Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Wardheere oo soo saaray baaq nabadeed oo ku jeeda Puntland.

wardheere W A R D H E E R E
Maxamuud Nuur Wardheere
Musharaxii Hore ee Duqa Minneapolis,

Minnesota, USA
mwardere@oakwood.com

August 5, 2002

  Nin Buurni Saa’id ah Wax u Dhintay oo Afar Maqaayadood Dacweeyay
Magaalda New York waxaa si rasmi ah u dacweeyay afar maqaayadood oo ku caan baxay cuntada deg degga nin lagu magcaabo.. GUJI
 

Waxaan ka xumahay warka naxdinta leh ee ka soo yeerayay beryahanba halkaa iyo bari guluf colaadeed oo cusub oo la isu adeegsaday hub culus, dhimasho, dhaawac buuxa isbitaalada Qardho, Garowe, iyo Boosaaso. Waxaad moodaa dadka halkaas isku haysta inay mudo dheer nabad ku jireen oo aysan warba u haynin qasaaraha dagaal iyo inay fududahay in dagaal la bilaabo balse aysan fududayn in la joojiyo tusaale: fiiriya walaalihiina koofureed. Walaalaha colloobay waxaan xusuusin lahaa arrimahan soo socda:

1) Alla ka cabsi iyo rag iska dhicin hadday kula soo gudboonaadaan in Alla ka cabsi la doorto ( Alla ka cabsigu isdifaac waa ogol yahay ee laakiin xadgudubka iyo kibirka ku dhisan jahliga ayuu ka soo horjeedaa sida dagaal qabiil iwm.

2) Waxaa soomaalida caado u noqotay in haddii ay dadyow deris wadaag ahi is diriraan isla markiiba la ilaawo walaaltinimadii, islaanimadii, derisnimadii, xididnimaddi, qaraabonimadii, xigaalonimadii iyo Soomaalinimadiiba. Marka ummadda reer puntland ha xasuustaan inay walaalo yihiin dhankasta oo aanay marnaba kala maarmi karin. 

3) Reer Puntland taariikhda dib ha u jeedaaliyaano waxaan uga jeedaa gobolkaas waqti dheer ayaa la dayacay oo uu dib u dhacsanaa- waxaana u sabab ahaa cadaadiskii dawladdii Soomaaliyeed ee jiri jirtay,Ethiopia SSDF, iyo dadkiisa nasiib wanaag gobolka sanadahan danbe horumarkiisa iyo dhaqaalihiisaba aad ayuu u soo kacay waxaana heerkan gaarsiiyay dadkiisa waayo dal waxaa dhisi kara dadkiisa ayagaana burburin kara. Reer puntland ha kala doortaan inay dadkooda iyo iyo horumarkoodaba gacantooda ku burburiyaan si ula kac ah iyo inay daystaan oo dantooda gartaan.

4) Marnaba yaan loo malaynin gulufkaan colaadeed inuu u dhexeeyo labo nin oo keliya(Abdulahi & Jama) balse dhibaatada ka timaadaa waxay taaban doontaa caruur iyo ciroole rag iyo haween waa haddaan laga hortegin. Marka culimada. boqorada, Isimada, cuqaasha, hogaamiyeyaasha, aqoonyahannada iyo dhammaan waxgaradka gobolka waa inaysan ka quusan nabad raadinta waana inaysan is oran waxba kama qaban karno waana inay soo ceshadaan doorkoodii hogaamiyenimo. 

5) Wuxuu bado dagaalka wuxuu baro ayaa ka sii badan gaar ahaan caruurta oo ayagu ku dayda dadka waawayn bal inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal iyo inay ku dhameeyaan gacan ka hadal. Ogow colaada iyo nacaybka waa lagu talaalaa caruurta.

6) Ugu danbayntii dulqaad iyo isutanaasul ayaa loo baahan yahay iyo in laga fikiro mustaqbalka caruurta- iskuul fiican, biyo nadiif ah, wadooyin fiican, daryeel caafimaad, ganacsi nadiif ah kaasoo dhalin kara shaqooyin badan oo dadka faqriga ka saara.

ILAAHOW UMADDAAN QALBIGOODA ISWAAFAJI.

Mahamoud Wardere

mwardere@oakwood.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: SOMALITALK.COM | August 5, 2002 


WARARKA PUNTLAND 
Wararka maanta ee Puntland waxaa kamida warbixin dagaalkii PL iyo Baaq nabadeed oo kujahan Pl iyo.. GUJI...
DOODFURAN: Side
e u Aragtaa Xalka Puntland 

QORAALADII WARDHEERE

 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOOMAALIDA MINNESOTA
Habeenkii waxbarashada Soomaalida Minnesota ee qabsoomay 29 Maarso 2002. AKHRI.GUJI.... 
Mayor "Iska Sabir Sanadka soo socda ayaad heli doontaa mayor-nimo"
Duqa magaalada Minneapolis oo kula kaftamay musharaxii hore ee magaaladaas, Maxamuud Wardheere
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

Kulan dhexmaray Maamulka Qaxootiga iyo Soomaalida Borlange GUJI.HALKAN

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA

DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 

DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 

DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

MAXAA ISLAAMKU KA YIRI MOWLIIDKA NEBI MUXAMMED (SCW)
[waa cod] ee Ka dhegeyso Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto
 

Jaaliyada Soomaalida Minnesota Xagee Kudambayn Doontaa GUJI.HALKAN ama AKHRI.HALKAN 25/5

Kulankii Galaydh iyo Cadow iyo Soomaalida Minnesota GUJI 

SOMALIA HISTORIC IMAGES
MOGADISHU PAST IMAGES
Check here www.swan.ac.uk
WORLD FACTBOOK
General information about Somalia from the CIA's edition of The World Factbook.
Check here www.cia.gov
ARCHIVE
US. State Departament Information. Report on:
Somalia Human Rights
1999 | 1998 | 1997 | 1996 | 1995 | 1994 | 1993 |
HISTORY OF SOMALI FLAG
Somalia flag was created by Mohammed Awale Liban, to know more Clich here
MAP OF SOMALIA
Map of Somalia (1992)
Click here
University of Texas
SOMALIA PROFILE
Somalia: Country Profile
BY: CountryWatch
Somalia: Country Profile
BY: BBC
SOMALIA LATEST NEWS
Want to know latest news from Somalia Today, click these links: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here www.cybercrime.gov

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.