SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QAYBTII 1aad: WAA KUMA MADAXWEYNE GEORGE WALKER BUSH:

Sidaan hore u ballan qaaday qoraaladii Hore ee aan ka sameeyey Musharax John Forbes Kerry ee xisbiga dimuqraadiga ee dalka maraykanka sannadka 2004, waxaan todobaadkan ku soo qaadan doona taariikh nololeedka Madaxweynaha 43-aad ee dalka maraykanka George Walker Bush, todobaadkan waxaan ku samayn doona horu-dhac guud oo ka hadlaya taariikhdii George Bush, Waxbarashadiisi, Qoyskiisa, iyo weliba ku biiritaankiisi ciidamada ilaalada cirka ee gobolka Taxes.

WAA KUMA GEORGE WALKER BUSH: MADAXWEYNAHA 43-aad EE DALKA MARAYKANKA AHNA MUSHARAXA MADAXTINIMO EE XISBIGA JAMHUURIGA EE DALKA MARAYKANKA SANNADKA 2004

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

 

George Walker Bush Wuxuu ku dhashay Magaalada New Haven ee gobolka Connecticut 6 July 1946-kii , wuxuuna ahaa wiilkii ugu weyna ama ugu horeeyey ee qoyska George H. Bush iyo Barbara Bush, George W. Bush yaraantiisi wuxuu ku soo koray Magaalooyinka Midland iyo Houston ee gobolka Taxes, George wuxuu la dhashay afar caruur ah oo isaga ka yar oo kala ah Jeb Bush, Neil Bush, Marvin Bush iyo Dorothy Bush oo geeriyootay iyada oo seddex jir ah.

George W. Bush

Madaxweyne George W. Bush

George W. Bush wuxuu ka dhashay qoys siyaasadda dalka maraykanka aad uga caan ah,Isaga oo Aabahii noqday Madaxweynahii 41-aad ee gobolada Midoobay ee ameerica, yaraantiisi wuxuu aad u ciyaari jiray kubadda maraykanka ee Rugby iyo Baseball, isaga oo u safan jiray kooxda ciyaartooyga akaadamiyadda Philips, waxaana saaxiibada George Bush waagaasi ku qeexeen inuu ahaa ciyaartoy aad u dheereya, inkasta oo aanu lahayn itaal awoodeed xagga dhismaha jidhka ah

WAXBARASHADA GEORGE BUSH

George Walker Bush sida Aabahii George H. Bush ayuu dhamaystay Kuuliyadda Philips intii u dhexaysay sannadahii 1961-kii ilaa 1964-kii, wuxuu George ka qaatay shahaadada Degree cilmiga Taariikhda Jaamacadda Yale sannadkii 1968-kii, intii uu joogay Jaamacadda yale wuxuu noqday Gudoomiyaha ururka ugu caansan Jaamacadda Yale, oo magaciisa la yidhaahdo Delta Kapa Episilon, isla markii uu dhamaystay Jaamacadda yale, George wuxuu iska diiwaan-geliyey ciidamada Cirka ee dalka maraykanka (The U.S AIR-FORCE)

Wuxuuna ku biiray ciidamada ilaalalada cirka ee gobolka Taxes (Taxes Air National Guard) Sannadkii 1970-kii George wuxuu dhamaystay Tababar ay ciidamada cirka ee maraykanku siiyeen oo ahaa duuliye sare, (pilot F-10 Delta Dagger Certification), muddo laba sanadood ah ka dib sannadkii 1972-kii George Bush waxaa loo dalacay inuu noqdo Sarkaal ciidamada Cirka ee gobolka Taxes (Lieutenant Air Force officer).

Sannadkii 1973-kii Ayuu George Walker Bush ku biiray iskuulka dhaqaalaha ee Harvard (Harvard Medical School), wuxuuna ka qaatay Shahaado Sare cilmiga maaraynta Ganacsiga (Master of Business Administration) Sannadkii 1975-kii.

George Walker Bush waa Madaxweynaha keliya ee soo maray taariikhda dalka maraykanka ee haysta shahaado sare (Master Degree.)

