Suldaan
Madarka ku Xiran Xabsiga Mandheera
waa Mas Madax-ka-dil
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Dhaqanka Soomaalida marka la eego,
dadkoo dhan, ha ahaadeen culumo iyo
caamo ama waranle iyo wadaad ama rag
iyo haween ama waayeel iyo dhallaan
ama abwaan iyo caaq waxay ka
sinnaayeen in culumada iyo
odayo-dhaqameedyadu yihiin dadka
ugu horreeya ee loo yaqaan
bir-ma-geydo. Xitaa Soomaalidu inta
odayo-dhaqameedka xadka ka baxsheen
bey xitaa ka saramariyeen culumada.
Wax caadi ah bey ahayd inaad
maqashid aragtid nin caalim ah oo
warkiisa la diidayo ama laga
dabaakhayo sidii Cabdi Gahayr u
lahaa:
-
muraadkaa ku toos awgayoow ha ii
makiikiyine
Laakiin lama hayo meel oday-dhaqan
ay qolo leeyahay warkiisa lagu
diiday. Xitaa hadduu usoo jeediyo
waxaan Ilaahay raalli ka ahayn; inta
yiraahdaan: rag ciil cadaab ka
dooray bey waxa odeygaasi yiri raaci
jireen. Ma fiicneyn in qofka wax
kasta lagu raaco.
Xitaa gumeytayaashii iyo cid kastoo
xukun rabtay waxay fahansanaayeen
qiimaha iyo sharafta ay
odayo-dhaqameedku ku leeyihiin
Soomaalida dhexdeeda. Taasaana
sababtay in wixii Soomaali laga rabo
in iyaga loo soo marijiray. Si uusan
qofna ugu qaadan in saldanada
Suldaan Cismaan ay hadda tahay oo
maamulka Somaliland sameeyey bal
magaciisa aan yara jalleecno:
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan
Madar
Maxaa kuu baxay? Waa nin kasoo jeeda
Suldaamo sidoo kalana qabiilkiisu u
gartay xurmadaas. Ma u maleyneysaan
in dhaqankaas soo-jireenka ah la
isaga qaadikaro is-xirid iyo
cago-jugleyn? Soomaalidaa tiraahda:
hibo Eebbe ku siiyey, habeyn la
iskama qaado. Sida qorayaal ay ka
mid yihiin Maxamed-baashe iyo Axmed
Yuusuf (Hawd) iyo kuwa kalaba
sheegeen waxaa Suldaanka lagu
heystaa maxaad uga hadleysaa
Shareecada Islaamka oo jirtay Habar
Yoonis oon jirin! Iska daa suldaane
haddii xitaa qof caadi ah lagu dhibo
dar Ilaahay wuxuu helaa liibaan
aakhiro iyo mid adduun iyo sumcad
fiican. Sow nin mu’min ahaa Fircoon
kuma oran: ma dileysaa nin inuu yiri
oo keliya Rabbigey baa Ilaah ah?
Sidoo kale Abuu Bakar (RC) baa
Qureysh ku lahaa iyagoo dhibaya nabi
Muxamed (SCW) arrintaas oo kale.
Annaguna Riyaale iyo ragga ku
hareereysan waxaan ku leennahay:
waxa aad suldaanka inta saq dhexe
gurigiisa u soo dhacdeen aad
silsiladaha luga uga jabiseen ma
inuu yiri aan shareecada soo
ceshannaa?
Horta hadduu Suldaanku ahaa
oday-dhaqameed Somaliland ama Isaaq
ama Habar Yoonis maanta wuxuu noqday
Suldaan muslim iyo mid Soomaaliweyn.
Soow odayo-dhaqameedyadii Somaliland
iyo Puntland intoodii badneydba
hadda ma leh waxaan rabnaa
Shareecada Islaamka? Xirida
Suldaanku ma xil-korarsi bey u noqon
taliska Riyaale mise xil-ridid?
Qofkii caqli lihi wuxuu ogaanayaa
iney wax u dhinto maahee wax uma soo
kordhineyso.
