wacyigeliyo halista Cudurka AIDS-ka
iyo waliba in bulshada lagu wacyigeliyo sidoo ay isaga
dhaafi lahaayeen Gudniinka Fircooniga ah.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006
Xubno ka mid ah
Soomaalida Minnesota oo ka munaaqashoodey xaaladaha Horyaal Soomaalida
.Senator Coleman oo warqad u direy Koonfur
Afrika
.Sen. Coleman oo difaacay Ellison inuu ku dhaarto
Quraanka
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Dec 11
Dhaqdhaqaaq aad u
xoogan oo laga dareemey aagga Baydhabo
.Miles Zenawi oo looga digay in uu yimaado Baydhabo..
.Magaalada Baydhabo oo aysan ku sugneyn Saddexda..
.Soomaaliya oo laga xusay maalinta Baaqa Caalamiga..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Dec 11
Munaasabad lagu
xusay 58 Guurada Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga oo lagu Qabtay
Muqdisho
Ciraaq oo aarsiga
Suniga iyo Shiicada oo gaaray heerkii ugu xumaa
Xildhibaannada
Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu
cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...
Wasaaradda Maaliyadda
DGPL oo Joojisey Lacagaha Caafimaadka ee Askarta
Puntland...
Askari ku sugan
magaalada Garowe oo ka gaabsaday in magiciisa la
shaaciyo ayaa...
Akhri...
Faallada Maanta:
Xukuumada Puntland ma mid
Gaalada u adeegtabaa mise waa mid Muslim
| C/Risaaq Aadan
Soomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka
badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...


|