Wararkii:
Dec 7, 2006
- Cabdulaahi Yuusuf
oo ka walwalsan Xiriirka sii xoogeysanaya .
- Xeeladaha mararka
qaarkood Qaadka lagu soo geliyo Muqdisho.
- Ciidamadii Itoobiya
ee ku sugnaa Safka hore Bandiiradleey oo laga soo ..
- Dowladda Kenya oo
la filayo in maalmaha soo socda ay xayirada ka qaado
- Dalka Suudaan oo uu
ka socdo Shir looga arrimaha soomaaliaya ..
- Xarunta Ismaaciil
Jimcaale oo siminaar u soo gabagabeysey..
Muqdisho: Midowga maxkamadaha islaamka oo ku tilmaamay qaadista cuna qabadaynta hubka somalia mid dhinac ah.
Midowga maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ku tilmamay qaadista cuna qabadaynta hubka ee saarnayd somalia in ay tahay mid dhinac u xaglinaysa islamarkaana aan loo baahnayn in xilligan la qaado cuna qabadaynta hubka saaran somalia.
Midowga maxkamadaha ayaa sheegay in somalia uu hub ka buuxo islamakraana ay
tani sii kordhinayso hubkii ku jiray gacanta shacabka
balse aysan wax faa'iido ah u keenayn somalia xayiraadan hada la qaaday.
Masuul u hadal maxkamadaha Islaamka ayaa ku tilmaamay in aysan jirin sabab loo qaado cuna qabataynta
hubka saaran somalia xilligan maadaama ay hada somalia tahay nabad islamarkaana loo baahan yahay in nabada iyo
kala danbaynta ka jirta somalia la sii xoojiyo iyada oo laga taageerayo dhinacyada dib u heshiisiinta, dhaqaalaha, hormarka sidaasna ay somalia xal dawlad loo wada dhan yahay lagu gaarikaray.
Shiikh abuu mansuur ayaa ku tilmaamay go'aankan mid dhinac ah islamarkaana aan xiligan loo baahnayn in la qaado cuna qabataynta hubka isaga oo shiikha uu sheegay dhinaca kalena in ay ka soo horjeedaan
ciidan nabad ilaalin ah ee la keeno dalka somalia saf hore iyo kuwa danbe noocay doonaanba ha ahaadeene.
culimo badan oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadeesa oo la soo xiriiray SomaliTalk.com ee magaalada Garowe ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan go'aanka ka soo baxay Qaramada Midowbay iyaga oo sheegay in ay gabi ahaanba ka soo horjeedaan in somalia la keeno ciidamo nabad ilaalin ah.
Culimadaan ayaa ku tilmaantay go'aanka Qaramada Midowbay mid aan suurta gal ahayn in xiligan la qaado cuna qabataynta hubka saaran somalia mudada ka badan 14 sano iyo
sidoo kale in la keeno ciidamo nabad illaalin ah kuwaasoo bay dheheen aan gabi ahaanba ka soo horjeedno.
Culimadan ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaal la gali doonaan hadii la keeno dalka gudihiisa ciidan sida la sheegay loo soo dirayo somalia noocay doonaanba ha ahaadeene.
Bandiiradley: Iska hor imaad dhexmaray maxkamdaha iyo Cabdi qaybdiid oo ay taageerayaan puntland iyo ethiopia.
Dagaal aan sidaa u xoogbadnayn oo socday qadar 30 daqiiqo ah ayaa habeenimadii xalay ku dhexmaray Ciidamada Midowga Maxkamadaha ee jooga aaga Bandiiradley iyo kuwa Cabdi xasan cawaale Qaybdiid oo ay taageerayaan Ciidamada puntland iyo kuwa Ethiopia.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku dhintay nin markii hore ku dhaawacmay dagaalka oo ahaa dhinaca puntland ninkan dhintay ayaa ahaa nin farsamo yaqaan goomiiste ah islamarkaana samayn jiray baabuurta iskaraabka ah ama xumaada.
Nin u hadlay puntland ayaa ku soo koobay in khasaaraha dhankooda soogaaray uu ay tahay nin dhaawac ah iyo mid dhaawac u dhintay sidoo kalena ay dhinaca kale ay gaarsiiyeen khasaare badan isaga oo ka gaabsaday in uu faahfaahiyo inta ay la egtahay khasaaraha dhinaca kale gaaray.
Mas'uul u hadlay maxakamadaha ayaa isna sheegay in aan dhinacooda wax khasaaro ah soo gaarin islamrkaana ay dhinaca kale gaarsiiyeen khasaare badan oo ay ka gubeen halgaari tigniko ah askarna ay ka dileen qaar kalena ay ka dhaawaceen.
Ilaa iyo hada wali wax rasmi ah oo ku saabsan dagaalkii xalay dhexmaray dhinacyada isku horfadhiya Bandiiradley ma cadda mana jirto cid si cad u sheegatay eeda dagaalka dhinacba dhinac ayuu ku eedaynayaa in uu duulaanku isagu bilaabay mana jiraan illo kale oo xaqiijinaya sida ay wax u kala gaareen labada dhinac ee dirirtu dhexmartay habeenkii xalay ahayd.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Gudoomiyaha Golaha maxaakiimta Sheekh Shariif oo Gaashaanka u daruuray go'aanka golaha amaanka kasoo baxay.
Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Somaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa Gaashaanka u daruuray go'aanka golaha amaanka ee Q.M uu ku gaadhay in ciidamo shisheeye lagu keeno Somaliya islamarkaana shaaca ka Qaaday inay la dagaalami doonaan ciidamadaas.
Sidoo kale gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u waramay TV ga aljazeera ayaa cod dheer ku sheegay in mareykanka uu doonayo in uu ka aargoosto shacabka Soomaaliyeed taasina ay iska cadahay waxaanu u sheegaynaa maraykanka inuu hadii uu isku dayo inuu fara gelin sameeyo inuu ku halaagsami doono.
SHeikha shariif axmed ayaa kaloo sheegay in maxkamadaha islaamka Somaliya ay u diyaar garoobeen in ay la dagaalamaan ciidamo kasta oo shisheeye oo soo gala gudaha Somaliya, isla markaana ay xoog kaga saari doonaan hadii ay soo galaan gudaha Somaliya mana ka yeeli doono inaan cid kale uga hibaysano dalkayaga iyo dadkayaga .
Sidoo kale sheikh sharif sheikh axmed oo ay ka muuqato xamaasadi ayaa cadeeyey in Golaha Maxaakiimtu ay doonayayaan nabad ka dhalata geeska africa si gaar ahna Somaliya, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah ay dagaalo ugula jiraan, balse hadii lagu soo xadgudbo ay iska difaaci doonaan, cidii kusoo duushana ay jab iyo halaag kala kulmi doonaan.
SHeikh shariif ayaa intaas ku daray ''" Waxa ay doonayaan golaha amaanku inay dhinac garab siiyaan, dhinacna ay weeraraan, hadana waxa ay doonayaan in wada hadal iyo wada xaajood ay inagu booriyaan, arintaasina maaha mid suurto gal ah noqonaysa " ayuu yidhi Sheekh Shariif sheikh axmed.
Dhinaca kale Madaxa amaanka golaha maxaakiimta Sheekh Yuusuf Indho cadde Ayaa ku celiyey Baaqisii ahaa '''waxaanu muslimiinta caalamka ka codasanaynaa inay noosoo gurmadaan si ay noogala difaacaan ciidamada shiheeye ee doonaya inay qabsadaan dalka soomaaliya .
Si kastaba ha ahaatee Masuuliyiinta sarsare ee Golaha maxaakiimta islaamka ayaa cod dheer ku sheegay inaysan maranaba ka raali noqon doonin ciidamo shisheeye oo gaallo ah oo doonaya dalka inay u horseedaan dhibaato iyo amaan xumo islamarkaana caddeeyey inay ka hortegi doonaan cid kasta oo cagta soo dhigta ciida soomaaliyeed.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Golaha
Ammaanka oo Ansixiyey Ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin
kuwa Dalalka Xadka la leh Soomaaliya...
Golaha Ammaanka ee Qaramada
midoobey ayaa Arbacadii (Dec 6) ansixiyey ciidamo la keeno
Soomaaliya, kuwaas oo aysan ku jirin dalalka Soomaaliya
xuduuda la leh - Ciidamada aan loo ogolayn Soomaaliya waa
kuwa IGASOM ee ay ku jiraan kuwa Itoobiya.
Waxa kale oo golaha
Ammaanku ansixiyeen in la qaado qayb ka mid ah
cunaqabataynta hubka, oo lagu sheegay in cunaqabataynta la
qaaday ay ku xadidan tahay qalabka iyo hubka ciidamadan
cusub.
Golaha Ammaanku ee UN waxa
uu sheegay in ujeedada ciidankan cusub ay tahay : Difaacida
Hay'adaha Federaalka Kumeelgaalka ah (HFKMG) -- waa sida UN
hadalka u dhigtay'e -- oo ay ka mid tahay Dowladda,
tababarka ciidankeeda, ammaanka Baydhabo, indha ku haynta
wadahadalada u dhexeeta HFKMG iyo Maxaakiimta Islaamkiga ah,
iyo xaqiijinta socdaalka iyo ammaanka dhammaan ka qayb
galayaasha wadahadalada Nabadda.
Horay waxay maxkamadaha
Islaamigu u sheegeen in aysan aqbali doonin ciidamada
shisheeye ee soo gala dalka. Waxaana hadda taas sii dheer in
qaraarka cusub ee Golaha Ammaanku uu dhabar jab ku jahay
hamigii Zenawi oo adeegsanayey erayada Cali Maxamed Geeddi
ee ahaa in lala dagaalamo Maxkamadaha. Waayo Golaha Ammaanku
waxay diideen in ciidamada cusub ay qayb ka noqdaan wadamada
xadka la leh Soomaaliya (oo ay ugu horayso Itoobiya), waxa
kale oo golaha Ammaanku sheegeen in ay tallaabo ka qaadi
doonaan dhinacii isku daya in uu is hor taago nabadda -
Haddaba la arki doonee in Golaha Ammaanku uu ciidamada
Itoobiya ku amro in ay ka baxaan Soomaaliya maadaama
ciidamadaasi aysan qayb ka ahayn kuwo Qaramada Midoobey ogol
yihiin in ay joogaan Soomaaliya, haddii ay ka bixi waayaana
la arki doonee in UN ay tallaabo ka qaado. [ISHA:
UN]
Cabdullaahi Yuusuf oo Ka
Walwalsan Xiriirka Sii Xoogeysanaya ee Geeddi iyo Zenawi.
Madaxwayne
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa la sheegay in si aad ah uga
walwalsan yahay xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya
Ra?iisulwasaare Cali Max?ed Geedi iyo Ra?iisul waasraha
Itoobiya ka dib markii waxyaabo fara badan aan lagala tashan
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed ay isla soo qaadeen Ra?iisul
wasaaraha Itoobiya iyo Ra?iisul Cali Max?ed, dhawaan ayaan
Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed aan lagala tashan ka dib
markii uu codsaday in la xaddido tirada Ciidamada Itoobiya
oo ku sugan Soomaaliya ka gadaal markii Ra?iisul Cali Max?ed
Geedi uu o golaaday in aan wax fara galin ah aan lagu
sameynin tirada Ciidamada Itoobiay ee ku sugan Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee
wal-walka ku beeray Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
waxaa ka mid ah markii uu soo jeediyey in kor loo qaado
awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed balse Ra?iisul
Cali Maxamed Geedi iyo Dowladda Itoobiya ay isku mowqif ka
noqdeen in waqtigaan aan loo baahneyn in la xoojiyo Xoogga
Dallka Soomaaliyeed taasina waxay keentay in C/laahi Yuusuf
uu si wayn uga caroodo, sidoo kale Madaxwnayne C/laahi
Yuusuf Axmed ayaa soo jeediyey in wadahadal lala fura
Maxaakiimta Islaamiga ah lana sii xoojiyo shirkii ka socday
Dalka Suudaan Caasimadiisa ee Khartuum halka Ra?iisul
wasaare Cali Max?ed Geedi uu sheegay inaan wax wadahal ah
aan lala gali Karin Maxaakiimta islaamiga ah ayadoo
maalintii shalay Ra?iisul wasaare geedi ay ka soo yeertay
hadaladii ugu kul-kululaa uu u adeegsado Saxaafadda ka dib
markii uu sheegay in Ciidamada Dowladda fedaraalka ay u
diyaar garoobeen sidii wadanka uga saari lahaayeen waxa uu
ugu yeeray Kooxaha Argagixisada sidoo kale waxa uu sheegay
in Dowladda fedaraalka ay kaashan doonto Ciidamo Itoobiyaan
ah si looga hortago Kooxaha "Argagixisada" ah oo uu sheegay
in ay halis ku yihiin Wadamada Geeska Afrika, dhawaan ayey
ahayd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya uu
dhexdhexaadiyey Madaxwanyne C/laahii Yuusuf Axmed iyo
Ra?iisul Wasaare Cali Max?ed Geedi.
Xeeladaha mararka
qaarkood Qaadka lagu soo geliyo Muqdisho.
Markii Maxaakiimta ay gebi ahaanba joojiyeen ama ay
mamnuuceen ka ganacsiga Qaadka iyo cunistiisa ayaa haddana
mararka qaarkood, waxaa si dhuumaaleysi ah oo aad u adag
qaad lagu soo geliyaa magaalada Muqdisho.
Dadka ka ganacsada Qaadka
ayaa isticmaala xeelado fara badan oo mararka qaarkood u
marta sidaasna ay qaad ku soo geliyaan magaalada. Markay
qaad ka soo qaadayaan Magaalada Baydhabo waxay isticmaalaan
xeelado aad la yaab u leh, xeeladahaasi waxaa ka mid ah, in
ay dhacdo in ganacsatada qaadka ay mararka qaar qaadka soo
geliyaan Albaabada isaga kala gooshta Muqdisho iyo Baydhabo,
markii ay dhowr jeer arrintaasi u martay ayaa markii dambe
lagu ogaaday, waxaa sidoo kale dhacday in Nin uu qaad ku soo
qarsaday Tarmuusyada Shaaha, ninkaas oo aan la kulmay ayaan
weydiiyey, inta Tarmuus ee uu qaadka soo geliyey, waxa iigu
jawaabay ilaa iyo Toban Tarmuus oo xitaa dhalooyinka aan ka
jabiyey, waxaan sidoo kale weydiiyey in tarmuusyadu lacag
ugu fadhiyaan iyo in kale, waxa uun iuguy yiri ?Haa waa iigu
fadhiyaan laakiin waxaan ka helayo ayaa ka badan?.
Waxyaabaha kale ee la
yaabka leh waxaa ka mid ah markii nin sheegay in uu
xanuunsan yahay (ama is jirinaya) oo faleebo ay suran tahay,
Joodariga uu ku jiifana uu qaad hoosta uga buuxo, markii uu
marayo Koontaroolada ugu adag, ayaa waxa uu Darawalku yiri
Nin xanuunsan oo deg deg ugu baahan Isbitaal, waxayna
Ciidamada Maxaakiimtu u muujiyeen naxariis, iyagoo xitaa ugu
dara dhowr Faataxo, oo ay yiraahdeen ?Ka gaarsii anagana
Faataxada ayaan kaa soo daba tuureynaaye?.
Waxyaabaha kale ee iyana la
yaabka leh waxaa ka mid ah, markii iyana Haweenay ay
caloosha soo gashatay qaadka oo ay isku ekeysiisay in ay Uur
leedahay, sidaana Koontaroolada ku soo martay.
Dhacdooyinka kale ee la
yaabka leh waxaa ka mid ah markii dhowr Neef ah oo Lo? ah oo
Baydhabo inta lagu soo qalay caloosha laga bixiyey kaddibna
jaad lagu cabeeyay, laga dhigay in Dibadda loo dhoofinayo
sidaana Xamar lagu soo geliyey.
Haddaba ma yara xeeladaha
Qaadka lagu soo geliyo Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo soo
raaca kuwaas, markii inta qaadka baco lagu xiray kaddibna la
dhex dhigay Salbatooyada Baabuurka.
Ciidamadii Itoobiya ee
ku sugnaa Safka hore Bandiiradleey oo laga soo ..
Wararka naga soo gaaraya Gobolada dhexe waxa ay sheegayaan
in Ciidamdii Itoobiya ee ku sugan aaga Dagaari dib loogu
caliyey Magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidanka lagu Xareeyey
xero ku taala duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Ilaa hadda lama faafaahin sababaha Ciidamadaasi looga soo
saaray aaga hore ee isku hor fadhiyeen Ciidamada Maamul
Goboleedka Puntland oo gacan ka helaya Ciidamada Itoobiya
iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah.
Warar ayaa wax sheegayeen in sababaha Ciidamada itoobiya loo
soo saaray safka hore ay tahay ka dab markii Maamulka
Puntland uu cadaadis kaga yimid Shacabka Reer Puntland oo
sheegay in aysan ogalaandoonin in ay Ciidamo Itoobiyaan ah
ay ku sugnaadaan Deegaanadooda.
Waxaa la shaagay in Maamulka Puntland uu cabsi ka qabo in
kacdoon ka dhan ah Ciidamo itoobiya ay sameeyaan shacabka ku
nool Maamulka Puntland, sidoo kale Maamul Goboleedka
Puntland ee uu Madaxda u yahay Cadde Muuse uu iska dhaga
tiray codsiyo oga imaanaayo Shacabka Puntland oo ku saabsan
in Maamul Goboleedka lagu dhaqo shareecada Islaamka, ayadoo
ay meel mari weysay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Cadde
Muuse oo ahaaa in Maamul Goboleedka lagu dhaqi doono
Shareecada Islaamka.
Dowladda Kenya oo la
filayo in maalmaha soo socda ay xayirada ka qaado..
Markii Magaalada Jabuuti uu heshiis ku dhex maray dhaman
Wadamada IGAD iyo Maxaakiimta Islaamiga ayaa warar aanu ka
helnay magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Dowladda Kenya
ay maalmaha soo socda ay xayiraada ka qaadi doonto
duulimaadkii Diyaaraduhu ay ku tagi jireen gobalada ay
Maamulaan Maxaakiimta Islaamiga ah.
Dowladda Kenya ayaa markii u joojisay duulimaadyadii
Soomaaliya gaar ahaan Gobalada ay maamulaan Maxaakiimta
islaamiga ah arrimo siyaasadeed, hase yeeshee kulan gaar ah
oo ay Jabuuti ku yeesheen mas?uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta
iyo Dowladda Kenya ayaa lagu dhameeyay khilaafkaasi.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qaba in xayiraada
laga qaado diyaaradaha imaan jiray Soomaaliya hase yeeshee,
waxaana labada dhinac ay isku afgaan wayeen waxaa ka mid ah
in xayiraada laga qaado ka ganacsigii Qaadka oo Dowladda
Kenya ay faa?iido weyn ku qabtay.
Dalka Suudaan oo uu ka
socdo Shir looga arrimaha Soomaaliaya ..
Waxaa Dalka Suudaan ka socda shirka looga hadalayo arrimaha
Soomaaliya iyo arrimo oo la xiriiro Qaaradda Afrika waxaana
ka qaybgalaya Masuuliyiin ka tirsan Qaaradda Afrika.
Shirkaan ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Dowladda
Suudaan oo sheegtay in wadahadal u dhexeeyey Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka ah ee haatan marayaan
meel aad u wanaagsan lana filiyo in mar kale la ?isugu
yimaado.
Waxaa kaloo shirkaas looga hadlay sidii loo baajin lahaa
dagaal dhexmara Dowladda Itoobiya iyo Golaha Maxaakiimta,
waxaa kaloo la filayaa in Ergo Nabadeed loo soo diro
Dowladda fedaraalka ah iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah
si loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya labadaasi dhinac.
Xarunta Ismaaciil
Jimcaale oo siminaar u soo gabagabeysey..
Waxaa maalinta shalay ahayd Hotel Ambaasadoor ee Magaalada
Muqdisho lagu soo gaban-gabeeyey Siminaar socday Muddo
3-Maalmood oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Ismaaciil
Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha waxaana maalgalinayey Hay?adda
NED ee fadhigeedo yahay carigga Maraykanka, waxaana ka
qaybgalayey Odayaal Dhaqameedyo, Culumaa?udiin iyo xubno ka
socday qaybaha warbaahinta. Siminaarkaan ayaa waxaa lagu
baranayey casharro ay ka mid ahaayeen Habka Dowlad wanaaga,
sida loo xali karo khilaafaadka, iyo Dimoq-raadiyadda
waxaana casharro ka bixinayey Macallimiin uu ka mid ahaa
Ustaad Ibraahiim oo asaga si aad uga dheeraaday xalinta
khilaafaadka. Gaba-gabadii siminaarkaasi waxaa ka hadlay
Axmed Wahliye Siyaad oo sheegay in Xarunta Ismaaciil
Jimcaale oo markasta u taagan tahay sidii ay Bulshada ugu
horseedi lahayd Nabad. Waxaa kaloo ka hadaly Dheere Shiikhey
oo asaga ku hadlaya Magaca ka qaybgalayaasha wuxuuna u
mahadceliyey Xarunta Ismaaciil Jimcaale
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
SEMINAAR LAGU BARANAYAY
XALLINTA KHILAAFAADKA IYO DOWLAD WANAAGGA OO LAGU SOO
GABAGABEEYAY HOTEL AMBASSADOR
Seminaar soconayay muddo seddax maalmood ah oo ay ka qeyb
qaadanayeen xubno isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada
sida oday dhaqameedyada, culimaa?udiinka iyo qaar ka mid ah
saxaafadda maxalliga ah ee Muqdisho ayaa lagu soo
gabagabeeyay hotel Ambasador ee magaalada Muqdisho.
Seminaarkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay?adda Dr.
Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda aadanaha, ayna ka taakuleysay
hay?adda lagu magacaabo National Endowment for Democracy ee
fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka,
ayaa waxaa muddadii uu socday si weyn loogu lafa guray
qodobbo ay ka mid ahaayeen: Xallinta khilaafaadka bulshada,
dowlad wanaagga iyo dimoqraadiyadda qaabka uu u adeegsado
Islaamka iyo habka ugu wanaagsan ee hogaaminta bulshada.
Seminaarkan intii uu socday waxaa casharro ka bixiyay
macallimiin ay ka mid yihiin Ibraahim Max?ed Cumar, Bashiir
Ismaaciil Macallin Ciise, Max?ed Xasan Casir, Max?ed Max?ud
Sheekh oo dhammaantood ka wada socday hay?adda CORA, ururka
tababarayaasha bulshada iyo wacyigelinta arrimaha Aids-ka.
Seminaarkan oo si weyn loogu lafa guray qodobadii looga
hadlay ayaa waxaa laysku tusaaleeyay doorka oday
dhaqameedyada, culimaa?udiinka iyo saxaafaddaba kaga aaddan
xalinta khilaafaadka bulshada iyo sida loo heli karo
hogaamiye wanaagsan iyo sida ay is beddel ugu keeni karaan
bulshada.
Seminaarkan intii uu socday oo aheyd seddax maalmood ayaa
waxaa laga soo jeediyay fikrado kala duwan oo ku aaddan
dimoqraadiyadda iyo sida laysku waafajin karo diinta
islaamka iyo in laga qaato inta ka khuseysa shareecada
Islaamka iyo qodobbo kale.
Gabagabadii seminaarkan ayaa waxaa ka hadlay Cabdi Weheliye
Siyaad oo xubin ka ah guddiga Fulinta ee hay?adda Xuquuqda
Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale, wuxuuna ku guubaabiyay
xubnihii ka qeyb galay inay ku dabbakhaan waxyaabihii ay ka
kororsadeen muddadii uu socday, wixii xunna iska dhaafaan,
wixii wanaag ahna ay bulshada u gudbiyaan, waxaana goob joog
ka ahaa gabagabadiisii guddoomiyaha hay?adda Xuquuqda
Aadanaha Dr. Ismaaciil Maryan Awreeye, Madaxa barnaamijyada
C/laahi Calas Jimcaale iyo xubno ka tirsan hay?addaas.
Gabagabadii seminaarka ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah ka
qeyb galayaasha oo lagu magacaabo Dheerey Shiikhey dheere oo
ku hadlayay magaca ka qeyb galayaasha wuxuu sheegay in
seddaxdii maalmood ee uu seminaarku socday ay uga dhigneyd
seddax sano, isla markaana ay ku iloobeen inay guryahooda
aadaan, isagoo u mahad celiyay shaqsiyaadkii iyo hay?adihii
soo qabanqaabiyay seminaarkan.
MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 7, 2006
Hooyo soomaaliyeed oo u
baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da
Hooyo
Saynab Yuusuf Xirsi waa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo 3-Sano
ku xanuunsan Magaalada Muqdisho. Mar aan ku booqday Guri ay
degan tahay ayaa waxaan aad uga naxay sida ay u liidato
Hooyo Saynab, waxaa dhowr jeer gacan siiyey Dadka dariska ah
balse ma ?aheyn gacansiintaas mid kaafin kartay Hooyo Saynab
oo markan la kulmayey ay ag fadhiyeen labo Caruur ah ay
dhashay waxaa labadaas Caruur ah haatan quudiya Dadka
dariska ah.waxaa haya haweeneydaan Gabar ay deris yihiin oo
lagu magacaabo Canab Maxamed .
? kaalma yar oo ku soo gaarta ma?ahan mid ku kaafin karta,
waxaas oo dhan waxaa igala wanaagsanaan lahaa anigoo hela
Caafimaad buuxa? ayey tiri Hooyo Saynab oo markii hore ahayd
Haweeney u xamaalin jirtay Caruurteeda waxay intaas sii
raacisay? waxaan maanta goystay inaan isku dhiibo Bulsho
waynta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo
dibaddiisaba si ay Gacan Baniaadanimo ii siiyaan.
Hooyo Saynab waxay la taaheysaa Cudurka TB-da Caluusha
waxayna waysay Cid gacan ku siisa kana daawaysa Cudurkaasi
oo ah mid si sahal ah lagu daawayn karo, Hooyo Sayanab oo
jir ahaan u dhamaatay ayey waxay ku hadlaysay Cod aad u
daciif ah oo ka soo gu?ayay Caluusha aad baan uga naxay
anigaaba ku sigtay in ay illin iga timaado ? waxaan ku iri
Hooyo Inshaa?Allah waad caafimaadi doontaa waxaan kuu ogahay
in Dadka Soomaailyeed ay yihiin Dadka isu naxariista isuna
gargaara, inta ay Madaxa luxday ayey Tiri? iga gaarsii Dadka
Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba
inay Il naxariis ah igu eegeen, Hooyo Saynab Cid ahel u ah
kuma sugna Magaalada Muqdisho waxay ii sheegtay in Dadkeeda
ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa.
Hooyo
Saynab waxay u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku
nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan
Cudurkaasi oo si fudud loogu Daweyn karo Dalka haddii loo
helo dhaqaale.
Ciddii doonaysaa inay caawinto Haweeynaydaan inay kala soo
xiriiri karaan
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-5532494
Maxaakiimta Islaamiga
oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas
waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub,
C/Naasir Guure Faarax [jeer],
oo...
Akhri...
Soomaalida
Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka
Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo
xeryaha qaxootiga
Akhri...
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri....
Akhri....
Heshiis
Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah
Akhri.... Dec
4
Qaraarkii Golaha
Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu
Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri
|