"Arrintan
argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo),
Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan
waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku
maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo
oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah,
Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah.
Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee
jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa
heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la
hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo
xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda
jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan."
Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr |
Dhegeyso: Dec 8, 05 |
"Waxa
uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya),
laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa
ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo
saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada
midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya).
Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey
safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo
markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la
muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey
falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku
carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira
cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka
Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador
Dr. Elmi Ahmed Duale |
Dhegeyso:: Dec 8, 05 |
"Wadanka
(Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada
caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh
Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada
Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo
sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay
Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay
AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada
ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo
nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa
sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal
bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan
lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP
AKhri Halkan:::: Aug 26,05 |
"Waa
in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka
qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay
saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe
iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan
khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo
professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo
ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda
Islaamiga ah, islamarkaana lataliye xagga
siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee
Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd
talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka
Carnegie Endowment for International Peace
symposium (Washington, D.C.).
GUJI...
|
Kalluumaysatadii
Soomaaliyeed wax lug ah kuma kulahayn Qaraxii
Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd
13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada
ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo
xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn
qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona
dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....
Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale
ay deggan yihiin urur argagixiso?
|
Ma Talyaani iyo Top Cat baa
ii Talinaya
C/Waaxid
C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaa mahad leh. Nabadgelyo
iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ma u baahannahay inaan isu
sharraxno dhibkii iyo addoonsigii uu Talyaanigu ku hayey shacabka Soomaaliyeed
intuu gumeysanayey? Waxaa la isku raacay in Talyaanigu ahaa kuwa ugu liitay
Yurubtii wax gumeysaneysey inkastoo gumeysi gumeysi yahay. Ugu yaraan,
Ingiriiska iyo Faransiisku waxay waddamadii ay gumeysteen ugu tageen dhismayaal
sida jaamacado, iskuulo, isbitaalo, waddooyin iyo magaalooyin qurux badan.
Dhabcan, Soomaalidu uma ogolaan Ingiriiska inuu suu rabo ka yeelo Soomaaliya oo
waa la ogaa sidii Sayidka, Daraawiish iyo gobonnimo-doon badani ula dagaallameen.
Talyaanigu wuxuu na baday waxaa nooga daran wuu na baray. Reer Waqooyigu waxay
nagu dacaayadeeyaan in dhibaatada, heshiis la’aanta iyo xukun-qeybsi la’aanta
heysata Koonfurta Soomaaliya loo tiiriyo Talyaani.
Qof kasta waa la socdaa
xoogaagii dhismayaasha ahaa ee Soomaaliya ka dhisnaa intooda badan waxaa
dhidibbada u taagay Kacaankii 21 Oktoobar. Labo waddo oo Talyaaniga loo tiirsho,
middood iyadoon sanad la gaarin baa ciiddii loo tegay waa tii isku xiri jirtay
Jilib ilaa Buulomareer. Halka Ingiriiska iyo Faransiisku ciidamo u diraan marka
waddamaday gumeysanjireen uu dagaal ka dhaco si ay danahooda u ilaashadaan,
Talyaanigu wuxuu noo soo dhoofshay sun lagu duugo xeebaha iyo barriga
Soomaaliyeed. Waxaa intaas dheer, markii Soomaali badan u qaxday dibadaha,
Talyaanigu wuxuu noqday waddankii ugu soo dhoweyn xumaa qaxootigaas Soomaaliyeed.
Waxaa nooga fiicnaaday Maraykan, Ingiriis, Sweden, Norway, Holland, Denmark,
Finland, Belgium iyo Kuwo kale. Taas ayaa keentay in xitaa Soomaali badan oo
horay Talyaaniga u joogtay ay ka soo huleelaan.
Talyaanigu markuu arkay in
rag badan oo hadda Soomaaliya horkacayaa ay lacag uga qaateen iney waddankeenna
sumeeyaan ayuu gartay ineysan ka xigin geyiga Soomaaliyeed. Marka la yaab ma leh
in la maqlo ergey Talyaani ah oo leh: waa dhammaatay dib-u-heshiisiintii! Sidoo
kale wax fog ma aha in la maqlo maafiyo Maraykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda
Talyaaniga ( Top Cat) oo leh waxaan waardiyeyneynaa badaha Soomaaliyeed! Waxay u
dhowdahay iney rabaan iney ku aasaan sun kale iyagoo meesha ka saaraya doonyaha
Soomaaliyeed ee meelahaas maraya si ay xaqiiqada nooga indhosaabaan.
Marka hadda waxaa fiican in
si fiican loo agaasimo dibad-baxa looga soo horjeedo Talyaaniga ee lagu wado
inuu Muqdisho ka dhaco maalinta Axadda ah haddii Eebbe idmo. Waa arrin soo
dhoweyn muddan, Talyaanigana tusaysa inaan Soomaaliya laga soo dhoweyneyn. Sidoo
kale waxaan aamminsanahay in Talyaanigu uusan Soomaaliya u hadli karin sidoo
kalana loogu dhiibi karin wax hanti ama lacag ah. Haddii Midowga Yurub khasab
nooga dhigaan in la helo cid Yurub ka socota oo Soomaaliya u ol’oleysa, anigu
waxaan soo jeedin lahaa sidii la iga horreeyey iney noqoto Sweden amaba Britain.
Booska ay dagaal-oogayaasha Soomaaliyeed kaga jiraan hogaaminta siyaasadda
adduunka ayuu Talyaanigu uga jiraa waddamada Galbeed iyo Waqooyi Yurub. Waa
waddan ay dilootay musuqmaasuq iyo burcadnimo. Marka qofkii u yeerta waa qof
wadkiisii u yeertay.
Marka waxaa iga yaabiyey dad
Xamar jooga oo leh ma jirto cid ku muddaharaadi karta Talyaaniga! Taloow ma
qaraabo eyna Soomaalida kale la ahayn bey la yihiin? Waxaa la rabaa,
dagaaloogaha ama kooxda ku dhiirrata iney carqaladeeyaan ama waxyeeleeyaan
carruur, haween iyo cirroole Soomaaliyeed oo raba iney muddaharaadaan. Maanta
lama joogo waqtigii inta qof wax iska sameeyo la iska dhuumman jiray. Sidii loo
sawiray burcaddii Soomaaliyeed ee baasuukaha ku riday doontii dalxiiska ayaa dad
badani waxay heystaan kaamarooyin iyo xitaa telefoonada gacanta oo wax sawiraya.
Waxaa intaas dheer in Soomaalidu is taqaan. Marka waxaan u baahannahay, qofka
isagoo u doodaya Talyaani, waxyeeleeya shacab Soomaaliyeed. Marka Ilaahay
idinkii, qoraal iyo afba waan ku taageereynaa dibad-baxaas. Marka waa Tarabuunka
oo laga sheego faragelinta Talyaaniga.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2005
Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Heshiis-badeedkii
DFKMG ee Soomaaliya & Topcat::
|