"Waxaad Soo Ogaatey Soomaalida ha u sheegin..." CAJIIB!!!
Saddexdaas qodob markii aan u sheegay ayuu JEERIN igu yiri hadal Cajiib ah oo aan weli xusuusto, hadalkaas oo ahaa:
"Soomaalida ha u sheegin arrinta aad baaritaanka dheer kusoo ogaatey". Waxaan xusuutaa in uu sii raaciyey
oraahdan af-Ingriisiga ah "Don't share that info to any one..." oo la micne ah oraahda hore ee aan Af-Soomaaliga ku sheegay.
Hadalkaasi maskaxdayda ayuu kusoo noqnoqday.... waxaana halkaas iiga xaqiiqoowdey khiyaanada meesha ku jirta.
Sidaas ayaa "Amway" iigu wardambeysey.
"Amway" oo isu rogtey "Quixtar"...
Muddo ka dib "Amway" waxa ay isu bedeshey "Quixtar". Waxaa xilliyadaas mar u dhow ila soo xiriiray
saaxiibkaygii hore iigu qalqaaliyey "Amway", waa JEERIN iyo mar kale, waxaana aniga iyo
Jeerin mar kale na
dhex maray hadaladan:
JEERIN: Hareeriyoow haddaan kuu waramo "Amway iyo Quixtar wax shaqo ah iskuma leh, labo qaybood ayey kala yihiin".
HAREERI: waa kaa diidey hadalkaas,
JEERIN: Arrintani waa kuu fiican tahay, ma waxaad rabtaa in aad weligaa qof u shaqaysid..
"is that what you want", arrintaan haka harin, waad taajireysaa.....
HAREERI: Jeerin i dhegeyso, arrintan waxaa igaga baxday lacag iyo waqti, waxna kama faa'iidin,
mana rabo in kharash kale igaga baxo.
JEERIN: Aniga ayaa bixinaya $100 doolar ee aad hadda isugu diiwaan gelineysid qaybtan cusub ee "Quixtar".
HAREERI: oo miyaadan xusuusan in aan waagii hore bixiyey $100, waa maxay boqolka cusub iyo diiwaan gelinta cusub.
JEERIN: sow kuuma sheegin in "Amway" iyo "Quixtar" ay kala duwan yihiin, sidaas ayaa loogu baahan yahay diiwan gelin cusub.
Boqolkii doolar ayuu iga bixiyey, shardi waxa uu iiga dhigay in aan dad keeno. Waxana uu yiri: Haddii aad lix lugood yeelatid waad taajiri doontaa -
Lix lugood wuxuu ula jeedaa haddii aad kentid shan qof iyo adiga oo meeshaas ka
adeegta ama wax ka iibsada.
Markii uu bixiyey boqolkii doolar,
waxaa la ii soo diray buug cusub. Markii aan akhriyey waa buug la mid ah kii hore ee "Amway",
keliya magaca ayaa ka duwan, magaca cusubna waa "Quixtar".
- Alticor Inc. waxaa hoos yimaada ama ka
farcama: Amway; Quixtar iyo Access Business Group. Alticor
xarunteedu waxay ku taal gobolka Michigan ee USA. [http://www.alticor.com/]
- Farac: www.amway.com | www.quixtar.com |
www.accessbusinessgroup.com
- Amway waxaa la asaasay sannadkii 1959. Waa
shirkad leh nidaam heerar kala sareeya oo badeecooyinka si toos ah
uga iibisa macamiisha. Waxaa ugu badan oo ay ka hawl gashaa dalal
dibada ka ah Maraykanka, waxa kale oo ay ka hawl gashaa US
Territories, Peurto Rico, Canada,
- Quixtar waxaa hab ganacsi oo ku salaysan in
website wax laga iibsado, waxana la asaasay September 1, 1999.
Quixtar waxa ay toos u iibisaa badeecadaha Alticor, waxana ay
badeecadahaas ka iibisaa macaamiisha dalalka Maraykanka, Peurto Rico
iyo Canada.
- Marka la isku daro Amway iyo Quixtar waxaa
ay ka hawl galaan 80 wadan oo daafaha adduunka ah.
- DAAWO
video:
Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar. Sidoo kale Akhri
Jawaabtii
Quixtar ka bixisay Barnaamijka NBC
-
Haddii aad rabtid in aad
waxbadan ka ogaatid Amway/Alticor/Quixtar AKhri halkan...
[English Version] - waa Websiteka Jaamacadda Carnegie Mellon
University.
|
Xogta sare waxa ay muujineysaa in
"Amway" iyo "Quixtar" ay isku mid yihiin.
Dukumiinti
Maxkamadeed ee la xiriira Amway iyo Quixtar |
|
Markii aan arkay in "Amway" iyo "Quixtar" ay isku mid yihiin, waxaan go'aan saday in aanan waxba
ka iibsan balse aan mar kale tijaabiyo shirarkooda oo dhegeysto waxa ay sheegayaan.
Waxaan ka qayb galay shirarka muddo afar toddobaad ah oo toddobaad kasta hal kulan la qabtay.
Waxaan tegey Hoteel ka mid ah hoteelada Minneapolis oo shirka lagu qabaneyey.


Shirarkaas waxaa ka hadlayey dad ka sheekaynaya guulihii ay ka gaareen "Quixtar", kuwaas oo qaabka ay u hadlayaan uu yahay hab dadka lagu soo xera gelinayo.
Waxaa dadka loogu sheekeynayey in nidaamkani uu yahay mid leh derejooyin (ama garaado) sida
Qalin (Silver), Dahab (Gold), iyo Luul (Diamond).
Garaadahaas oo ku xiran inta qof ee aad keentid iyo alaabada ay ka iibsadaan "Quixtar".
Sheekadii waxa ay iila ekaatay tii aan ku soo khasaaray, waana ka gaws adkaystay, markaan!!!.
Jeerin sidaas ku hari maayo, waa kan mar kale...
Maalintii dambe anagoo meel makhaayad ah joogna ayaa markale ninkii saaxiibkay ahaa
ee ila jeclaa in aan si fudud ku taajiro ee markii hore igu qalqaaliyeey 'Amway', markii dambena iga bixiyey $100 ee diiwaan gelinta "Quixtar", waa Jeerin, ayaa igu yiri bishan waxaa ii soo dhacday lacag dhan $900, oo iiga timid "Quixtar".
Waxaana goobtaas markale nagu dhex martay dooddan:
HAREERI: Jeerinoow waxaad ii sheegtay in ay kuu soo dhacday lacagtaasi hadda, hadaba ma i tusi kartaa jeega lacagtaasi ku qornayd
dacalkiisa dambe.
JEERIN: Ma qof baa waxa u gaarka ah dadka tusa, sow ma ogid in aan Ameerika joogno.
HAREERI: waadba ii sheegtay ee maxaa kuu qarsoon, waxa keliya ee aan rabaa waa cadayn
ku saabsan waxa aad sheegtay, ileyn waad sheegta'e.
Aniga iyo Jeerin oo hadalkii sii wadana ayaa meeshii waxaa noogu yimid ninka Soomaaliga ah ee
reer Minnesota caanka kaga noqday u ololaynta soo xeera gelinta Soomaalida lagu soo xera gelinayo nidaamkan
la sheegay in lagu taajirayo maalmo.
Ninkaas oo ah mid aan har iyo habeen ka seexan ku qancinta Soomaalida uu ku qancinayo "Quixtar".
Waa ninka had iyo jeer kuu sheegayo in uu hadda safar ka yimid ama hada u socdo meelo fogfog oo uu kaga qayb gelayo shirarka Quixtar, oo haddii taladiisa la raaco sidaasna safaro loo galo,
markaas la taajirayo. Waxa uu sheegtaa in uu Soomaalida ugu derejo sareeyo marka laga hadlayo Quixtar.
Ninkaas oo magaciisa hadda loo yaqaan uu yahay "FAATAADHUGLE".
$200,000 oo doolar ayaan saddex sano ku samayn doonaa....
Faataadhugle ayaa markaas sheekadii naga soo dhex galay, waxana uu igu yiri: Haddii aad taladayda raacdid, adiga iska daaye, carruurtaada iyo "qabiilkaaga" ayaa taajiriin noqonaya. Waxana uu intaas ku daray "Haddii aad i maqashid, guusha aad gaartid marka aad aragtid, inta aad ii timaadid ayaad kabahayga boorka ka jafi
doontaa, mahadnaq awgeed.".. CAJIIB!!!. "Waadna i xusi doontaa" ayuu sii raaciyey.
Faataadhugle waxa uu intaas ku daray: "anigu waqti ma hayo, gaar ahaan waqti uma hayo dadka aan dhegeysaneyn waxa aan u sheegayo, sidan ayuuna kelmado Ingriisa ah u tuuray "I Don't have time, I am
busy man." oo uu ula jeedey waqti mahayo oo mashquul ayaan ahay.
Waxana uu intaas ku daray, ma i rumaysaneysaa in aan ka tegey shaqo ay sannadkiiba iga soo geli
jirtey $35,000 doolar
(Can you believe that) ayuu hadalka ku adkeeyey, oo uu ula jeedey taas ma rumaysaneysaa.
Isagoo hadalkiisii sii wata, Faataadhugle, waxa uu yiri: Sannadkan (markaas waxay ahayd sanadkii 2002) waxaan Quixtar ka sameeyey $45,000. Dhammaadka sannadkana waxaan samayn doonaa $50,000.
Sannadka xigana waxaan gaari doonaa $100,000. Saddex sano gudohaadna waxaan samayn doonaa $200,000 doolar (Dabcan saddexda sano wuxuu ula jeedey dhammaadkii 2005.)
Waxaa markaas aniga iyo Faataadhugle na dhex martay dooddan:
HAREERI: i-tus jeegaaga ama mid ka mid ah jeegagaaga nuqulkiisa si aan ugu qanco waxa aad sheegeysid.
FAATAADHUGLE: gax-gax-gax (qosol) - hadalkaas hore ayaa la ii weydiiyey.
HAREERI: iska daa wixii lagu weydiiyey ee aniga i-tus si aan ugu qanco dakhliga aad sheegtay
in uu meeshaas kaa soo galay.
FAATAADHUGLE: jeega koobi aan ka soo sameeyey ma kuu keenaa?
HAREERI: Maya. magaalo ayaan joognaa, waana ognahay in koobiga la macmali karo, ee si aan kuu aamino i-tus jeega dacalkiisa dambe oo rasmi ah ama (originaal ah).
FAATAADHUGLE: Iima muuqato in aad daacad arrinta ka tahay, ama ma tihid "Serious",
oo uu ula jeedey arrintan uma soo jeedid..
Halkaas markii ay sheegadii mareysey ayuu Faataadhugle
is-xanaajiyey, si uu uga galgasho ama uga siibto su'aalahaygii.
Markaan ka tegey ayaan baaritaan kusii sameeyey bal waxa uu sheegayo Faataadhugle waxa ka jira,
waxaana soo ogaadey in isaga deyn loo haysto, oo uusan waxba faraha ku hayn, oo uu dadka sidaas beenta ugula dhex wareegayo.
Waxaan kale oo soo ogaadey in ay jiraan shan nin oo Soomaali ah oo u xil saaran in ay Soomaalida soo xero geliyaan,
been kusoo xera geliyaan, una sheegaan sheeko khiyaali ah.
Waxaana cajiib noqotay in shantaas nin ay yihiin kuwo aan waxba faraha ku hayn.
Mid ka mid ah kuwaas sheegta madaxda ugu saraysa Soomaalida marka la eego derejaada KHIYAALIGA ah
oo watey gaari jajaban ama qanax ah, ayaan ku iri : War ninyohow lacag ayaad sheegeysaa in aad meesha ka samaysid, oo ka taajirtey,
ee maxaad isaga hagaajin weydey ama isaga bedeli weydey gaarigan halista u ah in uu meel cidlo ah kula fariisto.
Waxana uu ku jawaabey, "sidaas dad hore ayaa igula taliyey,
ee hadda ayaan iska soo bedelayaa gaariga, si la iigu arko nin lacag leh" (EEG khiyaano ayuu isku qirayaaye.).
Hindi ayey ku xiran yihiin Soomaalidu...
Waxa kale oo aan soo ogaadey in dhawrka nin ee Soomaalida soo xera gelisa ay kusii xiran yihiin niman Hindi ah (ama ka yimid Qaarada Aasiya).
Waxaana la ii sheegay in inta wax soo xera gelisa xoogaa loo tuuro si aysan u daalin, beentana u sii afuufaan. Inta yar ee la siiyeyna waxaa lagaga
dhameeyaa diyaarad, gaari, safar, hoteel iyo in ay ka adeegtaan Quixtar.
Laajiyiin ayaa u badan dadka lasoo Xero Gelinayo....
Waxa kale oo aan aad ula yaabay marka aad tagtid
shirarka "Quixtar" in dadka ka soo qayb gelaya ay yihiin laajiyiin, sida Soomaali, Hidi, Bakistaaniyiin iwm.
Dabcan dadka dalkaan u dhashayna waa ku jiraan.
Waxaad arkeysaa in xoogga la saarayo qof ku cusub
dalka oo aan wax badan arrintaan kala socon.
Waxa kale oo xoogga la saarayaa qof asxaab badan keeni kara si alaabadii la iibinayey ay suuq u yeelato.
Shalay Millioneer ayuu Sheegtay maantaan Chicago ayuu
Xawaajiga Ku iibiyaa....
Nin Soomaali ah oo aan magaciisa kusoo koobayo "GORGOR" oo ii sheegay in uu barnaamijkaan ku jiri jirey, balse isaga baxay
kaddib markii uu kaga lumay waqti qaali ah, ayaa ii sheegay arrin ka yaabisay, taas oo ahayd:
in nin Bakistaani ah oo ka mid ahaa dadkii ka hadli jirey shirarka Minneapolis ee "Quixtar",
ninkaas oo maalin shirka ka sheegay in uu meeshan ka sameeyey lacag dhan malyan,
oo uu guryo ka iibsaday Gobolka Foloorida oo uu hadda yahay taajir aan lacagtiisu is aqoon.
GORGOR waxa uu yiri: waxaan tegey magaalada Chicago. Waxaana tegey xaafad ay u badan yihiin dukaamada Aasiya,
gaar ahaan Hindida iyo bakistaaniyiinta. Waxaan arkay ninkii sheegayey malaayiinka doolar in uu haysto oo iibinaya
dukaan yar oo lagu gado waxyaabaha xawaajiga ah.
Si aan u hubsado in ninkani yahay kii Minneapolis noogu yimid ee ka hadlaayey barnaamijkii "guulaha
uu gaarey", isla mar ahaantaasna uu leeyahay macdarkan yar, ayaan weydiiyey kaarkiisa ganacsiga, markaas ayuu
ii dhiibey kaarkii. Magacu waa kii aan hore u maqlay ayuu yiri GORGOR.
Waxana uu markaas Gorgor ninkii weydiiyey su'aal ahayd "Weligaa ma tagtay Minnesota",
waxana uu Bakistaanigii ugu jawaabey in uu tago Minnesota.
Nin ku cusub Ameerika oo kuu faaninaya waxaad khasaaradeeda soo aragtay...
Waxaa iigu yaabka badnaa in nin aan aqaan oo magaalada ku cusub in uu ii yimid sannadkii 2005
oo iiga sheekeeyey "sida looga taajirayo Quixtar". Waxaan ninkii ugu jawaabey arrintaan aad sannadkan (2005)
ka hadleysid, waxaan khasaaradeeda soo tijaabiney lix sano ka hor (1999) ee waxba ha is-wareerin,
anigu lacag dambe ku bixin maayo'e. Waxaan ninkaan arrinta ku cusub, oo aan magaciisa kusoo koobayo
SOOBARAARUG, u sheegay in aan arrimahan ku biiray 1999, laakiin aan si rasmi ah faraha ugala baxay kaddib markii aan waqti iyo lacagba ku lumiyey,
oo aanan haba yaraatee waxba ka faa'iidin, aan ka ahayn khibradda aan hadda ku diidayo soo xeragelinta cusub.
Dadka waxaa la baraa Beenta...
Waxyaabaha iga yaabiyey, oo aan arkay intii aan
barnaamijaas kusoo dhex jirey, waxaa ugu yaabka badan waxaa weeye sida fudud ee
dadka loo barayo in ay been sheegaan. Waxaad arkeysaa nin aad ku aqoon jirtey
run-low, oo marka uu barnaamijkaan ku biiro ama xubin ka noqdo, derbiyada la
taagan hadal aan waxba ka jirin, iyo been uu dadka kusoo xera gelinayo.
Adigii Xubin ka Noqotaye Xaaskaagana Shirka Keen...
Markaad u fiirsadid dadka imanaya kulamada iyo shirarka "Amway" ama "Quixtar" waxaa ugu badan dumarka.
Markii aan sii baarayna waxaa la iigu macneeyey in dumarku ay yihiin
kuwa guriga u soo adeega, oo ay tahay in ayaga la abaaro si loogu qanciyo in ay alaabada adeega ah ka dalbadaan "Quixtar".
Waxaa dumarka loogu sheekeeyaa: adigoo gurigaaga jooga ayaa adeeggii aad u baahnayd
halkaas laguugu keenayaa, si fudud oo degdeg ah. Waxaana laga dhaadhiciyaa in dhexda laga saarayo dukaamada lacagta
badan ku darsanaya alaabooyinka.
Waxaa aad u cajaa'ib badan in dadka safraya ama xilliyada dambe kusoo gaaraya shirarka hoteelada
ay u badan yihiin haween. (Qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku eegi doono dumar Soomaaliyeed oo ka qayb galay shirarkaas iyo waxa ay ka yiraahdeen.)
Waxaan aad ula yaabay oo xusuustayda ka bixi weydey marka raggu ay xubin ka noqdaan barnaamijkaas in markiiba la oranayo
"Xaaskaagana keen", si ay xubin uga noqoto, oo shirarka u timaado, si lacagtu idiinku badato.
Hal nin ayaa ka "faa'iidey" kaas oo xirtay "tie"...
Intii aan ku jirey arrimaha "Quixtar" iyo wax ka ogaanshaheeda waxaan arkay hal nin oo ka faa'iidey.
Ninkaas markii uu hawlaha xayaysiinta "Quixtar" ku biiray waxa uu bilaabay in uu xirto "tie"
aan hore loogu aqoon jirin, taas oo uu ula jeedey in dadku u arkaan nin "xariif" ah oo "maal qabeen" ah si uu dadka kale u soo xera geliyo
- Waxaase ka dahsoon in aan "tie" waxba qofka ku kordhin.
Saddexdii aan soo xero Geliyey Xaggee ku
dambeeyeen...
Saddexdii saaxiibaday ahaa ee aan markii hore soo
xero geliyey, waa QUULLE, QUWAAX & QURAC, waxa ay kusii jireen "Amway" ilaa ay
isu bedeshey "Quixtar". Waxa ay yeesheen ama gaareen derejooyin. Waxaa markaas
lagu wareeriyey in ay aadaan safaro, oo had iyo jeer ka qayb galaan shirar.
Mid kamid ah saddexdii saaxiibaday ahaa ayaa muddo ka dib ila soo xiriiray,
waxana uu ii sheegay, in muddo dheer ka bacdi uu iskaga baxay barnaamijkaas -
oo saddexdiiba ay ka baxeen. Waxana uu ii sheegay in uu aad uga xun yahay waqtigii
kaga lumay. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Hareeriyoow markii aad noo
sheegtay in aad ka baxeysid barnaamijkaas waxaan kuu haysaney in aad tahay nin
raba in uu hal maalin ku taajiro, balse waxaa noo xaqiiqowdey in aad maskax
badnayd markii aad arrintaas xilli hore ka hartay. Waxana uu xusay in ay jiraan
dhawr nin oo Soomaali ah oo aad moodid in ay u xil saaran yihiin in ay dadka soo
xero geliyaan.
AKHRI Qaybta 3aad... GUJI >>> [Dumarka Soomaliyeed iyo "Quixtar"...]