Amiin Yuusuf Khasaaro, Muqdisho.
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka
Tan
iyo markii dalkeenna Soomaaliya ay ka dheceen dagaalladii sokeeye ayaa waxa
uu isbeddel ku yimid habka maridda waddooyinka ee gawaarida, gaar ahaan
gawaarida daabusha dadweynaha ee loo yaqaanno (BL-ka).
Waxaa
sameysmay waddooyin cusub, waxaana weli xiran waddooyin ay mari jireen
gawaarida, haddii aan muuqaal guud idinka siiyo habka gawaarida ay u maraan
Muqdisho ama ay u sameysmeen waddooyinka, marka ugu horreysa Suuqa weyn ee
Bakaaraha waxa uu noqday ceel-gaabta cusub, waayo waxa uu saldhig u noqday
dhammaan gawaarida u kala foofta xaafadaha magaallada Muqdisho. Marka ugu
horreysa ma jirto wax taraafiko ah, haddii ay laba gaari isku dhacaan waxaa
laga yaabaa in muddo laba maalmood ay is hor fadhiyaan, qaarkoodna waxa ay
keenaan isku dhac ay ku dhintaan dad aad u fara badan, waxayna marka ugu
dambeysa arrintan ku biyo shubataa in ay kala dhex galaan odayaal oo markaa
kaddib la kala qaado gawaaridaasi, waxaan xusuustaa in sanadkii 1992-kii
1,000-Shillin (kun shillin) Soomaali ah ay u dhinteen 8-qofood, kaddib markii
uu muran ka dhashay bixinta kunkaasi shillin, waana dhacdo aan goob joog u
ahaa. Dhibaatooyinkaasi waxaa ugu wacan sharcidarrada iyo fowdada ka taagan
dalka oo ay abuureen dagaallada sokeeye.
Haddii
aan ka hadlo qaabka ay gawaarida dadweynuhu u maraan waddooyinka marka ugu
horreysa gawaari ayaa ka baxda aga-gaarka Isgoyska Black Sea ee jidka
soddonka, waxa ay maraan Isgoyska Baar Ubax, , waxayna ka leexdaan halka lagu
magacaabo Cali Kamiin, dabadeedna waxa ay isla dhigaan dhinaca garoonka
Stadium Muqdisho, waxayna ku dhacaan waddada weyn ee Warshadaha, iyagoo sii
mara Isgoyska Towfiiq illaa Ex-control, halkaas ayay ku eg yihiin, mararka
qaarkoodna gawaari ayaa jirta in ay sii gudbaan oo ay gaaraan illaa Baar
Kulmiye.
Gawaarida nooca loo yaqanno Coasters-ka ayaa
ka baxa Suuqa Bakaaraha, waxa uu maraa Isgoyska Black Sea, dabadeedna waxa ay
sii raacaan waddada Shiirkole, iyagoo ka leexda Ex-Xaruntii Guulwadeyaasha,
dabadeedna waxa ay kor u sii fuulaan jidka warshadaha, waxa ay sii hor maraan
Ex-Kliyaddii Jaalle Siyaad, waxana ka leexdaan Ex-Control Afgooye, iyagoo si
toos ah u sii aada dhinaca Xoosh, dabadeedna waxaa boosteejo u ah Saldhiggii
Galbeed ee Degmada Dharkeenley, hala yaabin waddadan waxa ay sameysantay
xilligii dagaallada sokeeye.
Gawaari kale ayaa ka baxda isgoyska Siinaay,
waxa uu marinkoodu yahay Isgoyska Howl-wadaag, kaddibna waxa ay ku yara
hakadaan Isgoyska Bakaaraha, waxa ay sii maraan sidoo kale Isgoyska
Kaaso-balbalaare (KPP), iyagoo toos ugu sii gudba fagaaraha Tarrabuunka,
waxana gadaal ka maraan Ex Kuliyaddii Caafimaadka, waxayna la leexdaan Baar
Jaziira, kaddibna waxa ay ku yara hakadaan Isgoyska Isbitaal Banaadir, iyagoo
toos u aada dhinaca Jaamacadda Umadda, iyagoo ugu dambeyntiina ka leexda
Safaaraddii Mareykanka, halkaas ayayna ka galaan Degmada Madiina, laga
bilaabo Tarbuunka illaa degmada Madiina waa waddo cusub oo sameysantay
dagaallada sokeeye.
Gawaarida
nooca loo yaqaanno Hommy-ga ayaa ka baxa Suuqa Bakaaraha, waxaana markii ay
gaaraan Isogyska Baar Ubax ay u leexanayaan Jidka Warshadaha, dabadeedna waxa
ay afka saarayaan dhinaca Warshadda Ifka Xalan, halkaa ayay marayaan, waxa
ayna ku dhacayaan waddo bacaad ah, waxayna baabuurtan u jiheysan yihiin in ay
tagaan deegaanka Gubta, waana boosteejo sameysantay dagaallada sokeeye.
Gawaari kale ayaa iyagana waxa ay ka baxaan
suuqa Bakaaraha, waxa ay si aad ah uga rartaan Hotel Olympic, halkaas ayay ka
dhaqaajiyaan, dabadeedna waxa ay maraan jidka wadnaha, iyagoo sii maraya
isgoyska Siinaay, waxayna ku eg yihiin isgoyska Sanca, gawaari kale oo caasi
ah ayaa kaa sii qaadaya, waxayna toos kuugu shubayaan illaa suuqa Kaaraan.
Isgoyska Kaaraan ayaa sidoo kale waxaa ka
baxaya gawaari kale oo iyagana ku sii jeeda Isbitalka Keysaney, waana
waddooyinka cusub ee dhowaan samaysmay. Gawaari ayaa ka baxda Isgoyska Sanca,
waxa ay sii maraan Ex-dugsigii Maxamuud Axmed Cali, iyagoo sii mara Laf-weyn,
Hotel Kaah, Hotel Ramadaan illaa ya ka gaaraan Suuqa Xoolaha.
Ka soo gudub gawaari kale ayaa ka baxda
Suuqa Bakaaraha, waxa ay maraan jidka soddonka, iyagoo ka gudba Isgoyska Cali
Kamiin, waxayna afka Saaraan waddada dheer ee Fagax, halkaas ayayna ku eg
yihiin gawaaridaasi, balse kuwo kale ayaa kaa sii qaadaya oo Coaster ah,
waxayna ku geynayaan Suuqa Huriwaa, waddadan ayaa sidoo kale waxa ay
sameysantay dagaalladii sokeeye.
Caasi
ayaa kaa qaadaya Baar-Ubax waxa uu ku marsiinayaa Jidka loo yaqaanno (Jid
Mareexaanka), isagoo goynaya Isgoyska Howl-wadaag ex- dugsigii 21-ka
November, waxa uu u daadegayaa dhinaca Madaxtooyada (Villa Somalia), dhinac
ayuu ka marayaa Villada, waxa uu sii marayaa Ex Xaruntii Ururka dhallinyarada,
wuxuu la dhigayaa Imborotooriyada Ceel-gaab, waxa uu sii marayaa Shineemo
Ceel-gaab, dabadeedna waxa ay ka soo jiireynayaan Ex-Afar Irdood, waddadan
aan ka soo sheekeynay ma jirin waqtigii dowladdii hore ee Maxamed Siyaad,
balse waa kuwo sameysmay waqtiyadii ay socdeen dagaallada sokeeye.
Xaajiyadaha nooca loo yaqaanno (Xaaji
Khamsiin) ayaa kaa qaadeysa Isgoyska Bakaaraha, waxa ay sii marayaan Isgoyska
Kaasa-bol-bolaari (KPP), iyagoo aan gaarin Tarbuunka ayaa waxay ka
leexanayaan Ex-Hotel Taleex, waxa ay sii marayaan carwadii Qaranka, kaddib
waxa ay la leexanayaan 3 Piano, waxa ay sii marayaan Isogyska No.4,
dabadeedna waxa ay usii gudbayaan waddada tagta Afisyooni, iyagoo sii maraya
dugsigii 21-ka October, kor ayay u sii baxayaan, dabadeedna waxa ay hor
marayaan dekedda weyn ee Muqdisho, waxa ay la leexanayaan waddo ka leexata
Dekedda illaa ay ka gaaraan Via Roma, halkaa ayaa iyagana fariisin u ah,
iyagoo dib ugu soo laabanaya waddadoodii, soona qaadaya dadka raba Suuqa
Bakaaraha, hana la yaabin waxa ay ka mid yihiin waddooyinka cusub ee dhowaan
sameysmay.
Gawaari
Caasi ah ayaa kaa soo qaadeysa Isgoyska Cali Kamiin, waxa ay soo marayaan
Isgoysyada Carwo Itko, Baar Ubax, Black Sea, Ex- Hotel Al-Baraka, waxa ay ka
leexanayaan Warshaddii Caanaha, iyagoo sii maraya fagaaraha Tarbuunka, waxa
ay ku yara hakanayaan Isgoyska No.4, kaddibna way ka sii dhaqaajinayaan
iyagoo sii hor maraya CID-da, Ex-Wasaaraddii tacliinta Sare, Wasaaraddii
Beeraha, qaar ka mid ah gawaaridaasi waxa ay ku eg yihiin Daarta Zoppe, halka
kuwo kalena ay ka sii gudbayaan illaa ay ka gaaraan Suuqa Buulo-xuubey, hana
la yaabin waa waddooyinka cusub ee sameysmay dagaallada sokeeye.
Isgoyska Towfiiq ayaa waxaa kaa qaadaya
gaari caasi ah oo loo yaqaanno Hommy, waxa uu ku marsiinayaa Suuq Bacaad,
waxa uu ku marsiinayaa Isgoyska Afarta Darjiino, kaddibna waxa uu u
hoobanayaa dhinaca Maano Boolyo, qaarkood halkaa ayay ku eg yihiin, halka
kuwo kalena ay ka sii gudbaan illaa ay tagaan Isgoyska Jubba, kuwo kale ayaa
kaa sii qaadaya illaa ay ka gaaraan Ex- Bankigii ganacsita,
Gawaari kale ayaa iyagana toos kaaga qaadaya
Ex-Bankigii ganacsiga, waxa ay hor marayaan xaruntii Taraafikada, sidoo kale
waxa ay sii marayaan Xaruntii Naadiga Jeenyo (LPP), way sii soconayaan iyagoo
sii maraya Ex-Garoonkii Luujino, kaddib waa ay ka sii gudbayaan iyagoo hor
maraya Garoonka Cons Stadium, waxa ay hor marayaan waddadii Laasareeti,
kaddibna waxa ay gawaaridaasi ku geynayaan Suuqa Kaaraan.
Dhowaan
ayaa lagu guuleystey in la furo waddadii ka tagaysay Isgoyska Bakaaraha illaa
Dabka, balse waxa ay gawaarida kur u sii fuulaan waddada Uganda, iyagoo dadka
geeya illaa Dekedda ama dugsiga Sare ee Booliska.
Waddooyinka xiran haddii aan mid-mid u soo
qaato waxaa weli xiran waddadii ka tageysay Shiirkole ama Saraakiisha ee hor
mareysay Hotel Al-Baraka, dhex maraysay Isgoyska KPP, kaddibna tegeysay
xaruntii shaqaalaha, waxaa kaloo xiran waddadii ka tegi jirtay No.4 ee hor
mareysay Hotel Maka Al-Mukarrama, sii mareysay waddada Dabka illaa Isgoyska
Taallada Sayidka, ee sii marayay National Theater-ka, guriga hooyooyinka
illaa Shabeelle, sidoo kale waxaa weli xiran waddadii ay mari jireen
gawaaridii ka tegi jirtey Shabeelle ee mari jirtay Dugsiyadii Yaasiin Cismaan,
Dugsigii Saqaawudiin, Wasaaraddii Boostada iyo Jubba, waxaa kaloo xiran
waddadii ka tagi jirtay Xerada Gulwadeyaasha ee mari jirtay jidka soddonka,
dabadeedna dhex mari jirtay Bakaaraha.
Isgoysyada
ugu gawaarida badan ayaa kala ah Isgoyska Black Sea iyo Baar Ubax, mar-marka
qaarkood haddii aad gaari saaran tahay oo jidku isku xirmo waxaad waddadaasi
ku xayirnaanaysaa muddo saacado ah, mararka qaar waxaa dhacda in marka ay
waddadu sidan oo kale isugu xiranto in gawaarida ay saaran yihiin
maleeshiyooyinka ay rasaas ku furtaan waddada, waxaana halkaa ku kala carara
wixii gawaari ah ee markii hore is cariirinayay, sidaa darteed ha la yaabin
haddii Hoonkii uu beddelay dhawaqa rasaasta, waxaa intaa sii dheer in
gawaarida waaweyn ee xamuulka ah ay iyagana iska dhigtaan gawaaridooda wadda
dhexdeeda, waxaad arkeysaa darawalkii oo ku dhex dansaday gaarigiisa jidka
bartamihiisa, kaddibna ku qaylinaya “Car yaa taabta gaarigeyga!!!, yaase
xoog igu leh in aan halkan ka wareejiyo”.balse maalmahan Muqdisho waxay u
muuqataa mid ka soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.