SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QAYBTII 3aad: WAA KUMA MADAXWEYNE GEORGE WALKER BUSH:

Todobaadkii hore qaybtii labaad waxaan kaga hadlay Madaxtinimadii Madaxweyne George W. Bush iyo ololahiisi sannadkii 2000, murankii cododka Florida, iyo weliba badhasaabnimadiisi ka horaysay ee gobolka Taxes, todobaadkani waxaan diiradda saari doona waayo aragnimadii ugu weynayd ee la soo darista Madaxtinimada George Walker Bush iyo qaraxyadii loo gaystay dalka maraykanka.

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

 

QARAXYADII 11 SEPTEMBER IYO MADAXWEYNE GEORGE W. BUSH

Wakhti Aroor ay tahay, cad ceed badani aanay jirin, dhaxan iyo qabow badanna ku ceegaagnaayeen gobolada Koonfureed ee dalka maraykanka, ayaa Madaxweyne George W. Bush wuxuu ka soo duulay Magaalada Washington, isaga oo ugu kicitimay safar hawleed gobolka Florida oo walaalkii Jeb Bush ka yahay badhasaab, Madaxweyne Bush hawlaha uu u tegay Florida waxaa ugu waaweyna hawlo waxbarashada oo uu doonaayey inuu ku balaadhiyo gobolada Maraykanka.

Taliyaha ciidamada guriga Cad, Andrew Card oo dhegta ugu sheegay
Madaxweyne Bush Weerarka lala beegsaday Newyork iyo Washington.

Saacadda Gobolka Florida markay tilmaamaysay 8:44 aroornimo ayuu Madaxweyne Bush ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalada Sarasota ee gobolka Florida, sida caadada ahba waxaa halkaasi ku sugaayey ilaa dhawr iyo toban gaadhi oo iskugu jira kuwa ilaalada u ah Madaxweynaha iyo gawaadhi ay la socdeen saraakiisha gobolka Florida, waxaa Madaxweynaha loo soo galbiyey Hall weyn oo ku yaal dugsiga hoose ee magaalada Sarasota, halkaasi oo uu Madaxweynahu kaga qayb qaadanaayey dhegaysi casharo la siinaayey arday wax ku baranaysay.

Diyaaraddii labaad oo duqaynaysa guriga ganacsiga Aduunka

9:05 miridh ayaa waxaa lagu baraarugay qarax weyn oo ka kacay dabaqa 22-aad ee dhismaha ururka ganacsiga adduunka ee ku yaall Magaalada New-York, dareen xoogleh ayaa markiiba sababtay in dadkii u dhawa dhismahu ay cagaha wax ka dayaan iyaga oo ka foganaya ololka baaxadda leh ee ka kacaaya, badiba dadku wakhtigaasi waxay is weydiinayeen waxa sababay qaraxaasi, Stephen James oo ka mid ahaa shaqaalahi dabaqa hoose ee dhismaha ururka ganacsiga adduunka (World Trade Center), ayaa wuxuu yidhi "Maskaxdayda markiiba waxaa ku soo dhacday in cillad xagga laydhka ah (electricity fault) ay sababtay qaraxa intaasi le'eg ee ka kacay, oxoga cabaar ah ayaa la isa soo tubay meel aad uga durugsan dhismaha, iyada oo dadku siyaabo kala duwan u xanshaashuqayaan la isna weydiinaayo sababta dhalisay qaraxani, balse dhinaca beri ayaa waxaa indhaha dadku ku dhacay diyaarad si xawli hoose ah usoo socota oo ku soo beegan dhismaha dabaqiisa 19-naad, waxaana ay si toos ah u gashay dhismaha, olol iyo qiiq badan ayaa ka kacay, orod iyo oohin badan ayaa dayaantay, dabaqyada afartanaad ilaa kontonad ayaa la arkaayey dad iska soo tuuraaya, ileen waxaan maqli jiray "nafi orod ayey kugu aamintaaye" labadii dhisme ee gurigii ganacsiga adduunka ayaa mar qudhaata sida buskadka oo kale isla ruqay, iyada oo halkaasi wixii dad iyo duunyo ku  jiray ay ku shuf beeleen, iyada oo lagu qiyaasay dadka ku naf waayey 2.795 qof, muddo toban daqiiqadood ka dibna waxaa diyaarad kale oo ah American Airlines duqaysay qaybtii shaqada ee guriga gaashandhiga ee dalka maraykanka,(the operational Section of Pentagon ) iyada oo halkaasi ay ku naf waayeen in ka badan 800 oo iskugu jira saraakiil ciidameed iyo weliba hawl wadeeno ka shaqaynaayey Pentagon-ka.

10:30 Subaxnimo ayuu Madaxweyne Bush dhegta qabsaday Telephone-ka isaga oo toos ula xidhiidhay La taliyahiisa xagga amaanka Condoleza Rice, wuxuuna amar buuxda ku siiyey in baadhitaan horleh la bilaabo, 10:40 miridh ayuu Madaxweynahu wuxuu toos ula hadlay guriga cad isaga oo la hadlay Haweenaydiisa Laura wuxuuna u sheegay inuu ku soo guryo laaban doono Washington muddo saacado gudahood ah, Madaxweyne Bush wuxuu kale oo la hadlay Ku xigeenkiisa Dick Cheney isaga oo amar ku siiyey in ammaanka si weyn loo sugo.

11:40 daqiiqo ayuu Madaxweyne Bush wuxuu soo gaadhay Saldhiga ciidamada ee Barksdale oo ku yaalla magaalda Los Angeles, wuxuuna Madaxweyne Bush halkaasi telephone kula hadlay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkiisa Gaashandhiga Donald Rumesfeld, iyo labada Senator ee laga soo doorto gobolka New-york oo kala ah Senator Hillary Clinton iyo Senator Charles Schumer, iyo duqa magaalada New-York Rudy Juliani,

 

12:12 miridh ayuu George W. Bush wuxuu shir albaabadu u xidhanyahiin kula yeeshay Saraakiisha sare ee ciidamada guriga cad, saldhiga ciidamada Coumoflaged ee magaalada Nave ee gobolka Alabama,

3:07 daqiiqadood ayuu Madaxweyne Bush wuxuu soo gaadhay Taliska Guud ee ciidamada maraykanka Offut Airbase, ee ku yaalla magaalada Nabraska, wuxuuna halkaasi shir albaabadu u xidhanyahiin kula yeeshay Madaxa sare ee ciidamada dalka maraykanka.


Dick Cheney oo la hadlaya Madaxweynaha

6:30 daqiiqo ayuu Madaxweyne George W. Bush soo caga dhigtay xarunta waddanka Maraykanka ee Washington D.C, wuxuuna Madaxweynahu bilaabay inuu u jeediyo qudbad shacabka Maraykanka dhamaantiis.


Madaxweyne Bush oo ku guda jira qudbadiisa

8:30 fiidnimo saacadda Washington D.C ayuu Madaxweynahu wuxuu u jeediyey qudbad shacabka maraykanka isaga oo uga jeediyey televisionka maraykanka ee "ABC" Waxaana ka mid ahaa kelmadahii George W. Bush "Waxaan doonaya inaan u sheego shacabkayga qaaliga ah ee maraykanka in ay diyaar yahiin dhammaan ilahii dhaqaale iyo diyaar garow ee lagu badbaadin lahaa dhibaatooyinkii inagu habsaday, waxaan xidhiidh la sameeyey dhamaan hawladeenada gobolada dalka maraykanka iyo washington, waxaanan idiin ballan qaadaya inaan dhulka soo dhigi doono fulayadii ka danbeeyey weerarkani fulaynimada ah "cowardly attack" isku daygani waxaa loogu tallo gallay in la inagu cabsi galiyo laakiin waa khaldameen kuwaasi"

12 June, iyada oo aan maalintii ka horaysay laga seexanin guriga cad iyo pentagon iyo dhamaan guryaha dalka maraykanka cabsi iyo dawakhaad awgeed ayaa waxaa Haayadda guud ee baadhitaanadu (Federal Investagation agency "FBI") Waxay soo saartay qoraal tuhun weyn ah oo lagu eedeeyey weeraradini inuu ka danbeeyey wadaadka hogaanka u ah ururka Alqaacida ee waddanka Afghanistan, OSAMA BINLADEN, qoraalkaasi waxay ku sheegtay FBI in ururka Alqaacida oo amar ka haysata hogaankeeda Binladen ay fuliyeen weeraradii loo gaystay dalka maraykanka 11 September, iyada oo loo adeegsaday afar diyaaradood oo ah "american airlines" sida warbixintaasi sheegtay waxaa afarta diyaaradoodba laga soo afduubay gegida diyaaradaha ee magaalada New-york "JFK AIRPORT", iyada oo ay afduubka sameeyeen rag carab ah, Seddex ka mid ah afarta duulimaad waa fuleen iyada oo laba diyaaradood ku dhaceen guriga ganacsiga adduunka, midina ay ku dhacday guriga gaashandhiga ee maraykanka, halka tii afraad ay ciidamada cirka ee maraykanku toogteen, iyada oo ku soo dhacday xeebta gobolka Pennyslavenia.


Labada gole qaran ee dalka maraykanka

oo shir jaraa'id ku qabanaya barxadda capital-hill

12 September gellinkeedii danbe shir balaadhan oo golaha Congress-ka iyo Senate-ku ku lahaayeen Capital Hill waxay qabteen shir jaraa'id oo ay u sameeyeen si wada jir ah, waxaanay xaqiijiyeen inay Madaxweynaha siin doonan awood kasta oo lagaga daba tegayo dadkii ka danbeeyey qaraxyada loo gaystay Newyork iyo Washington.

13 September 2001, waxay u ahayd dhamaan golayaasha qaranka, haayadaha sirdoonka ee dalka maraykanka, guriga cad, guriga gaashandhiga "pentagon" guriga arrimaha dibadda "State Department", wasaaradda cadaalada "justice Department" iyo dhammaan taliyayaasha iyo badhasaabyada gobolada dalka maraykanka shirar aan joogsi lahayn oo lagaga arrinsanaayo waxa dhacay, waxaa dhamaan albaabada loo laabay duulimaadyadii dibadda iyo gudaha ee madaarada waaweyn ee dalka maraykanka, waxaa meel kasta la dhigay ciidamada qalabka sida ee dalka maraykanka sida, Biriijyada, Isgoysyada, Madaarada, xarumaha dawladda, dhismayaasha diblomaasiyiinta, safaaradaha, iyo dhamaan goobaha muhiimka ah.

14 September ayaa waxaa qudbad u jeediyey shacabka maraykanka Madaxweyne George W. Bush isaga oo ku wergelinaya shacabka maraykanka go'aanka uu qaadan doono waxaana ka mid ahaa kelmadahiisi "Aniga oo ah George W. Bush Madaxweynaha dalka maraykanka ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan amar buuxda ku siinaya dhamaan ciidamada qalabka sida inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooga hooyo, waxaan amar ku bixinaya in la tirtiro ururada, ashkhaasta iyo dawladaha ku sifoobay argagixisada caalamiga ah, Waxaanu weerari doona dawladaha iyo ururada caawiya ama gacan siiya argagixisada caalamiga ah"

qudbadaasi dabadeed, waxaa si isdaba joog ah iskaga dab qaaday Washington iyo London diblomaasiyiin ingiriis iyo maraykan ah, iyaga oo uruurinaayey xogta ugu dhaw ee lagu soo qaban karo Osama Binladen ee gacanta loogu gelin lahaa dalka maraykanka.

Todobaadka soo socda waxaan ka hadli doona Weeraradii uu Madaxweyne Bush la beegsaday Waddanka Afghanistan iyo dagaalkii uu la gallay ururka Taliban, henjabadahii aan joogsiga lahayn ee ururka alqaacida iyo ka tuuritaankii xukunka afghanistan maamulkii taliban.

KULAABO QAYBTA 1aad...

LA SOCO TODOBAADKA SOO SOCDA HADDII ALLA IDMO.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 20, 2004

Akhri::: Musharax John Forbes Kerry

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD