SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QAYBTII 2aad: WAA KUMA MADAXWEYNE GEORGE WALKER BUSH:

Todobaadkii hore waxaan ka hadlay taariikhdii guud ee Madaxweynaha 43-aad ee tallada dalka maraykanka haya George W. Bush, Waxbarashadiisa iyo qoyskiisa iyo weliba aaminsanaanta diintiisa, todobaadkan waxaan diirradda saari doona muuqashadii siyaasadeed ee George W. Bush iyo waayahiisii guriga cad.

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

 

 

GEORGE WALKER BUSH IYO BADHASABNIMADII GOBOLKA TAXES 1994-kii

Sannadkii 1990-kii afar sanno uun ka hor intaanu noqon badhasaabka Gobolkii uu ku koray ee Taxes, George W. Bush wuxuu ahaa maareeyaha naadigii kubadda Baseball-ka ee Taxes Rangers Bas, isaga oo naadigaasi maal gashi ku samaystay, balse afar sanno ka dib ayuu George W. Bush iyo maalqabeenadii kale ee naadiga lahaa waxay go'aan ku gaadheen in ay Naadiga iibiyaan, waxaana uu George W. Bush ka hellay iibkaa naadigaasi dakhli lacageed oo gaadhaayey $14.9 Milyan oo dollar.

George Walker Bush wuxuu usoo dhaqaaqay dhinacii siyaasadda sannadkii 1994-kii isaga oo wakhtigaasi Aabahii George Herbert Bush ahaa madaxweynahii 41-aad ee gobolada Midoobay ee dalka maraykanka, wakhtigaasi oo George W. Bush ogaa fursado badan oo uu ka heli karo inuu noqdo Badhasaabka gobolkii uu ku koray ee Taxes, ayuu isku soo sharaxay jagada Badhasaabnimo isaga oo u tartamaayey xisbiga Jamhuuriga (The Republican Party) wuxuuna la tartamaayey Ann Richards oo ahaa nin dimuqraadi ah oo ahaa badhasaabkii wakhtigaasi ee gobolka Taxes.

George W. Bush

George W. Bush oo ahaa Badhasaabka

Gobolka Taxes sannadkii 1994-kii

George W. Bush wuxuu ku guulaystay inuu noqdo Badhasaabkii 46-aad ee gobolka Taxes, intii uu badhasaabka Gobolka Taxes ahaa George W. Bush wuxuu ahaa badhasaabkii keliya ahaa ee gobolka Taxes xukuma ee saxeexa sharciyada dilka, sharciyadaasi oo gobolada qaarkoodna la isku xukumo gobolada qaarna aan laga soo dhawaynin, wuxuuna qallinka ku duugay George W. Bush 152 kiis (152 death penalty cases) oo dhamaantood lagu fuliyey dadkii lagu soo eedeeyey dilkaasi intii uu ahaa badhasaabka gobolka Taxes.

George W. Bush wuxuu noqday badhasaabkii keliya ahaa ee soo maray taariikhda gobolka Taxes ee laba jeer oo is xiga loo doorto hawsha badhasaabnimo (Governor of Taxes), iyada oo ay ugu wacnayd isaga oo intii uu xukunka gobolka Taxes gacanta ku hayey fuliyey hawlo siyaasadeed oo soo jiitay deegaanada uu ka koobanyahay gobolka taxes ha noqoto kobcinta waxbarashada, ogolaanshaha xorriyadda diimaha (religious charity) iyo qodoba kale oo muhiim ahaa.

GEORGE WALKER BUSH IYO TARTANKII MADAXTINIMADA DALKA MARAYKANKA SANNADKII 2000-kii

Sannadkii 2000 ayaa xisbiga Jamhuuriga ee dalka maraykanku waxay u caleemo saareen George W. Bush inuu noqdo musharaxooga uga qayb gelaya dooroshooyinkii ka dhacay waagaasi dalka maraykanka, xisbiga jamhuuriga oo xeerinaayey guul darooyiinkii ka soo gaadhay afar sanno ka hor ka dib markii musharaxoogii madaxtinimo ee la tartamaayey Madaxweyne Bill Clinton waa Bob Don si weyn looga adkaaday, waxay muujiyeen inay isku keenan cudud soo jiidan karta shacabka maraykanka oo wakhtigaasi u oomana isbedel siyaasadeed maadama oo Dimuqraadiyiintu ay xilka hayeen 8 sanadood oo is xigta.

George W. Bush waxaa wakhtigaasi ay Jamhuuriyiintu u arkayeen nin hanan kara kana adkaan kara musharaxii ay dimuqraadiyiintu keenen oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii Madaxweyne William Jefferson Bin Clinton, Al-Gore, 'marka hadaba la is bar bar dhigaayo khibradda George W. Bush uu kula tartamaayey Al-Gore oo wakhtigaasi lahaa mansab sumacadeed oo aad u sareeya ayaa ay jamhuuriyiintu aad uga darseen waxaanay ku xayndaabeen ololahii George W. Bush ee sannadkii 2000 khubaro siyaasadda aad ugu xeel dheer, taasi waxay ka dhigtay in doorashadu aad iskugu dhawaato gil gilasho baddanna geliso Musharax Algore-kii xisbiga dimuqraadiga.

Bush listens as Democratic opponent Al Gore states a point during a debate.

Madaxweyne George W. Bush oo dhegaysanaya

Dood uu kula jiray ninkii kula tartamaayey madaxtinimada

sannadkii 2000 Algore 

George W. Bush wuxuu wakhtigaasi ka faa'iidaystay ceebahii ku wareegsana Madaxweynahii hore ee maraykanka Bill Clinton oo lagu soo eedeeyey gogol dhaafkii Monica Lawinisky, iyo weliba oomaanan badan oo shacabka maraykanku u qabeen inay helaan hogaan cusub oo ka yimaadda xisbiga dhinaca midig, George W. Bush qodobadii ku jiray hindisayaashiisi ololahii sannadkii 2000 uu ku gallay tartanka madaxtinimada waxaa ka mid ahaa :

 Dhaqaalaha

waxaa la gallay olole aad u balaadhan, George W. Bush waxyaabaha uu xoog saaray waxaa ka mid ahaa qodobka dhaqaalaha iyo cashuurta laga qaado dadka maraykanka (Taxe) isaga oo ugu ballan qaaday dadka dabaqadda dhexe ee dalka maraykanka inuu ka dhimo doono cashuuraha laga qaado, iyada oo uu ku laban laabi doono kuwa dabaqadda sare ee u badan miliyan dheerada iyo bilyan dheerada, mid ka mid ah ajandayaashii uu George W. Bush la tegay :
 

 
Urur dakhliyeedka

(Kumaananka dollar)

cel celinta

keydka
(dollars)

0-10 5
10-20 63
20-30 204
30-40 351
40-50 500
50-75 820
75-100 1,776
100-200 2,710
200-500 5,527
500-1,000 17,605
1,000+ 88,873

Sida kor ka muuqata wuxuu George Walker Bush la tagay qorshayaal ay shacabka maraykanku aad ugu baahnayeen xagga dhimitaanka cashuuraha faraha badanleh ee laga qaado dadka maraykanka, 10-kii qof ee ka yimaad dabaqadda dhexe (the middle class families) waxaa hoos looga dhigaya lacag u dhiganta 5 Dollar maalintii sida ku cad shaxda kor ku qoran oo ahayd ajadayaashii ololahiisi sannadkii 2000.

Waxbarashada

Xagga waxbarashada ayaa uu George wakhtigaasi hindisay qorshe si weyn usoo jiitay dhamaan shacabka maraykanka oo uu ugu magac darray (No child left Behind) qorshahaasi oo ahaa in dawladda dhexe taageero weyn oo dhaqaale ka gaysan doonto iskuulada gaarka ah iyo kuwa dawladda labadaba, iyada oo ardayda dugsiyada sare ka baxana loo diyaariyey adeegyo muhiim ah oo tusaale ahaan ciidamada maraykanku damaanad ugu qaadanayeen inay tababar siinayaan.

Doodahii uu keenay George Walker Bush waxay u riixeen inuu helo rajo fiican uu ku hanan karo mansabka ugu muhiimsan dalka maraykanka iyo dhamaan caalamka oo idil oo ah Madaxweynaha 43-aad ee dalka maraykanka ahna Taliyaha guud ee ciidamada maraykanka

GUUSHII MADAXWEYNE GEORGE WALKER BUSH EE MADAXTINIMADA DALKA MARAYKANKA

George W. Bush wuxuu u dhaartay xilka Madaxtinimada dalka maraykanka (THE U.S.A PRESIDENCY) 20 January sannadkii 2001, isaga oo noqday madaxweynahii 43-aad ee taariikhda maraykanka soo mara,  markaasi oo uu codod aad iyo aad u yar kaga adkaaday musharaxii xisbiga dimuqraadiga u sharaxna Al-gore, iyada oo dooroshadaasi lagu qiimeeyey inay ahayd doorashadii iskugu dhawayd (closest  u.s.a elections ever in the history), Muddo dheer oo muran badan dhalisay ka dib markii cododkii gobolka Florida uu dib u dhac ku yimid markaasi oo mashiinadii cododka tirinaayey uu khal khal gallay, ayaa Musharaxii dimuqraadigu diiday inuu hambalyo u diro George W. Bush, waxaanay arrintaasi tegtay ilaa Maxkamadda sare ee dalka maraykanka (the u.s Supreme Court) iyada oo kiiska cododkaasi gallay khal khal weyn, waxyaabaha ay dimuqraadiyiintu codsanayeen waxaa ka mid ahaa in dib gacanta loogu tiriyo cododkaasi, halka Jamhuuriyiintu ay ka soo horjeedsadeen qorshahaasi kuna tilmaameyeen in cododka uu mishiinku tirin kari waayey laga dhigo qaar kharibmay.

Balse Maxkamadda sare ee dalka maraykanka ayaa u xukunta Jamhuuriyiinta kiiskoogii sidaasina waxaa loogu xalaaleeyey George W. Bush inuu hanto xilka Madaxtinimo ee dalka maraykanka afarta sanno ee u dhexeysay 2001 ilaa 2004  bisha november.

Todobaadka Soo Socda haddii alla idmo waxaan ka hadli doona hawshii ugu cuslayd ee La soo darista Madaxtinimada George Walker Bush oo ahayd qaraxyadii loo gaystay magaalooyinka New York City iyo Washington ka dib markii dhulka la dhigay dhismahii ugu dheere magaalada NYC "world trade Center" gurigii ganacsiga adduunka iyo wasaaraddii gaashandhiga "the pentagon" iyo weliba hawlgalladii militery ee uu bush la beegsaday waddanka afghanistan iyo maamulkii taliban ee halkaa ka talinaayey, iyo weliba weeraradii uu ku qaaday dalka ciraaq sannadkii 2002 ee uu kaga tuuray xukunka Madaxweyne Saddam Xuseen-kii dalka ciraaq.

AKHRI QAYBTA 3aad....

KULAABO QAYBTII KOOWAAD

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 11, 2004

Akhri::: Musharax John Forbes Kerry

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD