Intaa
nooshahay maalin walba wax
aad arkeysaa wax kaa
yaabiya, iyadoo taasi jirto
ayaa dhawaan Xaafadda aan
deganahay ee AL-Baraka Guri
u dhow waxaan arkay dad
buuqaya oo la leeyahay Caawa
Xaafadda waxaa jooga
Dhurwaa, inta yaabay ayaan
waxaan dadkii ku iri “oo
Dhurwaagu muxuu qabanayaa?”,
markaas wiil i ag taagnaa
ayaa waxa uu igu yiri “Nin
Jinni qaba oo xaafadda degan
ayaa Dhurwaaga lagu
daaweenayaa”, markaasaa
qalbiga waxaa igaga soo
dhacay waxyaabo aan maqli
jiray oo ahaa in Jinniga
lagu daaweeyo Dhurwaaga ama
uu ka cabsoodo, waxaan
go'aansaday in aan tago halka
lagu hayo Dhurwaagaasi aan
subixii u dhaqaaqo, waxaan
kaxeystay Taxsi, waxaa ila
jiray dhowr qof oo ahaa
dadkii isoo tusayay, waxaana
marba jid goyno waxaan
markii dambe gaarnay
xaafadda Gubta, ama
deegaanka Ciisa-Cabdi,
yaanan war kugu daalinine,
waxaan gaarnay Gurigii lagu
hayay Dhurwaaga,
Dhallinyaradii haysay
Dhurwaaga ee xanaaneysa ayaa
waxay nagu yiraahdeen
“Haddii aad sawiraneysaan oo
aad war naga qaadeysaan
waxaad bixineysaan lacag” oo
markaasi aad u badneyd,
waxaana ku iri “diyaar ayaan
u ahay in aan bixiyo
lacagtaasi.”
Yar lagu magacaabo C/Qani
Urur Nageeye Fool-Fool ayaa
Dhurwaagii ka soo saaray
shabaqii uu ku jiray, waxaan
arkay Dhurwaagii oo
indha-caddeeynaya oo
fiigsan, inta naxay ayaa
waxaan ku iri yarkii
Kaamirada qaadayey oo lagu
magacaabo Faarax Blue “is
deji oo si tartiib ah
bahalka u sawir, waayo isagu
waa iga naxdin badnaa,
dhurwaana weligi ma arag”.
Markiiba inta la i
dhiirigeliyay ayaan si aad
ah ugu soo dhawaaday, hase
yeeshee Dhurwaagu ma ahayn
mid degan, oo hadba dhinac
ayuu u cararayay anna waxaa
is iri armuu kugu soo boodaa
oo qaniinyo kugu dhagaa,
hayeeshee yarkii hayay
Dhurwaaga ayaa waxa uu igu
yiri “u soo dhawow Bahalka”,
inta aan u dhawaaday ayaa
labo shuud (Sawir ) oo deg
deg ah laga qaaday. Markii
uu inoo dhamaaday sawirida
ayaa waxaan u soo jeestay in
aan wareysi ka qaado C/Qani
Urur Nageeye Fool- Fool
wuxuuna wareysigu u dhacay
sidan:-
S:
Goorma ayaad Dhurwaagaan soo
qabateen?
J:
Aniga iyo labo wiil oo dhaliyaro
ah oo wadana Gaari ayaa mar aan
mareynay Siliga Ameerikaanka ee
Magaalada Muqdisho waxaan
aragnay bahal Mukulaal u eg oo
dariiqa goynaya, markiiba inta
Gaarigii joojinay ayaan bahalkii
xaggiisa u dhaqaaqnay, meel ood
ah ayuu naga galay, waxaan ka
soo qabanay halkii, wuxuu markaa
jiray ama lagu qiyaasi karay
labo bilood.
S:
Hadda imisa sanno ayuu jiraa?.
J:
Wuxuu jiraa labo sano iyo dhowr
bilood.
S:
Cuntada uu cuno waa noocee?.
J:
Intii uu soo gaarayay lix bilood
wuxuu cuni jiray cuntada dadka
caadiga ah ay cunaan sida
Caanaha, Cambuulada, Cajeerada
IWM, balse dhowr sano kaddib
waxaan u qoondeenay ama aan u
qorsheenay in maalin dhaaf aan
lix Kiiloo Hilib ah siino.
S:
Sow ma aha kharash aad u fara
badan?.
J:
Isaga ayaa soo saarta
kharashkiisa.
S:
Oo sidee ku soo saartaa?.
J:
Dadka ayaan ku Daaweynaa.
S:
Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?
J:
Cudurada dhan ma wada daaweyno,
ee waxaa ku daaweynaa dadka
Jinka qaba.
S:
Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?.
J:
Waxaan ugu daaweynaa, marka hore
Qofka Jinka qaba ayaa Dhurwaaga
loogu galinayaa guriga isagoo
xirxiran, markiiba qofkii Jinka
qabay ayaa mar dambe soo
naaxaya, markaas ayuu wuxuu
leeyahay sidee wax u jiraan waa
mar uu Caafimaadka helo
S:
Sidee lagu ogaadaa qofka Jinka
qaba?.
J:
Qofka Jinka qaba haddii uu Toban
qof ku dhex jiro Dhurwaagu isaga
ayuu abaaraa, sidaas ayaa lagu
ogaadaa qofka Jinka qaba.
S:
Qofka lagu doonayo in Jinka laga
daaweeyo imisa ayaad ka qaadaan
oo Kharash ah?.
J:
Waxaanu ka qaadnaa Hal Malyan oo
shillin Soomaali ah oo u
dhiganta 70 Doollar
S:
Imisa qof ayaa ku daaweyseen ila
iyo haatan oo Jin qabay?.
J:
Labadii sano ee Bahalkaan aanu
heynay waxaan ku daaweenay ilaa
iyo Boqol ruux oo nooga kala
yimid Muqdisho iyo Goboladda ku
hareereysan.
S:
Maxay tahay waxyaabihii kuugu
yaabka badnaa intii aad dadka
Jinniga ka daaweyneyseen?.
J:
Waxaa iigu yaab badnaa, markii
inta qof Jin qaba Dhurwaagii loo
soo xirxiray la damcay in
Dhurwaaga lagu sii daayo, ayaan
waxaan arkay Dhurwaagii oo isaga
ceego lagu hayo, oo halis
naftiisu gashay, waxaana taas
ugu wacan Jinka qofka ku jira oo
ah mid aad u xoog badan, waxaana
markaasi la isugu daraa Qur’aan
iyo Waraabihii.
S:
Maxaa kale oo faa’iido ah ayaad
ka heshaan marka laga tago ku
daaweynta Jinka ee aragtidiisa?.
J:
Dadka aan awoodin in ay iska
bixaan Kharashka aragtida
Dhurwaaga waxay qaataan
Dhogortiisa ama Saaladiisa,
iyada ayaa inta Dab-Qaad ama
Iddan loogu shubo lagu qiiqiyaan
sidaasna uu uga baxaa Jinku.
S:
Maxaa kale oo faa’iido ayaa soo
raacda?.
J:
Dadka u soo Daawasho taga
Dhurwaaga waxaanu ka qaadnaa
lacag. waxaana maalin walba
Dhurwaaga soo booqda dad aad u
fara badan.
S:
Dhurwaagaani ma Dhadigba mise
waa Lab?
J:
Haa waa Lab ama Nin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12,
2005
###
Akhri Qisadii Madhoodhow:
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka,
Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda,
Oolyadana wuu ku Qubeystaa!!!
.
Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
.
Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA.....
BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX
XUMIDA