Ku xiiirsan Qaybtii 2aad ee uxud
Ciidankii gaalada waxaa sidii
aan soo sheegnayba hoggaamiye guud u ahaa Abuu Sufyaan Ibnu
Xarbi, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Khaalid ibnu
Waliid, dhinaca bidixna Cikrama ibnu Abii-Jahal, ciidankii
lugtana wuxuu madax uga dhigay Safwaan binu Umaya, ciidankii
gammuunleydana Cabdullaahi binu abii Rabbiica. Calanka waxaa
u waday jilibka reer Cabdidaar oo qureysh calanka u wadi
jirey, firna u lahaa, cidna kulama doodi jirin hase yeeshee
Abuu Sufyaan ayaa markan canaantay si ay calanka ugu faro
adeygaan oo wuxuu yiri "reer banii Cabdidaaro, calankayaga
ayaad waddeen maalinkii Badar, waadna aragteen wixii nagu
dhacay, dadkana waxaa lagu jebiyaa calankooda, haddii uu
calankaasi dhaco waa dhacayaan, marka ama calankaas nooga
qayba ama noo daaya annaga ayaa idinka kaafineynee". Reer
banii Cabdidaar inta ay xanaaqeen oo ficiloodeen ayey
dheheen "ma calankayaga ayaannu kuu dhiibnaa?", waad ogan
doontaa berri marka aannu la kulanno waxa aannu samayno".
Abuu Sufyaan si uu
muslimiinta safkooda u kala dhantaalo, wuxuu waraaq u diray
Ansaar, warqadda wuxuu ku lahaa "isu kaaya daaya annaga iyo
ilma adeerradayo, waan idinka tekeynaaye, dagaalkiinnana ma
dooneyno", hase yeeshee Ansaartii Rasuulka SCW oo ahaa rag
uu quluubtooda iiman buuxiyey, si adaga ayey u gu soo
jawaabeen, wax uu kahdayna waa maqashiiyeen. Sidoo kale nin
la oran jirey waagii hore Abuu Caamiri-Raahib, hase ahaatee
uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-fasiq, oo
jaahiligii madax u ahaan jirey Aws, laakiin markuu islaamku
yimid oo Aws islaameen, diidey islaamkii lana colleytamay
Rasuulka SCW, Madiinana ka cararay oo qureysh u tegey, isla
markaana abaabulka dagaalka qayb weyn ka soo qaatay, haddana
la socday, qureyshna ugu sheekeeyey "haddii ay qabiilkaygii
i arkaan way i soo raacayaan". Ayaa markii Uxud la isugu
yimid wuxuu u dhawaaqay tolkiis oo yiri "reer Abuu Caamir
baan ahay", markaas ayey ku dheheen "Alle wanaag il kuuma
saaro faasiqiiyow", markaas ayuu yiri "Allaa i lehe tolkay
belo ayaa ku dhacday gadaashay".
Halkaas ayuu ku hoogay
ninkaas Abuu Caamir Al-Faasiq, waxa ugu badan oo uu ninkaasi
Ilaahay diintiisa iyo Rasuulka SCW ula colleytamay waxa ay
ahayd isaga oo u arkayey in islaamku xukunkiisii ka qaaday,
sideedana qofku hadduu soo maro xukun jaahili ah way adag
tahay in uu xaqa u hoggaansamo illaa qof Ilaahay u
naraxiistay ma ahane.
Shan iyo tobankii dumarka
ahaa ee la socday ciidanka gaalada iyaguna kaalintooda ayey
dagaalka ka qaadanayeen, waxaana dumarkaas hormood u ahaa
Hinda bintu Cutba, oo ahayd abuu Sufyaan xaaskiisii. Waxay
haweenkaasi dhex marayeen safafka ciidankooda iyagoo heeso
iyo buraanburro ay ku guubaabinayaan ciidankooda tirinaya.
Waxayna lahaayeen iyagoo la hadlayay nimankii calanka waday
ee reer banii Cabdidaar "ilaaliyaashii beledkow xubin walba
garaaca". Sidoo kale ciidankana waxay ku lahaayeen "haddaad
qaabbishaan (dagaalantaan) waan idin marxabaynaynaa,
gogoshana waan idiin goglaynaa, haddii aad jeesataan waa
idin ka tegeynaa, ka tegid aan jacayl ka dambayn".
Labadii ciidan way isku soo
dhawaadeen, dagaalkii ayaana bilowday. Habka uu dagaalku ku
bilowday waxa ahayd: Waxaa soo baxay ninkii waday calanka
gaalada ee reer banii Cabdidaar, magiciisana la oran jirey
Dalxa binu abii Dalxa, ninkaas wuxuu ka mid ahaa raggii ugu
geesisanaa fardooleydii qureysheed, muslimiintuna waxay
ninkaa ku magacaabeen beerkii kooxda (ciidanka).
Ciidankoodii ayuu markaa ka soo dhex baxay ninkaasi isagoo
calankoodii wada, wuxuuna dalbay mubaaraso (banbixid), hase
yeeshee wax yar ayaa laga hakaday, maxaa yeelay wuxuu ahaa
dagaalyahan geesinnimo ku caan baxay. Waxaa markaa ninkaa u
soo baxay Subeyr ibnu Cawaam, oo Nabiga SCW eeddadiis ay
dhashay. Labadii nin foodda ayey is geliyeen, dabadeedna
Subeyr seef ayuu ninkaa uga tuuray rakuubkii uu saarnaa,
ciidda ayuuna afka gashaday isaga oo dhaawac ah, Subeyr ayaa
ka daba tegey oo si fiican qoorta ugu dheereeyey. Rasuulku
SCW markuu arkay sida dhakhsaha ah ee Subeyr ninkaas uga
takhalushay ayuu takbiirsaday, Subeyrna wuu ammaanay,
wuxuuna yiri "Nabi kasta wuxuu lahaa xawaari (ilaaliye
heegan u ah), xawaariyahaygu waa Subeyr".
Dagaalkii ayaa bilaabmay,
wuxuuna intii hore oo dhan dagaalku ku wareegayey calankii
gaalada oo ay iska daba qaadayeen ilma banii Cabdidaar.
Waxaa markii Dhalxa la diley calankoodii qaaday walaalkiis
Cusmaan binu Abii Dhalxa, waxaa ninkaasna si degdeg ah u
dilay Xamsa binu Cabdimudhalib. Ka dib waxaa calankoodii
qaaday walaalkood Abuu Sacad binu abii Dhalxa hase yeeshee
waxaa isna gammuun ku diley Sacad ibnu abii Waqaas, waxaa
kale oo la yiraahday Cali binu abii Dhaalib ayaa u soo baxay
oo dilay. Saddexdaas walaalaha ah markii ay dhinteen waxaa
calankoodii qaaday wiil uu dhalay kii ugu horreeyey oo la
oran jirey Musaafac binu Dhalxa binu abii Dhalxa, waxaa isna
diley Caasim binu Thaabit. Waxaa markaa calankii qaaday kan
la diley walaalkiis, Kulaab binu Dhalxa binu abii Dhalxa,
waxaa isna ka takhallusay Subeyr ibnu Cawaam. Waxaa ku
xigsaday oo calankii qaaday walaalkood Jalaas binu Dhalxa
binu abii Dhalxa, waxaa isna qoorta u dheereeyey Dhalxa ibnu
Cubeydillaah, waxaa kaloo la dhahaa waxaa dilay Caasim binu
Thaabit.
Markii ay is raaceen
lixdaas nin ee reer banii Cabdidaar oo ahaa saddex walaalo
ah iyo midkood saddex uu dhalay, dhammaantoodna ay ku wada
dhinteen calankii gaalada, ayaa waxaa calankoodii qaaday nin
kale oo reer banii Cabdidaar ah oo la oraj jirey Ardha binu
Shuruxbiil, waxaa kaasna diley Cali Abii-dhaalib, waxaa
kaloo la yiraahdaa waxaa dilay Xamsa binu Cabdi Mudhalib. Ka
dib waxaa calankii u qaaday Shureex binu Qaarid, oo isla
reer banii Cabdidaar ah, waxaase insa dilay diley Qasmaan.
Calankii waxaa markan u qaaday abuu Seyd Camar binu
Cabdimanaaf, waxaa isna diley Qasmaan ayaa diley. Waxaa
halkaa ku dhintay 10 nin oo reer banii Cabdidaar ah oo
dhammaantood calanka isaga dambeeyey, nin dambe oo reer
Cabdidaar ahina kuma harin ciidankii qureysh. Markan waxaa
calankii qaaday wiil xabashi ah oo reer Cabdidaar addoon u
ahaa, lana oran jirey Sawaab. Wiilkaas oo aad geesinnimo u
muujiyey, una dagaallamay ilaa labadiisa gacmood la gooyey,
ka dibna qoorta iyo xabadka ku qabsaday calankii si aan
calanku dhulka ugu dhicin, isna waa laga takhlusay isagoo
leh "Ilaahow ma cudurdaaray", taas oo uu ula jeedo intii
karaankiis ah in uu dadaalay. Wiilkaas markii la dilay, ka
dib calankii gaalada dhulka ayuu ku dhacay, qof dambena kor
uma uusan qaadin. Inta calankaas lagu dagaallamayey dagaalku
dhinacyada kalena waa uu ka socday, muslimiintuna waxay
muujiyeen wacdaro ilaa safafki gaaladu kala jajabeen,
waxaanu muslimiinta shicaar (halku dheg) u ahayd oo ay ku
dhawaaqayeen kalimadda ah AMIT, (dhimo), oo calaamad u ahayd
dagaalkaas Uxud.
Ninkii ahaa Abuu Dujaana oo
watay seeftii uu Rasuulku SCW siiyey, maradii caseyd ayuu
madaxa ku xirtay, ka dibna wuxuu dhexjiirey ciidamadii
gaalada ninkii ka horyimaaddana wuu dilayey. Subeyr binu
Cawaam ayaa wuxuu yiri "Rasuulka SCW ayaan seefta weydiistay
intuusan Abuu Dujaana siin ka hor, markaas ayuu ii diidey,
ka dibna Abuu Dujaana yuu siiyey. Markaasaan nafsaddayda
iska iri "aniga oo eeddadiis i dhashay, oo weydiistey seefta,
ayuu ii diidey oo Abuu Dujaana siiyey, Ilaah baan ku
dhaartaye waan fiirin wuxuu sameeyo (Abuu Dujaana)", markaas
ayaan daba kacay. Wuxuu la soo baxay maradii guduudnayd,
madaxa ayuuna ku xirtay, Ansaar ayaa markaa tiri "Abuu
Dujaana waxa uu la soo baxay maradii dhimashada", ka dibna
wuu baxay oo ciidankii ayuu dhex qaaday. Wuxuu yiri Subeyr
oo hadalkiisii wata Abuu Dujaana nin lama uusan kulmayn
illaa wuu dilayey. Gaaladana waxaa ku jirey nin aan dhaawac
nooga tegin ilaa uu dilo maahane. Ka dib ninkaa iyo Abuu
Dujaana ayaa isku dhowaaday, markaas ayaan Alle ka baryey in
ay iska hor yimaadaan. Allaahna waa iska hor keenay oo labo
seefood ayaa la is dhaafsaday, Abuu Dujaana ayaa markaa
intuu seeftii gaalka gaashaanka isaga dhigay, seef kale u
daba mariyey oo halkaas ku dilay. Safafkii gaalada ayuu sii
dhex jiirey ilaa uu gdaal ka tegey oo uu la kulmay naagtii
hormuudka u ahayd hawennkii gaalada, Hinda, isaga oo aan
garanayn. Seefta ayuu dusha ka saaray haddana waa ka daayey.
Waxaan markaa iri "Alle iyo Rasuulkiisa SCW ayaa wax og".
Wuxuu yiri Abuu Dujaana "waxaan arkay qof dafka aad u
guudbaabinaya, markaas ayaa u tegey. Markii aan seeftii kor
ugu baacshey ayaan arkay in ay haween tahay, markaas ayaan
ka sharfay seefta Rasuulka SCW in aan haween ku dilo".
Sidoo kale raggii iyaguna
maalintaas wacdaraha muujiyey waxaa ka mid ahaa Xamsa binu
Cabdimudhilib, oo aad gaalada u hoojiyey, kuna shahiiday
dagaalkaas. Waxaa uu yiri Waxshi binu Xarbi, oo ahaa ninkii
Xamsa diley, isagooka sheekeynaya siduu Xamsa u diley "waxaan
addoon u ahaa Jubeyr binu Mudhcim, oo adeerkiis Dhuceyma
lagu diley Badar. Haddaba markii ay qureysh dagaalka Uxud
soo aadeysey ayaa waxa uu igu yiri "haddaad adeerkay u diho
Maxammed adeerkiis Xamsa, xor baad tahay". Ciidankii baan
markaas soo raacay, waxaana ahaa nin xabashi ah oo shiishka
aad u yaqaanna. Markii dagaalkii Uxud bilowday oo
ciidammadii kulmeen waxaan anigu fiirsanayey Xamsa ilaa aan
markii dambe ciidanka dhexdiisa ka arkay isagoo oo aad
mooddo awr, Ilaah baan ku dhaartaye waan ka baqay in aan
aado, sidaa darteed waxa aan isku qariyey geed si uu iigu
soo dhowaado. Waxaa iiga hormaray Subaac binu Cabdulcuse,
Xamsa ayaa arkay oo ku yiri "kaalay ina buuryagoyseedow" (ninkaas
hooyadiis ayaa ciyaalka gudi jirtey). Xamsa hal mar ayuu ku
dhuftay seefta Subaac, madixiisii ayaa markaa kala daatay.
Ka dib waxa aan diyaarsaday leebkaygii, markii aan si fiican
u hubsadayna waan sii daayey, wuxuu markaa uga dhacay
gumaarka, wuxuuna ka baxay (leebkii) labada lugood dhexdooda.
Dhinacayga ayuu markaa u soo dhaqaaqay hase yeeshee waa
miyir doorsoomay waana dhacay. Anigu kalama soo bixin
leebkaygii gadaal isaga laabtay oo meel ayaan iska fariistay,
cid kalena dan kama aanan lahayn, isagana waaxaan u dilay si
la ii xoreeyo. Markaan Makka tegeyna waa la i xoreeyey". Ugu
dambayntii gadaal ayuu Waxshi ka islaamay, wuxuuna ka qayb
qaatay jihaadyo badan, wuxuuna diley ninkii nabinnimada
sheegtey ee Rasuulku SCW u bixiyey Musaylamatul-kadaab.
Sidoo kale dadkii maalinka
aadka u dagaallamay waxaa ka mid ahaa Xandhala ilaa uu ka
sigay oo ka dili gaaray hoggaamiyihii ciidanka gaalada Abuu
Sufyaan, oo markii uu seeftii kor ugu qaaday oo damcay in uu
ku dhufto, ayaa waxaa isagii seef ka gaarsiiyey nin
ciidankii gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Shaddaad binu
Aswad, halkaas ayuuna Xandhala ku shahiidey, waxaana dhaqay
malaa'ig oo waxaa loo bixiyey Qasiilul-Malaa'ika. [Akhri
Qaybta 4aad] |