WAAYAHII GEORGE BUSH IYO WAKHTIGII ILAALADA CIIDAMADA CIRKA EE GOBOLKA TAXES

Sannadkii 1972-kii ayaa waxaa loo damaanad qaaday George W. Bush in loo wareejiyo Gobolka Alabama si uu uga noqdo Madaxa sare ee ololaha Senator-kii waagaasi u mataalaayey gobolka Alabama golaha Senate ka maraykanka Senator Winton M. Blount, wakhtigaasi Geoge W. Bush wuxuu ka habsaamay imtixanaad xagga caafimaadka ah oo looga baahna inuu ku qaato Shahaadada Duuliye Sare, ka dibna waxaa si toos ah looga fadhiisiyey shaqadii Hawsha ilaalada cirka ee gobolka Taxes 1 October 1973-kii, George waxaa la soo darsay niyad jab balaadhan oo ka soo gaadhay higsashadiisii ciidamada cirka ee waddanka Maraykanka, Warar kale oo muran badan dhaliyey oo ay ku muransanyahiin ilaa wakhtigani Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiinta iyo weliba kuwa Madaxa banaan ee ku jira Golayaasha Qaranka dalka maraykanka ayaa sheegaya in George Walker Bush Aabahii George H. Bush uu wiilkiisa u sameeyey sababo aan waaqac ahayn si uu uga dadbo inaanu ka qayb qaadan dagaalkii uu maraykanku kula jiray waddanka Veitnam, waagaasi oo Madaxweyne Nixon soo saaray ajandayaal qeexaayey inaan ciidamada ilaalooyinka cirka ee gobolada maraykanka oo dhan aan loo diri doonin dagaalkii Veitnam, iyada oo siyaasiyiinta George Bush ka soo horjeeda hadda ku eedeyaan inuu mar marsiyo wakhtigaasi ka dhigtay si aanu ugu biirin dagaalkaasi waaga ka socday dalka vietnam, Sannadkii 2000 wakhtigaasi oo ahayd markii George W. Bush uu u tartamaayey Madaxtinimada dalka maraykanka ayaa hogaamiyahii xisbiga dimuqraadiga ee golaha senateka Terry McAuliffe, wuxuu ku eedyey Geoge Bush inuu yahay nin saag saag badan ka gallay hawlahii ciidamada ee uu u xil saarna.

George W. Bush in uniform Bush mounts a jet. 

Warbixin ay soo saareen gudida arrimaha siyaasadda axsaabta ee golaha Senate ka maraykanka ayaa xaqiijisay in Rikoodhka liiska George W. Bush ee adeegiisa gobolka Taxes ay ahayd mid sag saag badnayd oo muddooyin badan aanu hawlaha shaqo ka soo xaadirin, balse Jamhuuriyiinta u daacadda ah George W. Bush ayaa daafadeeyey caddaymahasi, waxaanay dhawaan ka soo saareen guriga cad boqolaal waraaqood oo caddaymo u ah Geoge Bush.

GEORGE W. BUSH IYO SOO KORITAANKIISI MASRIXIYADDA SIYAASADDA DALKA MARAYKANKA IYO WAAYAHII GANACSIGA GOBOLKA TAXES

Sannadkii 1978-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee lagu arko George Walker Bush inuu soo koro saaxadda Siyaasadda ee dalka maraykanka, markaasi oo uu u tartamay guriga Congress-ka ee dalka maraykanka isaga oo la tartamaayey Senator-kii waagaasi gobolka Taxes u matalaayey golaha Congress-ka oo ahaa nin dimuqraadi ah Senator Kent Hance, Balse nasiib darro George Bush wuu ku guuldaraystay inuu hanto golaha Congresska, waxaana kaga adkaaday doorashadaasi Senator Hance.

Guul darradii kala soo daristay Bush tartankii golaha Congress-ka wuxuu u xuub siibtay inuu noqdo Ganacsade, wuxuuna sannadkii 1979-kii bilaabay inuu aas aaso shariikad kuwa bansiinka qodo ah, oo uu ka aas-aasay gobolka Taxes shariikadaasi oo magaceeda la odhan jiray Arbusto Energy and Oil Gas Exploration, kelmadda Arbusto oo ah kelmad afka Spanish-ka ah oo macnaheedu yahay Bush ayuu ugu magac darray shariikadiisaasi, wuxuuna ku aas aasay lacag amaah ah oo uu ka qaatay bangiyada gobolka Taxes, balse markii danbe waxaa loo bedelay shariikadaasi magaceeda Bush Oil Exploration Company, waxaana uu George W. Bush shariikadiisaasi ganacsigeeda wadday ilaa sannadkii 1983-kii wuxuuna hawl gallo shaqo ku sameeyey saliido laga qoday Gacanka Tunkin, dalka Venesula, iyo waddamo badan oo carbeed sida waddanka Bahrain, Qatar iyo Sacuudi Arabiya.

Sannadkii 1984-kii ayaa waxaa la soo daristay shariikaddii soo saarka saliida ee George W. Bush "Bush Oil Exploration Co." hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, wuxuuna George ka iibiyey shariikadiisi shariikad kale oo la odhan jiray Spectrum 7, oo iyaduna ahayd mid ka jirtay gobolka taxes oo ku shaqayn jirtay soo saaritaanka Baansiinka, Sannadahii 1986- ilaa 1988-kii ayaa waxaa dalka maraykanka soo food saaray Sixir barar xagga saliida ah, waxaana sallafay dhamaan hantidii Shariikadii Spectrum 7, balse shariikad kale oo iyaduna ah shariikadaha ugu waaweyn dalka maraykanka ayaa iibsatay saamigii Shariikadda Spectrum 7, shariikadaasi oo magaceeda la odhan jiray Harken Energy, George W. Bush wuxuu noqday Gudoomiyaha shariikadaasi Harken Energy, intii uu ahaa gudoomiyaha shariikadda Harken, Waxaa George W. Bush ay ku eedeyeen Gudidii maamulka Sare ee shariikadda Harken energy "The Board of directors" inuu George W. bush iibiyey saami ka mid ah shariikadda isaga oo isticmaalay go'aan uu ku keli ahaa, saamiga uu ka iibiyey George W. Bush shariikadda Harkin waxay ku khasaartay lacag gaadhaysa 23.2$ Milyan oo dollarka maraykanka ah, baadhitaan ay samaysay haayadda baadhitaanka lacagaha la lunsado ee dalka maraykanka ee loo yaqaano Security and Exchange Commission "SEC" ayaa ku eedaysay George Bush inuu isticmaalay talaabo sharci darro ah oo uu ku iibiyey saamiga intaa cadadkiisu yahay, sannadkii 1992-kii ayey haayadda SEC, soo saartay inay sharci darro qaran ahayd talaabada uu qaaday George, balse George Aabahii oo markaasi ahaa Madaxweynaha dalka maraykanka ayaan lagu soo oogin wax danbi ah, sannadkii 1995-kii wakhtigii uu xukunka hayey Madaxweynahii hore Bill Clinton ayaan Haayadda SEC, wax caddayn ah aanay soo hordhigin golaha Senateka ee dalka marayka, ka dib markii gudida golaha senateka u qaabilsan hawlaha maaliyadda iyo xidhiidhka shariikadaha caalamiga ahi ka codsaday SEC inay hor keento caddaymo.

Waxaa kale oo lagu eedeya George Bush wakhtigan xaadirka ah in ragg ganacsato ah oo George Walker Bush Aabahii Senior George H. Bush markii uu ololahii doorashada ku jiray sannadkii 1988-kii ka caawiyey dhinaca dhaqaalaha inuu u u saxeexay iibinta Naadi kubadda Baseball-ka ah iyo dhamaan hantidii uu lahaa naadigaasi, naadigaasi oo ahaa "Taxes Rangers Base ball team" wuxuu George Bush u saxeexay kooxdaasi ganacsatada ah inay iibsan karaan garoonkii iyo dhulkii uu ku fadhiyey naadigaasi, balse gudoomiyahii ganacsatadaasi waagaasi ayaa uu hadda George Walker Bush wuxuu u magacaabay Safiirka dalka maraykanka u fadhiya waddanka Australia ninkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Tom Schiefer.

QOYSKA GEORGE W. BUSH IYO AAMINSANAANTA DIINTIISA

George W. Bush wuxuu guursaday Sannadkii 1977-kii Laura Welch Bush, Sannadkii 1986-kii wuxuu George Bush bedelay Mad-habtiisa hoose ee diinta kiristaanka ee Episcopalian protestant Christianity, wuxuuna u bedelay qayb kale oo ka tirsan mad-habta Protestant-ka oo la ydihaahdo Methodism Protestant Christianity, sababta oo ahayd Gabadhiisa oo aaminsanayd Methodism-ka, George Walker Bush iyo Haweenaydiisa Laura waxay leeyahiin Laba Hablood/Gabdhood oo mataano ah "Twin Sisters" oo la kala yidhaahdo Barbara Bush iyo Jenna Bush, labadaasi hablood ee mataanaha ah oo dhashay sannadkii 1981-kii, Barbara waxay dhamaysatay Jaamacadda Yale sida Aabaheed oo kale, Jenna iyadu waxay dhamaysatay Jaamacadda Taxes oo ku taalla Austin, labada hablood ee ilma George Bush waxay dhamaysteen waxbarashadooda sare bishii May ee sannadkani 2004, George.

Madaxweyne George Walker Bush iyo Haweenaydiisa Laura iyo labadiisa Hablood

Todobaadka Soo socda waxaan ka hadli doona Taariikhdii Siyaasadeed ee Madaxweyne George W. Bush, Waayahiisi Badhaasabnimo ee gobolka Taxes, tartankiisi Madaxtinimo ee sannadkii 2000 ee muranka badan dhalisay, ka dib markii la isku khilaafay sanaadiiqdii cododka ee gobolka Florida, iyo weliba Waayahiisi Siyaasadda Guriga Cad ee dalka maraykanka, Talaabooyinkii Militery ee uu la beegsaday Afghanistan iyo Ciraaq, iyo weliba khibradahii kala soo darsay George W. Bush xeeladahii ururka Alqaacida ee 11 September 2001, markaasi oo adduunka dhamaantii uu ku bararugay daarahii dhaadheera ee Newyork City iyo gurigii Gaashandhiga ee dalka maraykanka "Pentagon" ee dhulka lala simay, iyo kumanaankii qof ee ku naf waayey, waa inoo todobaadka danbe haddii alla idmo ha moogaan.

AKHRI QAYBTA LABAAD..

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 9, 2004

Akhri::: Musharax John Forbes Kerry

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD