-
Golaha maxaakiimta oo Beeniyey
Qabsashada Diinsoor ee uu sheegay col.
c/risaaq afguduud.
-
Raii'sal wasaare Geedi ma Itoobiyaanbaa
mise waa Soomaali ?
Raii'sal wasaare Geedi ma
Itoobiyaanbaa mise waa Soomaali ?
- Raysal wasaare
Geedi oo mar kale ku celiyey inay lama huraan tahay in
soomaaliya dagaalo sokeeye ka dhacaan.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda
Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa si
rasmi ah afkiisa warbaahinta uga sheegay inaan Soomaaliya
aysan huri doonin inay cagaha la gasho dagaal sokeeye,isagoo
ku sugan magaalada addis ababa ee xarunta itoobiya maadaama
uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo
calooshood u shaqeystayaal ah oo laga keenay Carabta.
Sidoo kale geedi ayaa intaas ku daray ''''Dagaal waa lagama
maarmaan laakiin Dowladda Federaalka waxay sii wadi doontaa
inay ka qeyb qaadato dadaal kasta oo nabadeed" ayuu yidhi
prof. Geeddi oo intaasi sii raaciyey in dowladiisu
diyaarineyso sidii ay isku difaaci lahayd isla markaana ay
isaga caabin lahayd wax uu ugu yeedhay midowga argagixisada
Islaamiga Muqdisho.
Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay inaanay dhinacooda
weerari doonin Maxkamadaha Islaamiga ah balse ay is difaaci
doonaan mar kasta, wuxuuna sheegay in halista xilligan ka
jirta Soomaaliya ay tahay kooxo xag-jir ah oo maalin kasta
oo ku soo qulqulaya dalka, wuxuu sheegay in 3000
dagaalyahano shisheeye ah ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo
nawaaxigeeda.
Si kastaba ha ahaatee raysal wasaare Geedi ku celcelinaya
inay dalka joogaan niman ajnabi ah si uu taageero uga helo
itoobiyaanka iyo dowlada maraykanka islamarkaana miciin
biday magaalada xarunta u ah itoobiya ee adiis.
Sh. Yuusuf Indha Cadde oo
jawaab kulul ka Bixiyey Hadalkii shalay kasoo yeedhay
dawlada Ethiopia
Madaxa amniga golaha maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed Sh
Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa gaashaanka u daruuray
war shalay kasoo baxay dawlda Ethiopia kaasi oo ah in
maxkamadaha ay yihiin khatarta ugu ballaadhan ee iminka
shacabka Ethiopianka ah kusoo maqan.
Indha Cadde waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aanay
wax khatar ah ku ahayn shucuubta ku dhaqan gobolka geeska
Africa iyo guud ahaan caalamka waxa uuna ku tilmaamay warka
Ethiopia kasoo yeedhay mid marmarsiyo looga soo dhiganayo
duulaanka ay Ethiopia ay ku doonayso inay kusoo qaado dalka
Soomaaliya.
Yuusuf Indha Cadde waxa uu tilmaamay in maxkamadaha islaamka
aanay doonay in wax dhibaato ah ay u geysteen shucuubka
gobolka kula nool waxa uuna sheegay in waxa haatan fara
gelinaya ay tahay dawlada Ethiopia , maxkamadaha islaamkuna
aanay mar qudha fara gelin ku samaynin gudaha dalka
Ethiopia.
Indha Cadde waxa uu ugu baaqay ciidamada Ethiopianka ee ku
sugan gudaha dalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan
ay dalka isaga baxaan waxaana uu carabka ku dhuftay
maxkamadaha in ay isdifaacayaan haddii dalkooda lagu soo
duulo.
Si kastaba ha ahaatee Hadalka IndhaCadde ayaa jawaab u ah
hadal shalay kasoo yeedhay la taliyaha ra’isalwasaaraha
dalka Ethiopia Barakaad Simon kaasi oo sheegay in dawlada
Ethiopia ay khatar xoogani kaga soo wajahan tahay dhinaca
islaamiyiinta ku sugan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Golaha maxaakiimta oo
Beeniyey Qabsashada Diinsoor ee uu sheegay col. c/risaaq
afguduud.
Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa beeniyey
Hadalka kasoo yeedhay Sarkaalka guutada koowaad ee dfkmg ah
col.c/risaaq afguduud oo sheegay inay saaka qabsadeen
degmada diinsoor ee gobolka baay kadib markii uu halkaasi
dagaal ku dhex maray dowlada fkg ah iyo golaha maxaakiimta
soomaaliyeed waa siduu sheegaye islamarkaana madaxa dacwada
iyo warfaafinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed
sh,Abdaraxiin cali mudeey ayaa ku tilmaamay wax alle kaga
fogaansho ah oo aan sal iyo raad toona lahayn wax dagaal
ahina uusan ka dhicin deegaankaas islamarkaana ay gacanta ku
hayaan golaha maxaakiimta soomaaliyeed.
SHeikha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadlkan mana
jiraan wax dagaalo ah oo dhex maray maxaakiimta islaamka
soomaaliyeed iyo dowlada waxaanuna cadaynaynaa inay
deegaankaas ku xeeran iyo degmada diinsoorba ay gacanta ku
hayaan golaha maxaakiimta soomaaliyeed .
DHanka kale taliyaha guutada koowaad ee ciidanka dfkmg ah C/risaaq
Af-guduud mar uu xalay wareysi dheer siiyay mid kamida
warbaahinada muqdisho ayuu sheegay , inay dagaal ku
qabsadeen degmada diinsoor welibana waxuu intaas ku daray
inuu dagaalkaasi dhacay shalay gelinkii dambe waa siduu
hadalka u dhigaye.
"Waxaa dhacay dagaal, waxaanan kaga dilnay Maxakamdaha rag
badan sidoo kalena waxaan kaga qabsannay hub aad u fara
badan oo ah nooca gawaarida saaran" ayuu yidhi C/risaaq
Af-guduud oo sheegay inay haatan iyagu gacanta ku hayaan
Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay .
Col. C/risaaq Af-guduud ayaa sidoo kale sheegay inay
dagaallo yaryar oo goos goos ah ka socdaan weli duleedka
Magaalada Diinsoor, balse ay iyagu haatan gacanta ku hayaan
Magaaladaas.
Si kastaba ha ahaatee Madaxa dacwada iyo warfaafinta golaha
maxaakiimta soomaaliyeed ayaa gaashaanka u daruuray
sheegashada ay dowladu sheegaynayso Qabsashada diinsoor
islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmadaasi diinsoor weeyee
golaha maxaakiimta soomaaliyeed .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 7, 2006


|