Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Afduubay K/Afrika:
Wararka ka imanaya Koonfur afrika ayaa sheegay in gabar
Soomaaliyeed lagu Afduubay dalka Koonfur Afrika.
Sida warku sheegay gabadhan magaceeda waxaa la yiraahdaa
Sacdiyo Axmed Maxamud, waxaana laga afduubay Cape Town), markii afduubku dhacayey waxaa gabadha la
socdey dumaashideed oo magaceeda la yiraahdo Fatuma Cali.
Sid aay werisey hay'adda wararka koonfur Afrika ee
SAPA, markii ay saacaduu ahayd 3:15pm ee shalay ayaa gaari ah nooca
Mitsubishi-Pajero, inta uu nin ka soo degey uu xoog ku jiidey gabadhii
gaarigiina kula cararay. Waxaa wararku sheegeen in ninka gabadha afduubay uu
yahay Soomaali la yiri waxaa laga yaaqaan xaafada gabadha la afduubay,
waaayo waxaa la sheegay in ninkaasi uu rabey in uu gabadhaas guursado
laakiin ay ayadu diidey.
Gabadhan waxa ay ka timid Soomaaliya, waxa ay la noolayd
walaakeed oo magaciisa layiraahdo Moqtar Axmed Maxamud sida uu sheegay
walaalkeeda kale ee Muxyadin Axmed Maxamud oo intaas ku daray in gabadhani
ay wadda dheer oo halis ah usoo martay imaanshaha Koonfur Afrika. Waxana ay
Koonfur Afrika timid bishii July. Muxyadiin waxa uu shegay in uu ka cabsi
qabo in ninkaasi sababta uu u afduubay gabdha ay tahay in uu rabo in uu
Kufsado ganbadha.
Sacdiyo Axmed Maxamud oo ah Gabadha la afduubay da'deedu
waa 20jir, waxaana laga afduubay meel shidaalka laga qaato (gas-staion) oo
ku taal wadada Buffalo Street, halkaas oo ay ayada iyo dumaashideed u
aadeeen in ay telefoon ka dirsadaan. Gabadha la afduubay iyo dumaashideedba
ninka way la harjadeen, qofkii gas-stationka joogeyna wuu ku soo orday si uu
ugu gargaaro, laakiin ma suurto gelin in ninkaas gabadha laga soo rido,
gaarigii ayuuna kula cararay dhankaas iyo wadada Fleet Street.
ISHA:::
http://www.somalitalk.com/news/somalia/
Faafin: SomaliTalk.com | October 3,
2004
SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA:::
Dhibaatada Qaran la'aanta
SomaliTalk.com | September 5, 2004
- 34-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan [Agoosto 2004]
- 16-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Abdikadir Garanage [Agoosto 2004]
- 61-jir lagu Diley Minneapolis:: Marxuum: Abdullahi Dalmar Ali [Agoosto 2004]
- Lix Soomaali ah oo Lagu Diley Nairobi [September 2004]
34-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley K/Afrika
- Sidii ay Tuugadu ku dileen marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan
- Marxuumku wuxuu ifka uga tegey labo carruur ah iyo xaask aoo hadda uur leh
Markey taariikhdu ahayd 25/8/2004 waxaa dalka Koonfur Afrika lagu diley ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Cabdishakuur Sheekh Xasan. Waxaa la dilay abbaaraha duhurnimadii maalintaas. In badan ayaa horaan loo soo weeraray laakiin tiisa un baa dhineed, laakiin wuxuu ahaa nin aad u foojigan qorigiisana keeblayuurur ayuu ahaan jiray. Maalintaa la dilalyay waa la gaaday oo isagoo quraan iska akhrisanaya kaddib salaaddii duhur ayaa la gaaday, xabbaddii koowaad ayaa wadnaha ka haleeshay, laakiin wuu dhaawac-dagaalay oo wuxuu isku dayay in uu isdifaaco, waxaana tacshiirad la isdhaafsanayay mudda 10 daqiiqadood iyo dhawr ah. Kaddib markale ayey rasaas kale ku dhacday lugta ayeyna kaga dhacday, taasina waxey sii jilcisay dhaawicii hore iyo dhiigbax badan oo xigay. Si kastaba ha ahaatee qorigiisu marna ma hakan ilaa uu doorsoomay dhiigbax awgii.
Markuu suuxay tuugadii soo weerartay waa galiwaayeen dukaankiisa oo ahaa mid aad u cammiran. Maxaayeelay waxey u maleeyeen inuu dhufeys ugu jiro, jaanta ayeyna rogeen, waxeyse nafta ku jirtay 30 daqiiqo dhaawicii kowaad kaddib. Waxaa la joogay wiilyar oo uu adeer u ahaa.
Soomaalidii soo yaacday naf kuma soo gaareen, waxaasa aan ka cararin wiilkii yaraa oo madaxa hayay ilaa looga immanayay. Dukaanka waxba lagama qaadanin.
Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan wuxuu ahaa ganacsade mudda dagganaa halkaas. Wuxuu dhashay 17/5/1970, wuxuuna ku dhashay gobolka Ogaadeeniya ee Ethiopia hoostaga. Wuxuu ifka kaga tagay 2 caruur ah. Xaaskiisa Ijaaba Cabdi Digaale ayaa halkaas kula nooleed, haddana waa xaamilo lix bilood ah.
ISHA: Qaraabada marxuumka.
16 Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika:
- Waa qofkii 25aad ee Soomaaliyeed oo lagu Dilo K/Afrika
Bishii la soo dhaafay ee Agoosto waxaa kale oo dalka K/Afrika lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 16-jir. Abdikadir Garanage waxaa la diley 27kii Agoosto 2004. Sida ay werisey ha'yada wararka ee SAPA, wiilkan waxaa la diley asagoo soo booqday dukaan uu leeyahay adeerkiis, waxaana dukaanka ugu soo galay saddex nin oo hubaysan, nimankaas oo markii hore iska dhigay sidii kuwo dukaanka wax ka gadanaya (macaamiil), kaddibna mid ka mid ah ayaa markiiba rasaas furay. Waxaa kale oo la dhaawacay wiilka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Danar Abdul. Waxaa wararku intaas ku dareen in tuugadii dilka geysatey ay dukaankii kala baxsadeen lacag aan cadadkeeda la sheegin. Inta la ogyahay wiilkaasi wuxuu tirada Soomaalida ee lagu diley K/Afrika ka dhigeysaa qofkii 25aad.
ISHA:
SAPA
61-Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis
Markey
taariikhdu ahayd Jimce Agoosto 28, 2004 waxaa magaalada
Minneapolis lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd
61-jir. Inkasta oo aan ninkaas magaciisa si rasmi ah loo shaacin,
hadana warbaahinta Minneapolis waxa ay magaciisa u qoreen in uu
yahay: Abdullahi Dalmar Ali. Waxaa wararku sheegeen in
marxuumka oo madaaxa laga dhaawacay laga helay meel wado ah
(27th avenue south), waxaana uu u geeriyoodey dhaawacaas. Waxaa
wararku intaas ku dareen in ay Booliska magaaladu raadinayaan
ciddii falkaas geysatey. Jariidada StarTribune waxa ay marxuumka
ka qortay in uu ahaa Abbe lahaa saddex wiil, xaaskiisiina ay
kala tageen, waxana uu magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis)
u soo guurey sannadkii hore asagoo ka soo guurey New York,
waxana kale oo uu mar ku noolaa South America. Waxa uu
haystey shahaado jaamacadeed oo ah ganacsiga [accountant],
waxana uu ku hadli jirey Afar Luqadood oo kala ah: Arabic,
Dutch, Somali iyo English.
ISHA: Fox9 & Startribune &
Google News
Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay
Nairobi
Kenyan | Sept 2, 2004
Dad gaaraya lix qofood ayaa Sept 2, 2004 lagu
dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii,kadib
markii ay tuugo soo weerartay goobihii ay daganayeen ee ganacsi, dilkan
waxaa kale oo dadkan laga dhacay lacago,illaa hadda ma jirto mid ka mid ah
tuugaas dilka iyo dhaca gaystay oo la qabtay.
Ganacsataada soomaaliyeed oo aan maanta wax ka
waydiiya waxa ay yeelayaan ayaa ii xaqiiyay in aysan ahayn markii ugu
horeysay oo lagula kaco fal dambiyeed noocan oo kale ah waxayna intaasi ku
dareen in ay sameynayaa shaqo joojin ay kaga cabanayaan Ciidanka Amaanka in
wax lagaga qabto tuugadan dhaca iyo dilka u gaysanaysa.
Inta badan waxaa dad badan shaki kaga jiraa
tuugada iyo booliiska amaanka,waxayna dadku is waydiiyaan sababta loo waayo
gurmad booliis marka ay dhacaan falalkan loona waayo booliiska,boolisku
waxay ay ku eedaynayaan laftooda in aysan soomaalidu soo wargalin xiliga
dhacaas loo gaysanayo. Habeen hore
ayaa laba ka mid ah soomaalida lagu dhaawacay guryahooda,haddana lagu
dawaynayo isbitaalka Kenyatta,waxaa aad u soo badanaya amaan darada
deegaanada soomalidu ku badan iyadoo guud ahaan uu dalka kenya la
ciirciirayo amaan daro iyo musuqmaasuq daran Hay'daha dowladuna ay
mashquulsan yihiin is mucaaradid iyo musuqmaasuq taasna ay dhexda ka saartay
howlihii amaanka ee ummaddu u baahnayd.
Dadkan iima suurta galin inaan helo
magacyadooda oo dhamaystiran balse hadii ay suurta gal noqoto waan idin soo
gaarsiin doonnaa Hadii ALLAHA Awooda lihi ogolaado.
Taxi Wade lagu
diley Seattle:: Feb 2004
Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo
Taxaabay [Minneapolis]
Qofkii
23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa
habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo
ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay
ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38
Jir.
Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo
fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo
Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
GUJI
Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay
gurigiisa oo ku yaala Johannesburg....
GUJI
13/12
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad
aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee.
Warbixinadii
Axmed.Dowlo
|
Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5
Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika
QAREEN
SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa
32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka
"Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA
GUJI... May 11, 2001
MAXKAMADII DILKII SHIDANE.... CANADA
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|