Mar
haddii odayo-dhaqameedyadii
Somaliland sameeyey sidaas loo
galayo, mar haddii dadkii SNM
ahaanjiray sida Hadraawi, Gaarriye
iyo Axmed-siilaanyaba ay halkaas
xooranyihiin halka kuwii Kacaankii
la soo khatimey Soomaaliya oo dadkii
Soomaaliyeed la soo dhibay loo
dhiibay Somaliland haddee nabsi baa
jira. Marka sidii Qaasim aan sugno:
-
cagta ii dhig waa kaas nabsigu
soo cadceedsadaye
Kuwii Sheekh Bashiir dilay oo kale
baa maanta la hayaa. Xaaji Dallaayad
waatuu ku lahaa askari Aadan Yoonis
oo u shaqeynjiray Ingiriiska isagoo
tusaya in dadka odayada ah laga
dambeeyo:
-
nin hadduu gaboobo oo wax badan
dunida guud joogo
-
gadaal waa ka haasaawi jiray
geeddiguu maro e
-
gar-ma-qaate iyo baag raggii
howshu kala gaadhay
-
ee
gabagabee Caarshe iyo goob
kastaba joogay
-
waayana garow uun ku cunay
jeelka gudihiise
-
waanaya galayrkii ku sigay
godobkan hoostooda
-
ee
Guun-cirraystiyo Biddaba kheyr
ka guri waayey
-
ee
garanayaan ahay tan iyo geelahaa
qoyaye
-
gabgab faranji gaar iyo dadaal
gaalo shuqulkeeda
-
waligiiba guul kama mulkiyo nin
u gar xiiraaye
-
inkastoo garoomiyo alfaan garab
ku taagleeyo
-
gudo baas mid la keenay oo
garaca mooyaane
-
ma
gilgilo duqeytida ninkii aw ka
soo go’aye
Wuxuu sii yiri:
-
dhirtaba geed malko ah baa
jiriyo lama garaacaane
-
dadkana biro-ma-geydaa jira iyo
lama guhaadshaane
-
giddigiinba nimanyahow bileys
gabi ahaantiinba
-
hala guro ulaha waa guddoon
waase kala gaare
-
gaadmo iyo ninkaan lagu tuhmeyn
gacan-fudeyd toona
-
ee
ganaf tukubihiisa waa lagu
gargaaraaye
-
midna gaar ahaan Aadanoow yuu ku
geesmarine
-
waxa ina-golyeed iyo nin rag ah
tan isku soo gaaray
-
ee
gaadhba gaadh laga badelay
goorahaad timide
-
is-gaafuurintii Muuse iyo
golaxdii Caateeye
-
ina galangalkii Maxamed Halac
waadan garaneyne
-
isna guriney qaarkoodse waa
godob la’aayeene
-
giddigood cafay naga yihiin
gooshka aakhiro e
-
waxse galad ah aaye waa loo
guntanayaaye
-
gashi li’i ninkii kaga taga een
godobi qaaxeyne
-
ee
aan sidii Geydhe Ruxe gubanin
taahiisa
-
ee
aan geeridii aw-Bashiir guudka
ku xambaaro
-
guntii hadalku wuxuu yahay iyo
faaladii gabaygu
-
sidii baarqab geel lagu daray oo
dhabi ku geyrgeyrtay
-
ee
geedka uu daaqo iyo guuxa
sarinaaya
-
oo
karinle uu gelin eryey iyo rimay
ka guuleystay
-
Oo
bahal gulaamoo dibjiri meel
isugu gaabshay
-
uu
gudub u liqay waa ka sire
galabsigiisiiye
-
dhaxaa nin goolaaftamay oo
goofay noo yimide
-
adiguna guclada waad yarayn
gooshkan dabadeede
Waxaan shaki lahayn inuusan Suldaan
Cismaan ahayn nin dhib la raba
Somaliland. Keliya markuu arkay in
dadkii loo doortay iney shacabka
aakhiradiisa iyo adduunkiisa ka
shaqeeyaan iyagoo diintii iyo
hantidii geyigaas gaasiray. Wuxuu
arkay iyadoo marna Xabashidu
tiraahdo idinka iyo Puntland cadow
baad isu tihiin marna uu Zenawi
leeyahay kala qaata ciidamada Arri
Caddeeye jooga. Halkaas markii
arrintu marayso ayaa Suldaanku wuxuu
dib u milcsaday in Soomaaliya ay
dimuqraadiyad, shuuci, dagaal
sokeeye iyo qabqablanimo soo martay.
Wuxuu arkay in liibaanta aakhiro iyo
mid adduunba ku jirto Kitaabka
Ilaahay. Sidaas darteedna uu
dadkiisii ugu yeeray waxa Ilaahay
kulligiin noogu yeeray.
Marka Suldaanoow nolol iyo
dhimashaba waxaad leedahay qiime.
Haddii tii Ilaahay kuugu timaado
xabsiga dhexdiisa, waxaa ku xusi
doona Soomaalida. Haddaad soo
baxdidna waxaad horay ka wadaysaa
yeeridda aad noogu yeerayso diinta
Ilaahay. Marka hadda dhallinyaradii
Soomaaliyeed waa toostay. Waxay kala
ogaadeen in waxaan ahayn diinta
Ilaahay aysan Soomaali isu
keenikarin. Sidaad darteed waxaa
jooga malaayiin dhallinyaro ah oo ku
maqleysa. Marka diyaar baan kuu
nahee nagu hag tubta toosan.
Teeda kale sida Xaaji Dallaayad ku
yiri Aadan ayaan waxaan ku leeyahay
taliska Riyaale iyo cawaanta (booliiska)
ee ku gadaaman waa inaad si aan
shuruud lahayn ku soo deysaan
Suldaanka, sidoo kalana ka bixisaan
raalligelin.
Waxaan xasuustaa Faadumo Qaasim iyo
Caasha Cabdoow oo ku heesijiray:
-
hayb hayb la sheegtiyo
-
habar habar ma joogtee
-
haween iyo rag maantaba
-
yeynaan u kala harin
Sidoo kale waxay hadba ku soo
hoorinayeen:
-
waa lama huraanee
-
howlaha dalkeenna
-
iyo horumarkeennaa
-
yeynaan u kala harin
Mas
madaxaa laga dilaa! Shaki ma leh in
qofka kasta loo tabo siduu u qiimo
badnaa laakiin waxaad meesha ka
saarteen in Suldaanku soo saaray
kumannaan dhallinyaro. Marka
inkastoo maqnaanshihiisa iyo
xirnaantiisa la tabidoonno laakiin
marna ma joojineyso xaqa noo
iftiimaya ee uu hormuudka u ahaa.
Ilaahay horti, maanta ma joogto
Habar Yoonis, Habar Majeerteen iyo
Habar Gidir midna; ee waxaa la rabaa
inta hor Ilaahay aan isku dhaarsanno
inaan diinteenna, dalkeenna iyo
dadkeenna ka difaacanno huwanta
Tigreega ah iyo kuwa hoosjooga.
WABILLAAHI TOWFIIQ
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WABARAKAATHU
C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec6, 2006
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan