SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah... AKHRI

 
:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY 

Ilaahbaa mahad leh naxariis iyo nabad galyana nabi muxamed rasuulkii ilaahay ayay guudkii sa ahaatay.
Intaa ka dib. 

dunida muslimka waxaa soo waajahday xaalad aad u xanuun badan, waxaa isu urursaday dunida inteedii kale, dunida muslimka ahi waxay ka ag noqotay dawladaha reer galbeedka cadaw ay cadawtinimadiisa iyo colaadintiisaba ka midaysan yihiin dhamaantood.

Dunida muslimka waxaa lagu qaaday dagaalo kala duwan oo mid walbaaba khatartiisa leeyahay, hadii ay noqon lahayd mid milatary mid dhaqaale ama mid maskaxeedba.

Inaga oo aan tusaalayaal uga baahnayn daagaladaa nocaas ah oo ayaa waliba aan odhan karnaa ma jirto maanta dawlad islaam ah oo aan sadexdaa dagaal midna lagu qaadini, ha ahaado dagaalkaasi mid dadka u wada muuqda ama mid qarsoone.

Iyadoo xaalada dunida muslimku ay sidaas ku sugantahay ayaa waxaa soo baxay cadaw khatartiisu ay aad u badantahay, cadaw dadka muslimka ah ay badankiisu u haystaan saaxiib iyo in uu difaacayo islaamka, laakiin marka xaqiiqda la eego uu arinku sidaa ka gadisanyahay oo aynu odhan karnaba waa cadaw ka khatar badan kuwii aynu horey usoo sheegnay, waayo cadawgii horey wuxuu ahaa mid aan islaam ahayn, wuxuu ahaa mid ay awoodiisu gaadhay in uu ina soo weraro oo uu hiil iyo hooba la garab istaago cancer-ka (isarael)  ku dhex abuuran dunida muslimka, taasina ay dadka muslimiinta ah u cadaysay cadaawadooda, laakiin cadawgan aan ka hadli doonaa wali weerar cad inaguma soo qaadin inkasta oo uu dhibaatooyin badan magac kale isagoo huwan gaystay, ta kasii darani waxaa weeye hadalo siyaasi ah sida "israel waa in dunida laga tirtiraa" iwm, taas oo muslimiintii aan ka war qabin taariikhda dawlada iran ay ku dagmaan hadaladaas.

sababta maqaalkan igu kaliftay inaan qorana waa anoo arkay in dadka badankiisii ku dagmeen hadaladaas, una haystaan dawlada iran quwad islaami ah oo soo baxday laguna diirsan doono hadii ay u suuro gasho inay hesho awooda nuclear-ka ee ay ku taamayso.

Dadkaasi dhowr siyaalood oo kala duwanba ha u kala taageeraane, hadaba maxaa dhaliyay taageeradaas. 

1-     BUUN-BUUNINTA WARBAAHINTA. 

Muslimiintu khaasatan sunigu maanta wuxu aad caydh uga yahay ama aanuu lahaynba warbaahin u waranta ugana waranta xaqiiqada ka jirta dunida, xaga umahada kale ay leeyihiin warbaahino badan oo uga waranta xaalkooda iyo hadba wixii qadiyadooda quseeya.

Waxaad arinkaa aad u dareemaysaa waayadan dambe ama dagaalkii lubnaan sida ay warbaahintu uga qaybqaadatay buunbuuninta ururka shiiciga ah ee xisbulaahi iyodoo ay taas u dheertahay in ay aad u buunbuunisay Tvga aljazeera oo dadka suniga ah agtiisa ku leh sumcad iyo aaminaad dheeraad ah laakiin aan is bedelka ku dhacay ogayn, iyo cida hada gacanta ku haysaba, mana doonayo inaan hada mawduuca is bedelka aljazeera ku yimid halkan kusoo ban dhigno intii ka dambaysay markii wadaax al khanfar oo shiici ah looga dhigay tvga maamule.

Arintaasi waxay sunigii dhaxal siisay in qasab lagaga dhigo in uu hiil iyo hooba la garab istaago xisbulaahi lagana dhigo in uu matalo jabhad islamka u joogta koonfurta lubnan oo dufaacaysa dalka, iyadoo aan la sheegin in uu ururkaasi fulinayo yoolal iyo u jeedooyin ay leedahay dawlada iran intay doonaanba ha lekaadaane, taasina ay keento in lagu kala jabo taageerada ururkaas iyo taageero la'aantiisa haba la kala badnaadee, waxay gaadhay in culimadii waaweyneyd ee diiday in taageero loo fidiyo aad loo af lagaadeeyo oo raga qaar ay culimadaa ku tilmaamaan in aanay siyaasada waxba ka aqoon, qaarkalena ay ku eedeeyeen in af afkii dawlada sucuudiga ku hadlayaan, laakiin waxaa laga yaabaa in qofka sidaas lihi aanuu waxba ka garanayyn taariikhdaa ay lasoo mareen dawlada sucuudiga khaas ahaan waagii uu socday dagaalkii khaliijku, waxay ahaayeen culimadani qaar aad u diidanaa in maraykan uu soo caga dhigto dhulka barakaysan ee Saudi Arabia taas oo sababatay in ay dawladii Saudi Arabia badhkood xidhxidho qaarna ay ka qaado xilal ay ka hayeen hay'ada culimada waaweyn.

Diidida ay diideen culimadaasi in loo nusreeyo xisbulaahi ma ahayn mid ururkan oo kaliya ku kooban laakiin waxay diideen in loo gurmado cidkasta oo raafido ah, ha ahaato iran ama ha ahaato maleeshiyooyinka ciraq ee shiicada ah, waayo waxay culimadaasi ogyihiin ogaayeena dhibaatada ay shiicadu ku hayso meel kasta oo ay joogto iyo magic kasta oo ay leedahay umada suniga ah, suaalo badan oo macquul ahna way soo bandhigeen oo ay ka mid ahaayeen:-

Maxaad iigu qasbaysaa in aan xisbulaahi maalkayga siiyo, hadii aan walaalahayga suniga ah ee ciraaq lagu gumaadayo siiyona aad ii leedahay argagixiso weeye?
Maxay tahay sababta loogu gurmanayo xisbulaahi ee aan loogu gurmanayn walaalaha reer ciraaq?
Maxaa isdufaacida ciraaq loo leeyahay waa argagixiso halka xisbulaahi loo leyahay waa muqaawamo xaqa?
Waa su'aalo macquula oo ay culimadu soo bandhigeen ilaa iyo hadana aan jawaab loo hayn. 

Dawlada Saudi Arabia sababta ay u diiday in ay u kaalmayso xisbulaahina waxay ahayd sabab siyaasi ah, oo aan diin ku salaysnayn waaxaanay ku koobanayd xisbulaahi, iyo iran ee kuma jirin shiico kale, farqi waynbaana u dhexeeya laba ujeedo ee ay labada dhinac ka kala lahaayeen diidmadooda waa sucuudiga iyo culamada'ee. 

 2- DACIIFNIMADA DAWLAHADA CARABTA. 

Maanta dawladaha carabta ah khaas ahaan xukuumadaha maamulka hayaa ma awoodaan in hadii lasoo weeraro ay is dufaaci karaan iska daa inay wadan kale oo lasoo weeraray u gurmadaane taasina asbaab badan ayaa dhalisay oo aynaan hada halkan kusoo koobi karin sababahaas oo ay kow ka tahay in ay diintii dhan iska dhigeen.

Shacabkii muslimiintu waxay arkeen israeltii loo buubuuniyay ee lalahaa ciidankeeda lama jabiyo dhulkeedana saaruukh kuma dhaco oo uu u babac dhigay urur yar oo ay caawinayso iran oo runtii iyadu ujeedooyin badan ka lahayd dagaalka, balse shacabkii dusha ka daawanaayay ee muslimka ahaa ay si indha la'aan ah u taageereen.

Waa dhab oo waanu ku farxaynaa in yuhuud loo gaysto jab oo ay hoog iyo guul daro raacdo laakiin in la igu qasbo in aan nabarkaa loo gaystay yuhuud aawadii, aan ku taageero shiico oo aan ilaawo dhibaatada ay ku hayaan suniga reer ciraaq waa mid aanuu caqliga wanaagsani aqbalahayn, maanta xisbulaahi dhaawaca uu gaadhsiiyo yuhuud wuxuu iila mid yahay kii uu adolf hitler u gaystay yuhuud, waliba hitler suniga uma gaysan dhaawaca ay shiico u gaysatay. 

2-     ILOWGA TAARIIKHDA. 

Waxaynu odhan karnaa ma jirto meel ay gaalo iyo islaam isku dagaaleen oo ay shiicadu islaamka u gargaartay, waliba waxaan odhan karnaa ma jirto meel ay gaalo iyo islaam isku dagaaleen oo ay shiico joogto ilaa shiico waxay la jirtay gaalada,dib u raac taariikhda kasoo bilow Ibnul calqami ilaa najaad.
waxaynu ognahay waagii uu khumayni waday kacdoonka kadibna uu ku guulaystay uu iran la wareego, in caalamka islaamka iyo ka carabtaba looga sacabo tumay ilaa uu lasoo baxay wixii lagu yiqiinay awoowyadii oo uu gumaaday sunigii reer iran, oo ay xataa gaadhay seeftiisu iraniyiinti suniga ahaa ee dibadaha dalka ugaga maqnaa. 

maxaa dad ku soo lug go'ay
maxaa ku hungoobey duul
diihaal kula soo dhex dhacay
maxay duluc guud martaa
maxay dersi yeedhisaa
maxay nin u deexataa
Iadnaan ugu duur xushaa
hadhow xagal daacisaa

Markaliya ayuu sacabkii sunigu u garaacaayay iran isu badalay baroor.
Maxaa maanta uga eeg maalintaas taariikhdunua iyadaa nafteeda soo celisa, waynu arki dhamaanteen inagoo ka murugoona sacabkaa aynu maanta u tumayno iran iyo xisbulaahi, sidii horeba u dhacday. 

 4- HADALADA SIYASIYIINTA REER IRAN.

Madaxda iran ee hada, khaas ahaan madaxwayne axmadi najaad waxaa lagu yaqaanaa hadalo uu ku dhaliilayo reer galbeedka gaar ahaan maraykanka, wuxuu in badan ku baaqaa in israel la tirtiro, arinkaasi shucuubtii muslimka ee ay madaxdoodii dagtay waxay u noqotay farxad iyo in ay axmadi najaad ka dhigtaan xidig mudan in ay ku daydaan madaxdoodu.

Laakiin farqi wayn ayaa u dhexeeya wuxuu qof ku hadlo iyo waxa uu sameeyo ee hadba laga arko.

Axmedi najaad wuxuu had iyo goor ku celceliyaa cadaawada uu u hayo maraykanka laakiin waa iran dawlada ka caawisay maraykanka in uu soo galo afqanistan iyo ciraaqba.
Iran waa ta maal galisa jabhadaha shiicada ee suniyiinta ciraaq gumaada.

200 oo kun oo suniya oo ciraaq lagu dilay miyaanay shiico dilin 100 kun oo kamida halka uu 100 kun ee kale maraykan ka dilay, sida uu shirkii culimada islamka ee istanbul lagu qabtay ka sheegay sh. xaaris adaari oo ah gudoomiyaha dalada culimada reer ciraaq.
Iran waxay samaysay balanqaadyo ah in ay siinayso dawlada falastiin ee ay hogaaminayso xamaas lacag dhan 50 kun oo milyan, waxaana la ogayahay in aanay wali lacagtaasi gaadhin xamaas,  meeday lacagtii?  mise waxay ahayd hadalo lagu carablaalaadinayo dadyawga carbeed ee ay iran dhulkooda dhulbalaadhsiga ku wado, iyadoo donaysa inay soo celiso boqortooyadii faarisiyiinta.

Asbaabahaa iyo qaar badan oo kale ayaa kenay in ay badato taageerada shucuubta muslimka ahi ay u hayaan dawlada iran ee runtii cadawga u ah suniga. 

Xaqiiqada iran waa taas, dadbadan waxay odhan doonaan oo ay horeba u yidhaahdeen ma waxaa la diidanyahay in israel lala dagaalamo oo islaamku quwad nuclear ah yeesho waxaanse leenahay:-

Marnaba haku fikirin in ay yuhuud iyo reer galbeed ka guulaysato oo ay baabiiso cid aan suni ahayni, arinkaasina waa waxyi samaawi ah, waana balanqaad ilaah, hadii uu sunigu daciifana oo uu seexdana macneheedu maaha shiico haloo wareego ee waa in aan dib usoo toosinaa awoodii suniga, waayo islaamka cisi iyo sharafba waxaa u yeelay suni isaga uunbaana usoo celin kara.

islaamkuna maanta wax uu uga baahi badanyahay baa jirta hub casri ah waana in uu ku noqdo diintiisii, taas macneheeduna maaha in la iska daayo hubka laakiin hub aad bilaa caqiido iyo bilaa diin ku haysato ka pakistan ayaa tusaale kuugu filan, hub yar oo ay caqiido kuu raacdana ka quwada maraykanka lala hortaaganyahay ayaa tusaale kuugu filan caaqilkuna ishaaraduu wax ku fahmaa.

Ugu dambayntii waxaan odhan lahaa hadii yuhuud wax loo gaysto ama maraykan ereyo inaga farxiya lagu yidhaahdaa ka dhalan mayso in aan taageerno oo aan is garabtaagno cidaas, yaynaan marwalba noqonin garoon la isku dulhaysto iyadoo waxa la isku haystaana ay tahay inaga iyo dhaqaalehena waa in aan noqonaa cid isdufaacaysa ee aynaan kala raacin cida isku keen haysata.

Hadii aan dhibaatooyinka ay iran u leedahay suniga sheegnana ka dhalan mayso in aan yuhuud iyo reer galbeed taageersanahay ama aan ka aamusayno waxa ay yuhuudi dhibaatooyin gaysanayso, laakiin waa laba cadaw oo uu sunigu leeyahay dhibkii gaadhana waan ku farxaynaa iyadoo aan aad uga murugoonayno waxa dhibaato soo gaadhaya shucuubta muslimka ah ee ay labadaasi isku dhex laynayaan.

Waa in aan eegnaa cidaa aan taageeraynaa waxa ay tahay iyo waxa ay inaga inaga aaminsantahay, hadii cid lagu raacayo hadalo maraykan lagu yidhaahdana waxaa inooga mudan in aan ku raacno suniga maalin iyo habeenba leh hadalada dhabta ah ee ka tarjumaya waaqica umada suniga, laakiin suuro gal maaha in argagixiso la iiga dhigo sunigii ii dhawaa ee xaqayga u dagaalamaayay, saaxiib dhawna la iigo dhigo kii igu biraynaayay meelwalba walow cadawkale oo aan leeyahayna ha la dagaalamee. 

Khalid sheikh osman
Khaalid300@hotmail.com
Hargeysa

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Aug 30, 2006 1:37 AM

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD